Guddiga horumarinta adeegga bulshada aqalka sare oo kormeeray Isbitaalka xogga dalka

Guddiga horumarinta adeegga bulshada aqalka sare ayaa maanta kormeeray isbitaalka xoogga dalka oo ay ka socotay shaqada maalinlaha ah ee loogu adeegayo geesiyaasha Xoogga Dalka, iyagoo u kuurgelaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka, baahiyaha ka jira iyo xaaladda bukaannada, ayay warbixin guud ka dhagaysteen Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga iyo Agaasimaha Isbitaalka oo uga warramay xaaladda guud ee Isbitaalka.

Xubnaha guddiga adeegga bulshada aqalka sare oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga sanatar Dr Cismaan Maxamuud Maxamed {Dufle} ayaa intii ay ku sugnaayeen Isbitaalka waxay mid mid u booqdeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyo dhawaacayada lagu daawaynayo.

Guddiga ayaa bogaadiyay shaqada socota iyo dadaalada ay muujiyeen bahda caafimaadka Isbitaalka xoogga, waxayna ballanqaadeen in ka guddi ahaan ay kala shaqayn doonaan maamulka Isbitaalka xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira Isbitaalka xoogga dalka.

  

Ciidamada qalabka sida oo 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay howlgallo ka dhacay Galmudug

Dhuusamareeb-Hawlgallo ay fuliyeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay deegaannada Dab Xagar iyo Dab Qurun oo hoos taga magaalada Wabxo iyo degaannada Oodaale iyo Ceel Sabaax oo hoos taga magaalada Ceel-Garas ayaa lagu dilay ilaa iyo 30 ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalladan oo lagu beegsaday meelo ay si qarsoodi ah isugu uruursanayeen cadawga Khawaarijta ah ayaa sidoo kale lagu burburiyay qaraxyo iyo saanado kale oo ciidan oo ay diyaarinayeen cadawga.

Ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay guulo waawayn ka gaaray hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Galmudug, waxaana lagu guulaystay in gacanta cadawga laga saaro deegaanno badan oo muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul-qaadaan garabna istaagaan ciidanka qaranka.

Waxaa ka go’an dowladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kal-fadhiga Saddexaad ee golaha shacabka BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 23-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka Soomaaliya iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa waxaa ogolaaday 134-Xildhibaan, waxaa diiday,1 Mudane, waxaa ka aamustay 6-Xildhibaan.

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiiniinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyoow, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida hufan ee ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh Qaxootiga Soomaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo  soo jeediyay in la taageero Musharaxa Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Xil. Marwa Cabdibashiir Cali oo u tartameeysay xilka Madaxweynaha Inter-Parliamenty Union oo ay ku midoobeen Xildhibaannada Dowladaha Adduunka, waxaana Xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in laga jaro Xildhibaan kasta $200 Doolar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal ka jeediyay xiritaanka Kalfadhiga Seddaxaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan xiritaanka Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka oo afartii bilood mar la fasaxo si Xildhibaannada ay ugu laabtaan deegaan doorashooyinkooda.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waxqadka Kalfadhiga Seddaxaad, waxaana ka mid ahaa ansixinta hindise sharciyeedyo kuwaas oo kala, Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka, iyo Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Golaha horyaala hindise sharciyeedyo tiro badan oo aan weli la ansixin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa gunaanadka khudbadiisa ku faafaahiyay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta Al Shabaab, kuwaas oo degaano iyo degmooyin ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda lagala wareegay, waxaana hada socdo degaano dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Khawaariijta, isagoo tilmaamay in isku soo noqoshada Kalfadhiga 4-aad uu noqdo mid laga Xorreeyay Khawaariijta Al-Shabaab, waxaana Xildhibaannadda ugu baaqay in Xildhibaannada ay soo xaadiraan kalfadhiga xiga si looga doodo Dastuurka KMG ee dalka.

Horjooge ka tirsanaa khawaarijta oo isku dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Baydhabo- Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay.

Horjooge Dhaayoow ayaa tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhaxe, wuxuuna ka tirsanaa Maxadka isqarxinta khawaarijta ee degmada Bu’aale.

Horjoogayaasha iyo malleeshiyaadka khawaarijta ayaa muddooyinkan dambe isa soo dhiibaya markii ay u adkaysan waayeen howl gallada Ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad oo bogaadiyay howlgallada Ciidanka xoogga dalka

Qaahira-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay ay Ciidanka xoogga dalka ka wadaan gobollada dalka, wuxuuna ugu baaqay in sii laba laabaan dedaallada lagu sifeynayo khawaarijta.

“Ciidamadu kheyr Allaha siiyo guulo ayay soo hooyeen, si fiican bayna u dagaallameen, waana u hambalyeyn hayaa, waxaanan leeyahay Allaha idin garab istaago”

Mudane, Cabdi qaasim ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan dowladdooda lana shaqeeyaan Ciidanka xoogga dalka.

“Madaxweynuhu dedaal badan buu wadaa, dowladdana waa dedaalaysaa, is garab taaga, gacmaha is qabsada, Allana barya”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Dowladda Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda daahfurka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada #DanQaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS. Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala.

Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasibadda daahfurka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo taadeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

 

Ciidanka xoogga oo howlgal ku dilay horjooge ka tirsanaa khawaarijta

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan saaka aroortii ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Baay Aadan gardhuub iyo Maleyshiyaad uu watay.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka 46-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Xiddigle, Xasan Aadan Maxamed ayaa laga fuliyey degaanada kala ah Adeegow Garaar ,Warta Dollar , Weeley Bagal iyo Eey-Duuraay ee Gobalka Baay.

Duqa Muqdisho oo la kulmay Maareeyaha hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay Maareeyahaya Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Mudane Cabdiweli Timacade.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo u diyaar garawga Shirwaynaha iyo daah-furka Kaarka Aqoonsiga oo16-ka bishan September ka qabsoomaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Iyo Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Ciidanka oo dil ku xukuntay xubin ka tirsanaa khawaarijta

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle, Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa khawaarijta.

Xamsa ayaa horay u dilay taliyihii Ciidanka nabad sugidda deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeellada hoose Xasan Cusmaan Cali, markii uu gaarigiisa u geliyay miino nooca gaadiidka lagu xiro ah.

Dhagar qabe Xamsa oo ah 23 jir kana soo jeeda Janaale ayaa horay ugu shaqaysan jiray Mooto Fekon intaysan tashkiilin khawaarijta, isagoo ku noolaa guriga taliyaha ee magaalada Marka, maaddaama ay qaraabo ahaayeen.

28-kii Augosto ee sanadkan ayay soo gabagabowday dacwadda loo haystay Xamsa , waxanay maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida maanta ku xukuntay dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta Ex-taliyihii NISA ee deegaanka Buufoow Bacaad Xasan Cusmaan Cali.

Putin oo la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Arbaca ah hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ku qaabilay saldhigga Vostochny, oo ah goobta gantaallada hawada sare laga rido.

Labada hogaamiye ayaa kormeeray xarumaha Gantaallada hawada sare ee saldhiga Vostochny ee bariga fog ee Ruushka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Kremlin-ka.

Wakaaladda wararka ee Ruushka, ayaa ku warantay in Kim Jong Un, uu tareen ku tagay saldhigga Vostochny, halkaas oo labada hoggaamiyo ay ku yeelan doonaan wadahadallo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca labada dal.

Moscow ay raadinayso inay hesho kaydkeeda madaafiicda Pyongyang, si Ruushku uu ugu adeegsado dagaalka uu kula jiro Ukraine, halka Pyongyang ay doonayso in Ruushka uu ka caawiyo sidii ay u casriyeyn lahayd qalabkeeda dagaal, gaar ahaan qalabka Milatari ee hawadeeda sare.