Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Guddoonka Labada Gole Baarlamaan

Dhuusamarreeb:-Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdixaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka oo saaka gaaray Magalaada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa Madaxtooyada Dhuusamareeb ku booqday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hagida howlagalda lagu ciribtiraayo Khawaarijta ka wada Dhuusamareeb ayaa guddoonka Baarlamaanka warbixin ka siiyey guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Khawaariijta.

Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Khawaarijta iyaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka JFS oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.

Kenya oo lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamujka deyn-cafinta Soomaaliya

Nairobi:-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, oo labadii toddobaad ee la soo dhafay ka socday magaaladaas.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha Deyn Cafinta, oo arrimaha ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dib-u-habeynta iyo sare u qaadda dakhliga Dowladda iyo hufnaanta maamulka maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo shirkaan soo xiray, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay barnaamijka ECF wajigiisii 6-aad oo ah heerkii ugu dambeeyay, Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay in horumar muuqda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka samaysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda,ayna sii wadi doonaan dadaaladaasi si Deyn Cafinta dhammaystir loo gaaro dhammaadka sanadkaan 2023.

Shirkaan maanta la soo gabagabeeyay intii uu socday waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda Warbixinada Maaliyadda.

      

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo khawaarijta, in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

 

   

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay ra’iisul wasaare ku kigeenka dalka Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka soconayo shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York waxa uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inta u socday kulanka ay yeesheen labada masuul ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii  loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood  ee Soomaliya iyo Itoobiya ee soo jireenka ah,iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u kulamo kala duwaan la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda ka soo qaybgashay shirka Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaaladda New York.

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliye Ku-Xigeenka Xoogga Dalka u magacaabey General Maxamed Nuur Ufurow, isla markaana Taliyaha Ciidanka Lugta u magacaabey G/le Sarre Dayax Cabdi Cabdulle si loo dardar geliyo hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha guutooyinka Gorgor kana dhegeystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku baaqay in muwaadiniintu qaataan si loo sugo amniga loona horumariyo adeegyada dadweynaha.

5- Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay doorka walaalaha Jabuuti iyo taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu horumar ka sameysay amniga kana shaqeynayso Soomaaliya ka caaggan argagixisada.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray sanduuqa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qaadashada warqadaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, oo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee aqoonsiga dadweynaha 16 Sebtembar.

9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada New York uga qaybgalaya Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada New York khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Caalamka, wuxuuna kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York, kula kulmay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray mashruuca soo Dib u Soo Kabashada Xasaradaha Soomaaliya.

13- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu meel mariyay heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

14- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ku ciribtirayaan Khawaarijta.

15- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka ay inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta, gacantana ku dhigay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara, Qeycad, Xiin labi, Qodqod iyo deegano kale oo istaraatiiji ah.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa kormeer ku tagay magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo laga saaray Khawaarijta.

17- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha NISA Mahad Salad Maxamed oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa deegaanada Nuur-Dugle iyo Caddaan Laxey kula hadlay Ciidamada Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ayaa adkeeyay iskaashiga ciribtirka Khawaarijta.

19- Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo Khawaarijta ku weerareen deegaanka Laas-Gacamay oo hoos taga magaalada Bacaad Weyne oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu baaqay dadkii ay Khawaarijtu xoogga uga saareen deegaanada la xoreeyay ee Galmudug in ay dib ugu soo noqdan guryahooda.

21- Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhiiragalin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee degaanadii dhowaan laga xoreeyay ee gobollada Mudug iyo Galguduud.

22- Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari laga so buuxiyay walxaha qarxa oo ay Khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso.

23- Maamulka Gobolka Banaadir oo raashin ay iska soo uruuriyeen bulshada caasimada ku wareejiyey Taliska Xoogga Dalka si loo dhiira galiyo hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

24- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo ku sugan magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdul-Aziz bin Saud, kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga.

25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini), oo horay Xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September 11-keeda ee sannadkan.

26- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Ururka G77+China oo laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

27- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay Nairobi.

28- Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka Mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay xoolo, biyo iyo cunooyin ku wareejiyay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka.

29- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada jiilka shanaad (5G).

30- Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

31- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay duufaanta El-Nino.

32- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bay ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Bay Aadan Gardhuub iyo Maleeshiyaad uu watay.

33- Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

===DHAMMAAD====

Ra’iisal wasaare Xamse oo New York kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka

New York: Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisla wasaare Xamse iyo Antony Blinken ayaa ka wada hadlay sii xoojinta calaaqaadka saaxiibtinimo ee mudada dheer ka dhexeeya labada dal iyo in xukuumadda Washington ay xoojiso taageerada ay Soomaaliya ku siinayso ciribtirka argagixisada iyo mashaariicda horumarineed ee bulshada loogu adeegayo.

 

25-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal ka dhacay koofurta Mudug

Camaara: Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo geesiyaasha deegaanka oo saaka Khawaarijta kala wareeegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug ayaa u gudbay deegaanka Shabeelow oo Khawaarijta u ahaa fariisin muhiim ah, halkaas oo hawlgal ciidanku ka fuliyeeen lagu dilay 25 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyada oo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen.

Dhinaca kale, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa hawlgal lagu baacsanayo khawaarijta ka sameeyay deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara.

Wararka kusoo kordha baacsiga lagu hayo firxadka Khawaarijta waan idiin soo gudbin doonnaa

Wasiirka maaliyadda oo Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah hay’adaha taageera Soomaaliya

Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta iyo taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa ugu horeyn qaabilay wakiilka dalalka geeska Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Nnenna Nwabufo, waxa ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee uu bangigu ku taageero Dowladda Soomaaliya iyo fursadaha suuragalka ah ee maalgalineed, Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu wadaa qorshayaal maalgalineed oo aad muhiim ugu ah Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiir Biixi ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr Keith Hansen. Wadahadalka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya iyo dib-u-haabeynta kaabayaasha dhaqaalaha, maadaama Bangiga Adduunka uu door muuqdo ku leeyahay taageerada hey’adaha Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka Bangiga Adduunka iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka wadahadalay sidii uu Bangiga Adduunka uga qeyb qaadan lahaa maalgalinta Mashaariicda Horumarineed ee dalka, kadib marka ay Soomaaliya gaarto deyn-cafis dhammeystiran.

Wasiirka Maaliyadda Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo miro-dhal ah la qaatay xubno ka socday Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Safaaradda UK e Muqdisho. Dhammaan wadahadalada uu la yeeshay wasiirku waxa ay ku saleysnaayeen dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada Midowga Yurub ee kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaardda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii looga maro-dhalin lahaa hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel aad wanaagsan maraya, iyadoona la filayo in dhawaan la soo gaba-gabeeyo barnaamijka Dey-Cafinta Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay bandhigga warbixinta mashruuca ka soo kabashada xasradaha

Kusimaha Ra’iisul wasaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka bandhiga warbixinada mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo ka jawaab celinaya xasaradaha deg dega ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal gelineed ee Xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah. taas oo qayb ka ah hay’ada maaraynta masiibooyinka ee (SODMA).
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.
Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.
Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo gaaray degmada Hobyo

Hobyo- Wafdi ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka JFS ,Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa afaafka degmo xeebeedka Hobyo ku soo dhoweeyay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan magaalada Hobyo.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Kalluumaysiga Axmed Xasan waxaana socdaalka ku wehliyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-caddaala, la taliyaha Madaxweynaha dalka, Sakariye Xasan Gaashaan, Senator Duniyo, Xildhibaan Saabbir Nuur Shuure ,Cabdisalaan Xaaji Dhabancad iyo Ganacsade Liibaan Axmed Xasan.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay xarig jaraan mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Degmada Hobyo.