Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray deegaanka Daaru-nicma ee Gobolka Sh/Dhexe

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray Deegaanka Daaru-nicma ee Gobalka Shabeelaha Dhexe,halkaasi oo loogu soo dhoweeyay si diiran.

Guddoomiyaha ayaa goob fagaara ah kula hadlay ciidanka qaranka iyo dadka deegaankaasi,isagoo ku dhiirgaliyay sida naf hornimada leh ee ay had iyo jeer ugu taagan yihiin baacsiga Argagixisada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Madaale waxa uu ku amaanay ciidanka qaranka ,kuwa deegaanka iyo dadka kale sida geesinimada leh ee ay uga hortageem kooxahaasi iyo dadaalka ay ku muuiyeen in khawaarijta laga  sifeeyo halkaasi.

Deegaanka Daaru-nimc waxa uu ka mid yahay deegaanada istiraatiijiga ah ee laga saaray kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Ukrine oo helay $128mn xilli uu booqday Mareykanka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadiisii labaad ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, tan iyo markii ciidamada Ruushka ay duullaan ballaaran ku qaadeen dalka Ukrine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo  Khamiistii isaga iyo golahiisa wasiirada la kulmay Madaxweynaha Ukrine ayaa ku dhawaaqay  ama iftiimiyay kaalmo cusub oo militari, oo ku kacaysa $128m.

Kaalmada mileteri ee uu hadda bixiyay mareykanka madaafiic badan, rasaas badan, hub badan iyo taangiyada Abraham oo Toddobaadka soo socda, la xaqiijiyay in  Maraykanka uu geyn doonaa Ukraine.”

Madaxweynaha Ukrine Volodymyr Zelenskyy ayaa u mahadceliyay madaxda Mareykanka oo garab istaagay dalkaasi mudada 575-ta maalmood ee ay ku iraan dagaalka tan iyo markii uu Ruushku uu ku  duulay dalkaasi sanadkii 2022.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la shiray madaxa hawlgelinta ee Hey’adda WFP

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ( Beenebeene) ayaa kulan xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork kula yeeshay ku-xigeenka Agaasimaha fulinta iyo madaxa hawlgelinta ee Hey’adda WFP Carl Skau.

Kulanka labadaasi mas’uul ayaa waxa uu ku saabsanaa xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Hey’adda Cuntada Dunida WFP iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo la isla soo qaaday doorka WFP ee hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka, taageeridda arrimaha bini’aadanimaeda iyo ka qeybqadashada barnaamijyada waxqabad ee dalka si loo gaaro horumar waara.

R/Wasaare Xamse oo New York kula kulmay Madaxweynaha Comoros Azali Assoumani

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

Labada mas’uul waxa ay isla soo qaadeen iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada dal iyo sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen xal u helidda dhibaatooyinka soo wajaha dalalka qaaradda Afrika ee ay ugu horreyso saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa uu Qaramada Midoobay kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanno,siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka.

Kulankaaasi waxaa dhinacyada ka qeyb galay ay ka arrinsadeen dardar galinta dagaalka Khawaarijta,iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh  oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan gudaha dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku taliyay in dhallinyarada la marin habaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynta kooxaha nabad-diidka ah,isla markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa markale uu shacabka ku  adkeeyay in ay u midoobaan cadowga khawaarijta ee weli ku sugsn gudaha dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo daahfuray Imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Y. Axmed, ayaa maanta daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamaayey jagooyin Kaaliyenimo oo ka banaanaaday hay’adaha Garsoorka ee dalka, gaar ahaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadaha.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale maalinkii shalay daahfuray imtixaan iyaga na laga qaadayey dad u tartamaayey jagooyin garsoorenimo oo ka banaaaday Garsoorka, waxaana ay tani qeyb ka tahay dedaalada dib-u-habaynta ee Garsoorka dalka si kor looggu qaado hufnaanta shaqada iyo aaminaada, sidoo kale na loo ballaadhiyo fidinka adeega cadaaladdeed ee hay’adaha garsoorku u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Baashe oo halkaas ka hadlay, ayaa la dardaarmay tartameyaasha oo uu ku booriyey inay naftooda ku kalsoonaadaan, sidoo kale na ay aaminaan aqoontooda isaga oo xusay in nidaamka loo qaadayo imtixaankani uu yahay mid ku dhisan habraac la hubiyey oo cadaaladdeed qof kasta na uu helaayo wixii uu shaqeysto.
Guddoomiyahu, wuxu sidoo kale tilmaamay in ujeedka ay imtixaanadan u qaadayaan ay tahay in la helo Garsooreyaal iyo Kaaliyeyaal ku yimi hanaan cadaaladdeed kuwaas oo laga filan karo inay si cadaalad ah ugu adeegi doonaan hay’adaha Garsoorka dalka.    

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jamaac “Huruuse” oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galaya shirkadda Todobaatan iyo Sideedaad ee Golaha Loo-dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha Ka-dhexeyso #UNGA78 ayaa kulan laba-geesood ah oo heerkiisu sareeyo Magaaladda New York kula qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Ivica Dačić.

Labadda Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba-gedood ka ah ee ka dhexeeya Labada dal iyo sidii loo taabagelin lahaa iskaashiga xagga tacliinta, farsamada iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Ugu Dambayn labadda Wasiir ayaa ku ballamay qaabeynta qariidadda iskaashiga labada dal iyo in ay derdergeliyaan Mashaariicda horumarineed ee wadaaga ah, si labada dal iyo shucuubtooda loogu jaheyn lahaa wax wadaqabsi.
Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qotto dheer oo soo bilowday dabayaaqadii 1960kii; waxaana uu yahay mid ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi iyo is-ixtiraam Gobannimada, Madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia

SODMA oo qabatay kulan loogu diyaar garoobayo ka jawaabista khatar ka imaan karta El Niño

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Qabatay Kulan degdeg ah oo fogaan arag ah,kaas oo looga Arinsanayay u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaankarta El Niño.

Kulankan oo ay soo Qabanqaabisay Hay’adda SoDMA ayaa waxaa looga hadlay Qorshaha u diyaargaroowga, isuduwidda hawlaha gargaarka iyo sidii goor hore wax looga qaban lahaa khatarta ka imaan karta fatahaadaha El Niño ay u geeysan karto deegaanno badan oo dalka ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay illaa 64 qof oo kala matalayay hay’ada kala duwan ee ka shaqeeya Gargaarka, Gurmadka Degdega, Safaaradaha dowladaha aynu walaalaha nahay, Deeq bixiyayaasha, Wasaaradaha Gargaarka Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

        

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay xuska maalinta nabadda adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda, taas oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, qaar ka mid ah safiirada Dowladaha caalamka, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda ayaa loogu talagalay wacyi-gelinta nabadda in la gaarsiiyo adduunka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Nabadda ee Soomaaliya Dr. Maxamed Yuusuf wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarinteeda.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay nabadda, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay I istaageen sidii loo xoojin  lahaa nabadda iyo hirgelinteeda.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys oo hadal kooban ka jeediyay xuska maalinta nabadda adduunka ayaa hoosta ka xariiqay in xasilloonida aas-aas u tahay adduunka gaar ahaan Soomaaliya.

” Sidaad ogtihiin nabaddu waxay aas-aas u tahay nolosha aadanaha ku nool calamka oo dhan gaar ahaan Soomaaliya oo sannooyin badan colaado ah soo martay, waxay nabaddu u leedahay muhiimad aad u ballaaran, Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad siineysaa in ay Soomaaliya nabad noqoto iyo in ay Soomaaliya nabad kula noolaato dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

21, September, maanta oo kale waxaa dunida looga dabaaldegaa maalinta caalamiga ah ee nabadda adduunka, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka soo koraya ee radinaya nabadda.

Danjire Cawaale Kullane oo Khubad ka jeediyay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee nabadda oo lagu qabtay Beijing

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay Munaasabadda 10-aad oo lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taas oo lagu qabtay Beerta nabadda ee Beijing, 21-kii Sebtembar, 2023.

Munaasabadda oo ahayd mud muhiim ah ayaa waxaa isugu yimid dublamaasiyiin, marti sharaf iyo dadweyne kala duwan, waxaana munaasabadda khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane.

Danjire Kullane, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo nabadda iyo wada noolaanshaha, isagoo ku ammaanay qabanqaabiyayaasha sida ay ugu heelan yihiin horumarinta nabadda.

Wuxuu iftiimiyay qiimaha ay nabaddu leedahay, wuxuuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo gaari lahaa nabad iyo wada noolaansho caalami ah. Mawduuca la doortay ee dabbaaldegga, “Nabadda & Wada-xaajoodka ku salaysan qiyamka la wadaago,” ayaa ahayd mid udub-dhexaad u ah khudbadiisa, isagoo ku caddeeyay baahida loo qabo is-fahan iyo fikrado wadaag ah oo ka dhexeeya ummaddaha caalamka.

Safiirka ayaa khudbadiisa ku soo gebagebeeyey rajo wanaagsan oo uu ku cabiray aragtida caalamka oo ah in wadajir iyo iskaashi looga gudbo kala fogaanshiyaha, la joogteeyo istixgelinta iyo in wax walba laga horumaro nabadda iyo degannaasha, wuxuu u mahadceliyay qabanqaabiyaashii xafladda iyo ka soo qeyb-galayaasha intaba, isagoo ku boorriyay qof walba inuu si hagar la’aan ah uga shaqeeyo sidii loo heli lahaa adduun nabdoon oo barwaaqo ah.

Ugu dambeyntii, Danjire Kullane, oo qeybgalkiisa munaasabaddan muhiim u ahayd ayaa xaqiiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay nabadda iyo iskaashiga caalamka.