Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo furay Imtixaan loo gelayo garsoorka dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta furay imtixaan garsooreyaal iyo xeer ilaaliyenimo oo loo qaadanayo maxkamadda gobolka iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay 487 xubnood oo u tartamaya 50 jago oo ka bannaan garsoorka dalka, sida uu sheegay guddoomiye Baashe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Garsoorka iyo caddaaladda ay la mid yihiin jihaadka loogu jiro in dalka lagaga xorreeyo khawaarijta, dadka guuleystana ay kaalintooda ka qaadan doonaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ” Dadka ku soo baxa Imtixaankaan ee ku guuleysta waxaa ay ka qeyb noqon doonaan Jihaadka loogu jiro dib u soo celinta sharafka ummadda Soomaaliyeed ee Madaxweynaha Qaranku Tuutaha u xiran yahay”

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in uu hadafkoodu yahay in ay Soomaaliya hesho garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, bulshadana caddaalad ugu adeega, si taasi loo gaaro-na loo baahan yahay dadkii howshaasi gudan lahaa.

Wuxuu sheegay in ujeeddooyinkoodu ay ka mid tahay in dadka xirfadleyda sharcigu ay fursado siman ka helaan jagooyinka ka bannaanaada Garsoorka dalka.

Wasiirka Caafimaadka oo New York kaga qayb galay kulan looga hadlayay nafaqo-darrada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ayaa ka qeyb-galay kulan doceed heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loola dagaallami lahaa nafaqo-xumada ba’an ee ka jirta dalal badan oo dhaca gobolka oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo jihaynta istiraatijiyad dhammaystiran muddada dhow ee xalka looga heli lahaa Nafaqo darada iyadoo barnaamijka lacag-gudbinta ee loogu magac daray ‘Baxnaano uu ka socdo Soomaaliya taas oo lagu taageerayo qoysaska nugul ee Caruurtoodu haleeshay Nafaqo darada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaakka Soomaaliya ayaa shir-duceedka ka jeediyey warbixin uu ku faahfaahinayey caqabadaha maalgelinta xaddidaya iyo wadashaqeynta lala yeeshay la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee gargaarka cuntada, oo ay ku jiraan cuntooyinka daweynta u diyaarsan (RUTF), taas oo lagu guuleystay in laga hirgeliyo 37 degmo oo looga hortagayo macluusha.
Waxaa sidoo kale uu soo hadal qaadey Wasiirka Mustaqbalka fog, taageerada ganacsiyada yaryar, beeraha, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee lama huraanka u ah bulshooyinka ay saamaysay Macluusha taas oo sabab u noqon karta maalgelinta joogtada ahi in ay dhaafto awoodda dawladda, waxayna Soomaaliya mudnaan siisaa maalgelinta cimilada taas oo ay ugu wacan tahay saameynta degdega ah ee isbedelka cimilada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo
leh.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka amniga ee XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga, Amiir Cabdul Casiis bin Sacuud bin Naa’if.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo laba jibbaari lahaa xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha amniga guda iyo la dagaalanka Argagixisada.

Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kulanka ka dib booqasho ku tagay Jaamacadda Sayniska iyo amniga ee Naa’if iyo xarunta la dagaallanka fekerka xagjirnimada iyo goobo kale.

Shabaabka oo shartooda dhexmariya Dumarka (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa soo badanayay Dumar badan oo ka soo dhex muuqday Maxkamadaha Dalka, kuwaasi oo loo heysto eedeeymo la xariira la shaqeynta Kooxda Khawarijta ah ee Al-shabaab, taasi oo ay Kooxdu ogaatay inay si sahal ah ugu kala gooshin karaan ama ugu fulin karaan Magaalooyinka, islamarkaana si fudud wax ku kala gudbin kara, sidaasi awgeed ayay u adeegsadaan dhinacyo badan, sida:- keydinta hubka iyo kala gudbintiisa, soo ururinta xogaha, dejinta Guryaha, shirqoolidda IWM, si guud haddaan u dhahno, Haweenka ayaa kooxda Al-Shabaab u adeegsataa keydinta iyo gudbinta hubka iyo walxaha qarxa, iyo gabbaadsiinta Shabakadaha shirqoollada damacsan iyo soo Basaasidda Ragga markaa la doonayo in la dilo.

Haddaan ka bilowno, 1. Safiya Ciise Arwaax waa 28 jir Al-Shabaab ku biirtay 2018-dii. October, 2019-kii ayay hey’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka (DF) soo qabatay. Safiya Ciise waxay sheegtay inay soo martay laba guur oo fashil ku dhammaaday, deedna ay qulub iyo duruuf nololeed ay dhexda ka gashay oo sidaa ugu biirtay ururka, waxayna u qaabilsaneyd kaydinta hubka, kala gudbintiisa iyo hoy-dajinta. Tusaale ahaan waxay keydin jirtay, siina gudbin jirtay; Bistooladaha, Bam gacmeedka, Qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada. Safiya waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Deeqa Maxamed Sabriye waa 43 jir la soo qabtay bishii December, 2020-kii. Hey’adaha ammaanka ee DF ayaa ku soo eedeeyay la shaqaynta kooxda Al-Shabaab, waxayna ururka kaga biirtay Shabeellaha Hoose, 2016-kii. Bishii waxay qaadan jirtay lacag dhan $150, iyadoo u qaabilsaneyd kaydinta iyo gudbinta agabka ciidanka ee loo adeegsado dilalka qorshaysan iyo weerarrada hoteellada, sida dharka ciidanka, hubkooda iyo guud ahaan wixii astaan u ah askari Soomaaliyeed, waxayna sheegtay xilliga ugu badan ee hubka loo keeni jiray, dagaalamayaasha ururka ay martigelin jirtay ay ahayd bisha ramadaan. Deeqa Maxamed oo hooyonimo, marna Oori ku jilaysay Guri ay Xamar ka deganeyd ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.
Faadumo Maxamed Xuseen waa 28 jir ku dhalatay magaalada Camaara ee Gobolka Mudug. Billowga sannadkii 2022-kii ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Kaaraan, waxaa laga helay Gurigeeda bam gacmeed f1 ah iyo Bistoolado ay rasaasi ku jirto. iyadoo Al-Shabaab ku jirtay muddo labo sano ah, waxaana ku tashkiiliyay Ninkeeda oo ay kala tageen, waxayna u qaabilsaneyd kaydinta hubka iyo Basaasidda Askarta. Howlgalkii ugu dambeeyay oo ay ku Basaastay Askari Boolis ahaa oo la dilay ayaa lagu soo qabtay. Faadumo Maxamed waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.
Basra Maxamed Cali waa 32 jir lagu soo qabtay suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa markii ay ahayd taariikhdu August, 2018-kii. Liibaan Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) oo Ninkeeda ahaa ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa, waxa uuna ku dhintay qarax uu meel u waday. Geerida ninkeeda kadib nin Khaalid lagu magacaabo ayaa Basra ku tashkiiliyay ku biirista Al-Shabaab, waxayna u qaabilsaneyd kaydinta Hubka iyo gudbintooda. Basra waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah.
Basiira Cabdi Maxamed waxay aheyd 26 jir aragga la’ oo ka shaqeyneysay Xafiiska Xiriiriyaha Arrimaha Dadka Naafada ah ee Gobolka Banaadir, waxaa xilkan u magacaabay Eng Yariisow kolka ay Taariikhdu aheyd May, 2018-kii, waana seddex bilood iyo lix maalin kadib kolka Madaxweyne Farmaajo uu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow). Basiira waxay aheyd basaasad ka tirsan Al-Shabaab oo aan la aqoon xilliga ay kooxda ku biirtay. July, 2019-kii ayaa Basiiraloo maleynayaa inay isku qarxisay hoolka Gobolka Banaadir oo uu shir ka socday, waxaana ka mid ahaa dadkii ku dhintay Eng Yariisow.
Xaawo Cismaan Cabdi oo dhawaan la soo taagay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida(MCQ) ayaaugu dambeysay Haweenka ka soo muuqday Maxkamadda, waxaana lagu soo eedeeyay la shaqeynta kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxayna u qaabilsaneyd maalgelinta ururka, faafinta fekerka iyo muuqaalada Alkataa’ib, keydinta hubka, gabbaadsiinta dagaallamayaasha iyo Basaasidda hawlwadeennada Dawladda siiba Ragga, iyadoo ku soo jiidaneyda quruxdeeda uu eebbe siiyay, ayay ku shirqooshay askari ka tirsan Ciidanka Asluubta, kaasi oo la dily, walow aan xukun lagu ridin wali oo ay socoto dhageysiga dacwadeeda.
Waxaa kaloo jirta Haweeneey kale oo iyada xukunkeedu ka dhacay Dalka Dibaddiisa, waana Farxiya Xasan waa hooyo 38 jir ah oo heysatay lix carruur ah. Billowga sannadkii 2022-kii ayay qabteen hey’adaha ammaanka ee wadanka Netherland ama Holland. Waxaa lagu soo eedeeyay inay xiriir la leedahay ururka Al-shabaab. August ayaa loo soo gudbiyay maxkamadda degmada Alexandria ee carriga Maraykanka, waxaa la sheegay inay ka mid aheyd shan iyo toban haween ah oo xiriir la leh Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Muddo saddex sano ah ayay u dirtay lacag lagu qiyaasay $3000, waxaana lagu xukumay seddex sano oo xarig ah.Haweenkaasi ayaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab u adeegsataa keydinta iyo kala gudbinta hubka iyo walxaha qarxa, iyo gabbaadsiinta Shabakadaha shirqoollada damacsan iyo soo Basaasidda Ragga markaa la doonayo in la dilo, balse laamaha amnigu aad ayay u fahmeen hadba dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegaan, si ay u dhibaateeyay Amniga Dalka.
W/D: Aw Dacar.

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika

Kulan aqoon-isweydaarsi ah oo loogu magacdaray iskaashiga Beeraha Shiinaha iyo Geeska Afrika, kaas oo ay ka qeyb galeen wafdi ka socda safiirrada Geeska Afrika oo uu hoggaaminayay Danjiraha Sooomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa lagu qabtay magaalada Yanglin ee gobolka Shaanxi ee dalka Shiinaha.

Aqoon-isweydaarsigan muhiimka ah ee ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa waxay ujeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca Beeraha iyo kobcinta wax-soo-saar guuleysta oo dhexmara labada gobol.

Danjire, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan dalalka Geeska Afrika ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, isagoo xoogga saaray sida ay Shiinaha uga go’an tahay xoojinta xiriirka dalalka Geeska Afrika, iyadoo loo marayo iskaashiga dhinaca beeraha.

Danjire Cawaale Kullane, oo hoggaaminayay wafdiga safiirrada Geeska Afrika ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinaca beeraha ee Geeska Afrika iyo Shiinaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo kordhinta is-weydaarsiga u dhexeeya ergada dalalka Geeska Afrika ee Shiinaha iyo wakiillo ka socda Xarunta Wadajirka ah ee Shiinaha iyo Afrika ee Isweydaarsiga Tignoolajiyada Casriga ah, Bandhigga iyo Tababarrada.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee khubarada iskaashiga beeraha ee dalalka Afrika.

Ugu dambeyn, madasha ayaa waxaa ka hadlay oo soo xiray aqoon-kororsigan, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika,Mr.Xue Bing ayaa ku celiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay taageerto horumarinta Geeraha gobolka Geeska Afrika, wuxuuna dhiirri-geliyay wada-shaqeyn joogta ah oo dhexmarta dhammaan ka qaybgalayaasha.

Howlgallo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta oo ka dhacay Jubbaland

Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaannada Jubbaland jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta, islamarkaana laga xoreeyay deegaanno badan.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada yar yar ee ay qaldeen Khawaarijta in ay ka faa’ideystaan fursadda iskuna soo dhiibaan Dowladdooda si ay u helaan nolol ka wanaagsan midda ay ku jiraan oo ah mid aan sax ahayn.

”Waxaan rabnaa Khawaarijta fursad bey haystaan maanta ay kaga faa’ideysan karaan dhallinyarada yar yar ee la qalday in ay deegaankooda iyo dalkoodii dib ugu soo laabtaan, waxaan leeyahay shacabka Jubbaland ha loo diyaargaroowbo nimankan waqtigooda wuu dhammaday waqti yar baa u haray,” ayuu yiri taliye Aar.

Sidoo kale, taliyaha ayaa tilmaamay in guulo wax ku ool ah ay ciidamada oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in ay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka Khawaarijta nabadda iyo horumarka u diidan ummaddeenna.

“Ciidamada Jubbaland waxay soo hoyiyeen guulo la taaban karo habeen iyo maalinna waxaa loo taagan yahay in cadowgaas dalka laga saaro,”.

Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiisha Jubbaland oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay deegaannada fara ku tiriska ah ee ay Khawaarijta kaga harsan yihiin Jubbooyinka, waxaana howlgalladaas laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Khawaarijta ayaa howlgalladaas ku waayay tiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal muddo 15-sanno ka badan shacabka ku dhibaateyn jiray deegaannadaas gaartay gacanta ciidamada qaranka iyo kuwa geesiyaasha Jubbaland.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka Xarardheere

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faarax Fiidow oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka degmada Xarardheere oo adeeg Caafimaad oo bilaash ah ay ka hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka degmada Xarardheere, sida qaybaha Hooyada iyo dhallaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta maareynta Qaaxada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyagoo sidoo kale warbixinno ka dhagaystay maamulka Isbitaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka degmada Xarardheere iyo sidoo kale waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada ku dhaqan degmada Xarardheere, iyagoo uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dib u howlgelinta Isbitaalka.

 

Duqa Muqdisho: Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal dadweyne ah iyo Ciidamada Difaaca Shacabka kula hadlay Deegaanka Nuur-Dugle ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Duqa Muqdisho oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u jooga dar-dargelinta Howlgallada Sifeynta Khawaarijta, ayaa shacabka Nuur-Dugle iyo Ciidamada Difaaca ku amaanay sida ay u garab istaageen Ciidamada Qaranka iyo doorka ay ka qaateen in ay iska dulqaadaan Kooxaha Khawaarijta.

“Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco, sidoo kale waxaa la idin ka rabaa in Ciidamada Qaranka iyo Shacabka kale lagu garab siiyo sidii haraadiga Khawaarijta loogu sifeyn lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolka iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xusay in deegaanada laga sifeeyay Cadowga Khawaarijta sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gaarsiin doonno adeegyadda aasaasiga, si bulshada ay u helaan Caafimaad, Waxbarasho iyo adeegyada kale ee Muhiimka ah.

Ra’iisal wasaare Xamse oo ka qaybgalay furitaanka fadhiga 78-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay

New York: Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay furitaanka Kalfadhifga 78-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo saaka si rasmi ah uga furmay xarunta Q.M. ee New York.

Ra’iisal wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay New York fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ka jeedin doona khudbadda rasmiga ah ee Soomaaliya, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda Soomaaliya, dadaalada dowladdu ay dalka uga sifeynayso Khawaarijta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

  

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare oo booqday xarunta baarlamanka Kenya

Nairobi : Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaali oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenya ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay xarumaha labada aqal ee Baarlamaanka Kenya.

Guddiga joogtada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa u kuurgalay inta ay ku jireen booqashadooda hawlaha shaqo ee aqalka sare ee Kenya iyo xarumaha ay ku shaqo galaan labada aqal.