Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed jaamac ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada dalka oo ay wadajir u soo agaaasimeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

Shirweynaha oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxaa ka soo qeyb galay Aqoonyahano isaga kala yimid dalka iyo dibadda waxaana xoogga lagu saarayaa hormarinta waxbarashada dalka oo muhiimad weyn uleh dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

   

‘Madaxweyne adoo Madaxaagu fooraro ka tegi meysid Dhuusamareeb’ (WARBIXIN)

Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta,  diyaar garowga  sidii la rabay in uusan  aheyn, islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay, diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda. Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in  xilliyada dagaalka la kala barto dadka, gaar ahaan Madaxda, Saraakiisha iyo Askarta.“Runtii dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka, Madaxdaa la kala bartaa, Saraakiishaa la kala bartaa, Askartaa la kala bartaa, dhammaan dadka waa la bartaa, qof walbana doorka uu qaata maalinta ay adag tahay waa la bartaa, maalinta fiican ee ay nabaddu jirto nin kastaa waa fiican yahay”.

Madaxweynaha oo muddo laba bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ah Argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo guud ahaan dalka Soomaaliya. “Waxaan ku soconnaa deegaanno Khawaarijtu ku ukumeystay, waqti dheerna ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed. Aragagixisada Khawaarijta ah goobo badan oo dalka ka mid ah waa ku jabeen, degaanno badanna waa laga xoreeyay, waxaana cadaatay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u huri kara naftooda xoriyadadooda iyo mustaqbalka caruurtooda, ilaalinta qaranimadooda, iyo difaaca karaamadooda”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku taliyay in dhallinyarada la marinhabaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynta kooxaha nabad-diidka ah,isla markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda, isagoo mar kale shacabka ku adkeeyay in ay u midoobaan cadowga khawaarijta ee weli ku sugan gudaha dalka. Madaxweynaha ayaa kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay Guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka, waxaana kulankaaasi dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen qaabka loo dardar galin karo dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh  oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan gudaha dalka.

Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane  Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay doorka looga baahan yahay Ummadda Soomaaliyeed inay ku wejahaan dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, ayaa yiri:-  ” Anigu da’ ayaan ahay oo tabar ma hayo laakin Afka ayaan dagaalka ku galay “, Guddoomiyuhu waxa uu caddeeayay doorka uu ka qaadanayo Gulufka lagu hayo cadowga Shacbiga Soomaaliyeed.

“Xildhibaanno haddii aad dagaalka ku dhimataan maamuus ayaad helaysaan haddii kale guryihiinna ayaad ku dhimaneysaan maamuus qaranna ma heli doontaan”, sidaasi waxaa yiri:- Cali Jeyte Cusmaan oo ka hadlaayay kulankaasi ka dhacay Magaalada Dhuusemareeb,  Cali Jeyte & Dhuusmaareeb hadal heynta ugu weyn ayaa aheyd ” Al-Shabaab,  meeshaan yar ee  ka tirsan Galmudug ayay ku jiraan, waxaana kuu sheegaa Madaxweyne haddaad caawa fooraarto, adigoo fooraara Dhuusamareeb ka tagi maysid”, hadalkaasi ayaa ah mid niyad u dhisid iyo dhiirigalin u ah Madaxweynaha JFS, islamarkana uu ku sii dhiirado waddada xaqa ah ee uu ku taagan yahay ee ah in uu arko Soomaliya oo ka xor ah Argagixiso, waxaana loo ballan qaaday inuu Magaalada Muqdisho ku laaban doono, isagoo lugahiisa ku tego Degmooyinka CeelBuur iyo Galhareeri oo ah meelaha kaliya ay kaga harsan yihiin Khawaarijta Gobolkaasi.

Xildhibaan Cabdirahman Cabdishakur Warsame oo waayahaan lagu arag fagaarayaasha ama Aagga Dagaal ee lagula jro kooxda Khawaarijta ah ayaa beryhahaan ka soo muuqda saaxadda dagaalka, isagoo dhiirigalin ugu tagay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaannada ayaa yiri:-,  “Dagaalka lagula jiro Khawaarijta geesigii ku dhintaa waa shahiid sideey shareecada Islaamka na fartay, marka waa in lagu dhiiradaa galitaanka dagaalka lagula jiro”.

“90 jir Ahlul towxiid ah, oo magac leh, oo maal qabeen ah, oo mudane Baarlamaan ah, oo hoggaamiye ciidan ah, oo deegaankii uu ku dhashay jooga, isaga oo gacan ka dhaawacan,  gacanta kale qori candhalaab ah ku wata, intuu ifka ku noolaa aan weligii la ciilin ayaa furinta hore ee dagaalka ku jira, waa kuma kaasi?, waa Xildhibaan Cabdisalaan Dhabannacad, islamarkaana ah Xildhibaanka ugu Da’da weyn Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya, marka maanta Wiil yar oo jasiiradda Komoros laga keenay Mudug ha ku ciilo! caqliga ka soo taliyey wallee caqli fayow ma’ aheyn”, sidaasi waxaa yiri:- Odey ka soo jeeda mid ka mid ah Deegaannada Goblka Mudug. Madaxweynihii Ummadda mar haddii uu ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka muddo laba bilood ah, iyo Waayeelada, maxaa dhiman oo aan sugnaa?

Dhinaca kale Aabbe iyo Ubadkiisa uu dhalay oo ku wada sugan Aagga hore ee dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kaasi waa kuma ? waa Gaashaanle sare Maxamuud Ceyrow iyo Ubadkiisuba waxay u qalab-qaateen jihaadka maafiyo-diimeedka dalka looga xureynayo. Goobtu ay ku sugan yihiinna waa degmada faca weyn ee Xarardheere, waxayna leeyhiin ‘meel laghu kala haro ma joogno’, waa runtood, waana qoys ay ka go’an tahay dagaalka Khawaarijta, marka waxaan leenahay ‘Salaama Alle ha idin yeelo, meel lagu kala haro lama joogo e’. Xil Dhallaan gartay ma fududa ayaa la dhihi jiray.

Senator Samsam Daahir oo ka tirsan Aqalka sare ee Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Galmudug oo abaabul ka dhan khawaarijta ka wada deegaanno hoos taga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxay safar ku tektay deegaanka Durdur ee hoostaga Degmadaasi, waxayna u sharaxday ujeeddada safarkooda, waxayna xustay in Dadka deegaanka ay sanooyin badan ka dambeeyaan Deegaanada kale ka xorta ahaa Argagixisada, taasina ay ugu wacan tahay dib u dhac ay u geysteen khawaarijtii muddo maamuleysay Deegaanka, kana reebtay asaagood.

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Boosaso(SONNA):-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish.

Xubnahan ayey Maxkamada Ciidanka Puntland ku kala xukuntay xukuno kala duwan oo u dhigan sidatan soo socota.

1: Salmaan Faarax Maxamed waxay Maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xarig ah.

2: Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah.

3: Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.

Dhammad.

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Muqdisho.(SONNA):- Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Barnaamijka xukuumadda ee Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dib-u-xoreynta iyo suggida amniga.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka xoreeyay ayaa cadowga Khawaarijta in ka badan 80-deegaan oo ka mid ah gobollada Galguduud, Mudug, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada hoose.

Degmooyinka la xoreeyay waxaa ka mid ah Aadan-Yabaal, Xarar-dheere, Ceeldheer, Runir-Good,Ceelbuur iyo deegaanno kale oo istiraatiji ah.

Waxaanna laga sifeeyay Khawaarijta la iskuna furay waddooyinka Baladweyne-Matabaan,Baladweyne-Buula-Burde, Baladweyne-Maxaas ilaa Buula-burte, Muqdisho-Runir-Good, Hobyo-Xarar-Dheere.

In dhinaca dhaqaalaha lagala dagaallamo Khawaarijta waxay ka mid ahayd saddex jiho oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, xagga ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaa la xiray labo boqol iyo Konton Akoon oo ay isticmaali jireen Khawaarijta, iyadoo la baabi’iyay maxkamad beennaadii lacagaha baadda ah uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed.

Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta qeybo ka mid ah Dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa laga hirgeliyay istiraatijiyadda qaran ee xasillinta deegaannada la xoreeyay, waxaanna inta badan maamulo KMG ah loo dhisay deegaannadii la xoreeyay, kuwaasi oo laga howlgeliyay boqol toban iyo saddex Barnaamij oo kaabaya nolosha dadka sida adeegyada waxbarashada, caafimaadka, korantada iyo ceelal-biyood.

Waxaa dadaal xooggan loogu jiraa sidii la isku bar bar wadi lahaa dib-u-dhiska ciidanka, kala wareegidda amniga dalka ee ciidanka ATMIS iyo ciribtirka Khawaarijta.

Waxaa la dhisay lana qalabeeyay 10-kun oo ciidan oo laga qoray dhammaan gobollada Dalka, saddex boqol iyo lixdan ka mid ahna waa ciidanka sida gaarkanah u tababaran.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleystay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay kala xaajooto halbeegyo la jaangooyay kuwaas oo lagu wada heshiiyay si ay u sahlaan qaaditaanka cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya  tan iyo 1992.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay meel-marisay shuruucyo iyo nidaamyo lagu horumarinayo maareynta hubka, waxaanna lagu guuleystay xaqiijinta tobankii halbeeg iyo bartilmaameedyadoodi kuwaas oo lagu xiray qaadista cunaqabateynta hubka,iyadoo guddi khubaro ah oo ka socday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay qiimeyn ku sameeyeen horumarka Dowladda Federaalka ay ka sameysay xaqiijinta halbeegyada iyo bartilmaameedyada lagu heshiiyay in ay hagaan qaadista cunaqabateynta hubka.

Waxaa la diyaariyay qorshaha hirgelinta heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka oo golaha wadatashiga qaranka ay kaga heshiiyeen shirkii ka dhacay Baydhabo bishii Maarso, 2023.

Xukuumaddu waxay dib-u-habeyn ku sameysay xarumaha dhaqan-celinta kuwa ka soo goosta Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay boqolaal lana geeyay xarunaha loogu talagalay ee dhaqan-celinta.

Dhammeystirka Dib-U-Eegista-Dastuurka.

Waxaa dib loo dhisay guddiga madaxa-bannaan ee dhammeystirka iyo hirgelinta dib u eegista Dastuurka , xukuumaddu waxay ku guuleysatay in golaha wadatashia qaranku heshiis uu ka gaaro qodobada dastuuriga ah ee wada-xaajoodka siyaasideed u baahan oo kala ah.

Asteynta awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda, hannaanka cadaallada garsoor madax-bannaan, hannaanka federaaleynta maaliyadda dalka, hannaanka doorashooyinka dalka, hannaanka qaabka dhismeedka amniga qaranka iyo qaab dhismeedka Dowladda.

Dorashooyinka iyo ka guurista nidaamka 4.5.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay xaqiijisay in ay qabato 7-kullan oo wada-xaajood siyaasadeed ah, kuwaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul goboleedyada Dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kullmadaas oo lagaga heshiiyay qodobo siyaasadeed oo muhiim u ah horumarka Dalka oo isugu jira qaab dhismeedka dowladda garsoorka, Doorashooyinka, hannaan maaliyadeed oo la isku raacsan yahay iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleysatay macluul ku soo aaddaneyd Dalka sanadkii hore, waxaanna la qaaday tallaaboyinkan.

Qoondeynta miisaaniyad dhaqaale,mideynta gargaarka gudaha iyo dibadda iyo hirgelinta hay’adda SoMDA oo gaarsiisay in ku dhow boqol iyo labaatan kun oo qoys abaaruhu ay saameeyeen cunto iyo dawooyin.

Xukuumaddu waxay ku guuleysatay soo samata-bixinta muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa Suudaan oo gaarayay 1771, muwaadin.

Xukuumadda Dan-Qaran oo mudnaan siineysa maareynya isbedeelka cimilada  waxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, waxaanna la hirgeliyay istiraatijiyadda isbeddelka cimilada ee shanta sanno ee soo socota iyo qorshaha Soomaaliyada Cagaaran.

Share this Article

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka  loo yaqaano(Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle,kadib markii laga xoreeyay magaaladaasi khawaarijta Al Shabaab oo dadka deegaanka dhibaato weyn ay ku qabeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in dadkaasi ay gurmad deg deg ah ka heleen dowladda Soomaaliya.

Cadowga Al-shabaab oo mar walba u taagan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa shacabkii waday jarista geedaha iyo nadaafadda  ku qarxiyay miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago 4tii Bishan,taas oo sababtay dhaawaca 7ruux oo shacab ah,ayadoo hal ruux ugu dambayntii uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka ka saaran shacabka Soomaaliyeed ayaa dadkii shacabka ahaa u fidisay gurmad caafimaad,waxayna diyaarad kaga soo daad guraysay degmada Aw-dheegle,kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahay ku guuleystay in Shabaab ay ka xoreeyaan deegaanno badan oo kuyala gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka.

Alshabaab ayaa caado u ah markii ay dareemaan in ay la kulmayaan culeysyo military oo kaga imaanaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM,waxaa ay ka aar goostaan shacabka,balse taasi waxaa ay keentay in shacabka ay bilaabaan iska caabinta ficilada guracan ee Shabaabku ay kula kacayaan bulshada.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe waxaa ku sii xoogaysanaya ololaha shacabka ay isaga dul qaadayaan dhibaatooyinka ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab,gaar ahaan kuwa labaxay Macwiislayda,kuwaasi oo khasaare xooggan iyo niyad jab ku riday Shabaab,taasina waxaa u wehliya howlgalada ay wadaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

New York(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.

Kulanka ayaa looga hadlay daddaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.

Agaasimaha IMF-ta ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta oo maraya heer gabagabo ah.

  

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Deyn-Cafinta

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta.

IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo soo saaray qoraal kooban ayaa soo dhaweeyay Warbixinta IMF ee hannaanka dib-u-eegista 6-aad. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa balan qaaday in Dowladdu ay ka go’an tahay sii wadiidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha JFS oo la kulmay madaxweynaha dalka Mareykanka

President Joe Biden and First Lady Jill Biden participate in a photo line with leaders attending the United Nations General Assembly, Tuesday, September 19, 2023, at the Metropolitan Museum of Art in New York City. (Official White House Photo by Adam Schultz)

President Joe Biden and First Lady Jill Biden participate in a photo line with leaders attending the United Nations General Assembly, Tuesday, September 19, 2023, at the Metropolitan Museum of Art in New York City. (Official White House Photo by Adam Schultz)

Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York waxaa uu kulama doceedya la qaatay wafuuda heerka caalami ee shirka ka soo qeyb galay.

kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.

   

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay kulan u qabsoomay wasiirada Caafimaadka ee Dunida

Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Soomaali Dr. Cali Xaaji Aadan oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa Markii labaad Ka qeybgalay kulan ay isugu tageen wasiirada caafimaadka ee Dunida.

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Qarmada Midoobay,waxa uu ahaa shir doceed heer sare ah ,kaas oo looga hadlay baahinta barnaamijyada kutalagal ee la xiriira Caafimaadka loo dhanyahay ee dunida.

Wasiirka Cali Xaaji Aadan oo khudbad ka jeediyey kulankaasi ayaa ka warbixiyay xaaladaha adag  ee ka jira dalka,gaar ahaan nuucyada cudurada faafa iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in gacan laga geysto horumarinta adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.