TOBAN SANO KA DIB XAALKEENU SIDEE BUU NOQON DOONAA?

Gobolkan aynu ku nool nahay ee bariga Afrika toban sano ka dib wax weyn baa iska beddeli doona. 2033 tirada dadka reer Kenya waxay noqon doontaa 70 Malyuun, Ethiopia na tirada dadkeedu waxay noqon doontaa 150 Malyuun.

Haddii aan far waa weyn ku faahfaahiyo 10 sano ka dib 100ka qof ee Geeska Afrika ku nool 8 qof oo keli ah baa Soomaali noqon doona! 92ka kalena waxay noqon doonaan dad aan Soomaali ahayn.

Toban sano ka dib haddii aynu sidan aynu maanta u kala daadsanahay u sii kala daadsanaano oo aynaan midoobin, mushkiladaha dowladnimadeena hortaagan oo ay ugu horrayso Al shabaab-na aynaan soo afjarin, shaki badani igagama jiro in wax iska beddeli doonaan maabka iyo khariidadda bariga Afrika.

Xagga aminga iyo dhaqaalaha’ 2040 dunidu waxay noqon doontaa 9 bilyan oo qof, waxaana yaraan doona waxa la quudanayo, waxa suurtagal ah in la isku dilo cunto iyo biyo.

Dal baylah ah oo qani ah haddii uu sidan sii ahaado waa lagu soo duulayaa oo hubaal ah. Carruurteenuna ma heli doonaan meel ay ku noolaadaan weliba waxaaba suurtagal ah in ay is waayaan oo la’ hafiyo.

Qof kasta oo akhriyey barnaamijka cusub ee Neurolink ee lagu horumarinayo maskaxda wuxu arkayaa halka dunidu u socoto, dhowaan waad arkayseen daayeerkii ugu horreeyey ee lagu tijaabiyey barnaamijkaas isaga oo ciyaaraya game, cuntada uu rabana dalbanaya.

Gaas-tii iyo Batroolkii aynu boqolka sano waardiyaha ka ahayn ee soo saaristeeda isku haysanay 10 sano ka dib baahi weyn looma qabi doono, weliba toban sano gudahood nus ka mid ah baabuurta caalamku waxay ku shaqayn doonaan koronto.

Qofka la socda dhismaha magaalada Niyuum ee Gobolka Tabuk ee Sucuudi Areebiya wuxu hayaba wuu dhigayaa, waa magaalo mucjiso lagu tilmaami karo oo hal layn oo dhuuban ah oo dhererkeedu yahay 170km, ballaceeduna yahay 200 oo tallaabo oo keli ah, looguna talo galay in ay ku noolaadaan 9 malyuun oo qof, wax kastaana ay ku shaqaynayaan technology oo aanad xitaa baabuur ku dhex wadan karin ee adeegga aad rabto robots iyo baabuur iyagu is wada guriga kuugu keenayaan.

10 sano kaddib hubku wuu is beddeli doonaa, waxa laga guuri doonaa qoriga AK- ga ah iyo baabuurkan yar ee dashiikuhu saaran yahay, waxaana goobaha dagaalka ku hardami doona askar robots ah iyo diyaarado Drones ah. Askariga robot ka ahi wuxu ka samaysan yahay bir mana dhimanayo waxana hagaya sensor iyo GPS. Toban sano kaddib askariga haysta dowlad xoog ah, dad midaysan iyo aqoon uun baa guulaysan doona. Waxa la isku dilayaana ma noqon doono tamar iyo shiidaal ee wuxu noqon doonaa cunto iyo biyo.

Dunida halkaa maraysa dad-keenu weli waxa ay isu wada haystaan jufooyin iyo qabiillo, waxaanay u kala qaybsan yihiin afkaaro iyo state-yo, waxaanay iska aaminsan yihiin in aanay waxba ka xumayn, laakiin dunidu waxay inoo taqaan ummad yar oo sabool ah oo ku nool geeska ugu dambeeya ee Afrika oo sanad walba abaari ku dhacdo oo la’ caawiyo, maatadoodiina ay ku dayacan tahay dal kasta oo adduunka kamid ah. Waxaana hadda laga tashanayaa in la ina sii caawiyo.

Haddii aan 1990kii qori lahaa maqaal ah Soomaaliya waxa ku soo socda dowlad la’aan ee aan ka hortagno dad badan ayaa ii arki lahaa qof iska hadlaya oo weliba belo sheeg ah, waana sax oo weligeed lama arag qaran dumay, sababta oo ah boqolaal sano culumada siyaasaddu “political scientists” waxay aaminsanaayeen in ay yar tahay fursadda qaran ku dumi karaa.

Waxay aaminsanaayeen maamul, boqortooyo iyo rajiim uun baa dumi kara laakiin qaran dhan in uu dumo aad suurtagal uma aha, waa runtood oo way adkayd in la sawiran karo in sidii qudhac jabay uu qaran dhami u liico.

Laakiin 1991 kii caalamka waxa aynu u horseednay in aan noqonay dalkii ugu horreeyey ee dunidan casriga ah uu ku dhacay dowlad la’aan “state failure”. Hadda state failure wuxu noqday wax la aqbalay oo dhacay, dal walbana ku dhici kara.

10 dal oo qaarkood qani yihiin sida Libya ayaa dumay, Suudaan oo hormuud u ahayd waddamada Afrika ugu aqoon roon ayaaba ugu dambaysay.

33 sano ayaa ka soo wareegtay qaran-jabkeenii, laakiin haddii aynaan qaadin tallaabooyin degdeg ah waxa aynu mar kale dunida bari doonaa cashar cusub oo masiibo ah oo la yidhaahdo “failed nation” oo ah ummaddii duntay ee dunida korkeeda laga waayey qarnigii 21aad”

 

Maanta: Jiritaankeenu halis weyn buu ku jiraa. Waxad mooddaa in halkii dadkeenu isaga soo dhowaan lahaayeen dab la sii kala dhex dhigayo. Degmo degmo iyo tuulo tuulo ayaa loo sii degayaa, qabyaaladduna waxay maraysaa halkii ugu derejo hoosaysay ee ay weligeed gaadho, carruurtii baa ku hadaaqaysa weynaanta iyo burjiga jufadooda hoose.

Laakiin mushkiladda waxan oo dhan u ah aabbe iyo hooyo ee jiritaankeena halista ku ahi waa al Shabaab. Shabaabku waxay noqdeen ma liibaanayaal cadawgeenu ku liibaanay, waxay noqdeen “useful idiots”, waxay shisheeyaha u hayaan shaqo weyn oo ah burburinta dalkeena iyaga oo isu maleeya in ay ku socdaan jid fiican, mana ku socdaan jid fiican.

Waxay la dagaalamayaan dowladnimadeena iyaga oo og in aan cidina dowlad u aqoonsanayn. Aqoonsiga dowladnimo waa jiritaanka nolosha, wax kasta oo adduunka ka socdaa waxay ku socdaan sharci iyo qaynuun caalami ah oo ummaduhu isku wada raaceen in ay ku wada noolaadaan, kuna kala nabad galaan; arrimaha ku shaqeeya qaynuunka caalamiga ah ee aan iskood u shaqayn karin sharci la’aan

waxa kamid ah ganacsiga, isgaadhsiinta, xawaaladaha, diyaaradaha, maraakiibta, hawada, shiidaalka, cuntada, bangiyada, gargaarka, daawada iyo wax kasta oo kaaga yimaadda meel xuduuddaada ka baxsan. Dalkeena wax kasta oo yaalla inta ugu badan waxay laga keenaa dalka dibaddiisa.

Shabaab way ogyihiin in haddii ay yidhaahdaan waxbaan xukumaynaa dunidu xidhan doonto badda, cirka iyo dhulka, kaddibna la waayi doono hal foosto oo shiidaal ah, kaddibna 7 maalmood gudahood koronto la waayayo, Internet la waayayo, cunto la waayayo, kaddibna wax kastaa istaagayaan, dadkuna marka ay gaajoodaan iyaga ku soo qamaamayaan oo nafahooda googoosanaayaan. Iyaga oo intaas oo dhan og haddana waxay rabaan in dalku aanu dowlad yeelan. Iyaga laftooda ayaa u baahan in naftoodana la badbaadiyo’ dalkana laga badbaadiyo.

Haddii dagaalka Shabaab loo midoobi waayo oo dowladnimada la is barbar taagi waayo oo hal saf la noqon waayo, haddii fashil yimaaddo masuuliyaddiisa waxa qaadaya qof kasta oo muwaadin ah oo ay ugu horreeyaan intayada maanta xilka iyo masuuliyadda haysa muxaafid iyo mucaarad ba.

Waxan tahniyad iyo salaan u hibaynayaa ciidamadeena habeen iyo maalin dagaalka kula jira cadawga ee ugu galay god kasta oo ay ku dhuumanayeen iyo dhirtii hawdka ee ay ku hoos jireen. Dhurwaaga haddii aanad ugu gelin dhirta hoosteeda iyo meelaha uu ku dhuumanayo dhashiisa ma soo qaban kartid.

Guuleysta baan leeyahay geeshkayagow, laakiin waxan tebeyaa doorkii gaashaan qaadka magaalooyinka jooga iyo dhalinyarada ku howlan shaqooyinka iyo jaamacadaha, dhalinyaro badani dagaalka ka socda dalka waxa ay u haystaan wax ka fog. Waxan leeyahay dal jacaylku maaha niyaddaada oo fiican ee waa naf hurka aad u samayso dalkaaga.

Ugu dambayn: Waa in aan dowladnimada iyo dhismaheeda is barbar taagnaa oo laga gudbo hebel fashili, maaddaama ay hadda soo muuqatay cabsi wax kasta ka weyn. Dhammaanteen waxa aynu noqonnay “local” ama heer tuulo ee waa in aan ku noqono in aan u fekerno heer qaran.

Sidoo kale dagaalka shabaabka waa in aan u aragno guul ama geeri, iyaga laftoodana runta loo sheego in haddii ay sii wadaan fawdada Soomaali oo dhan la waayayo. Way ogyihiin xaaladda faqriga iyo amni xumada ee ay dadkii Soomaaliyeed badeen oo iyaga ayaabay saamaysay, maantana waa kuwaa tahriibaya carruurtii ay dhaleen madaxda ugu sarraysa Al shabaab ee Costa Rica iyo Latin Ameerika lagu soo qab qabanayo iyaga oo nolol raadis ah.

Bal eeg ummadaha kale ee adduunku farxadda, nabadda, xorriyadda iyo dowladnimada ay haystaan, waynu noqon karnaa sidaas oo kale.

Laakiin haddii aynaan beddelin hab fikirkeena, qarankana badbaadadiisa iyo midnimadiisa isu taagin, xaalkeenuna ku sii socdo jidkan qaraxa iyo qoriga, bal hal daqiiqo indhaha isku qabo oo is weydii; 10 sano kaddib halkee ayaynu joogi doonaa? Muwaadinka Soomaaliyeed na xaalkiisu muxuu noqon doonaa?

WQ: Senator Cismaan Dubbe

XAQIIQDII TAARIIKHDU WAA KEYD AAN DUUGOOBIN

Taariikhdu waa ma guuraan dalkaan wuxuu soomaray heerar kala duwan oo dhib iyo dheefba lahaa.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in wax laga qoro dhacdooyinka isdaba joogga ahaa ee dalkeenna soo maray haddey noqon lahayd kuwooda siyaasadda iyo Kuwa dhaqan.

Waxaa muhiin ah in la kala fahmo taariikhda qofka xun leeyahay iyo midda qofka wanaagsan leeyahay.

Sida badan  hoggaanka dalka iyo goleyaasha siyaasadeed ee ugu waa weyn dalka qodobbada looga baahan yahay in si feejigan u fiiriyaan amase lagu eego indha furan u baahan tallaabo kasta oo la qaadayo, waayo qaar ka mid ah ayaa waxay sameeyeen arrimo keenay qalqal siyaasadeed iyo degenaasho la’aan kuwaasoo dalka iyo dadka burburiyay geliyayna dalka dagaallo sukeeye

Sidoo kale waxay goleyaasha la horyimaadaan damacooda siyaasadeed oo ka hor imaanaya sharcigii lagu heshiiyey ama dastuurka dalka

taasi mar labaad waxay keeni kartaa burbur dowladeed iyo kala aamin bax bulshada isku danta ah ee soomaaliyeed.

Haddaba, dalkeennu wuxuu leeyahay Qoreyaal badan iyo Wargeys qaran oo lagu daabaco ama ay soo sarto Wasaaadda Warfaafintu toddobaadkiiba hal mar kaas oo laga heli karo xogta dalka iyo taariikhda waxyaalka muhiimka ah ee ka dhaca waddankeenna.

Haddaba, ka soo raadi wixii aad uga baahato keydka mugga weyn ee Waaxda Qoraalka iyo Wargeyska dalka waxyaabaha ay ka qoreen guud ahaan saxaafadda dalka iyo wargeysyada oo dhan kuwooda ugu afka dheer uguna waa weyn.

Akhriste hadii aan la helin qoraal tifaftiran dalkeenna waxba lagama ogaanayo waana in la helaa akhris iyo qoraal buuxa oo lagu kalsoon yahay markii aan leeyahay sidaas waxaan uga jeedaa waa dhexdhexaad Wargeyska dalku oo cidna uma hiilliyo waana ka madaxbannaan yahay xisbi koox gaar ah iyo qabiil  qoreyaasha wargeyska waa qoreyaal aad loo xulay oo waddaniyiin ah kuwaaso u bisil waxqabadka dalka iyo dadka.

Dhammaan qoreyaasha dalka sidoo kale waxaa looga baahan yahay inay wax ka qoraan waddaniyadda iyo difaaca dalka waana inay u tanasulaa samaha markii ay hor yimaadaan daruufo adadag isagoo eegaya danta guud, suxufiga wanagsan waxaa lagu gartaa ma eego mana qaato wax sandareerto ah

haddaba qof walba oo wanaag sameeya oo dalkaan wax u gala taariikhdu hakaa qorto wax fiican oo ka qayb gelin kara geesiyaashii kaa horreyey kuwooda ugu wanaagsan

Waxaad arkidoontaan adduunka intaad joogtaan waddooyin badan oo idinka hor muuqanaya ee isku daya inaad qaaddaan tan ugu wanaagsan oo kheyrka iyo liibaantu ku jirto, haku dayanina tuugada iyo kuwa wax horay u boobay oo agtiina guryo waa weyn ka dhisanaya, hana fiirinina kuwa derejo lagu siiyey dhibaato uu ka shakhenayey oo laga laaluushay.

Waddanka hooyo dadkii usoo halgamay maanta maqaam sare ayay dalka ka leeyihiin, qof walbow ku dayo kana tag taariikh ay dadkaada u aayaan kuguna soo xasuustaan sida geesiyaasha daljirrada dahsoon ah iyo kuwa maanta sida aadka ah looga yaqaanno sida Maxamed Cabdulle Xalane oo ah ruuxii isku duubay calanka soomaaliya maalin ay xumeyd oo dagaal lagula jiray itoobiya kaasoo calanka u quuri waayay inuu cadowgu  gacantiisa galo una shahiiday dalka jaceylkiisa, waa lama huraan in la soo wada faago dhammaan taariikhaha qarsoon ee geesiyaasha soomaaliyeed,

haddaba ilaali sharafkaada si aad u hesho taariikho la mid ah amaba ka fiican balse ogoow haddii ay lunto sharaftu dib dambe looma helo, laakiin xoolo waa layska heli karaa

WQ: Cabisalaam Axmed Gabayre

SIDEE KU XOOJIN KARTAA IIMAANKAAGA?

Maqaalkaan waxaan diirada ku saareynaa qodobo aad ku xoojin karto imaankaaga waxaana ka mid ah kuwaan soo socdo.

  1. Tawbada: Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo iyo qaladaad sababtoo ah ma nihin kuwa dhameystiran.

Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana fogaataa in aad dambi sameyso.

  1. Salaada: Tuko Shanta salaadood si joogta ah. Ilaali waqtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada.
  2. Quraanka: Aqri Qur’aanka, Baro macnihiisa, fahan Xikmadaha Alle SWT uu inoogu sheegayo, fuli wax kasta oo Alle ina farayo ee Quraanka ku xusan. Hubi in 24 saac aysan ku dhaafin adigoon Kutubka kala furin oo Quraanka aqrin
  3. Xuska Alle: Bar carabkaaga Dikriga Alle, kuna celceli mar kasta kelmadahan; Subxaan Allaah, Alxamdulilaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha Illa Allaah, Laa Xawla walaa Quwata ilaa Billaah-hil Caliyil Cadiim.
  4. Alle oo la talo saarto: Eebe waa naxariis badane, sidaa darteed waa in aad talo saarataa mar kasta, naxariistiisa aadan ka quusan. Mar kastana aad Kheyr ka rejayso
  5. Ducada: Alle SWT oo aad barido waa mid ka mid ah siyaabaha loo xoojiyo Iimaanka. Alle waa ka jawaabaa duco kasta oo adoonkiisa ka timaada
  6. Cilmiga Diinta oo la barto: Guud ahaan Cilmigu waa nuur, waa fure. Diinta Islaamka oo aad barataa, Quraanka kariimka, Siirada Nabiga iyo Kutubta kale waxay qofka ka saarayaan Jahliga, waxay xoojinayaan qalbigiisa, waxayna ku hogaminayaan in uu kala fahmo xaqa iyo baadilka, iyo in aan la qaldi karin, wadada Allena laga leexin karin
  7. Soonka Sunada ah: Fadli badan ayaa ku sugan soonka sunada ah, qofki awooda in uu soomo Maalmaha Isniinta iyo Khamiista wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan. Rasuulka SCW waxa la waydiiyey Soonka Maalinta Isniinta wuxuu yidhi: waa Maalintii aan dhashay, waxyigana la igu soo dejiyey” “Nebigu SCW wuxuu ahaa mid sooma Isniinta & Khamiista.
  8. Xusuusta Dhimashada iyo Aakhirada: Hadii qofku xusuusan yahay dhimashada iyo Aakhirada wuxuu ogaanayaa macnaha dhabta ah ee Aduunkan loo joogo, wuxuuna ku dedaalayaa raali ahaanshaha Alle iyo in uu u shaqeysto Daarta dambe ee lagu waarayo
  9. Camal Wanaagsan: Ku dedaal in aad joogtayso sameynta camalo iyo ficilo wanaagsan, ilaa ay dabeecad kuu noqoto. Hal camal oo wanaagsan wuxuu kugu hogaamiyaa mid kale oo wanaagsan.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

ISLAAMKU WUXUU INA FARAYAA NABADDA IYO WADA NOOLAANSHAHA

Allaa ayaa mahad idilkeed u sugnaatay, nabad galyo iyo naxriis nabigeena Muxamed dushiisa ha ahaato. intaa ka dib;

Sida lawada ogyahay aadanahu wuu ka cararaa meeshii aysan nabadi ka jirin, si kasta oo ay qiimo ugu lahayd noloshii uu kuhaystay, sidoo kale xayawaanka ayaa ka guura halka lagu waxyeeleeyo barwaaqo kasta oo uu

ku qabay, jamaadaadkuna jiri mayaan haddii ayan helin nabad iyo daryeel, taasina waa wax marag madoonto ah oo ay fahmi karto cidkasta, soomaalidu waa tusaale nool, markii dalkeena bur burka iyo nabad la’aanta ka dhacday wixii dhacay waaba la ogaa ee isagama sheekeynayno.

Sidaas darteed Islaamku muhiimad weyn ayuu siiyey adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxaana la dhihi karaa waxay kamid tahay waajibaadka shareecada sugtay in laxifdiyo.

Islaamku isagaaba nabad galyo ah sida ku cad magaciisa, magacyada Ilahay waxaa kamid ah (Assalaam) oo micnaheedu tahay nabadgalyo, nabi Muxamad(scw) markan kusalinayno waxaa nala faray inaan niraahno (salalahu calayhi wasalim) oo micnaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato, salaadaha markan kabaxno waxa nala faray inaan niraahno (allahuma anta salaam waminka salaam) oo micnaheedu tahay Ilahow adaa nabad ah xagaada ayayna nabadgalyadu katimaadaa, arrimahaas oo dhan haddii aan u fiirsano waxa ay ina tusinayaan martabada ay nabadu islaamku kajoogto iyo qiimaha gaarka ee ay leedahay.

Diinteena suuban ee Islaamka ah waxay nafaraysaa in aan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa oo nabad loogu wada noolaan lahaa taasina ay tahay wajib muqadas ah oo mudan in la dhowro, Alle(sw) waxa uu quraankiisa kariimka ah kuyiri:-

(qofkii u dila qof mumin ah si ulakac ah, abaalkiisu waa jahanamo xaal uu kuwaarayo, ilaahayna waa ucarooday korkiisa wuuna nacladay wuxuuna udiyaarshay cadaab weyn)

waxaa kale oo isla aayadaas mida kahoraysa ilahay kuyiri:-

(sidedaba uma sugnaanin qof mu’min ah inuu dilo mu’min kale ilaa si kama ah mooyee) wuxuu kale oo yiri (kaliya waxa abalkoodu yahay kuwa ladiriraya alle iyo rasuulkiisa oo kufidinaya arlada fasaad in ladilo ama lasalbiyo ama gacmahooda iyo lugahooda isdhaaf loo jaro ama arlada laga masaafuriyo, sidaas ayay waxay ku leyihiin addunyada dulli iyo hoog aakhirana waxay leeyihiin cadaab wayn).

waxaa kaloo yiri rabbi swt:-

“ha dilina naftii alle xarimay in la dilo ilaa inaad xaq ku dishaan mooyee. sidaasaa alle idiin dardaarmayaa ee waxaad mudan tihiin inaad garataan”.

Rasuulka(scw)wuxuu yiri:-

(Muslim waxaa ah qofkii ay dadka kanabad galaan afkiisa iyo adinkiisa mu’mina waxaa ah midka dadka u nabad galiya naftooda iyo maalkooda). wuxuu kaloo rasuulka(scw)yiri:- (Aduunyada oo suusha ayaa ilaahay kala fudud in qof muslim ah ladilo).

Lafdi kale waxa uu ku yiri (kacbada oo loo burburiyo dhagax dhagax ayaa alle kala fudud in qof muslim ah la dilo). wuxuu kale oo yiri rasuulka scw xadiis saxiix ah “Qiimaha qofka muslimka ah ayaa alle kala weyn adduunyada oo suusha”. Wuxuu kaloo rasuulka scw yiri:- (Qofkii dila gaal ay muslimiintu ballan is nabad galin ah kula jiraan galimaayo janada mana urinayo carafteeda waxaana carafteeda laga uriyaa masaafo loosocdo afartan sano).

Wuxuu kale oo suubanuhu yiri:-(Qofku kama suulo in ay diintiisa waasac utahay haddii uusan galin dhiig xaraam ah). wuxuu kale oo yiri:- “Maalinka qiyaame waxaa la keeni kii la dilay oo foodda iyo madaxa jiidaya kii dilay oo ay qawlaladiisu dhiig ka shubmayso, markaasuu oranayaa rabiyoow waa kii idilay ilaa uu carshiga udhaweeyo”

Wuxuu kale oo yiri: “Luqun hadlaysa ayaa naarta jahanama ka soo baxaysa maalinka qiyaame, waxay oranaysaa maanta waxaa la ii wakiishay seddex qolo oo kala ah kuwii dadka qasbi jiray, iyo kuwii ilaahay u shariik yeelay, iyo kuwii dilay naf aan naf kale dilin, inta loosoo wada jamciyo ayay naarta mugdiyaaladeeda hoose ku wada guraysaa”. (Kadhowrsada qofka la dulmiyay habaarkiisa, maxaa yeelay uma dhaxeeyo qofka ladulmiyay habaarkiisa iyo alle xijaab) Riwaayad kale waxay ahayd (ka dhowrsada qofka ladulmiyay habaarkiisa gaalba ha ahaado hadduu doonee).

Nabadgalyadu waa rukni asaasi ah oo muhiim u ah min qof ilaa mujtamac ummadda oo idil, marka waxaan shaki ku jirin jiilka ku barbaara qawaaniintan, aamina oo si dhab ah urumeeya inay liibaanayaan aduun iyo aakhiro kuna naaloonayaan nolol farxad iyo raaxo leh,

waxase nasiib darro ah in maanta markaad muslimiinta ufiirsato in badan oo kamid ah ayan ku dhaqmin kana faa,iidaysanin dastuurkan rabaaniga ah ee damaanad qaadaya badbaadinta basharka iyo bani’aadamka idilkiis,

waxaad arkaysaa meelo badan oo dunida muslimka ah oo ay somaliya kamid tahay in banaysiga dhiiga oo si fudud loo daadsho uu nololmaalmeedka kamid noqday iyadoo si aan kalasooc lahayn maalinkasta umadda maydadkooda loo waro dariiqyada, iyadoon la ogayn kan wax dilay sababta uu u dilay kan ladilayna sababta loo dilay.

Runtii waa musiibo laga anfariiro iyo munkar aan loo garaabi karin mashaqada muslimiinta maanta kuhabsatay, waxaase intaas oo dhan ka daran in faldambiyeedkan aan laga fiirsan iyo fadeexadan ay musliminta maanta nool magaca kula baxeen ay kula soo galgashaan diinta iyagoo utiirinaya in waxa ay falayaan diintu amrayso, sida iyagoo marka qolo qolo kale weerarayso ama koox koox kale la dirirayso ama qabiil qabiil kale kuduulayo qaata magaca mujaahid, mujaahidiin,

xaq udirir iyo wixii lamid ah kuwa kalana ku tilmama inay yihiin daalimiin in ladilo mudan oo dhiigooda banaan yahay.

Waxaa la ogyahay in diinteenu tahay diin saamaxaad, diin cadaaladeed oocaadifad iyo laab lakac ka barax tiran. diinteenu waa mid basharka oo dhan udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol, waa diin aan ogolayn dulmiga iyo jowrka,

waa diin faraysa macruufka, munkarkana reebaysa, waa diin siinaysa qofkastoo xaqleh xaqiisa, waa diin gacanta kudhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasaadiyo, waa diin dadka kaxoraynaysa inay dad kale adoomo u ahaadaan, waa diin kor uqaadaysa qiyamka, karaamada iyo sharafta qofka,

waa diin dhiiri galinaysa horumarka, cilmiga iyo aqoonta, waa diin ladiriraysa jahliga iyo dib udhaca, waa diin doonaysa inay dunida kufaafto cadaaladda, sinaanta, iyo kala dambaynta,

waa diin aan ogolayn in qaanuunka lagu xadgudbo oo dhowraysa xuquuqul insaanka, waa diin ciqaabaysa dulmiilaha sharkiisana kabadbaadinaysa umadda.

Run ahaantii maanta hab-dhaqanka dad badan oo muslimiinta ka mid ah ee ku salaysan nacaybka waa mid ka fog diinta ay sheganayaan waana kan sababay cadaawada weyn ee loo qaaday iyaga iyo diintoodaba, halkii ay awal kadhici jirtay in qaab dhaqameedkii muslimiintii hore oo kali ah ay ku soo islaami jireen mujtamacaad dhan oo malaayiin ah, sida ay sheegeen dadka taariikhda islaamka ukuur gala ee loo yaqaano mu,arikhiinta badankood.

Taariikhdu waxa ay marag katahay in inta islaamka ku gaaray sida nabadgalyada ah in la eg uusan ku gaarin seefta tiiyo la ogyahay dhulalka islaamka kufurtay jihaadka xitaa uusan marna ka dhicin cid lagu jujuubay diinta ee ay iyaga iskood si akhtiyaari ah uqaateen mabaadi’da islaamka ka dib markii ay arkeen inuu oga fiican yahay dastuuradii dulmiga ku salaysnaa ee ay dowladihii laga xoreeyay kula dhaqmi jireen,

sideedana marka aad udhabo gasho hadafka jihaadkii ay dowladaha islaamka ah ku furteen dunida dacaladeeda waxa aad arkaysaa in waxa ay ku duuleen uu ahaa Nidaam dulmi iyo jowr ku salaysnaa ee uusan ahayn waxa ay ku duuleen xorriyad iyo caqiido sida dad badani moodaan, taasina waxa daliil marag madoonto ah ugu filan inan meelihii uu islamku qabsaday marna laga burburin dadkii ahlulkitaabka ahaa meelihii ay wax kucaabudi jireen diintoodiina aan lagu faro galin.

WD: Ibraahim Warsame

ILAALI XUQUUQDA DADKA KALE SI LOO ILAALIYO XUQUUQDAADA

Xuquuqda aadanaha waa damaanad qaad sharuucda caalami ah ee lagu difaacayo lahaansha qof, kooxo ama guud ahaan aadanaha ku nool dunida gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay, haweenka, caruurta, qaxootiga, barakacayaasha, dadka naafada ah, iyo dadka dalka loogu yimidka sida ku qeexan shuruucda, heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga.

 

XUQUUQDA AADANAHA WAXAA LAGU SOO KOOBAA LABO QEYBOOD:

A:- Qeybta 1-aad waa xuquuq uu aadanuhu la dhasho sida :

  • Xaqa xuriyadda asaasiga ah. مقالة عمر بن خطاب رضي الله متى استعبدتم الناس وقد ولدتهم أمعاتهم أحرارا
  • Xaqa karaamada aadanaha. قال تعالى- ولقد كرمنا بني آدم وحملناهم في البر والبحر

 

B:- Qeybta 2-aad waa xuquuq uu aadanuhu ku kasbado sharuucda dalkiisa iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

 

Shuruucda dalka waxaa ka mid ah :

  • shuruucda dalka waxaa ugu horeeya shareecada islaamka.
  • dastuurka dalka oo isna waafaqsan shareecada islaamka.
  • xeerarka kale ee uu baarlamaanku soo saaro.

 

Shuruucda Caalamiga ah waxaa ka mid ah :

  • shuruucda ay soomaaliya qeyb ka tahay
  • heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga ah ee ay soomaaliya qeyb ka tahay
  • shuruucda iyo heshiisyada goboleed ee ay soomaaliya qeyb ka tahay.

 

Hadaba, shuruucda dalka iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee kor ku xusan qof kasta wuxuu ku kasbanayaa inuu ku helo dhamaan xuquuqda ku xusan shuuruucda ee laga ma maarmaanka u ah noloshiisa, sida :

 

xuquuqda waxbarashada, xuquuqda caafimaadka, xuriyada xuriyada, xuquuqda shaqada, xuquuqda nabadda iyo badbaadada iyo xuquuqda kale ee uu aadanuhu baahan yahay, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay in uu sheegto dhamaan xuquuqdaasi,

 

Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta uu ilaaliyo xuquuqda dadka kale si loo ilaaliyo xuquuqdiisa.

 

Waxaa Diyaariyey :

 

             Axmed Cabdi Cumar (Borille)

Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Aadanaha WHHXA

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

YAA WADANI AH?

Waxaan iswaydiiyay Yaa wadani  ah? waxaa isoo baxay jawaabahaan:
1. Qofka Diintiisa, Dadkiisa iyo Dalkiisa wax u qabta ( wax tara).
Dhaqan keenna wanaagsan waxaa ka mid markii Canug dhasho waxaa laguugu hambalyeeyaa; ha noqdo kii dalkiisa , diintiisa iyo dadkiisa anfaca, sidoo kale markii qof masuuliyad loo doorto , waxaa lagu dhaariyaa;  in uu wax u qabto Dalkiisa , Diintiisa iyo Dadkiisa.
2. Murtidii hore waxaa ka mid ahaa  suaal iyo Jawaab:

Maloo dhashaa wadani? Mise waa la iska dhigi karaa wadani?
Waxaay ku jawaabeen: Waa loo dhashaaye wadani, sideebaa l isaga dhigi karaa wadani.
• Anigu waxaan ku darayaa waa loo dhashaa wadani, laakiin waa la iska dhigi karaa wadani ( Marka la barto lana dabaqo wadani nimo).

  • Waxaan ku talin lahaa Waalidka iyo Iskuulada in ay doorka wadani nimo ka qayb qaataan, waana meesha ugu fiican. Waxaana caruurta la barayaa Diintiisa, Dalkiisa iyo Dadkiisa.
    • Waxaan Caruurta yar baraynaa: Diinteenu waa Islaam, Dalkeenu waa Soomaaliya , Dadkeenu waa Soomaali iyo Calankeena.
  • Qabiilka waxaa loogu tala galay in la isku garto, nasabkana lagu ilaaliyo, wixii intaas dhaafsiisan Qabyaaladu waa qurun uraya, Siduu Nabigaynu Calayhi Salaatu Wasalaam noo sheegay.
    • Maanta Xujaajta soo xajinaysa ee ka tegay soomaaliya, aduunku wuxuu u yaqaanaa : Muslimiinta kasoo xajisay Soomaaliya.
  • Anigu Markaan waxbaranayay, Wadankaan joogay waxaa la i oran jiray Arday Soomaliyeed.
    • Waaxaa  ila fiicnaan lahayd in Su’aalahaan la waydiiyo reer falatiin,Muslimiinta reer Barma oo Dalkoodii ,Diintoodii iyo Dadkoodiiba waxa ku dhacaya maalin kasta maqalnaa.
    • Hadaba waa in aan fahannaa xaqiiqada dhabta oo ah: Cimriga kooban , Dhimashada iyo Isasoo saarka Aakhiro.

Isku soo wada duub, wadani waa:( Qofkii dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisaba wixii dhibaya ka gubta, kohda,kana dhiidhiya, wxii sidoo kale u fiican dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisa ku farxa).
F.G. Ogow qofkii QABIIL dartiis la taqtaqeeyow in aakhiro kala carari doontaan, kala bari noqontaan.

SU’AALO
1. Yaa waligiis maqlay, waxaan u dhaaranayaa reer hebel in aan wax u qabto?
2. Yaa maqlay, cunug dhashay oo la o ranayo nooqo kii reer hebel wax tara?
3. Yaa arkay qabyaaliiste meel gaaray qaranka la’aantiis?
4. Hadda la joogo yaa Aduunka ugu wadanisan?
Diyaarin Cabdisalaan sidiiq

WQ: C/salaam M. Yaasiin

WAA MAXAY HIV AIDS?

HIV waxay u taagan tahay fayraska hoos u dhigga difaaca jirka bani’aadamka. HIV wuxuu dhaliyaa AIDS. Cudurka eydhiska waxaa laga soo gaabiyay Acquired Immuno deficiency syndrome (AIDS).

AIDS wuxuu u taagan yahay Astaanta la qaado ee hoos u dhaca difaaca jirka. La qaado micnaheedu waa wax aan layska dhaxlin.

Hoos u dhaca difaaca jirka micnihiisu waa burburka difaaca nidaamka difaaca jirka. Astaanta (syndrome) waxaa loola jeedaa cuduro badan oo laga yaabo inay la xiriiraan cudur kale. Xaaladaan, cudurada ka faa’iideysta nidaamka isdifaaca jirka oo daciifa ayaa loo isticmaalaa in AIDs ku ka mid yahay.

Waxaa aad u daciifa habdhiska difaaca ee qofka waxuuna u nuglaadaa cudurada loo yaqaano fursad sugayaal (opportunistic infections).

Xanuun walbaa waxa uu leeyahay marxalado bilow ah kuwaas oo badanaa saadaaliya in qofkan ku soo food leeyahay xanuunka uu astaamihiisu isku arko, sidaa darteed maaha inaad fudaydsato isbedel walba oo caafimaad oo ku dhaca jidhkaaga, mararka qaar madax xanuun yar ayaa laga yaabaa inuu astaan u yahay xanuun wayn oo aanan waxba laga qaban karin mustaqbalka hadii aana hadda la xakamayn, mar walbana ka hor taggu waxa uu ka wanaagsan yahay is dawaynta.

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa qaar kamida calaamadaha ugu muhiimsan ee qofka fayraskani dhiigiisa ku faafo dareemo marxallada bilowga, badanaa hadii uu tallaabada saxan qaado waxaa laga yaabaa in dib loo dhigo ama la hakiyo xawaaraha uu ku fidiyo fayraskani ama la siiyo dawooyin kor u qaadaya habdhiska difaaca jidhkiisa uguna deeqaysa sannado dheeraad ah inuu sii noolaado.

CALAAMADAHA LAGU ARKO QOFKA.

Dadka qaar ee qaba cudurka eydhiska waxaa laga yaaba in aan wax calaamad ah lagu arkin marka laga reebo hergab joogta ah, qandho, madax xanuun, qanjiro barar.

Maqaarka oo ay nabro ka soo baxaan. Miisaanka qofka oo hoos u dhac weyn ku yimaado (qofka oo caato noqda). Dhiig la’aan joogta ah.

Naqaska oo qofka ku dhago. Matag iyo shuban. Xasuus la’aan saa’id ah.

1- Qandho Qandho lama filaan ah xilliyada qaar waxa laga yaabaa inay tahay hargab fudud laakiin hadii ay soo laalaabato ama si joogto ah aad u dareento waa inaadan waqti lumin oo aad samaysaa baaritaan, waxay ka mid tahay astaamaha ugu waawayn ee bilowga xanuunkan.

2- Daal HIV waxa uu si toosa u saameeya awooddaada u adkaysiga xanuunada waxa uuna yareeyaa heerka tamarta jidhkaaga.

3- Muruq Xanuun Nin muruqu xanuunayo Waxa aad xanuun ka dareentaa is goysyada, lugaha iyo dhabarka oo waxa kugu adkaanaya qabashada hawlaha caadiga ee maalin laha ah.

4- Madax xanuun & Dhuun xanuun Gabadh madaxu xanuunayo Habdhiska iska caabbinta ee jidhkaaga ayaa daciifaya taas ayaa fudaydinaysa in xanuunadu ku soo weeraraan.

Badanaa waxaad cuncun ka dareentaa hunguriga waxaadna leedahay madax xanuun joogto ah maalintii ilaa habeenkii mararka qaar.

5-Dildilaaca maqaarka Maqaarka ayaa afhayeen u ah jirka, Hadii ay maqaarka ka muuqdaan dilidilaacyo cuncun wata waxay tilmaamaysaa inaad xanuunkan dhibane u tahay.

6- Miisaanka oo yaraada Hadii cuntadii aad jeclaan jirtay inaad cunto iska kaa soo xirto jirkaaguna bilaabo inuu lumiyo miisaanka waxay kamid tahay astaamaha HIV.

7- Qufac qalalan Hargab qalalan oo wata dhegdheg ku haraya cunaha waa calaamadaha ugu waawayn ee HIV.

8- Dhididka habeenkii Habeenkii waxaad u rafaadaa sidii aad u heli lahayd hurdo fiican, is rog roggaaga labada dhinac ayaa badan adiga oo ay ku adag tahay neefsashadu, daalkaas badan ee ka dhalanaya waxa uu keenaa dhidid joogto ah heer kul kasta.

9- Ciddiyo jabaya oo aan caafimaad qabin Ciddiyaha qofka ayaa dabca oo billaaba jabitaan sidoo kalana waxay yeeshaan midabka jaallaha.

10- Waxa kugu adkaanaya fahanka iyo u fiirsashada Jirka aan caafimaadka qabin waxa uu kugu hagayaa maskax aan caafimaad qabin, waxaad si joogto ah u dareentaa daal dhinaca maskaxda ah waxaana aad ku adag fadhiisinta maskaxdaada xilliga shaqada.

Astaamahaa aan soo xusnay hadii aad isku aragto latasho dhakhtar inta aadan go’aan qaadan.

Sidee baad u qaadeysaa HIV?

HABKA UU KU GUDBO

  1. In cirbadaha la wadaago: La wadaagida qalabka laysku duro qof qaba HIV.
  2. Galamada: waxaa lagu faafin karaa iyadoo loo galmoodo qof qaba HIV aana la isticmaalin wax kaa ilaaliya. HIV waxaa lagu faafiyaa badanaa galmada aan la isticmaalin kondhom, wadaagida irbadaha laysku duro.
  3. Hooyada qabta HIV inay ilmaha qaadsiiso inta uu uurka ku jiro, markuu dhalanayo ama naas nuujinta. 4. Dhiig ku shubid.

Sidee looga hortagi karaa xanuunkan?

LATACAALIDA CUDURKA.

Ugu horayn cudurkaan waa laga hortagi karaa ka hortaguna wuxuu aad uga fiican yahay daawaynta. Hadaba si aad naftaada uga ilaalisid khatarta xanuunkan dilaaga ah samee sidaan.

  1. Ka fogow isticmaalka irbadaha iyo sakiinta horay loo soo isticmaalay 2. Ha sameen galmo aadan iska hubin qofka aad la samaynaysid. 3. Ka fogow taabashada dhiigaga iyo dheecanaada Dadka kale.                                                                         4. Isticmaal galoofis hadii aad qof dhaawaca ama jiran caawinaysid                                                                    5. Inta badan cudurka eydhiska wax daawo sax ah ma lahan, waxaad siin kartaa daawooyin kaalmaati ah sida -Antiretroviral drug.

WD: C/salaam Maxamed Yaasiin

GEESIGU GASHAN KAMA MAARMO

Haddii aad tahay wiil geesi ah  ama oo rag iyo  haweenba meel  iska saaray hadaana hanti adduunyo ilaahey gacantiisa geliyey, derejo iyo xil qaaday oo laguu doorto mas,uulliyad  waxaad had iyo jeer u baahan tahay shacab ku taageera iyo ciidamo xoog leh si aad u hesho kalsooni buuxda.

qofna ma socon karo taageero la,aan geeddi kasta oo la rarayana wuxuu u baahan yahay sahan iyo ciidan gelbiya, gaadiidka raran iyo maatida xoolo iyo dadba leh

dhanka kale, waddooyinka la marayo ee safarku marayo waa mid ay ku badan  yihiin hareeraheeda nuucyada cadwga oo dhan,  waxayna u baahan tahay in aad ka gaashaamataan si cadowga isaga celiso, cadowgaas faraha badan oo barna  xoolaha kaa dhacayaan kuwana ay nafta halis u yihiin

haddii aad tahay nin siyaasi ah ama ganacsade ah waxaa lagaa doonayaa geesinnimo iyo hal adeyg waxaa kula kulmi kara xaalado aad u qallafsan oo mararka qaar aad necbeysato

sidoo kale, waxaad ogaataan inaad u baahan tihiin taageero badan iyo difaac xooggan marka horena ha qaadina waddo ka mid ah waddooyinka qalloocan ee qataraha lagu maleynayo oo ha naqonnina dad madax adag ama macangag ah oo meel xun u horseeda ummaddooda  si aysan kuu nicin bulshada kula socda

waxaa la marayaa xilligii wada tashiga iyo is fahamka oo adduunku waa ka horumaray  in been lagu adeegto soomaalidu waxay ku maahmaahdaa run iyo ilkaba waa la caddeyaa haddii aad tahay hormuud ummad u taliya ama qof doonaya inuu hoggaamiye noqdo oo loolan siyasadeed ku jira waxaad u baahan tahay taageero shacab iyo mid ciidan awoodleh oo kugu garab taagan howsha guud iyo tan gaarka ahba.

 

sidaas awadeed, geesigu gaashaan kama maarmo ee ogoow ku quuso sidii ama meeshii la dhigay iyo waddadii ay mareen kaligi taliyashii iyo macangag oo dhan

haddii aad maamul u qabato ummadda ha isku noqonnin mid  soomaalida lugooya ee noqo mid horumarkooda ka shaqeeya , dalkaada iyo dadkiisa ayaa gaashaan kuu ah geesiyoow guushaadu waa guri nabd ah ee gaashaan ka dhigo oo wehesho ummaddaada iyo kuwa samaha jecel

WQ: Abwaan gabayre

 

WAALIDOW UBADKAAGA USLUUBTA BAR.

Sida alabka dadka eebbe yahay gabar iyo wiil kii uu yahay haddii uu qofku   asagoo jir ahaan iyo maan ahaan u fayow qaan-gaar noqdo waxa ugu badan ee maskaxdooda ka guuxaahi waa  helidda cid gayaankiisa/keeda ah oo uu nolosha la qeybsado iyo  iskaabulonimada daashatay oo uu ka jiciirto, lamaanenimo iyo maamul reerna ku doorsado.

Hablaha iyo barbaartu way ka simanyihiin doonista iyo danaynta guurka, hayeeshee waxay kula duwanyihiin u madax-banaanta dooqa iyo meel-marka waxay ay maaminayaan ama u qorshaysan oo ay ma-huraanka aayahooda iyo yididiiladooda  u arkaan.

inta badan hiigsiga iyo himilada wiilasho way hir-gashaa oo in talooyin iyo tabo wax toosin ah lagu darsado mooyee waxay ay maaganyihiin  saani lays-kuma hortaago, balse gabdhuhu sidaa way ka gadisanyihiin oo waxaa loola dhaqmaa qaab maquunin iyo macangagnimo ku larantahay oo inta badan rabitaankooda lagu doodsiiyo oo mid aanay u riyaaqsanayna waa lagu dirqiyaa, odhaahdii ahayd “ far duco iyo far habaar mid doorona” hadalka ugu soo gabangabeeyaa.

sidoo kale waxaa suur-gal ah in nin diin ahaan iyo dabci ahaanba u wanaagsan oo milgo iyo gobanimo leh ugu soo geed fariistay oo howraarsan ka filayay uu u diido ama waxyaabo aanu awooddin ku xiro, ka dibna fadeexad iyo gabadhii lala baxsaday ay dhegihiisu maqlaan.

rag aanay waligood il iyo baar saarin oo aad uga da’weyn ama aan baxaalli ahaan ula jaan-qaadi Karin ayaa kol kol aabbahood ku daraa asagoo aan haba yaraatee wax talo ah weydiin, go’aankiisana dan asaga u gaar ah ama waxyaabo kaloo la qurxoonaaday ku salaynaya taasoo keenta is-af-garan-waa iyo  xallisooni-darro  aayaha gabadha hagaas iyo hungow hundhur ku mariiman u horseeda.

waa dhab oo waalid kastaahi waa sidaa maaha oo way jiraan qaar dooqa iyo doonista hablahooda mudnaanta koobaad siiya, mar walbana murugta ka dhowra oo qorshohooda la qaabeeya oo sidii uu inantiisa hiyiga ugu dhisi lahaa u darban.

asagoo aan wax walba ka yeelayn ayuu haddana diidmada qayixan ka ilaaliyaa oo wixii turxaan iyo talo xumo u gayso la toosiyaa, sidii uu wax ula farsamayn lahaa oo waxa dubaaqeeda ka guuxaya iyo doonisteeda la taabo-geliyaa oo taageero iyo gacansiin dhammaystiran ku siiyaa .

duca-qabahaas hablihiisu deganaan iyo niyaayar ayay reeraha ku dhaqdaan, murugo iyo muhashona marnaba ma dareemaan haddiiaanay dac kale wax ka hallaabin oo aanu ninka qabaahi xilo gube ama qorqude muudal ah oo gabadha nolosha u dacareeya noqan.

haddaba waxaa Aabbeyaasha iyo hooyooyinka soomaaliyeed la gudboon inay aayaha ubadkooda gaar ahaan bilcaamaha iyo gashaantimaha u meel dayaan oo wax aanay ku qanacsanayn jajuub ku yeelsiin, wixii halis ku ah oo talo xumo u gaysona ay si xeelad iyo xigmadi ku dheehantahay uga celiyaan.
cudud lagu maquunshiyo
canaan lama amaaninoo
cuqdad waayo raagtiyo
cirib-xumaa laga dhaxlaaye
carruurtaada la saaxiiboo
ayagoon kaala cabsoon
cindhigooda wixii ku jira
caadi ha kuugu sheegeen
WQ: Abwaan Hareeri

 

SIDEED U NOQAN KARTAA MACALLIN GUULAYSTAY.

Barenimadu waxay kamid tahay xirfadaha ugu muhiimsan ee lafdhabarka u ah hormarka iyo baraaraha qofeed iyo midka bulsho ee dal walba, waxaana lagu tiriyaa tiirka ugu mudan ee ay waxbarashadu ku taagantahay.

Ayadoo ay sidaa tahay ayaa haddana waxaa adag in si fudud looga libkeenu oo ay Cid waliba ka soo dhalaasho ama gudato, waxaa’se jira hab-raacyo iyo kasmooyin la baran karo oo macallinka ka kaabi kara inuu xilkan culus si xallad leh uga soo baxo.

Hab-raacayadaa ayaanu qaar ka xusi doonnaa , waxayna qormadeenani si gaar ah ugu socataa barayaasha soomaaliyeed ee dhallinyarada ah ama aan kulliyadda wax barashada ka soo bixin, tababar feecan oo wax-gista la xadhiidhana aan soo qaadan ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare ka howl-gala, hibada wax gudbinta iyo ka dhaacintana leh.
Waxay ku hagaysaa hannaanka wax-gista toolmoon iyo u diyaar-garowga howsha maalin lahaa ee macallinka, waxayna barayaasha da’yar ah ee shaqada ku cusub u tilmaamaysaa hab-raacyo haddii ay maraan guul u horseedi doona.
Ugu horreyn intaanan u galin dulucda qormada oo ah “sida cashar loo qorshaysto” waxaan kula wadaagayaa faa’iidada ay leedahay diyaarinta qorshaynta casharku:
1) waxay baraha ka caawisaa fahmidda ujeedadda casharka iyo hadafka laga leeyahay ee la rabo in ardayda laga dhaadhiciyo.
2) waxay macallinka u fududaysaa xakamaynta fasalka iyo xiiso-gelinta ardayda.
3) baruhu intaanu fasalka soo gelin ayuu sii ogaadaa sida ugu habboon ee uu casharka u sharrixi doono.
4) baraha casharka soo diyaarsaday waa mid isku kalsoon oo dhiirran.
5) diyaarinta casharku waxay macallinka u sahashaa maareynta waqtiga.
6) baraha casharka  soo diyaarsaday asagoo firfircoon ayuu xiisadda galaa, halka macalinka aan wax soo diyaarsani uu si caga-jiid ah xiisadda ku galo.
7) baraha casharku u diyaarsanyahay asagoo ku sii jiridda fasalka sii raba ayay xiisadda ka dhammaataa.
8) macalinka casharku u diyaarsanyahay wuxuu si aan hafasho lahayn uga jawaabi karaa weydiimaha kediska ah ee ardayda weydiiyaan.
9) wuxuu samayn karaa hor-dhac feecan oo ardayda dareenkooda soo jiita.
10) wuxuu sii diyaarsadaa waxyaabaha casharka la xadhiidha oo loo baahanyahay in ardayda si baraatiko ah loo tuso.
SIDEE LOO QORSHEEYAA CASHARKA?.
Qorshaynta casharku waxay u kala baxdaa 3 heer oo kala ah:
1) qorshe  sanadle (scheme of worko)
2) Qorshe  Todobaadle ah.
3) Qorshe maalinle ah.

QORSHE SANADLE AH.
Intaanu iskuulku furmin oo bilaha fasaxa lagu jiro ayuu macallinku sii qorsheystaa dhammaan casharradii uu 36-todobaad ee sanad-dugsiyeedka bixin lahaa, wuxuu isku jaan-gooyaa inta bog oo uu buuggu ka koobanyahay iyo todobaadyada uu haysto.
Tusaale haddii uu buuggu 200 oo page ka koobanyahay wuxuu u qeybinayaa 36-ta todobaad ee sanad-dugsiyeedka: 36/200=0.18 weeks.
QORSHE TODOBAADLE AH.
markii laysku qeybiyo tirada bogagga buugga iyo todobaadyada uu sanad-dugsiyeedku ka koobanyahay waxa ka soo baxa ayaa lagu dhifanayaa cutub/chapter waliba inta bog oo uu ka koobanyahay.
Tusaale  bogagga buuggu waa: 200 page
Sanad-dugsiyeedkuna waa: 36 todobaadle.
Cutubka 1-aad/chapter one: 27 page
Isku qeybi: 36/200= 0.18
27×0.18: 4.86 weeks
Sida natiijada ka muuqata haddii xisaabta jajabka laga saaro chapter haddii uu 27  yahay , 4 todobaad ayuu macalinku ku dhammayn karaa.
QORSHE MAALINLE AH.
Macalinku markuu ogaado cutub walba ama chapter kasta inta todobaad oo uu ku dhammayn karo, wuxuu todobaadyada u sii kala  qeybinayaa maalmaha uu haysto.
Tusaale: haddii ay u soo baxdo inuu chapter 1 ama cutubka 1-aad oo ka  kooban 27 ku dhammayn karto 4 todobaad, wuxuu xisaabinaysaa todobaad walba inta maalmood oo uu xiisadda leedahay, ka dibna tirada guud ee maalmaha 4 todobaadyada ayuu u qeybinayaa 27-ta page ee uu chapter-ku ka koobanyahay.
Waxaan filayaa inay barayaasha soomaaliyeed qormadan wax badan ka korsan doonaan, intii hore u taqaanayna ay xusuusin u noqan doonto oo ay ku dhaqmi doonaan.
WQ: Abwaan Hareeri