Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka taageereysa horumarinta wax-soo-saarka Beeraha

Xubno diblomaasiyiin ah oo ka socda Geeska Afrika,islamarkaana uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada

Xianyang ee Dalka shiinaha ugu qeyb galay shir muhiim ah oo uu soo agaasimay Mudane Zhao Gang oo ah guddoomiyaha gobolka Shaanxi.

Guddoomiye Zhao Gang, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay dhammaan ka soo qaybgalayaasha bandhigga 30-aad ee carwada Beeraha iyo Teknooojiyadda  Shiinaha ee Yangling (CAF) , wuxuuna muujiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay sii ballaariso iskaashiga gobolka Geeska Afrika ee horumarinta wax soo saarka Beeraha.

Danjire Cawaale Kullane ayaa uga  mahadceliyay guddoomiye Zhao Gang soo dhoweyna milgaha iyo sharafta leh ee loo sameeyay isaga iyo wafdiga diblomaasiyiinka geeska Afrika uu hoggaaminayay, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay beeruhu u leeyihiin Geeska Afrika, sidoo kale, waxaanu aad uga mahadceliyay rabitaanka Shiinaha ee ah inay iska kaashadaan arrimahan muhiimka ah.

Kulanka ka dhacay magaalada Shaanxi ayaa ahaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhinaca beeraha ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Geeska Afrika. Waxaana lagu asteeyay shucuur iskaashi, is ixtiraam iyo go’aan laga gaaro wadaagida kheyraadka, wax ka qabashada caqabadaha jiraiyo fursadaha ka jira Geeska Afrika.   

Hay’adda SoDMA oo dowladda Qatar kala wareegtay gargaar mucaawino ah

Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah.

Goobta deeqdaan lagula kala wareegayey waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Qatar u Fadhiya Soomaaliya, mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi,Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda.

Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray.

Wasiirka shaqada XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFD, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla salem alnuaimi .

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan Wasaaradda iyo Dawladda Qatar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka uga xog-waramay dedaallada ay Wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta barashada xirfadaha  bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Safiirka ayaa isaguna dhankiisa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa uga mahad naqay Safiirka soo dhaweynta quruxda badan sido kalena ballan qaaday xoojinta xiriirka.a

   

Talaabo kasta oo looga takhalusayo Shabaabka oo la qaadayo’ (WARBIXIN)

Wali waxaa socda dardargalinta dagaal ee lagula jiro kooxda Khawaarijta ah, islamarkaana ay socda howasha toosinta habaca gala habsami u socodka gulufka lagu ciribtirayo Maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana uu magaacaabistan ku saleeyay sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, Shacab iyo Ciidanba ay maanta hortaallo mas’uuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta, iyadoo uu Xeerkan Madaxweyne uu ku dhaqan-galay shalay oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxay tahay Xogta magacaabista labada taliye?: Magaalada Dhuusamareeb waxaa beryahaanba shirar gaar ah uu la qaatay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Taliyaha xoogga dalka Gen. Ibraahim Sheekh Muxudiin, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saaray xoojinta dagaalka iyo saxidda qalalaadka jiray ee ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyanaha ayaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha xoogga kala hadlay xoojinta dagaalka iyo kala saarista shaqooyinka cid walba ay leedahay, wuxuuna siiyay hoga-tusaaleyn cid walba shaqda ay gooni u leedahay, wuxuuna ka dhageystay talooyinka la xariira wax ka bedelka taliska Ciidamada gaar ahaan ciidanka lugta.

Taliye Dayax ayaa ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka , waxa uuna ahaa taliyaha ciidamada GorGor, isagoo ka horna ahaa abaanduule ka tirsanaa ciidanka koofiya casta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

“Dowladeena Soomaaliyeed in aan garab istagaano, Ciidamadeen in aan garab isgaagno, dadka deegaanka oo soo jeestay oo wacyigooda sidii hore uu ka duwan yahay in la garab istaago waaye,” sida uu yiri guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaair Mudane Yabooh. Deeqdaan uu shalay gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ciidama dowladda ee xilligaan dagaalka kula jira Khawaarijta waxa ay aheyd mid uu maamulka horay u balan qaaday, iyada oo Guddoomiyaha Gobolka uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin garab istaaga Ciidamada.

“Guddoomiyaha gobalka Banaaddir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Sh. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Maddaale” wuxuu joogaa furinta dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab,  ma ahan nin dagaal, balse waa nin abaabul, sidaasi darteed, waxaan qabaa ha laga faa’iideysto fursaddaasi. Wuxuu hormuud u yahay mudanayaal badan oo furimaha hore ee dagaalka ku sii jeeda. Waxaan hubaa haddii Guddoomiye Maddaale uu dego deegaannada Degmada Ruunnirgood mid ka mid ah sida: Nuurdugle, Caddaan-laxeey ama degmada lafteeda in la heli doono kumannaan macaawisleey ah oo naftooda u hura deegaanka, kuwaasi oo intooda badan weli la’ cid ay aaminaan”, sidaasi waxaa SONNA u sheegay mid ka mid dadka dadka deegaanka Ruunnirgood. “Madaxweynihii adiga ku soo magacaabay, islamarkaana mas’uuliyadda Ummadeed kugu aaminay ayaa hortaada furin uga jira, sidaa darteed iima muuqato fursad aad ku dayacdo midda maanta aad heysato deegaankaaguna kaa naawilayo. Nin walboow naftaa, Nabiyoow Ummaddaa ayaa xaalku marayaa e”, ayuu sii raaciyay.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in la go’doomiyay koox ka tirsan maleeshiyada Khawarijta ah ee Shabaabka ee ku sugan deegaanno hoos taga Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi, kadib dagaal halkaasi ka dhacay, waxayna Wararka hordhaca ah ay sheegayaan in koox maleeshiyadaasi ay ka soo gudubtay daanta galbeed ee Webiga Shabeelle, si ay weeraro uga gaystaan waddooyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jalalaqsi, iyadoo Diyaaradaha Dagaalka Drones-ka ay ka qeyb qaateen Weerarka.

Ciidamada ayaa shalay dagaal culus la galay Shabaabka, oo ka dhex dagaalamaya dhulka howdka ee ku teedsan Webiga, iyadoo ay dhimasho badan iyo khasaare dhaawacyo u badan ka dhacey deegaanka, waxayna ku hareersan yihiin ama go’doonsan yihiin godod halkaasi ka qoteen, waxaana u furan tahay hal waddo oo keliya, waana waddada ay Webiga uga tallaabi karaan daanta galbeed ee gobolkaasi, taasina suurtogal uma aha taasina.

Deegaannada ay Khawaariijta muddo ka badan 24 saac ku go.doonsan yihiin ayaa kala ah Ciid ciidka iyo Xuseen barbaar ee Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana lagu sheegay inay meeshaasi tahay dhul howd ah oo ay Maleeshiyaadka Shabaabku gabaad ka dhigan karaan, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah, in laga saarana ay muhiim u tahay xasilloonida labada gobol ee Hiiraan iyo Sahabeelada Dhexe ee Maamul-goboleedka Hirshabelle, waxaana la soo warinayaa in haatan la Qorshaha in Ciidamada ay duleedka Ceelbaraf ka xiraan waddada gasha dhulka howdka iyo midda kale ee tagta Webiga.

NINKII NAAGTIISII TUMAY OO NAFTA KU DHIBI JIRAY

Nin baa reer gabar ka guursaday, markuu laba bilood qabay bey ka carartay markaas baa la waayey meel alaala meel ey aaday,

markaas buu u tegay reerkii uu ka soo guursaday, markaas buu wuxuu yiri gabartii ma aragteen waan waayey, markaas bey waxay yiraahdeen gabadayadii baan kaa rabnaa?

Markaas bey qaalli u dacwoodeen oo waxay yiraahdeen ninkaan gabar buu naga dilay, oo keeneen afar markhaati ah; goortaasaa Qaaligii ku xukumay labaatan sanno.

Labaatankii markuu soo dhammaystay buu gurigiisii yimid, markaas buu wuxuu ku arkay magaalada naagtii loo xiray darteed, markaasuu dilay.

Waxaa dacwad labaad dacweeyey Aabbaheed, markaas buu yiri qaalliyow ninkaanu gabar buu iga dilay, Qaalligii baa wuxuu yiri ma dishay gabadhaas.

Qaalli waan dilay gabadhaas waase tii aad labaatanka sanno igu xirtay hadda ka hor, markaas baa qaalligii yiri dambi ma leh.

WQ: Xasan Yaaquub Baaba raqiis

 

NIN SADDEX DUCO LA SIIYEY

Adduun waa Sheeko iyo Shaahid, Buug uu qoray Qoraaga weyn ee Xasan Yaaquub Baaba Raqiis, ayaan ka soo qaadanay Sheekadan waxayna ku billaabaneysa sidatan:

Nin baa qoraya guran jiray oo miskiin ah saaxibul ciyaalna ah markaas buu qoraya soo gurtay asagoo Sita qoryihii buu daalay oo dhigtay dhulka markaas buu Ilaah baryey oo yiri Ilaahow iga saar faqriga oo khayr isii

markaas buu wuxuu arkay nin tima weyn oo qurux badan oo dharcad qaba markaas buu wuxuu yiri Ilaah waa kaa aqbalay ducadii seddex baana lagu siiyey.

markaas buu miskiinkii nagtiisii u yimid markaas buu wuxuu yiri seddex duco ayaa nala soo siiyey ee maxaan ka dhigana oo aan Ilaah ku barinaa?

waxay tiri In midda u horeysa aniga sannadkeyga waa in lagu yareeya markaas buu yiri Ilaahow 15 jir iiga dhig siddeetan jir weyee markaas baa la yareeyey markaas bay ka carartay oo tiri duq baa tahay.

markaas buu yiri Ilaahow Eey ka dhig markaas bay Eey noqotay, markaas buu carruurtii hayn kari waayey oo warrsaday markaas buu yiri Ilaahow 80 jirkeedii u soo celi seddexdii duco halkaa bay ku dharnmaatay, halkaas ha noo joogto.

WQ: Ooraa Xasan Yaaquub Baaba Raqiis

SHEEKADII NINKII CIRKA WEYNAA

Beri baa nin safar ah u soo hoyday reer meel baadiye ah deggan. Reerkii ayaa sidii dhaqanka wanaagsan ee suuban ee soomaalidii hore ahaa, u sameeyay ninkii martisoor.

Ninkii waxaa loo keenay gogol uu ku nasto, marka uu seexanayana uu ku seexdo. Reerkii ayaa si ay ninkan safarka ah u sooraan ka soo soocay xoolihii ay dhaqanayeen neef dheyla ah oo buuran.

Hilibkii neefka oo dhan ayeey reerkii sifiican u karsheen dabadeedna u keeneen ninkii martida ahaa. Waxaa kale oo loo keenay caano badan oo dambar leh, oo markaa la soo lisay.

Markii cuntada loo keenay ayaa ninkii martida loo ahaa wuxuu doonay faraxal. Intii uu faraxalka ku maqnaa ayuu ninkii martida ahaa cunay wixii hilib iyo soor ahaa, oo kaddibna caanihii isaga dejiyay. Markii uu ninkii martida loo ahaa faraxalkii keenay ayuu arkay raashiinkii oo eber ah.

Sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd soomaalida, waxba ma uusan oran ninkii oo wuu iska aamusay. Ninkii martida loo ahaa intuu fadhiistay ayuu weeydiyay ninkii safarka ahaa meesha uu u socdo. Ninkii safarka ahaa ayaa yiri, waxaan u socdaa magaalada oo waxaan rabaa inaan takhtar u tago.

Ninkii martida loo ahaa ayaa yiri, miyaad xanuunsan tahay. Ninkii safark ahaa ayaa ku warceliyey oo yiri, waxaa iga xiran cuntada oo daawaan doonanayaa. Ninkii baa intuu yaabay, wuxuu ku yiri ninkii martida ahaa ee safarka u socday, waxaan kaa codsanayaa inaadan marka cuntada laguu soo furo aadan isoo marin.

Ninkii martida loo ahaa wuxuu is yiri, ninkan neefkii iyo soortii cunay, caanihii aad ogeydna cabay, marka raashiinka loo soo furo, toloow muxuu cuni doonaa.

Xigasho:Web-Dhugasho.Com

HABAR IYO WIILKEEDA

Beri baa islaan aad u da’wayn oo dhul hawd ah ku nooleed, 1wiil oo ay aad u jecleedna ilma ka dhashay , waxaa kadeeday wiilkeedii oo ahaa mid aad u dhib badan oo mar walba lug-goyn jiray ficilo aanay ku farxin si joogto ah u samayn jiray.
Maalin maalmaha ka mida ayadoo uu qorshuhu yahay ; in barito la hayaamo oo deegaanka oo markaa colaad iyo abaar isku darsaday laga digo-rogto, ayuu 1-kii rati ee uu reerku ku guuri lahaa asagoon kala tashan gowracay oo birta ka aslay.

Markay ogaatay inuu ratigii qalay reerkuna wuxuu bari ku guuro aanu haysan, ayay aad u xanaaqday markaa bay tiri ” maandhow habaar kale kuuma quuree idman alle kabuubyoo” ,isla galabtii ayaa reerihii cadow soo weeraray, dhamaan waa lawada cararay asaguse waa dhaqaaqi waayay oo lug ayuu ka kabaabyoonayay, cadowgii ayaana ka daba yimid meeshii ku dilay.

dulucda sheekadu: waa inaanu habaar waalid yaraan iyo waynan lahayn, loona baahanyahay in waalid mar walba baari loo ahaado oo laga ducaysto.

WQ: Abwaan Hareeri

 

 

Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada sare ee Beeraha Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada sare ee Beeraha iyo teknoloojiyadda Shiinaha (Yangling Agricultural High-tech Fair (CAF) oo lagu qabtay gobolka Shaanxi.

Bandhigan oo soconaya muddo afar maalin ah (Sebtembar 19 ilaa 23) ayaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurnimada sayniska ee kobcinta iyo horumarinta tayada Beeraha.

Waxaana Bandhigan uu ujeedkiisu yahay in lagu soo bandhigo horumarka dhanka Beeraha iyo kobcinta iskaashiga khubarada iyo hogaamiyayaasha warshadaha.

Danjiraha Soomaalliya ee Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane  oo ka qeyb galay madashan ayaa hoosta ka xariiqay in ay Soomaaliy ka go’an tahay xoojinta xiriirka Shiinaha iyo horumarinta beeraha Geeska Afrika.

CAF 2023 waxay bixisaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan horumarinta Beeraha casriga ah iyo hal-abuurka tiknoolajiyada ee kor u qaadi kara sugnaanta cuntada iyo kicinta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

   

WAXAAN MAALIG KUU QORIN MUSUQ HA KU RAADIN.

Dowladdeena gaar ahaan miisaska ay laamaha garsoorku ku shaqeeyaan waxaa si xoog leh uga socda boqolaal dacwadood oo la xariira boob iyo wax isdaba-marin ay shaqsiyaad kala duwani hantida dadweynaha u gaysteen, asii laga war helay oo sharciga la horkeenay, aakhirona xisaab culusi ku sugayso.

Qolyahaas iyo qaar kale oo malahayga aan iimaankoodu fadhin, wax aanay xaq u lahayn inay gacantogaalaystaana u heellan ayaan doonayaa inaan u sharraxo nuxurka erayga “Risaq” oo ah mid aan boob iyo wax isdaba-marin toona lagu hannan karin ee ah wax Eebbaha Qaadirka ihi uu inagoo uurka hooyo ku jirna inoo qoray.

Erayga “Risaq) isir ahaan wuxuu ka soo jeedaa afka carbeed, nuxurkiisuna waa deeq jaad walba leh oo Eebbe inoogu talo-galay inaynu ku noolaanno intaanu arad joogno sida wixii aan cuni lahayn, carruurtaan dhali lahayn,halkii aynu ifka kaga dhaqnaan lahayn, iyo guud ahaan dhib iyo dheef wixii dharaar walba ina soo mari lahaa.

Intaas iyo kuwo aynaan koobi karinba kolkaanu afartan beri uurka hooyo ku jirnay baa laynoo qoray oo addoon Illaahay oo gef ka dhowrsooni dhigane aan weligii baaliyoobin baalkiisa inoogu xarriiqay.

Inkastoo noole kasta Illaahay wax badan ku galaday haddana Dadku aad buu ugu roonaaday oo uunka kale way ka ayaan badanyihiin, maxaa yeelay garaad iyo dhug ay wax ku weelleeyaan baa la siiyay, tubo iyo tillaabooyin haddii raacaan ay barwaaqo iyo beyddi ku mutaysan doonaanna waa loo jideeyay.

Sida ku cad dhaxal tiraabeed suubanihii “NNKH” inaga soo gaadhay cabsida iyo talo-saarashada Alle ayaa kamida waxyaabaha keena in qofka risaqa loo kordhiyo, qur’aankana waxaa muush ka ah aayado tilmaamaya in ciddii Eebbe ka baqda meel aanay ka filayn wax laga siin doono.

Meeris gabay ah oo Abwaan Soomaaliyeed lahaa baa wuxuu ahaa” Rabbi dhowrsanaantuu nimcada soo dhex mariyaa” oo uu ula jeeday ciddii illaahay ku xidhani ay mar walba barwaaqo iyo baraare ku noolaan doonto, wax kastana ay si fudud ku helayso.

Haddaba haddii aad ogtahay in cantuugo biyo ahba Allaha ka dhigee intaad nooshahay wixii aad dhuunta marin lahayd ay qoranyihiin, orod iyo dadaalna aan lagu helin wax aan Eebbe kuugu talo-galin ma daw baad u leedahay inaad dadka muslimka ah dhacdo oo xoolohooda boob iyo baad ku qaadato.

Maankii fayoobi weydiintaan wuxuu kaga war-celinayaa maya maxaa yeelay Illaahay cidna ma qadin oo waxaad maalin kasta jadiiman lahayd waad helaysaa, tubaba iyo siyaabaha rabbi Arsaaqda kuugu kordhinayona waa laguu qeexay oo inaad wax yaroo qof kale gacantiisa ku jira hunguriyayso waa laga habboonyahay.

Ayadoo laga shidaal qaadanayo dulucda maahmaahdii ahayd”calafkaa kuma seegee si xun ha u raadin” waxaa quman in layska daayo cunidda boolida iyo xadidda hantida dad weynaha, sidoo kale qolada dhaca iyo dilka shacabka meheradda ka dhigatay ee moobeelada iyo Aalaba kale sida maalin lahaa u bulshada uga qaataahi waa inay xumaantaa ka waantoobaan.

WQ: Abwaan Hareeri