Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Muqdisho keentay Dhaawacyada dadkii khawaarijtu ku qarxisay Baladweyne

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay khawaarijtu ku qarxisay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhaawacayadaan waxaa garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho uga hortagay xildhibaanno katirsan dowladda iyo madaxday Hay’adda SoDMA

Gawaarida Gurmadka Deg-degga ah oo hay’adda SoDMA hore ugu diyaarisay Gudaha garoonka ayaa durbadiiba dadkaan u gudbiyey Goobaha Cafimaadka Caasimada si loola tacaalo.

Agaasimaha Waaxda Cafimaadka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Dr Abdullaahi muse Axmed ayaa kawarbixiyey Tirada dhawacyada la keenay Muqdisho,waxa una sheegay in la keenay 16-qof oo isugu jira Caruur,Haween iyo dad wayeelo ah oo khawaarijta arxanka daran ay shalay ku qarxisay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo xubnno ka socday gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee werarkaa ku dhinta kuwa dhawacamayna alle ugu baryay in uu caafiyo.

Waxana qaar kamid ah masuuliyinta oo la hadlay warbaahinta ay yiraahdeen:-

Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale “Shacabkii Masaakinta ahaa ee Khawaarijta beegsatay u ooyi meyno,waan u aar gudeenaa.”

Xildhibaan Cabdinaasir Shirwac “Khawaarijta waxaa ka go’an in ay dhamaan shacabka Soomaaliyed disho,waxaana haboon inaan dilno inta aysan na dilin.”

 

  

YAABAYE MA YAABTEEN!!!? (WARBiXIN)

ANI YAABAYE MA YAABTEEN !!!?, waxaa la yaab leh Amiir u dhashay Qowmiyadda Amxaarada ee wadanka Itoobiya oo Soomaali Diin ku dilaaya, sida laga soo xigtay Ciidanka Ammaanka Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dileen Madaxii howl-galada kooxda Argagixisada ah ee Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani. Abu-Albara waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Amxaarada Dalka Ethiopia micnaha Khawaariij Ethiopian ah, Bal waa yaabe Amxaar Dadkiisii qaawan yihiin oo Soomaali Diin ku dilaya,  Wallee Khawaariij haddaan leyska difaacin Dal, Dad iyo Diinba ma jirayaan. waa yaabka yaabkiis.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka ayaa shalay Khawaarijta kala wareegay deegaannada Ceel-kabar  iyo Jaburow, oo dhaca galbeedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijta ah, taasina ayaa waxay ku timid kadib markii Ciidamada ay weerar dhowr jaho ah ku qaaday Deegaanka Luuqa-Jeelow oo ahaa goob khawaarijtu lacago baad ah ugu qaadaan dadka u kala safra magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe, waxayna Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyey howlgalka,  iyagoo sheegeen in cadowga dadka deegaanka dhibayay sanadaha badan ay ka ceyriyeen deegaannadaasi.

Dhinacaasi iyo Ceelbuurna, Goob ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo lagu Duqeeyey Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, waxaana lagu soo waramayaa in Howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,  iyadoo howlgaalkasina lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa lala beegsaday Guri ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo kooxda ay ku weysay Horjoogayaal uu ku jiray Horjoogihii Maaliyadda u qaabilsanaa Khawaarijta ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal, sida uu Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik uu u xaqiijiyay Warbaahinta Codka Ciidammada Qalabka Sida, isagoo sheegay in howlgalkan oo dhinaca cirka ah sidoo kale lagu laayey Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaasi oo la socday Horjoogayaasha goobta lagu soo afjaray.

Sidoo kale shalay galabta Aagga deegaanka Shabeelow ee koonfurta Mudug waxaa lagu duqeeyey koox Khawaarij ah oo isku abaabuleysay inay weerar ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Qaranka iyo ku Deegaanka, balse shartooda iyagaa alle ku celiyay oo dhulka ayaa lala simay dhamaan wixii halkaasi joogay, intaasi kadibna Ciidamada Qaranka ayaa ku daatay goobihii lagu duqeeyay, waxaa kaloo jira in Ilaa 6 goobood ay shalay iyo maanta lagu beegsaday Khawaarijta ku harsan bariga Galmudug, waxayna dowladdu wadaa qiimeynta khasaaraha ka soo gaaray howlgalladaas barakeysan kooxda Khawaarijta ah oo is dabajoog ahaa.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa in ka badan 30 xubnood looga dilay deegaan ka  mid ah gobolka Mudug, sida aan wararka ku heleyno Howlgal gaar ah oo shalay Ciidanka Dowladdu ay ka fuliyeen dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow oo dhaca Koofur Bari ee gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayd deegaankaasi, waxaana wararku intaasi ku darayaan in khasaaro xoog leh loo geystay Argagixisada, waxaana loogu geystay khasaare ba’an, laguna burburiyay xarumo Kooxdu ay ku lahayd deegaankaasi,  iyada oo lagu khaarijiyay in ka badan 30 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad. Xubnaha Khawaarijta ah ee ku haray gobolka

Khawaarijtii ku sugneyd meelo ka mid ah Gobolka Mudug ayaa waxaa soo food saaray culeys xoog leh, kaddib markii ay kordheen weerarada dhulka iyo cirka uga imaanaya ee lagu beegsanayo firxadkooda.

“Waa waajib in Masuuliyiinta  iyo Shacabkuba sii laba laabaab la dagaalanka khawaarijta looga sifeynayo Dalkeena Soomaaliya”, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drsa. Maryama Mohamed Hussein oo dhinac taagneyd Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markuu fadhiga ka dhigtay Magalada Dhuusamareeb, ayaa ku boorisay Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in loo wada istaago Shaqada la dagaalanka iyo Sifeynta Khawaarijta,  laguna garab istaago Madaxweynaha aragtidiisa ku aadan in dalka laga ciribtiro aragtida guracan ee khawaarijta,  taasoo dilootay dalka iyo Shacabka Soomaiyeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka dhawaajisay in ciidamada xoogga dalka ay si joogto ah guulo uga soo hooynayaan dagaalka ay kula jiraan khawarijta ee jiidda hore,  ayna weli jiraan howlgalo badan oo looga hortagayo kooxaha Argagaxisada ah, iyadoo  hadalka Drsa. Maryama uu imaanayo, iyadoo ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Maamul gobaleedyada iyo dadka deegeenka ay sii wadaan howlgallada deegaannada Galmudug looga xoreynayo kooxaha khawaarijta. “Wasaarada Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada waxay mudnaan siinaysa ballaarinta iyo helitaanka daryeel caafimaad ee magaalooyinka iyo tuulooyinka laga xoreeyay gacan ku haynta khawarijrta”, ayay sii raacisay Drsa Maryama.

“Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah, waxaana bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq, wuxuuna tilmaamay in sida kaliya ee dhagarta Argagixisada looga guuleysan karo ay tahay in la wada shaqeeyo dhammaan laamaha ammaanka iyo Shacabka, taas oo meesha ka saareysa in Khawaarijta soo dusiyaan Gaadiidka qaraxyada ka soo buuxiyaan si ay shacabka u dhibaateeyaan.

Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, lagana soo doortay Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay Argagixisada ku jabeen dagaalka lagula jiro, loona baahan yahay in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Baladweyne ay ka feejignaadaan dhagartooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Khawaarijtu bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.

Xildhibaan Ciid” Argagixisada markii furimaha looga adkaaday, waxay bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah”,

Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya lagana soo doortay Hirshabeelle ayaa sheegay in ay argagixisada ku jabeen dagaalka lagula jiro, loona baahan yahay in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Baladweyne ay ka feejignaadaan dhagartooda.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay Khawaarijtu bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.

“Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah,”Xildhibaanka bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa ku tilmaamay in sida kaliya ee dhagarta argagixisada looga guuleysan karo tahay in la wada shaqeeyo dhammaan laamaha ammaanka iyo shacabka, taas oo meesha ka saareysa in argagixisada soo dusiyaan gaadiidka qaraxyada ka soo buuxiyaan si ay shacabka u dhibaateeyaan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xilli shalay Khawaarijtu ay magaalada Baladwyne ka geysatay qarax gaari oo ay ku gumaatay shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Khawaarijta waa laga adkaaday, waqtigoodana waa dhammaaday, Shacabka Baladweynena waxay muujiyeen geesinimo sida haddii la iskaashado looga guuleysan karo argagixisada hadda gabalkooda sii dhacayo.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Muqdisho keentay Dhaawacyada dadkii khawaarijta ku qarxisay Baladweyne

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay khawaarijtu ku qarxisay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhaawacayadaan waxaa garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho uga hortagay xildhibaanno katirsan dowladda iyo madaxday Hay’adda SoDMA

Agaasimaha Waaxda Cafimaadka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Dr Abdullaahi muse Axmed ayaa kawarbixiyey Tirada dhawacyada la keenay Muqdisho,waxa una sheegay in la keenay 16-qof oo isugu jira Caruur,Haween iyo dad wayeelo ah oo khawaarijta arxanka daran ay shalay ku qarxisay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo xubnno ka socday gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee werarkaa ku dhinta kuwa dhawacamayna alle ugu baryay in uu caafiyo.

Waxana qaar kamid ah masuuliyinta oo la hadlay warbaahinta ay yiraahdeen:-

Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale “Shacabkii Masaakinta ahaa ee Khawaarijta beegsatay u ooyi meyno,waan u aar gudeenaa.”

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid “Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah,isaga oo bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.”

Xildhibaan Cabdinaasir Shirwac “Khawaarijta waxaa ka go’an in ay dhamaan shacabka Soomaaliyed disho,waxaana haboon inaan dilno inta aysan na dilin.”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo guddoomiyay Shir looga hadlay dardargalinta Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Dhuusamareeb:-Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Shir gudomiyay Shir lagu dardargalinaya Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah Galmudug.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Amniga Galmudug ,Saraakisha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu so dhaweyay hormarada baxaada leh ee Ciidamada  Xoogga , Darwiishta Galmudug iyo Ciidanka Deeganka ay ka sameyeen  Dagaalada  ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Khawaarijta si xun lagu jabiyay Dagaaladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay waxana u faray Ciidamada in ay sii laba jibaaran sifaynta Khawarijta.

Ugu Danbeyn Shirkaan ayaa lagu kala qaatay awaamiir hor leh oo sare logu qaadaayo Amniga Galmudug.

 

    

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, addresses the general debate of the General Assembly’s seventy-eighth session.

New York:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen, waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.

Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Q.M. uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, si loo helo buu yiri

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiiyeeyay muwaadiniintii ku naf waayey qaraxi argagixisanimo ee Baladweyne

Dhuusamareeb- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxii arxan-laaweyaasha Khawaarijta ay bartilmaameedsadeen shacabka magaalada Baledweyne.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Quraanka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo,  waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

Wasiirka arrimahada Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Koonfur Afrika oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo labada dal ah

New York- Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Harruuse oo kulan doceed kula yeeshay magaaladda New York ee dalka Mareykanka dhiggiisa dalka Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa ka wada hadlay xariirka soo jireeen ah ee iskaashi eek a dhaxeeda labada dowladood.

Wasiirka oo kulanka ka kadib qoraal soo saaray ayaa yiri “ waxaan aniga iyo Wwasiirka xiriirka caalamiga iyo iskaashiga South Africa H.E Naledi Pandor ku kala saxiixanay magaalada New York  heshiis Iskaashi oo dhabbaha u xaaraya inay labadeenna dal wadashaqayn buuxda ka yeeshaan arrimaha diblumaasiyadda, ammaanka, ganacsiga, la socodka xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa iyo isu socodka guud”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Harruuse ayaa dhiggiisa wasiirka xiriirka caalamiga iyo Iskaashiga South Africa ka xog waramay taariikhda halgan ee labada dal iyo kaalintii dalkeennu ku lahaa gobonimo doonka South Africa, iyadoo wasiirku ka mahadcelisay garab istaaggii dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

  

Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee QM

New york- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa khudbad ka jeediyey shir duceedka looga hadlayey dabar-goynta cudurka cagaarshowga iyo gaarista hiigsiga dhammaadka cudurkan oo la madliyey gebagebadiisa 2030-ka kaas oo lagu qabtay magaalada New york ee uu ka socdo shirka Golaha loo dhany ahay ee Qaramada Midoobey.

Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa yiri “Ciribtirka cagaarshowga Soomaaliya gaar ahaan meelaha dhowaan la xoreeyay ee ay kooxaha argagixisadu muddo tobanaan sano ah gacanta ku hayeen waxey ka mid tahay kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee xadidan, waxaanse ku dadaaleynaa inaan tabarteena isugu geyna sidii aan u ciribtiri lahayn inagoo kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah ee na taageera.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in tobankii sano ee la soo dhaafay, daryeelka caafimaadka uu sameeyay horumar la taaban karo, oo ay ugu horreyso maalgashi la taaban karo oo ka yimid waaxyaha gaarka loo leeyahay iyo tabarucaadka deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

“Bishii Nofeembar 2022, Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay xafiis u gaar Ciribtirka Cagaarshowga iyo la tacaalidda dadka qaba xanuunka cagaarshowga si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan iyo sidii ugu dambeyntiina meesha looga saari lahaa cudurkan, taasoo qayb ka ah dadaallada imika socda, waxaan ku faraxsanahay inaan ku biirnay Kooxda Saaxiibada ee Qaramada Midoobay ee  Ciribtirka Cagaarshowga si loo baabi’iyo fayriska Cagaarshowga” ayuu Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

  

Ciidamadda dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay 30 khawaarij ah

Howlgal gaaar ah oo maanta Ciidanka Qaranku ka fuliyeen dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow ee Koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo Khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaankaas, waxaana cadowga lagu gaarsiiyey khasaare xoogleh.

Howlgalka oo lagu burburiyey xarumo Khawaarijtu ku lahayd deegaankaas ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30 dhagar qabe oo horjoogeyaal iyo maleyshiyaad iskugu jira,

Goobaha howlgalku beegsaday waxaa ka mid ah goob firxadka Khawaarijtu isku aruursanayeen waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoogg leh.

Ciidanka dowladda iyo ciidamadda deegaanka ayaa mudadii ay ku jireen howlgaladda guuleystay ee khawaarijta looga xorreynayo deegannada yare e ay kaga haraan Gobolka Mudug, waxaa ay khawaarijta gaarsiiyeen jab xooggan, iyagaa oo ka ceyriyay degmooyin ay sanado badan go’doomiyeen.