Wasiir Al-Caddaala: 48-dii Saac ee lasoo dhaafay 17 howlgal ayaa Galmudug ka dhacay waxaana ku dhintay in ka badan 120 khawaarij ah

Dhuusamareeb- Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa jiidda hore kula hadlay ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Caddaala oo furimaha dagaalka kula hadlay Ciidanka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dhammaan mas’uuliyiinta,saraakiisha,  ganacsatada , siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaanka.

Wasiir Al-Caddaala ayaa kula dardaarmay Ciidanka in aysan hilmaamin hadafkii ay guryahooda ugu soo tageen iyo waxa ay u dagaallamayaan, wuxuuna ku boorriyay in aysan soo noqon illaamaa ay ka xaqiijiyaan wixii ay usoo baxeen.

Wuxuu sheegay Wasiirku in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay 17 howlgal oo lagu baacsanaya khawaarijtu ay ka dhaceen Galmudug, kana dhimatay in ka badan 120 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Senetor, Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer”  oo ka mid ah Xildhibaannada ku sugan furimaha dagaalka ayaa ku boorriyay Ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta in ay deegaannadooda ku celiyaan dadkii ay soo bara kiciyeen khawaarijta ee bannaanada ku dhibaataysan.

SOO BADASHADA GOOBAHA DAABACAADA IYO FAA’IDOOYINKA DHALINYARADA

Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka waa magaalo madaxda dalka waana halka ay ku yaalaan Xarumaha dowladda oo dhan waana magaalo ay ku nool yihiin shacab ka badan sadax malyan iyo bar.

Waa magaalo Ka soo kabsaneeso dhibaatooyin xooggan ee soo gaaray sanadihii la soo dhaafay waa magaalo dhaqaalahaaan, bilic ahaan horumar baaxadleh sameeneyso.

Horumarka ganacsi ee magaalada muqdisho ku soo badanaayo ayaaba maalinba maalinka Ka sii danbeysa sii koraayo waxaana arkeysaa ganacsiyo kala duwan oo aan horey loo aqoon in laga hirgalinaayo magaalada muqisho waxayna taasi Ka dhigan tahay hormarka baaxada leh ay caasimada dalka ay ku tilaabsaneyso.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ka soo baxay Jaamacadaha kala duwan dalka iyo dibada ayaa iyana dhankooda wada qorsho hormarineed oo dhanka ganacsiga ah ayaga oo bilaabay halgan xooggan oo ay mustaqabalkoooda ay ku hormarinayaan ayaga oo la yimid xirfada sareeysa oo looga baahan yahay dalka waana xirfad iyo hal abuur ganacsi mustaqabalkoooda iyo mid nololeedkooda ay wax weyn ay Ka badaleyso

Sidoo kale, dalka ay isbadal dhankasta ah ay ku imaaneyso oo ay ugu horeeyaan dhanka dhaqaale, mid canshuur iyo mid bilicda dalka oo isbadasho.

Hirgalinta goobaha daabacaada waa goobo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed waana goobo nolasha aadanaha ay aad ugu baahan yihiin sababatoo ah madbacada wax lagu daabaco waxay qeyb Ka tahay jiritaankeena waxaana daliil u ah bulshada Soomaaliyeed aad ayey u adeegsadaan buugaagta, boorarka, shahaadooyinka, masawirada teesaraha ah , warqadaha casuumaada ah iyo kuwa badan dhamaantood waa ladaabacaa sababtaas ayey nolosheena muhiim ugu tahay madbacada wax lagu daabaco.

Hadaba faa’iido noocee ah ayey u leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed hirgalinta goobaha ganacsi daabacaada ah.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waa dhalinyaro Ka soo baxday Jaamacadaha dalka iyo dibada waana dhalinyaro u baahan in ay shaqeystaan dalkeena waa ku yartahay fursadaha shaqo taasina waxa ay keentay in dhalinyaradii ay bilaabeen fikrado ganacsi iyo halabuuro oo ay ku hotmarinayaan ganacsiyadooda oo ay Ka dhigeen ganacsiyo hormar dhankasta Ka sameeyey.

  1. Faa’idada kowaad ayaa ah in dhalinyaradii ay bilaabeen in ayaga ay layimaadaan xirfado iyo halabuuro shaqo taasina waxa ay keentay in dhalinyaro badan oo caasimada dalka ku nool ay iyagana bilaabeen qorshooyin ganacsi oo ay ku hormarinayaan mustaqabalkoooda.
  2. Faa’idada labaad ayaa ah in dalka uu hormar u keenaayo ganacsiyo badan dalkeena Soomaaliyeed waxa uu koror xooggan uu ku sameenayaa dhanka dhaqaalaha iyo midka bilicda dalka.
  3. Faa’idada sadaax ayaa ah in dowladdu ay dhankeeda ay fursado badan ay oga banaan tahay sababta ah dowladdu waxa ay keeneysaa suuqyada caalamka oo ay isku fureysaa sidoo kale dowladdu waxa ay Ka faa’ideeysaa cashuur badan oo ay ku hormarin karto kaabayaasha dhaqaale ee dalka sida dhisida laamiyo, goobo caafimaad iyo goobaha waxbarashada.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

SAAMEYNTA LACAGTA DOLLARKU KU YEELATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDA

Lacagta dollarka mareekanka waa lacag ay leedahay dowladda Mareekanka waana lacag laga isticmaalo gudaha Mareekanka sidoo kale lacagta dollarka in adduunka laga isticmaalo waxaa keeney heshiis dhexmaray wadamada midowga yurub , Mareekanka, aasiyo iyo qaarada afrika

taas waxa ay keentay in adduunka laga isticmaalo lacagta dollarka oo dhamaan dunida ku baahsan adeegsiga Dollarka ilaa iyo maanta la isticmaalo lacagta lagu kala iibsado beecmushtarka adduunka kala goosha.

Lacagta dollarka waxaa aad u isticmaalo bangiyada caalamka oo malinkii ay kala gudbiyaan balaayiin dollar ah sidoo kale lacagta dollarka ayaa lagu kala iibsadaa shidaalka adduunka lagu isticmaalo, saliida iyo sidoo kale waxaa dollarka lagu kala iibsadaa beecmushtarka adduunka iska kala goosha taasina waxa ay ka dhigantahay lacagta dollarka waa lacagta ugu isticmaalka badan dunida waqti xaadarkaan.

Bilowgii colaadda Ka bilaabatay wadanka Ukraine oo uu Ruushka weeraray waxa ay keentay adduunka uu isbadal aan lafilaneenin ku imaaday oo ay ugu horeeyaan sicir barar xooggan oo ku yimid suuqayada caalamka oo dhamaan ladaremay sidoo kale colaada Ukraine waxaa kala oo keentay isticmaalka lacagta dollarka ah in caalamka ay bilaabeen in si tartartiib ah ay Ka guuraan isticmaalka ama adeegsiga Dollarka oo ay u badasheen Dahabka oo ah mid ra’sumaal leh.

Sidoo kale waxaa bilaabmay gilgil xooggan oo wadamo badan oo ay ugu horeeyaan Ruushka, Brazil, South Africa iyo wadamo badan oo kale ee ku soo biiray wadamadaan ayaa wada qorsho halis ku ah dowladda Mareekanka jiritaankeeda dhanka lacagta dollarka ah waxaana wadamadaan ay wadaan Ka guurida lacagta dollarka ah in waxlagu iibsado balse taasi badalkeeda waxa qorsheenayaan in ay sameestaan lacag ayaga u gooni ah oo ay wax ku kala iibsanayaan taasina haddii ay dhacdo dollar qadka ayuu Ka baxayaa.

Hardankaas culus iyo ku loonka siyaadaha isdiidan ee Ka jira dunidan guudkeeda iyo isbadaladaan xooggan ee socdo dalkeena Soomaaliyeed waxa uu u muuqdaa mid aanba Ka warhaaynin taasina waxa ay keeni kartaa in ganacstadeena ay Ka qasaaraan balaayiin dollar haddii aysan qeyb Ka noqon isbadalada xowliga ah ee ku socda in ay qeyb Ka noqdaan si ay oga bad baadaan dhibaatooyinka Ka dhalan doona Ka guurista isticmaalka lacagta dollarka ah.

Hadaba si aynaan dalkeena soomaaliya ay saameen xooggan ay inoogu yeelan lacagta dollarka ah waxaa nalaga baahan yahay in aan la imaadno laba qorsho ah.

  1. Dowladdu waxaa looga baahan yahay u diyaar garow xooggan oo ah isbadallada adduunka Ka socda ayada oo isku diyaarinkarta Ka gaashaamida isbadaladaan socda waxaana dowladda looga baahan yahay soo sameenta lacagta shillinka soomaaliga ah oo ah astaanta dalkeena lagu garto

waxaan loo baahan yahay in si dag dag ah loo soo sameeyo lacag islamarkaana dowladdu ay ku qasabto ganacstada iyo bangiyada in ay yareeyaan isticmaalka lacagta dollarka taasi badalkeeda ay isticmaalaan lacagta shillinka soomaaliga ah.

  1. Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Soomaaliyeed dhankooda waxaa looga baahan yahay in ay si tartartiib ah ay iskaga yareeyaan isticmaalka lacagta dollarka ah oo halis weyn soo food saartay balse taasi badalkeeda waxaa looga baahan yahay isticmaalka lacagta shillinka soomaaliga ah oo ay xoojiyaan iyo adeegsiga dahabkana waxaa looga baahan yahay ganacstada Soomaaliyeed in ay badiyaan ayadaa ra’sumaal noqoneysa.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

MUWAADIN KA FEEJIGNOW KHAWAARIIJTA FIRXADKA AH

Muwaadin Feejignoow xilliyada ay dagaalladu ka jiraan dalkaada iyo dadkaaga dhexdiisa.

Mar haddii ay jiraan howgallo iyo dagaallo ka soconaya gobollada iyo degmooyinka ku teedsan caasimadda dalka ayaa waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo amniga korna loo qaado amniga  magaalamadaxda dalka taas oo laga yaabo in jihooyin kale ay ka soo galaan cadowga islaamka oo ay dhabar jebin sameeyaan, maadaama ay ciidamadu ku sii jeedaan gobollo iyo degmooyin ka fog gobolka banadir.

Sidaas darted, ayadoo ay is kashanayaan  dadweynaha gobolka banaadir iyo ciidamada qalabka sida waa iney si wada jir ah u difaacaan gobolka banaadir iyo qaybaha uu ka kooban yahay gudaha caasimadda waxaana habboon in ay hor kacaan guddoomiyayaasha degmooyinka iyo duqa magaalada xamar.

Dhanka kale, Ciidamadu waxay u baahan yihiin dhiirrigelin iyo isgarab istaag ay u  muujiyaan shacabkoodu kalsooni.

Magaalada muqdisho waxay u baahan tahay indho feejigan oo waddanimo, nabadda iyo dowladnimadu iskama yimaadan ee dad ayaa dhiigga u dadiyey oo naftooda u huray mana jirto barwaaqo meel iska ceegaagta oo aan waardiye la heyn, haddaba toddobaadkaan waxaa ku soo batay qulqulka dadka soo galootiga ah ee ka yimaada gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan waxayna leedahay qatarteeda haddii aysan jirin hubin iyo baaris ka dhan ah soo galootiga,

Muqdisho waxaa soo gala maalin kasta boqolaal dad ah oo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

Haddaba waa in xil la iska saaraa sidii loo maareyn lahaa amniga gobolka banaadir iyo degaamada ku dhow dhow waana in xal loo helaa dadka soo golootiga ah ee faraha badan oo dhan kasta ka soo galaya magaalada.

Gaadmada cadowga khawaariijta way nuucyo badan tahay wayna xanuun badan tahay, laakiin ayadoon lagu talax tageyn dad shacabka ah si walaalnimada soomaaliyeed oo aan dhibaato loo geysaneyn ayaa yar uga soo dhex qabo khawaarijka.

haddaba dadka soomaaliyeed ee wada dhashay ee isku asalka iyo diinta ah ayaa haddana loo baahan yahay in la sugo amniga waddanka iyo kan deegaanka gobolka baanaadir oo ah saldhiggii waddanka oo dhan iyo meesha looga taliyo oo adduunku noo aqoonsan yahay.

Haddaba, waxaan diginin iyo feejignaan u soo jeedineynaa shacabka gobolka banaadir iyo madaxdooda in ay hurdada ka toosaan oo ay iska fiiriyaan khawaariijta oo fahmaan waxa ka jira adduunka iyo dalkooda gudahiisa.

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa markii firo timaado ishaada ayaa gacanta la saartaa waana dadaal iyo difaacu nafsi.

Haddaba tani waa digniin gobolka looga digayo habacsanaanta iska dhega tirka waxa ka socda dalka gudahiisa iyo siyaasadda dibadda qaybta aan ku leenahay iyo dagaallada rogaal celiska ah, Iyadoo aan la ogeyn Meesha ay duufaantani sal dhigan doonto.

Haddaba sidoo kale, waxay soomaalidu ku maahmaahdaa Culeys iyo Dhib badan haddii aad aragto aqligaaga ayaa la kulmiyaa, macnaha soomaalidu waa inay gartaan inay kulmiyaan xooggooda iyo xoolahooda iyo maskaxdooda waxaa kale oo soomaalidu ku maahmaahdaa Meeshii Madax jiraa Mijo loo laabaa.

Sidaas awgeed, waa muhiim in ayadoo la fiirinayo waqtiga meesha uu marayo la galo difaac nafsi iyo in lays uruuriyo.

Muwaadin, adduunku talo kama maarmo oo waxaa hoggaamiya caqliga iyo cilmiga oo is kashanaya ee iska jira waxa berri dhici kara, waxayna soomaalidu ku maahmaahdaa Geeridii galbeed laga sheego Gondahaada ka fiiri.

Sidaas darteed, u fiirso waanada iyo wacyigelinta la soco had iyo jeer Meesha ay wax marayaan iyo waxa ka jira gobollada iyo degmooyinka dalka gaar ahaan sida  dabeyluhu u dhacayaan iyo arrimaha xilligaan la taagam, ha idin deeqdo waanadu haddaad dhego wax maqla leedahiin .

WQ: Abwaan Gabayre

 

KHAWAARIJTII OO XAALAD GABAGABA AH MARAYSA.

Kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa maraya marxaladii u danbeysay ee nafbaxa ah taasina waxaa sabab u ah Ciidmada xoogga dalka qeybohooda kala duwan iyo dadka deegaaanka oo duulaan xooggan ku qaaday khawaarijta arxanka daran ee Alshabaab deegaanadii ay xoogga iyo gumaadka ku haysteen 10kii sano ee lasoo dhaafay.

Dabar go’a khawaarijta Alshabaab ayaa soo dadajisay tacadiyadii iyo dhibaatooyinka arxanka daran ee bulshada Soomaaliyeed ee ku haayeen sanado badan taasina waxa ay keentay in shacabkii ay kacdoon oo ay  heeryada gumeeysiga iskaga dul qaadeen waxayna shacabka iyo dowladda oo wada jira siiwada baacsiga kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ee gabalkooda dhacay.

Kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa ay u geesteen tacadiyo aad u tiro badan(tiro  beel ah) sida in dadka Soomaaliyeed lagu laayo qaraxyo, dilal qorsheesan, weeraro gaadmo, bireen ama qalida laqalo dadka, lacagaha baada ah , Xoolaha oo la dhaco iyo tacadiyo badan taasina waxa ay sababtay in bulshada Soomaaliyeed ay ka horyimaadaan oo ay iska celiyaan  meelna iska sareen dhibkooda foosha xun oo sanado badan ay ku haayeen bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Dr Hassan Sheikh Mahamuuud ayaa dib u doorashadiisii kadib sheegay in kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ay waajibtahay in laciribtiro oo labaabi’yo oo dhamaan laga saaro goobaha yar ee haystaan .

Madaxweynaha ayaa shacabk Soomaaliyeed ku dhiiri galiyey iska celinta kooxaha khawaarijta ah ee baneesatay dhiiga shacabka daadintooda, xoolohoodana dhacay in ay ladagaalaan oo ay u diidaan baada Xoolaha ay shacabka Soomaaliyeed ay ka qaadi jireen ee loo yaqaano(Sakawaat) digaanadana kasaaraan oo ay ciribtiraan.

Dhanka kale Dagaalada lagu soo afjaraayo kooxaha khawaarijta ayaa dardar xooggan ku socdo maalinba maalinka kasii danbeysa dagaalka waxaa si wadajir ah ugu jira dadka deegaaanka oo kacay garabna Ka helaayo Ciidmada xoogga dalka qeybohooda kala duwan taasina waxa ay soo dadajisay kala cararka ama firxadka ku yimid kooxaha khawaarijta ah deegaano badan ay heesteen oo laga saaray ama laga qabsaday doorkana looga daba tagay sidii loo soo afjari lahaa.

Dowladdu uu hogaamiyo Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Dr Hassan Sheikh Mahamuuud iyo Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare waxaa Ka go an soo afjarida kooxaha khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed gumaadka, dhiig daadinta ,xoola dhicista ku haayey in lasoo afjaro oo Gabi ahaanba dalka laga si feeyo si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan deganaasho xasiloon, hormar kala duwan iyo indhalinyaradiina ay helaan shaqooyin waxku’ool ah naftooda iyo mida dalkooda wax weyn kaba dali karta.

Ugu danbey Khawaarijta Alshabaab waa dabar go’ay waxaana ku yimid cimri dag dag taasina waxa ay keentay in shacabkii Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan oo ay iska celiyaan meelna oga soo wada jeedsadaan iska celinta iyo baab’inta kooxaha khawaarijta ee shacabka Soomaaliyeed muddo badan dhibka ku haayey.

 

UBADKAAGA HAGAAJI INTA UUSAN HALAAGSAMIN

Ubadka aad dhashay waa deeq Alle SWT uu ku siiyey waxaana waajib kugu aha inaad ku barbaarisid tubta toosan ee Alle raaliga ka yahay, taasoo ubadka naftiisa iyo mustaqbalkiisaba badbaado u ah aduun iyo aakhiro, Ubadka oo wadada togan lagu abaabiyo waxay keenaysaa in shartiisa umada ay ka nabad-gasho oo aanay dhib kuu soo jiidin beri adigii oo waalidkiisi ahaa Hooyo ama Aabe midkii doonto ahaawe.

Islaamku wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in ay u istaagaan barbaarinta ubadkooda oo ay lagama maarmaan tahay in ay ahaato barbaarin wanaagsan oo ku saleysan kalgacal iyo isku dunmid bulshadeed. Xaqiiqdii barbaarinta ubadka yaryar lagu barbaariyo mabaadi’daa diinta Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan waa arrimaha ugu muhimsan ee had iyo jeer in la isku baraarujiyo loo baahan yahay.

Barbaarinta wanaagsan ee ubadka la siiyo waa arrin muhimad weyn uleh bulshada lagama maarmaanna u ah nolosha ummadda ee waqtiga soo socda iyo horumarka qaranka. Ummaduhu waxaa ku kala hormaraan xagga dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan. Tarbiyada diiniga ah ee saxan oo kaliya ayaana suuragelin karta in akhlaaq wanaagsan la helo. Ubadku waa amaano waalidka qoorta u suran, waxaana loo baahan yahay in aabe iyo hooyo kastaba ay Ilaahey ka cabsadaan oo ubadkooda ku barbaariyaan dariiqa wanaagsan. Ubad kasta wuxuu aabihiis xaq ugu leeyahay in uu ku dadaalo edbintiisa, barbaarintiisa iyo waxbariddiisaba iyo in uu magac wanaagsan u bixiyo.

Hooyada waxaa iyadana laga rabaa sidoo kale in ay ku dadaasho canuggeeda kuna tarbiyeyso run sheegidda, amaannada, toosnaanta iyo akhlaaq kasta oo wanaagsan. Waxaa kale oo hooyada looga baahan yahay in ay caruurteeda jecleysiiso gacan siinta iyo u damqashada dadka kale, Sidoo kale waa in ay nuujiso muddada uu nuujinta u baahan yahay ayna si fiican u xannaaneyso, sidoo kale hooyadu waa in ay canuggeeda koolkoolinta ka badin ayna garab ku siinin gefafkiisa haddii aabuhu doonayo in uu toosiyo ama canaantana waa in ay gacan ku siisaa.

Ibnu Cabbaas Alle SWT ha ka raalli noqdee waxaa laga weriyay in:

Nabeigu(N.N.K.H.A.) uu yiri: “laasima ubadkiinna edebtoodana wanaajiya”. Xadiiskan wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in kormeer joogto ah ku hayaan ubadkooda ayna si wanaagsan u edbaan. Aabayaasha iyo hooyooyinka waxaa laga rabaa in ay mar walba la socdaan ubadkooda guriga gudihiisa iyo dibaddiisaba waxa ay qabanayaana ka war hayaan.

Waa in ay jecleysiiyaan waxyaabaha wanaagsan necbeysiiyaanna waxyaabaha aan fiicneyn amaba dhibaatadu ku jirto. Waalidiintu waa in ay ubadkooda baraan aadaabta looga baahan yahay meelaha la isugu yimaado. Haddii xagga ilmaha uu ka yimaado fal ama dhaqan wanaagsan waa in lagu amaano, laguna dhiirrigeliyo laguna abaalmariyo, Haddii fal xun ka soo fulana waa in lagu dhaliilo laguna canaanto.

 

Markii canuggu gaaro heer uu wax kala sooci karo, labadiisa waalid waxaa laga rabaa in canuggooda ay ka reebaan in uu ku darmo dadka ahlu sharta ah iyo kuwa akhlaaqdoodu halleysan tahay iyo in uu tago meelaha ciyaaraha xun xun lagu qabto iyo shineemooyinka lagu soo bandhigo aflaamta kharriban. Labada waalid waxaa kale oo laga rabaa in ay canuggooda jecleysiiyaan in uu ku mashquulo wixii faa’iido u leh xagga diintiisa iyo xagga adduunyadiisa. Sidoo kale waxaa labada waalid laga rabaa in ay ilmahooda qabadsiiyaan gudashada waajibaadka diiniga ah iyagoo baraya shuruudaha iyo adaabta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkaas.

Rasuulkeennu (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Bara ilmihiinna salaadda marka ay gaaraan 7 sano kuna garaaca marka ay gaaraan 10 sano, kuna kala saara xagga jiifka”. Marka waalidku uu ilmihiisa wanaagga ku tarbiyeynayo waxaa laga rabaa in uu u sameeyo waqti ay fursad u helaan isboortiga si ay nafis u helaan aysanna u dhibsan shaqada iyo waxbarashada.

Labada waalid marka ay ilmahooda tarbiyeynayaan waxaa laga rabaa in ay muujiyaan dhimrin, dabacsanaan iyo qallafsanaan la’aan. Saxiix al Bukhaari waxaa ku soo arooray in Rasuulku (N.N.K.H.A.) uu yiri: “Arrinna lagama helo dhimrin illowse wey qurxisaa, arrinna lagama siibo illowse wey fuulxumaataa”.

Sidaas darteed labada waalid waxaa laga doonayaa in ay ka feejignaadaan garaacista ilmaha iyo guulguulkooda, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in garaacista iyo guulgoolka ay raad xun ku abuuraan nafsadda canugga. Haddiise ay labada walid u arkaan in canugga aan uu hagaageyn in la garaaco ama la guulguulo mooyee, markaas waxba kuma jabna garaacistiisa iyo canaanta iyagoon ku talax tegeyn, waxaana reeban in garaacistu ay ka badato 3 jeer, maxaa yeelay waxaa la weriyay in Rasuulka (N.N.K.H.A.) uu ku yiri Mardaas oo macallim ahaa “ka digtonow in aad 3 jeeer wax ka badan garaacdo, maxaa yeelay haddii aad sidaas yeesho Ilaahey ayaa kaaga qisaasaya”.

Garaacista badan waxay ilmaha sabab ugu noqon kartaa qalbi adeeg iyo caasinimo. Rasuulka (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Allaha u gargaaro waalid ilmihiisa gacan ku siiyay in ay baarri u noqdaan”.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

SIDEE KU XOOJIN KARTAA IIMAANKAAGA?

Maqaalkaan waxaan diirada ku saareynaa qodobo aad ku xoojin karto imaankaaga waxaana ka mid ah kuwaan soo socdo.

  1. Tawbada: Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo iyo qaladaad sababtoo ah ma nihin kuwa dhameystiran.

Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana fogaataa in aad dambi sameyso.

  1. Salaada: Tuko Shanta salaadood si joogta ah. Ilaali waqtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada.
  2. Quraanka: Aqri Qur’aanka, Baro macnihiisa, fahan Xikmadaha Alle SWT uu inoogu sheegayo, fuli wax kasta oo Alle ina farayo ee Quraanka ku xusan. Hubi in 24 saac aysan ku dhaafin adigoon Kutubka kala furin oo Quraanka aqrin
  3. Xuska Alle: Bar carabkaaga Dikriga Alle, kuna celceli mar kasta kelmadahan; Subxaan Allaah, Alxamdulilaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha Illa Allaah, Laa Xawla walaa Quwata ilaa Billaah-hil Caliyil Cadiim.
  4. Alle oo la talo saarto: Eebe waa naxariis badane, sidaa darteed waa in aad talo saarataa mar kasta, naxariistiisa aadan ka quusan. Mar kastana aad Kheyr ka rejayso
  5. Ducada: Alle SWT oo aad barido waa mid ka mid ah siyaabaha loo xoojiyo Iimaanka. Alle waa ka jawaabaa duco kasta oo adoonkiisa ka timaada
  6. Cilmiga Diinta oo la barto: Guud ahaan Cilmigu waa nuur, waa fure. Diinta Islaamka oo aad barataa, Quraanka kariimka, Siirada Nabiga iyo Kutubta kale waxay qofka ka saarayaan Jahliga, waxay xoojinayaan qalbigiisa, waxayna ku hogaminayaan in uu kala fahmo xaqa iyo baadilka, iyo in aan la qaldi karin, wadada Allena laga leexin karin
  7. Soonka Sunada ah: Fadli badan ayaa ku sugan soonka sunada ah, qofki awooda in uu soomo Maalmaha Isniinta iyo Khamiista wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan. Rasuulka SCW waxa la waydiiyey Soonka Maalinta Isniinta wuxuu yidhi: waa Maalintii aan dhashay, waxyigana la igu soo dejiyey” “Nebigu SCW wuxuu ahaa mid sooma Isniinta & Khamiista.
  8. Xusuusta Dhimashada iyo Aakhirada: Hadii qofku xusuusan yahay dhimashada iyo Aakhirada wuxuu ogaanayaa macnaha dhabta ah ee Aduunkan loo joogo, wuxuuna ku dedaalayaa raali ahaanshaha Alle iyo in uu u shaqeysto Daarta dambe ee lagu waarayo
  9. Camal Wanaagsan: Ku dedaal in aad joogtayso sameynta camalo iyo ficilo wanaagsan, ilaa ay dabeecad kuu noqoto. Hal camal oo wanaagsan wuxuu kugu hogaamiyaa mid kale oo wanaagsan.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA AAMINSANTAHAY NABI CIISE (N.N.K.H).

Diinta Islaamku waa diinta kaliya ee aan masiixiga ahayn ee rumaysan Nabi Ciise (N.N.K.H), qofka muslimka ahi noqon maayo muslim hadii aanu Nabi Ciise (N.N.K.H) u rumaysnayn Nabinimo.

Waxaan rumaysanahay inuu yahay mid ka mida Shanta rasuul ee ulul casmiga, waana rasuul uu soo diray Eebe (S.W.T)

Waxaan rumaysanahay inuu u dhashay qaab mucjiso ah, mana laha aabo, taasoo in badan oo madhabyada diinta masiixigu dafireen.

Waxaan rumaysanahay inuu noolayn jiray qof dhintay Ilaahay idinkii.

Waxaan kaloo rumaysanahay inuu daawayn jiray dadka indha la’ iyo kuwa qaba xanuunka baraska ahba idinka Eebe (S.W.T).

Nabi Ciise (N.N.K.H) waligii ma uusan sheegan Ilaahnimo.

Farqiga ugu wayn ee u dhaxeeya Diinta Islaamka iyo Diinta Masiixiga waa Masiixiyiinta oo rumaysan in Nabi Ciise (N.N.K.H) uu yahay ilaah. Cilmi baaris lagu sameeyay Kitaabka Baybalka waxay tilmaamaysaa in Nabi Ciise (N.N.K.H) aanu waligii sheegan ilaahnimo. Run ahaantiinta ma jirto war qoraal ah oo uu Nabi Ciise (N.N.K.H) ku leeyahay ” Waxaan ahay Ilaah, ama i caabuda”.

Hadalkan soo socda oo ku yaala kitaabka Baybalka wuxuu tilmaamayaa in Nabi Ciise (N.N.K.H) uu yahay Muslim.

Shaqadii Nabi Ciise (N.N.K.H) “waa inuu dhamaystiro Sharcigii Nabi Muuse (N.N.K.H)”

Nabi Ciise (N.N.K.H) marnaba muusan sheeganin ilaahnimo, asagoo ka hadlaya shaqadiisa waxa tilmaamaya hadalkan soo socda.

“ Ha umalaynina inaan u imi inaan burburiyo Qaanuunka, ama Nabiyada: Umaan iman in aan wax burburiyo balse waa dhamaystir. runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso ma idlaan sharcigu, ilaa ay wada dhamaystiranto”

Iskusoo duuboo Nabi Ciise (N.N.K.H) waxa uu tilmaamay inaanu u iman inuu burburiyo qaanuunkii iyo sharciyadii nabiyadii ka horeeyey, sida Nabi Muuse, Nabi Haarruun, Nabi Daa’uud Nabi Suleymaan, Nabi Sakariye iyo Nabi Yaxye, balse kaliya loo soo diray inuu dhamaystiro sharciga.

Nabi Ciise (N.N.K.H) wuu diiday in loogu yeero sifooyinka Eebe.

Nabi Ciise wuu diiday inuu qaato sifooyinka wanaagsan ee Eebe (S.W.T) waxaanu ku yiri qofkii waydiiyey wadada jannada loo maro inuu dhawro oo ilaaliyo sharciga iyo qaanunka diintii Nabi ciise.

“Rag yahaw reer banu Isra’iil, hadalladan maqla; Ciisiihii reer Nasared oo ahaa Nin Ilaah idiinku muujiyey mucjisooyin, calaamado iyo astaamo, kuwaas oo Ilaahay ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiina, sidaad idinkuba qudhiinu ogtihiin.”

Oraaryadan waxay taageerayaan argtida Islaamka oo ah in Nabi Ciise yahay Nin ilaahay siiyey mucjisooyin iyo calaamado lagu garto nabinimadiisa, hadaba weedhahan waxay ku yaalaan Baybalka ee maxaa keenay ereyada gaalnimada ah ee lagu tilmaamayo in Ciise yahay Ilaah!!! waa yaab. Ciise Ilaahna maaha, manuusan sheeganin Ilaahnimo, Subxaanallah ee waa Adoon iyo Nabi Ilaahay usoo diray reer banu Isra’iil.

Sharciga koowaad waa inay rumeeyaan Ilaaha wayn oo kaliga ah:-

Baybalka kama warramayo ilaah saddexda midkood ah, kumana taalo kalmadaasi ee waa wax ay kaniisaduhu baraan dadka raacsan diintan. Nabi Muuse waxa uu ku yidhi reer banu Israel inay caabudaan Hal ilaah oo kaliya, waxaana ku tusinaya weedhahan oo ku qoran afka cibriga:-

“Shama Israelu Adonai Ila Hayno Adonai Ikhad.”

Ilaahay waa hal Ilaah oo kaliya:-

Weedhahan soo socda waxay tilmaamayaan in Ilaahay yahay Hal Ilaah oo kaliya.

“Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro“

(Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eeg waxa samada sare jire, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya jira)

(Waa inaanad ayaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaaha waxaan ahay Ilaah masayr ah.)

Weedhahan ku qoran Baybalka waxay si cad u iftiiminayaan in aan la farin gaalada (Kiristanka) inay caabudaan sanamyo, tamaasiil ee kaliya ay caabudaan Eebaha wayn ee Qaadirka ah. Maxaa keenay inay caabudaan Nabi Ciise!!! waa Shaydaanka oo ka leexiyey wadadii toosnayd.

Dadkan waxa loo diray inay Eebe kaligii caabudaan rumeeyaana nabiyadiisa dhamaan, laga soo bilaabo Nabi Aadan ilaa Nabiga ugu danbeeyey ee Nabi Muhammed (N.N.K.H) kadibna  nasiib xumo waxay caabudeen ilaahyo kale sida sanamyada iwm, ama waxay Eebe la barbardhigeen dad kale, oo siiyeen sifooyinka Eebe subxaanallah. Sidoo kale waxa loo diray dhamaan diimaha dunida korkeeda saaran inay rumeeyaan rasuulka ugu danbeeye ee Nabi Muhammed laakiin nasiib darro way daffireen oo ka gaaloobeen diinta islaamka.

Mowqifka diinta Islaamku ka qabto shirkiga:-

Eebe (S.W.T) waxa uu ku leeyahay suurada 5aad ee Al-maaidah, Aayada 72 ilaa 76.

”waxaa Gaaloobay kuwa Yidhi Eebe waa Masiixi Ibnu Maryama, Wuxuuna yidhi Masiix (Ciise) Banii Israa’iilow Caabuda Eebe ee ah Eebahay iyo Eebihiin, Ruuxii u Shariig Yeela Eebe (La wadaajiya) wuxuu Eebe ka Xarrimay Jannada wuxuuna ku hoyan Naarta Daalimna ma helo Gargaare.

 

WD: Ibrahim Warsame

WADDOOYINKA IN LA DHOWRO BULSHADA AYEY MUHIIM U TAHAY

Waddada waa marinka isku xira xaafaddo, magaalooyinka iyo marino muhiim ah oo layskaga kala goosha, taasoo dad iyo duunyaba lagama maarmaan u tahay la’aanteed.

Guri kasta marka uu qof doonayo in uu iibsado waxa ugu muhiimsan ee laga eego waa jidadka, haddii aanu booskaasi lahayn marin wanaagsan, lama iibsanayo ama qiimo fiican ma goynayo.

Haddaba waddooyinka oo wanaagsanaado waxay bulshada iyo muumulkaba u sahashaa adeeg suuban oo isku xir xooggan leh, waxay sahashaa in safaradda loogu kala goosha dalka gudihiisa iyo debaddiisaba in si dhakhsi ah lagu gaaro hadba qofka meesha uu doonayo.

Dhanka kale waxaa jirto burbur xooggan oo soo gaaray waddooyinka, kuwaasoo la burburay dowladdii dhexe ee Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwa gobolladda dalka, waddada dheer ee xiriiriso Xamar ilaa Hargeyso waa marinka ugu dheer dalka badankiisa burbur lixaad leh ayaa soo gaaray, inkastoo ay meelaha qaarkooda maamuladii dalka ka jiray ay meelo ka dhiseen, haddana baahi weyn ayaa ka jirto.

Xilliyadda roobabka ay curtaan, oo roob lagu diirsado da’o wuxuu galaaftaa waddooyin muhiim u ah bulshada, wuxuu burburiyaa buundooyin, wuxuu kala xiraa safarka meelo badan oo dalka ah.

Bulshada iyada ayaa isu xilqaami karto dib u dayactirka waddooyinka halbowlaha u ah mushtamaca, Soomaalida ayaa tiraahda “Far keliya fool ma dhakhdo” taasoo loola jeeda markii xoogga iyo maskaxda la biiriyo in ay waxqabad kasoo baxayso taasoo lagu dhisi karayo jidad badan oo muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya oo gaashaneysa saaxiibadeed ayaa dhistay dhowr waddo oo caasimadda iyo gobollada ah, waana marino loo baahi qabay isticmaalkooda, welina dowladda waxay ku howlantahay in ay hagaajiso jidadka dayacan ee guud ahaan dalk.

In la ilaaliyaa badqadka jidadka waxay u muhiim u tahay shacabka, waana in ay u istaagaan dhowritaankooda, dowladdana mas’uuliyad weyn ayaa ka saran wax ka qabadkeeda.

Dalka Edatorial

ISLAAMKA IYO ILAALINTA XUBNAHA JIRKA QOFKA

Inta aan gudaha u gelin ka hadalaka mowduucan waxaa muhiim ah oo aan marna looga maarmin in aan ka eegno bud-dhigna uga dhigno Shareecada Islaamka iyo sida ay Culimada Islaamku uga hadleen aririnkan ah qaabka ay tahay in ruuxa muslimka ahi u ilaaliyo xubnihiisa jirka ee Allaah ugu deeqay.

Taas oo inoo sahlaysa ka jawaabista su’aasha ah shakhsiga bin’aadamka ahi horta ma u banaantahay in jirkiisa wax dhibaato ah ku sameeyo sida in qeyb xubnihiisa ka mid ah iibiyo?

Haddii ay shareecada Islaamku bannayso waa sax, haddii ay diidana  maya ma banaana. Su’aasha noocan ah caddaymo si cad u sheegaya kuma laha quraanka iyo Sunnada nebiga SCW balse waxa ay soo hoos gelaysaa xeerarka fiqiga ee culimada islaamku kasoo min-guuriyeen quraanka iyo sunnaha nebiga.

Hadaba, iyada oo laga anba qaadayo aragtidan waxa aynu gundhig uga dhigaynaa su’aasha ah, qofku jidhkiisa ma isagaa leh, mise ilaahay ayaa amaano ugu dhiibay ilaalintiisana ku amray, mise waa shay siduu doono ka yeelan karo? .

Waxaa shaki ku jirin in xubnaha jirkaagaaga ay yihiin kuwo Alle SWT ku siiyay kuguna karaameeyay uuna Alle u abuuray in uu ruuxa Muslimka ahi ugu kaalmaysto cibaadada Alle iyo in uu wax ku qabsado, mana u banaana qofka in wax jidhkiisa wax yeelaya uu ku kaco .

Maxay tahay aragtida culimada islaamka ee arrinkan ?

Culimada islaamku iyagoo ka duulaya fahankooda diinta islaamka, waxa ay caddaymaha masaladan leedahay ka soo dhex saareen   fiqiga, iyaga oo labo qolo ku kala noqday masaladan haba kala xoog bataane,waxana ay kala tahay sidan:-

-Culimo bannaysay   in qofku xubnahiisa iibin karo, waxana ay daliil ka dhiganayaan:

1- Iyaga oo ka qiyaas qaadanaya in qofka dumarka ahi ay iibin karto caanaheeda, ayaa ay arrinkana banneeyeen, balse waxaa jira aragti ah in caanaha naaska iibintooda iyo iibinta xubin qof nool la isaga qiyaas qaadan Karin, waayo caanuhu waa wax soo noqnoqda haddii uu naaska hooyada iskaga jirana wax yeelaya,  halka xubintu iyadu aanay soo laabanayn mar labaad .

2- Waxa ay ku banneeyeen in qofku xubin jidhkiisa ka mid ah iibin karo iyaga oo ka qiyaas qaadanaya in qofku uu mag ka qaadan karo haddii cid kale dhaawac ama waxyeelo u geysato xubin ka mid ah jidhkiisa  .

Waxa daliilkanna lagaga jawaabay in ilaalinta dhamaystiranka xubnaha qofka iyo ilaalintooda ay tahay waajib alle ku leeyahay dadka, arrinkana aanu ahayn mid qofku doorashu ku leeyahay isaguna aanu isu geysan dhibka, waxana uu noqday sida deyn cid kale uu ku leeyahay markaasna uu dhaafi karo ama ka qaadan karo .

3- Qiyaas ku salaysan in addoonka la iibin karo, haddii qof dhammaystiran la iibin karana badhkiisna ay bannaantahay.

Xaaladda addoonimadu waa arrin gaar ah, waxana keensata maslaxadda uu qaddarayo hoggaamiyaha muslimiintu, ta kale islaamku waxa uu dhiiri-geliyay in la xoreeyo addoomaha isaga oo kafaaro gud uga dhigay dambiyo badan, sida dhaar ku furka iwm. iibinta addoonkuna ma aha in aanu xuquuq lahayn ama ay bannaan tahay in lagu tunto ama lagu jeesjeeso, islaamku waxa uu qofka dhirbaaxa addoonkiisa kafaaro uga dhigay in uu xoreeyo. xadiis ayaa macanahiisu ahaa: kiina uu walaalkii ku hoos jiro ( addoon u yahay ) ha quudiyo waxa uu cunayo, ha u xidho waxa uu xidhanyahay, hana ku kallifina wax ka awood badan, haddii aad u dirtaana caawiya.

Culimadaasi waxa ay ku doodeen daliiladaas in kasta oo laga xoog badanyahay haddana aynu eegno culimada diiddan arrinkani waxa ay caddaymo haystaan .

Daliillada culimada diidaya in qofku xubin iibin karo :-

1-in xubnaha qofku aanay ahayn hanti qofku iska leeyahay, diintuna                 aanay u ogolaan in uu iibiyo, waxa ay noqonaysaa sida qof iibinaya wax aanu lahayn .

2–in ay tahay is dullayn iyada oo alle sharfay. waxa ay fiqi-yahannadu badankoodu ku sababaynayaan xaaraantinimada arrinkan inay ay kasoo horjeedo ujaadada sharciga, meel ka dhacna ku tahay abuurka Alle, waxa uu yidhi shiikha la yidhaahdo CALAA AD-DIIN AL XASFAKI marka uu ka hadlay waxa aan la iibin karayn: Waxa ugu horreeya ee aynu u leexanayna, waa in aynu ka baadhno xukunka arrinkan diinta islaamka,  aadamiga ma bannaana in la iibiyo gaalba ha noqdee .

AL SHAADIBI waxa uu ku qoray kitaabkiisa AL MUWAAFAQAAT 2/374 sidan: in la nooleeyo nafta iyo ilaalinta dhamaystiranka caqliga iyo jidhka waxa uu ka mid yahay xaqa ilaahay ku leeyahay addoomada kama mid aha xuquuqda addoomaha…haddii alle u dhammaystiray qof noloshiisa, jidhkiisa, caqligiisa uu ku helayo inuu ku qabsado waxii laga doonay uma bannaana in uu dayaco .

RAWDAT ADD DAALIBIIN 3/285: uma bannaana in uu naftiisa wax uga jaro mid kale, mid kalena uma bannaana sidani. MUQNI AL MUXTAAJ 4/400 : waxa si adag u xaaraam ah in uu qof u jaro badhkiis qof kale oo dhibban.

Dhakhtarka weyn ee muslimka ah ee DR MOHAMED ALI AL BAAR waxa uu majallada AL MAJMAC cadadkeedii 4aad bogga 1aad ku qoray: waxa ay fiqi-yahannadu isku raaceen in aanay bannaanayn iibinta xubnaha ee qofka xorta ah.

WD: Ibraahim Warsame