DF iyo Galmudug oo adeegyada bulshada ka hir gelinaya deegaannadii laga saaray khawaarijta

Wasiiru dowlaha Wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax Fiidoow ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyey xaaladda deegaannada laga xoreeyay cadowga iyo howlgallada socda.

Mudane, Fiidoow ayaa sheegay in deegaanka Ceel-garas ay Ciidanku ka sameeyeen baaritaanno baaxad leh, maaddaama khawaarijtu ay goobaha laga saaro ku aasaan miinooyin, si shacabku aysan waxyeello usoo gaarin.

Wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in khawaarijtu ay horay usii qafaasheen dadkii halkaasi ku noolaa si ay gabbaad ugu dhigtaan, wuxuuna ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan magaaladooda, ganacsigoodana ay dib u billaabaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax Fiidoow ayaa ballan qaaday in Ceel-garas la gaarsiin doono adeegyadii bulshada ee ay dadku u baahnaayeen, bulshada deegaankana ay dareemayaan neecawda dowladnimada.

Dhaawac ka dhashay miino ay khawaarijtu ku qariyeen Ceelka Ceel-garas

Miino ay Khawaarijta ku qariyeen ceelkii ugu waynaa magaalada Ceel-garas ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ku dhaawacmay qof ka mid ah dadka deegaanka oo la sheegay in uu dhulka miyiga ah biyo ka soo doontay.

Kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ayaa ka hor inta aanan lagala wareegin magaaladan waxay ku xireen miinooyin dhammaan goobaha muhiimka ah, inkastoo ciidanka dowladdu ay ka saareen Qaraxyo badan oo cadowgu ugu tala galay inuu ku dhagro ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maalinkii shanaad ku sugan magaalada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud, waxaana weli socda howlgallo ay ciidamadu ka wadaan magaalada iyo tuulooyinka u dhow dhow.

10 ka tirsan Khawaarijta oo shabeelaha dhexe lagu dilay

Ruunnirgood:Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruundhirgood ee gobalka Shabeellaha dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo doonayey inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan degmadaas.

Sidoo kale ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku guulaystay iny ku burburiyay gaari Noha ah oo Khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamadu waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta Khawaarijta sidoo kalana ay laayaan maleeshiyaadka ay soo qaldeen, iyadoo qof kale uusan khasaaro ka soo gaarin.

Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay madasha dhaqanka Shiinaha ee 2023

Changsha:- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan uga qeyb galay madasha dhaqanka iyo dhexgalka Bulshada ee Dalka Shiinaha, isagoo munaasabaddaas ka jeediyay khudbad dheer oo taabaneyaa dhinacyada dhaqanka iyo sida loo horumarin karo.

Munaasabadda ayaa ujeedadeedu ahayd sida loo horumarin karo isweydaarsiga dhaqanka iyo sida caalamka loogu soo bandhigi lahaa dhaqanka Shiinaha ee bulshada Gobolka Hunan .

In ka badan 60-wakiilo kala duwan ayaa madasha ka qeyb galay oo ay ku jiraan saraakiisha dowladda iyo wakiillada safaaradaha caalamka. Waxayna isugu yimaadeen kobcinta isfahamka dhaqanka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ka soo qeyb galka Danjire Kullane, ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Shiinaha, isagoo uga mahadceliyay xukuumadda Beijing kobcinta hidaha dhaqanka.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay doodo, riwaayado iyo bandhigyo muujinaya quruxda dhaqanka shacabka gobolka Hunan iyo guud ahaan Dalka Shiinaha. Waxayna Soomaaliya oo ka mahadcelisay martiqaadka loo fidiyayay rajaynaysaa inay mustaqbalka ka qayb-gasho munaasabadaha kuwan la mid ah.

Dowladda Federaalka oo mashaariic ka hirgelinayso Koofur galbeed

Baydhabo- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa ku Qaabbilay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunoow iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa Madaxweyne Laftagareen u sheegay in socdaalkooda uu ku qotoma Xoojinta wada shaqaynta iyo hirgelinta mashaariic kala duwan oo labada Wasaaradood ay ka hirgelinayaan guud ahaan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu mahadceliyay Wasiirrada socdaalkooda Baydhabo, wuxuuna xusay in ay muhiim tahay hirgelinta mashariicda ay u baahanyihiin bulshada.

Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo billowday

Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan maanta daah furay Imtixaanka Aqbalaadda oo ka dhacay xarumaha Jaamacadda ee Banaadir, Galmudug iyo Puntland.

Imtixaanka oo ay u fariisatay 3731 arday ayaa loogu tala galay in lagu ogaado heerka aqooneed ee ardayda iyadoo ardayda kusoo baxda xaq u yeelan doonaan gelitaanka Jaamacadda.

Raktar xigeenka Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid, ayaa sheegay in imtixaanka si caddaalad ah loo qaadayo, ardaydana si hufan isu soo diiwaan geliyeen.

Wuxuu sheegay in Jaamacadda ay ka go’an tahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahayd waxbarasho tayo leh, iyada oo aan loo eegayn halka ay kasoo jeedaan.

Ardayda ku guulaysta waxa lagu wargelin doonaa natiijadooda todobaadyada soo socda.

    

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Talyaaniga u joogo Soomaaliya

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi, iyada oo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargalinta mashaariicda ay dowladda talyaaniga uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caasimadda gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taalada darjiinka arbaca Rukun iyo xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.

      

Wasiirka Warafaafinta: Dalxiiska wuxuu qayb ka qaadan karaa dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshada

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa furay munaasibadda maalinta Qaran ee Dalxiiska.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in dalxiiskii dalka uu ku yimid burbur soddonkii sano ee lasoo dhaafay, balse ay muuqdaan ifafaallooyin aad u qurux badan, maaddaama ay ka wada socdaan dib u dhis xooggan iyo dib u xorayn.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay dowladdu dhowaan samaysay daraasad ku aaddan sidii dib loogu soo noolayn lahaa dalxiiskii dalka.

Dalxiiska ayuu sheegay in uu qayb ka qaadan karo dhaqaalaha dalka, horumarinta shaqa abuurka, dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshadeenna.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan oo dhinaca dalxiiska ku wanaagsan, dhammaan gobollada dalkuna ay leeyihiin goobo u diyaarsan dalxiiska una baahan oo keliya maalgashi in lagu sameeyo.

Wasiir Aweys ayaa u bogaadiayay una mahad celiyay shirkadaha maxalliga ah ee u istaagay soo noolaynta dalxiiska dalka, kuwaas oo daboolay inta badan shaqadii looga baahnaa hay’adaha dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo hay’adaha waddaniga ah ee ka shaqeeya dalxiiska ayaa isu diyaarinaya xuska 13-ka Septembar oo ah maalinta dalxiiska Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ku wareejiyay dhismaha Casa Italia

Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo banneeyo dhismaha Casa Italia ee degmada Xamar Weyne

Safiirka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay soo celinta dhismaha Casa Italia, wuxuuna sheegay in tani ay ka tarjumayso sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa Italia ayaa tan iyo burburkii wuxuu gacanta ugu jiray muwaaddiniin Soomaaliyeed, halkaas oo ay ku yaalleen goobo ganacsi oo kala duwan.

Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay, isagoo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Degmada Awdheegle ku sugan, waxaana uu ku ammaanay sida ay geesiyaasha Qaranku cashar ugu dhigeen Khawaarijta diinta ka aradan ee lagu soo qalday weerarkii degmadaasi, wuxuuna  halkasi u tegay inuu aad ugu bogaadiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka shabeellaha hoose, wuxuuna amray in loo soo gudbiyo dhammaan liiska ciidankii ka dagaal galay Awdheegle ee jabka culus gaarsiiyay Khawaarijta si loo dalacsiiyo, isagoo xusay in Madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan uga wado ciidanka geesiyaasha ah ee dhabarka ka jabiyey Khawaarijta, islamarkaana Askari walba oo howlgalkaasi guuleystay qeyb ka ahaa la dalacsiiyo mid 2-darajo.

Khawaarijtu ayaa sida la ogsoon yahay ay tahay markii 3-aad ay ku jabeen isku day ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan amniga Degmada Awdheegle, taasina ay muujinayso adkeysiga iyo heeganka ay had iyo jeer ciidanku ugu jiraan difaaca dalka, iyadoo Khawaarijta ay dhawaan isku day ama ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidanka ku soo qaaday degamada Awdheegle, waxaana halkaasi ay kala kulmeen jab culus, iyadoo looga dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana Khawaarijta khasaare ballaaran lagu gaarsiiyay goobtaasi, waxaana geystay arrintaasi Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa saaxiibada Caalamka, iyagoo si feejignaan ah waajibkooda u gutay oo halkaasi ku laayay khawaarijtaasi, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka “Meydadkooda ayaa daadsan waddooyinka iyo biyo mareenada, kadib markii si xun loo jabiyay wererarkii gaadmada ahaa ee ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka degan deegaankaasi”, waxaana looga furtay hub iyo saanad fara badan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlayay ciidamada qeyb ka noqon doona dagaalka Khawaarijta ayaa sheegay in uu dhammaad marayo waqtiga khawaarijta, islamarakana ciidanka looga baahan yahay in inta firxadka ee duurka ku dhuumaaleysanayo ay soo afjaraan, wuxuuna intaasi raaciyay in dhaawacyada Khawaarijta uga dhaawacmay howlgallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aysan heli karin Isbitaallo lagu daaweeyo, taasi bedaekeeda ay dhameystirayaan kuwa waxyeellada ka soo gaarto.

“Khawaarijtu maanta ma heli karaan isbitaal ay geystaan kooda dhaawacma, waa dhammeystirayaan oo kaliya”.ayuu yiri Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin, wuxuuna  ugu dambeyn dhammaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ugu baaqay in loo wada istaago sidii la isaga dul qaadi lahaa khawaarijta, isagoona ciidamada u rajeeyay guul,  waxaana la ogsoon yahay in Kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab ay ku jirto xaaladdii ugu adkeyd waqtigan, iyadoo la soo warinayo in jahwareer ku jiraan, ayna heysato labo mid daran mid dooro oo kala ah in ay cadaaladda isku dhiiban ama iyagoo baxsad ah in goobaha ay ku dhuumanayaan in lagu khaarajiyo.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u heystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto, si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaal  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo, wuxuuna shacabka uga digay in ay wax ku darsadaan, kana ag-dhawaadaan Khawaarijta. Dowladda Federaalka ayaa dooneyso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambeysay oo lagu ciribtirayo Argagixisada dhiigyo cabka ah.

” Waxaan leenahay shacabka ay afduubka u hasytaan nimankaan Khawaarijta ah, waxaan idin kaga digeynaa ka dheeraada, wax ha ku darsanina Ilaahey bey ka dheeraadeen, Dowladnimadii bey diideen, islaam-nimadii bey diideen, ciidamada guud ahaan waxay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan,” ayuu yiri Generaal Cirro.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Lugta Xoogga Dalka Generaal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay qaadi doonaan howlgal cir iyo dhul ah oo lagu soo afjarayo jiritaanka iyo gumeysiga ay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen Khawaarijta Al-shabaab, kuwaasi oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed gumaadayay, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud ka ah oo howlgalkan guuleystay uu ballan qaaday in mar dhow la arki doono Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarijta, Waddooyinka Dalka oo isku furan iyo shacabka oo si nabad ah isku dhex mushaaxaya (Alle idimkii).

Dhinaca kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa 10 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii soo sheegta Axmed Diiriye, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Cumar iyo Abuu Cubeyda. Abuu Cubeyda ayaa ah hogaamiyaha Al-Shabaab, xilkaas oo uu hayay tan iyo markii uu geeriyooday hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane. Abuu Cubeyda wuxuu qeyb ka ahaa dadkii Godane ugu dhowaa xiligii geerida Godane.

Ka hor inta uusan Godane bedelin, Abuu Cubeyda waxa uu Al-Shabaab ka soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ka mid yihiin kaaliye Godane, Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya 2008-dii, iyo Guddoomiyihii Al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool inta lagu jiray sanadkii 2009-kii. Ugu dambaytii sannadkii 2013-kii, waxa uu la taliye sare u ahaa Godane, waxaana uu ka soo shaqeeyay “Waaxda Arrimaha Gudaha,” ee al-Shabaab, halkaas oo uu kula socon jiray dhaq-dhaqaaqa gudaha ee kooxda, wuxuu Godane la wadaagaa aragtida al-Shabaab ee weerarrada argagixisada al-Shabaab ee Soomaaliya oo ah mid ah himilooyinka waaweyn ee al-Qaacida.

Taariikhdu markay aheyad 21-kii bisha Abriil, sanadkii 2015-kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Abu Ubaidah waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddelay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Abu Ubaidah hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abu Ubaidah la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo al-Shabaab, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.

Warar hadda la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo deegaanka ah oo ka baxay Degmada Cadaado iyo deegaannada hoostaga ayaa hadda gacanta ku dhigay deegaanka Xinlabi oo Khawaarijta fariisin u ahayd in muddo ah, waxaa kaloo lagu soo waramayaa  in Degmada Ruunnirgood oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ay kaabiga u saran yihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka, halka ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Cadcadeey oo ka tirsan Degmadaasi. La dagaallanka iyo ciribtirka Khawaarijta arxanka darran ayaa maalmahaan si xowli ah uga socda guud ahaan deegannada kala duwan ee maamulka Galmudug.