Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka maraykanka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka dhacday Gobolka Minnesota ayuu Ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyey qurbejoogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Jaaliyadda Dalka  Maraykan wuxuu ku ammaaanay sida ay door muhiim ah uga qaataan dib u Dhiska dalka & sida ay uga hormar uga sameeyeen arrimaha Siyaasadda,caafimaadka,Ganacsiga & wax Barashada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ahmiyadda koowaad siisay ka sifaynta khawaarijta,isagoo Jaaliyadda ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sida ay dalka uga xorrayn lahayn kooxaha khawaarijta.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Jaaliyadda war-bixin ka siiyey dayn cafinta & meesha ay marayso isagoo sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray.

  

Soomaaliya; Maxaa sababay madaxweynaha 10aad iyo baarlamaanka 11aad?

Soomaaliya waxaa 15kii bishii lasoo dhaafay ee Maay 2022 lagusoo gabagabeeyay doorasho waqti dheer qaadatay, waxaana ugu dambayntii ay yeelatay baarlamaanka 11aad oo doortay madaxweynaha 10aad Mudane Xasan Sheekh Maxamed oo xilka loo igmaday, su’aasha iswaydiinta mudan oo aan qormadan diirada ku saarni doonno, innagoo milicsanayna taariikhda waxay tahay, maxaa keenay isdhaafka tirada madaweynayaasha iyo golaha baarlamaanka dalka Soomaaliya soo maray?

31-kii Janaayo sannadkii 1961-kii waxaa soo baxay xeer lambar 5 oo lagu yagleelay Jamhuuriyada Soomaaliya, oo markaas si rasmi ah u yeelatay baarlamaankii koowaad oo ka koobnaa 123 kursi, kuwaas oo ku yimid doorasho shacab oo ka dhacday koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Doorashooyinkii golaha xeer-dejinta ee Soomaaliya ka dhacay sannadkii 1964-kii waxaa lagu sameeyay baarlamaankii labaad ee dalku yeeshay oo sidoo kale ka koobnaa 123 xubnood. Muddo xileedkii xigay ee 1969-kii waxaa sidaas si lamida guud ahaan dalka si nabadgalyo leh uga qabsoomay doorashadii xubnaha baarlamaankii sadexaad, balse aysan u suuragelin inay madaxweyne doortaan maadama xukunkii dalka ay si xoog ah kula wareegeen ciidamadii kacaamay.

Kahor inta aysan ciidamadu afgambin dawladdii rayidka ahayd, Soomaaliya waxaa soo maray sadex baarlamaan iyo laba madaxweyne oo kala ahaa Allaha u wada naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Intaas kadib, mudadii uu kacaabku xukunka haayay waxaa dalka ka dhacday laba doorasho, oo lagu sameeyay gole xeer-dejin, taasoo ay iska cadahay inaan lagu qaban hab dimuqraadi ah oo hufan, balse tirada iyo sooyaalka baarlamaanka Soomaaliya lagu daray. Sannadkii 1980-kii kacaanka ayaa qabtay doorashada baarlamaankii afaraad oo ka koobnaa 171 kursi, dhawr sanno kadib sidaas si lamida ciidamadii xukunka haystay ayaa abaabulay doorasho kale oo aan wax badan ka duwanayn midii hore, sannadkii 1985-kii waxaa la doortay baarlamaankii shanaad oo tiradiisu ahayd 173 xubnood.

21 sano kadib markii xukunka laga riday kacaankii ciidamada, sannadkii 1991kii waxaa kulan dib-u-heshiisiin ah lagu qabtay dalka Jabuuti kaas oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa si kumeel-gaar ah waxaa xilka madaxweynaha afaraad ee Soomaaliya loogu dhiibay AUN Cali Mahdi Maxamed, iyadoo aan la dooran ama aan la samayn gole xeer-dejin/baarlamaan.

Waxaa intaa xigay in si isdaba-joog ah loo doortay dawlado kumeel-gaar ahaa oo ka bilawday, magaalada Carta ee dalka Jabuuti, sannadkii 2000 waxaa la unkay baarlamaankii lixaad oo ahaa 245 xubnood oo isla markaana doortay madaxweynihii shanaad oo noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo madaxweynihii lixaad AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku doorteen baarlamaankii todobaad (275 kursi) sannadkii 2004, intaas kadib mar kale ayaa dib loogu noqday dalka Jabuuti sannadkii 2009 wxaana heshiis siyaasadeed iyo xulasho qabiil ku yimid baarlamaankii sideedaad (550 xildhibaan) waxayna doorteen madaxweynaha todobaad oo ahaa Shariif Sheekh Axmed, oo suuragaliyay in doorashadii xigtaa ay ka dhacday gudaha Soomaaliya.

Intaas wixii ka dameeyay Soomaaliya waxa ay ka baxday nidaamkii kumeel-gaarka ahaa oo waxaa sannadkii 2012 la sameeyay baarlamaankii sagaalaad (275 xeer-dajiyaal) ayaa doortay madaxweynihii sideedaad oo ahaa Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu dhammaaday mudo xileedkoodii sannadkii 2017, waxaa la hirgaliyay barlamaankii tobanaad (275 xubnood) oo doortay madaxweynihii sagaalaad oo ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhawr bilood kahor baarlamaanka kow iyo tobanaad ayaa doortay madaxweynaha tobanaad ee hadda talada haya, waxaana la filayaa in ay wali sii socon doonto tixanaha tirada isdheer ee golaha sharci-dejinta iyo madaxweynaha dalka, waase haddii hannaanka qori is-dhiibka ee dawladnimada Soomaaliya uu si nabadgalyo ah usii socdo.

W/Q Abubakar Yasin

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay wasiirka difaaca Mareykanka

Jabuuti-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda  taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dhankiisa Mudane Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada isagoo tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay  in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah.

 

Madaxweynaha Galmudug oo booqday qoyskii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane

Dhuusamarreeb- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo shaqo ugu maqnaa caasimadd dalka oo galabta ku soo laabtay caasimadda Dhuusamarreeb ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa halyeey geesi ah oo ka hor tagay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey.

Madaxweynaha ayaa  labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.

Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal.

               

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah

Jubbaland:-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah,kuwaa oo kala ah:-

1. Xeerka Hay’ada Waddooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

2. Xeerka Sharciga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah.

3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda Maamulka jubbaland ayaa dhawaan meel mariyay xeerarkaan.

 

    

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka Cudurka Qaaxada

New york:-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa Khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka Cudurka Qaaxada kaas lagu qabtay Magaalada New york ee uu kasocda Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madasha Waxaa ka soo qeybgaley Wasiiradda Caafimaadka dalalka Caalamka waxaana si diiran loogu lafagurey sidii loola dagaalami lahaa Cudurka Qaaxada oo wadama badan oo Caalamka ay bulshooyinkoodu la daalaa dhacayaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in Qaaxadu (TB) ay tahay dhibaato Caafimaad oo caalami ah, oo saamaysa shakhsiyaadka iyo bulshooyinka adduunka oo dhan, waxa uuna xusey in TB-du tahy caqabad wayn oo ku horgudban Caafimaadka iyo horumarka ummadaha Caalamka, waxa uu sidoo kale farta ku fiiqey in fiiro gaar ah loo yeesho, ballan-qaadyada ka soo baxa madasha, iyo tallaabooyinka istiraatijiyadeed ee ka dhanka ah Qaaxada.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri TB-du waxay dhibaato iyo culays xooggan ku heysaa bulshooyinkeena, Baahsanaanta Qaaxada ee Soomaaliya waxay ka tarjumaysaa farqiga ballaaran ee caalamiga ah ee helitaanka daryeelka caafimaadka iyo tayada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ballaarisey baarista iyo daawaynta Qaaxada taas oo qayb ka ah kordhinta adeegga daboolida Xirmooyinka Caafimaadka aas aasiga ah (EPHS) waxayna Wasaaraddu qorsheynaysaa in marba marka ka dambeeya ay sii kordhiso korna u qaado adeeg bixinta la dagaalanka Cudurka Qaaxada si bulshadeenu u hesho xasilooni Caafimaad oo tayo leh.

 

  

Howlgallo ka dhan ah khawaarijta oo ka socdo degaanno katirsan Mudug

Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca Shacabka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob Khawaarijtu isku aruursaneysay.

Dagaalka oo ka socda dhulka howdka ah ee deegaankaas ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey Khawaarijta, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Howlgallo burburin ah oo labadii maalmood ee la soo dhaafay Cidanka Qaranku ka waday Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu naafeeyey Khawaarijta waxaana halkaas loo dilay in ka badan 70 dhagar qabe oo Maleyshiyaad iyo Horjoogeyaal iskugu jira.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday xubnno katirsan khawaarijta

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Saddax xubnood oo ka tirsan kooxda khawaarijta

Xubnahan ka trisan khawaarijta ayaa xeer ilaalinta maxakamddu ku soo edeeysay in ay la shaqeynayeen Argagixisada,waxana lagu kala xukumay sidaan:-

1: Cawil Aadan Jamaac waxa ay Maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah.

2: Xaawo Cismaan Cabdi waxaa lagu xukumay iyana 8-sano oo xabsi ciidan ah

3: Xasan Cali Xasan waxa ay maxkamaddu ku xukuntay Hal sano oo IL ku heynta Booliiska ah.

4: Maxamuud Cabdi Xuseen,waxa ay Maxkamadda cadeeysay in uusan lahayn wax dambi ah waxa ayna u soo celisay xoriyadiisa,sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad ciidanka Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute

YAABAYE MA YAABTEEN!!!? (WARBiXIN)

ANI YAABAYE MA YAABTEEN !!!?, waxaa la yaab leh Amiir u dhashay Qowmiyadda Amxaarada ee wadanka Itoobiya oo Soomaali Diin ku dilaaya, sida laga soo xigtay Ciidanka Ammaanka Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dileen Madaxii howl-galada kooxda Argagixisada ah ee Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani. Abu-Albara waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Amxaarada Dalka Ethiopia micnaha Khawaariij Ethiopian ah, Bal waa yaabe Amxaar Dadkiisii qaawan yihiin oo Soomaali Diin ku dilaya,  Wallee Khawaariij haddaan leyska difaacin Dal, Dad iyo Diinba ma jirayaan. waa yaabka yaabkiis.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka ayaa shalay Khawaarijta kala wareegay deegaannada Ceel-kabar  iyo Jaburow, oo dhaca galbeedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijta ah, taasina ayaa waxay ku timid kadib markii Ciidamada ay weerar dhowr jaho ah ku qaaday Deegaanka Luuqa-Jeelow oo ahaa goob khawaarijtu lacago baad ah ugu qaadaan dadka u kala safra magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe, waxayna Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyey howlgalka,  iyagoo sheegeen in cadowga dadka deegaanka dhibayay sanadaha badan ay ka ceyriyeen deegaannadaasi.

Dhinacaasi iyo Ceelbuurna, Goob ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo lagu Duqeeyey Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, waxaana lagu soo waramayaa in Howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,  iyadoo howlgaalkasina lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa lala beegsaday Guri ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo kooxda ay ku weysay Horjoogayaal uu ku jiray Horjoogihii Maaliyadda u qaabilsanaa Khawaarijta ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal, sida uu Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik uu u xaqiijiyay Warbaahinta Codka Ciidammada Qalabka Sida, isagoo sheegay in howlgalkan oo dhinaca cirka ah sidoo kale lagu laayey Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaasi oo la socday Horjoogayaasha goobta lagu soo afjaray.

Sidoo kale shalay galabta Aagga deegaanka Shabeelow ee koonfurta Mudug waxaa lagu duqeeyey koox Khawaarij ah oo isku abaabuleysay inay weerar ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Qaranka iyo ku Deegaanka, balse shartooda iyagaa alle ku celiyay oo dhulka ayaa lala simay dhamaan wixii halkaasi joogay, intaasi kadibna Ciidamada Qaranka ayaa ku daatay goobihii lagu duqeeyay, waxaa kaloo jira in Ilaa 6 goobood ay shalay iyo maanta lagu beegsaday Khawaarijta ku harsan bariga Galmudug, waxayna dowladdu wadaa qiimeynta khasaaraha ka soo gaaray howlgalladaas barakeysan kooxda Khawaarijta ah oo is dabajoog ahaa.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa in ka badan 30 xubnood looga dilay deegaan ka  mid ah gobolka Mudug, sida aan wararka ku heleyno Howlgal gaar ah oo shalay Ciidanka Dowladdu ay ka fuliyeen dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow oo dhaca Koofur Bari ee gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayd deegaankaasi, waxaana wararku intaasi ku darayaan in khasaaro xoog leh loo geystay Argagixisada, waxaana loogu geystay khasaare ba’an, laguna burburiyay xarumo Kooxdu ay ku lahayd deegaankaasi,  iyada oo lagu khaarijiyay in ka badan 30 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad. Xubnaha Khawaarijta ah ee ku haray gobolka

Khawaarijtii ku sugneyd meelo ka mid ah Gobolka Mudug ayaa waxaa soo food saaray culeys xoog leh, kaddib markii ay kordheen weerarada dhulka iyo cirka uga imaanaya ee lagu beegsanayo firxadkooda.

“Waa waajib in Masuuliyiinta  iyo Shacabkuba sii laba laabaab la dagaalanka khawaarijta looga sifeynayo Dalkeena Soomaaliya”, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drsa. Maryama Mohamed Hussein oo dhinac taagneyd Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markuu fadhiga ka dhigtay Magalada Dhuusamareeb, ayaa ku boorisay Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in loo wada istaago Shaqada la dagaalanka iyo Sifeynta Khawaarijta,  laguna garab istaago Madaxweynaha aragtidiisa ku aadan in dalka laga ciribtiro aragtida guracan ee khawaarijta,  taasoo dilootay dalka iyo Shacabka Soomaiyeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka dhawaajisay in ciidamada xoogga dalka ay si joogto ah guulo uga soo hooynayaan dagaalka ay kula jiraan khawarijta ee jiidda hore,  ayna weli jiraan howlgalo badan oo looga hortagayo kooxaha Argagaxisada ah, iyadoo  hadalka Drsa. Maryama uu imaanayo, iyadoo ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Maamul gobaleedyada iyo dadka deegeenka ay sii wadaan howlgallada deegaannada Galmudug looga xoreynayo kooxaha khawaarijta. “Wasaarada Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada waxay mudnaan siinaysa ballaarinta iyo helitaanka daryeel caafimaad ee magaalooyinka iyo tuulooyinka laga xoreeyay gacan ku haynta khawarijrta”, ayay sii raacisay Drsa Maryama.

“Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah, waxaana bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq, wuxuuna tilmaamay in sida kaliya ee dhagarta Argagixisada looga guuleysan karo ay tahay in la wada shaqeeyo dhammaan laamaha ammaanka iyo Shacabka, taas oo meesha ka saareysa in Khawaarijta soo dusiyaan Gaadiidka qaraxyada ka soo buuxiyaan si ay shacabka u dhibaateeyaan.

Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, lagana soo doortay Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay Argagixisada ku jabeen dagaalka lagula jiro, loona baahan yahay in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Baladweyne ay ka feejignaadaan dhagartooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Khawaarijtu bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.

Share this Article

Xildhibaan Ciid” Argagixisada markii furimaha looga adkaaday, waxay bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah”,

Muqdisho,(SONNA):- Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya lagana soo doortay Hirshabeelle ayaa sheegay in ay argagixisada ku jabeen dagaalka lagula jiro, loona baahan yahay in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Baladweyne ay ka feejignaadaan dhagartooda.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay Khawaarijtu bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.

“Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah,”Xildhibaanka bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa ku tilmaamay in sida kaliya ee dhagarta argagixisada looga guuleysan karo tahay in la wada shaqeeyo dhammaan laamaha ammaanka iyo shacabka, taas oo meesha ka saareysa in argagixisada soo dusiyaan gaadiidka qaraxyada ka soo buuxiyaan si ay shacabka u dhibaateeyaan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xilli shalay Khawaarijtu ay magaalada Baladwyne ka geysatay qarax gaari oo ay ku gumaatay shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Khawaarijta waa laga adkaaday, waqtigoodana waa dhammaaday, Shacabka Baladweynena waxay muujiyeen geesinimo sida haddii la iskaashado looga guuleysan karo argagixisada hadda gabalkooda sii dhacayo.