IS DHEX-GALKA QAARKIIS HALOO DHUG LAHAADO

Magaalada muqdisho waxaan nabad-galyadeeda la wareegay ciidamo cusub oo dhallinyaro ah, aadna u firfircoon oo durbadiiba ay wax-qabadkooda dadweynuhu ku diirsadeen,  Ammaan iyo bogaadinna dowladda iyo dadkaba ka kasbaday.

Waa askar iyo saraakiil waajibaadkooda sidii ay u gudan lahaayeen u heellan oo har iyo habeenba xasilinta magaalada iyo dhowridda bed-qabka shacabka qoraxda iyo qarqaryada u taagan, faltankoodana ay bulshadu mahdisay.

Dhiirigelin iyo dhinac-istaag mooyee ciidankaasi wax dhaliila ma mudna, dadweynahana waxay u la dhaqmaan si tix-gelin iyo naxariis leh oo carruur iyo cirrooleba aad loogu wada maqsuuday, loona soo dhoweeyay.

Isku kalsoonaanta shacabka iyo ciidanka ayaa iyana xoogaysatay oo mar walba waxaad arkaysaa askar si waji furnaan iyo bashaashnimo ku jirto muwaadiniinta ula hadlaya, haddana waajibkiisa gudanaya.

Wada shaqayntaas iyo is aaminaaddaa bulshada iyo daljireyaasha ka dhex jirtaahi waa mid nabad-galyada iyo dowladnimadaba wax badan u taraysa, Hayeeshee waa tii la yidhi”geeljire geela waana wada jirtaa, waana kala jirtaaye” waxaa loo baahanyahay inay ciidanku aad u taxadaraan oo aanay shacabka isku kala daadin maxaa yeelay waa lagu soo dhex dhuuman karaa.

Markaa waxaa wanaagsan inay feejignaan muujiyaan oo ayagoo bulshada aad ugu naxariisanaya, haddana dhagar-qaba u soo dhabacanaya iska jiraan oo dhug gaar ah u yeeshaan.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO DAR-DARGELINAYA DAGAALKA KA DHANKA AH KHAWAARIJTA

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad wehliye iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, si ay u dhiiri geliyaan Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka.

Guddoomiye Sufuroow ayaa markii uu gaaray deegaanka Oya-Mago oo ka tirsan gobolkan Hiiraan waxuu dhiirra gelin u sameeyay Ciidanka Xoogga iyo Kuwa deegaanka, waxuuna ku amaanay sida ay casharka ugu dhigeen Argagixisada oo dhawaan isku dayay in weerar dhuumaalaysi ah ku qaadaan deegaankaasi Oya-Mago.

Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday in taageerada maamulka Gobolka Hiiraan ay joogto ahaan doonto, ciidanka dib u xoreynta deegaankana ay u diyaar garoobaan qabashada deegaannada kale ee ay ku dhuumanayaan Khawaarijta.

Deegaannada uu booqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow waxaa kamida Libileey, Oyomago, iyo Qandoolyaay oo dhamaantood katirsan Gobolkan Hiiraan

Guddoomiyaha gobolla Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow, ayaa wada isu-duba ridka iyo dhiirragelinta Ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka si loo bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

 

 

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan Deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeellada dhexe.

Masuuliyiinta ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaan iyagoo ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen cadowga khawaarijta ah ee u taagan gumaadka iyo baabi,inta Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ciidanka u sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ay farumaha u joogaan hogaaminta dagaalka iyo dhiirigalinta Ciidanka.

Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiin ay ka mid yihiin Sanater Afcadey, Agaasimaha Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiil kale.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay Daaru-

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA AHMED MOALLIM FIQI OO BOOQDAY TALISKA CIIDANKA GORGOR EE DEGMADA XARARDHEERE

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo ku jooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa booqday taliska Gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo gaarsiiyay farriimo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ciidamada gaarsiiyay farriimo uu ka siday hoggaanka dalka gaar ahaan madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud, waxaa uu sidoo kale ka dhageystay diyaargarowgooda la xiriira sidii Mudug looga sifeyn lahaa haraadiga Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Macallim Fiqi wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaa uu kala hadlay xaaladda iyo sida hoggaanka dowladda heearkeeda kala duwan uga go’an tahay dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaa bogaadiyay howlaha naf hurnimada ah ee ay qaranka u hayaan isaga oo carabka ku adkeeyay in ay garab taagan yihiin oo dhirrigelinayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee xoogga dalka.

RA’IISUL WASAARE XAMSA: “LAMA AQBALI DOONO IN LA XAGAL DAACIYO HALGANKA DALKA LOOGA XOREYNAYO KHAWAARIIJTA.”

Aadan Yabal:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo la hadlayey Saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhigaya cadow walba oo soo hujuuma qaranka, isla markaana u sabraya duruufo walba oo soo food saara.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira xaaladdaha bulsho ee ka jira Degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka. Isagoo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

“BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH” (WARBIXIN)

Inta aannu u gudagalin dulucda warbixinteenna maanta aan bal dib u milicsanno taariikh ahaan waa magaalo ceynkee ah Degmada Ceelbuur? Waa magaalo kulansatay Qurux iyo hanaan wanaagsan markii aad eegto biyaha dur duraya ee dhex ceegaaga bartankeeda iyo jawiga u goonida ah oo ay leedahay, sidoo kale degmada Ceelbuur waxaa ku yaalo Xarunta ciidanka guutada 22 aad ee malatariga xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo xarada Caano Moog, waana Degmada qadiimiga ah e Ceelbuur taariikh deedu waxa ay ka badan tahay 900 sano.

Ceelbuur waxa ay taariikh ahaan diiwaangelisay magacan Qarnigii 13 aad, waxa ayna boqortooyadii Ujuuraan u noqotay magaalada Ganacsiga, Billowga xilligii Maxmiyadda, 7 deegaan oo Shabeelle hoos tagto ayay ugu diiwan gashaneyd Gumaystihii, waxaana isku hardiyay Taliyaaniga iyo Koox Daacad u ahayd Sheikh Hassan Barsane. Ilaa 1926 ayay ahayd degmo waxa ayna fac ahaan ka weyn tahay goballo diiwaanka galay degmanimadeeda kadib, xilligaas Mudug ayaa loo tiriyay halka maanta ay Galgaduud ka tahay.

Haddaba Afar Arrimood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur:- 1. Kacdoonkii Gumeysi Diidka, 2. Degmadii ugu horreysay ee gabar ay iska sharaxdo, 3. Dhagax dhoobada cad ee laga sameeyo Burjikada, iyo 4. Geedka caanka ah ee Ceelbuur ku yaale.

Gelinkii dambe ee 26-kii Maarso 2012-kii, ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa Ahlu Sunna Waljameeca (ASWJ) ayaa magaalada Ceelbuur  ka qabsaday Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo maalin socday, Qabsashadii Ceelbuur ka dib, Khawaarijtii Shabaab ee ku sugnaa magaalada ayaa si fudud u bilaabay inay la noolaadaan dadka rayidka ah, waxayna dib ugu milmeen maleeshiyo beeleedyo, taasoo keentay in la aqoonsado kooxaha nabad diidka ah.

Haddaan gudagalo qormada, Dagaalka Khawaarijta looma kala harin, waxaa magaalada Gaalkacyo gaaray Mas’uuliyiin uu hogaaminayay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Md. Axmed Xasan Aadan iyo ciidamo ka soo kicitimey magaalada Mirjiicley ee gobolka Galgaduud,  kuwaasi oo ku wajahan Aagga Wisil,

waxayna qeyb ka yihiin gulufka bariga Mudug iyo deegaanada kale looga xoraynayo kooxaha gabalkoodu sii dhacayo ee Khawaarijta, marka Khawaarijtii joogitaan uguma harin dhulkaan.

Hambalyo Geesiyaasha Ciidamada Qaranka iyo ciidamada degaanada Hirshabeele iyo Galmudug, Hambalyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan u dabaaldageynaa guulaha sida is daba joogga ah ee ay gaareen ciidamada Qaranka iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan (Macaawisleyda),

sidoo kale waxaa bogaadin mudan hoggaanka Dalka, Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo u istaagay in dalka laga xureeyo Khawaarijta Al-shabaab, sidaasi awgeedna  waa inaan loo kala harin sifeynta Khawaarijta, lana xaqiijiyo sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Insha Allaah.

Shalay waxay Ciidamada qalabka Sida ku jimceysteen Magalada Ceelbuur, islamarkana ay Salaadda ku Oogeen, kadib markii ay Ciidanka xoogga dalka  oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta  Magaaladaasi, waxaana laga wadaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo,

“Ciidanku waxay gudaha u galeen magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada”, ayaa lagu yiri War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib markii ay si buuxda gacanta ugu dhigeen oo ay kala wareegeen Argagixisada Khawaarijta ah ee Al shabaab, Ceelbuur ayaa aheyd goobtii ugu weyneed ee khawaarijta ay ka joogeen Galmudug iyo Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guuaale oo haatan ku sugan gudaha magaaladaasi, islamarkaana Xalay ku hoyday, saakana ka soo toosay ayaa yiri:-  ”waxaan shalay ka qadeeyay Ceelbuur oo aan si nabad ah kula wareegnay, xalayna waa seexday, saakana waa ka soo toosay, howshuna si caadi ah ayay u socotaa”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa   hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka Qaranka ee furimahadagaalka ku baacsanaya haraaga kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee uu dhamaaday waqtigooda, wuxuuna intaasi raaciyay in uu sidoo kale hambalyo u jeediyay Xildhibaanada Qaranka ee ku maqan furimaha dagaalka, isla markaana dhiirigalinaya  ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

Sheekha Aadan ayaa ku baaqay in Dowlad-goboleedyada ay u istaagaan ka qeybgalka abaabulka ku aadan Wejiga labaad ee khawaarijta looga sifeynayo gudaha dalka, isagoo intaa raaciyay in ay mudan yihiin in loo Boogaadiyay, maadaama ay  naftooda ay u hurayaan  xoreynta dadka iyo dalka Sommaaliyeed, wuxuuna ugu dambeyntii ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan  ciidamada , isla markaana ay ka qeybgalaan dhameystirka haraaga khawaarijta.

20 Habeen oo Madaxweynaha JFS uu dagaalka ka hogaaminayay Magaalada Dhuusamareeb, waxaa dib loogula wareegay Deegaanno badan oo ay ugu dambeysay Magaalada Ceel Buur, Khawaarijtii 18 sano ayay Ceel-buur Ukumaha dhigatay shalayna, waxaa laga taagay Calanka Soomaaliya, sidaasi awgeedna  Dal xor ah iyo dowlad hagaagsan ayuu inagu hugaaminayaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

War ay heshay SONNA ayaa tibaaxaya in Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo  qaadeen deegaanka Cowswayne  ee Degmada Ceeldheer oo dhawaan laga xoreeyay, iyadoo ay Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka u dhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku raran yihiin. Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle , waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.

Argagixisadu waa dambi ka dhan ah bini’aadantinimada, waxay weerar ku qaaday qiyamka ay bulshadu wadaagto ee ah Nabada, Xoriyada, iyo Cadaalada.

Qof kastaa wuxuu door ku leeyahay dagaalka lagula jiro Argagixisada, marka sow ma mudna in aan u midawno, waxaa tusaale nooga filan Qaraxyayadii 14-kii Oktoobar sanadkii 2017 iyo kii October 30-keedii, 2022-kii.  “BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH”, sidaasi waxaa murti ku muujiyay Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.

WAALIDOW UBADKAAGA USLUUBTA BAR.

Sida alabka dadka eebbe yahay gabar iyo wiil kii uu yahay haddii uu qofku   asagoo jir ahaan iyo maan ahaan u fayow qaan-gaar noqdo waxa ugu badan ee maskaxdooda ka guuxaahi waa  helidda cid gayaankiisa/keeda ah oo uu nolosha la qeybsado iyo  iskaabulonimada daashatay oo uu ka jiciirto, lamaanenimo iyo maamul reerna ku doorsado.

Hablaha iyo barbaartu way ka simanyihiin doonista iyo danaynta guurka, hayeeshee waxay kula duwanyihiin u madax-banaanta dooqa iyo meel-marka waxay ay maaminayaan ama u qorshaysan oo ay ma-huraanka aayahooda iyo yididiiladooda  u arkaan.

inta badan hiigsiga iyo himilada wiilasho way hir-gashaa oo in talooyin iyo tabo wax toosin ah lagu darsado mooyee waxay ay maaganyihiin  saani lays-kuma hortaago, balse gabdhuhu sidaa way ka gadisanyihiin oo waxaa loola dhaqmaa qaab maquunin iyo macangagnimo ku larantahay oo inta badan rabitaankooda lagu doodsiiyo oo mid aanay u riyaaqsanayna waa lagu dirqiyaa, odhaahdii ahayd “ far duco iyo far habaar mid doorona” hadalka ugu soo gabangabeeyaa.

sidoo kale waxaa suur-gal ah in nin diin ahaan iyo dabci ahaanba u wanaagsan oo milgo iyo gobanimo leh ugu soo geed fariistay oo howraarsan ka filayay uu u diido ama waxyaabo aanu awooddin ku xiro, ka dibna fadeexad iyo gabadhii lala baxsaday ay dhegihiisu maqlaan.

rag aanay waligood il iyo baar saarin oo aad uga da’weyn ama aan baxaalli ahaan ula jaan-qaadi Karin ayaa kol kol aabbahood ku daraa asagoo aan haba yaraatee wax talo ah weydiin, go’aankiisana dan asaga u gaar ah ama waxyaabo kaloo la qurxoonaaday ku salaynaya taasoo keenta is-af-garan-waa iyo  xallisooni-darro  aayaha gabadha hagaas iyo hungow hundhur ku mariiman u horseeda.

waa dhab oo waalid kastaahi waa sidaa maaha oo way jiraan qaar dooqa iyo doonista hablahooda mudnaanta koobaad siiya, mar walbana murugta ka dhowra oo qorshohooda la qaabeeya oo sidii uu inantiisa hiyiga ugu dhisi lahaa u darban.

asagoo aan wax walba ka yeelayn ayuu haddana diidmada qayixan ka ilaaliyaa oo wixii turxaan iyo talo xumo u gayso la toosiyaa, sidii uu wax ula farsamayn lahaa oo waxa dubaaqeeda ka guuxaya iyo doonisteeda la taabo-geliyaa oo taageero iyo gacansiin dhammaystiran ku siiyaa .

duca-qabahaas hablihiisu deganaan iyo niyaayar ayay reeraha ku dhaqdaan, murugo iyo muhashona marnaba ma dareemaan haddiiaanay dac kale wax ka hallaabin oo aanu ninka qabaahi xilo gube ama qorqude muudal ah oo gabadha nolosha u dacareeya noqan.

haddaba waxaa Aabbeyaasha iyo hooyooyinka soomaaliyeed la gudboon inay aayaha ubadkooda gaar ahaan bilcaamaha iyo gashaantimaha u meel dayaan oo wax aanay ku qanacsanayn jajuub ku yeelsiin, wixii halis ku ah oo talo xumo u gaysona ay si xeelad iyo xigmadi ku dheehantahay uga celiyaan.
cudud lagu maquunshiyo
canaan lama amaaninoo
cuqdad waayo raagtiyo
cirib-xumaa laga dhaxlaaye
carruurtaada la saaxiiboo
ayagoon kaala cabsoon
cindhigooda wixii ku jira
caadi ha kuugu sheegeen
WQ: Abwaan Hareeri

 

UBADKAAGA IYO EHELKAAGA MIDNA AABI HA UGU HIILIN

Inkastoo uu is maandhaafku sunno lama dhaafaan yahay oo cid walboo meel wada joogtaahi ay si uun isku qoomi karaan, haddana waxaa bulshada soomaaliyeed ku badan oo foog iyo fiidba si joogto ah u dhex  mara isku dhacyo, qardoofooyin, xurgufo, soo noqnoqda, iyo gardarooyinka kale oo qolada gaysanaysa ama dhibanaha u ah keliya aan ku koobnayn ee dhinacya kale ay ku lugleeyihiin.
Inta badan sii hurinta xurgufta ayaa laysku howlaa oo xal-doonku aad bay u yaryihiin, fal kastoo guracanina wuxuu leeyahay  gurracani garabyo iyo taageero hagar la’aan ah, balse hiilida indha la’aanta ah ee dambiiluhu waa mid aakhiro iyo adduunba dhibaato aan laga waaqsan laga dhaxlo.
Qoftii laga gardarnaa kolkuu arko kooxo kale oo ruuxii dulmiyay u gurmanaya, habaar iyo haaraan ayuu ku halgaadaa haddii aanu awood kale lahayn, habaarkaasina mid uu Eebbe si degdeg ah u aqbalo sida ku cad nuxurka xadiis uu tilmaamayay 3 qolo oo aan ducadooda iyo inkaarkooduba dhulka dhicin.
Waa run oo soomaalidii hore dhaca geela iyo dagaalada beelaha kama caaganayn, balse sida ay maanta talo faraha uga baxday oo ay xumaanta iyo samaantu inoogu sinmeen ma aanay gaadhsiinayn ee waxaa jiray waxyaabo ay ka sariigan jireen oo qofkii ama kooxdii samaysa ku dhaleecayn jireen, eel aanfo aan laga waaqsanna ugu dardaar warin jireen.
Sido kale waxay lahaayeen xeer-beegti xaajo aqoonnimo iyo xeel-dheeri ku suntan iyo guurti geed joog ah oo gar-soor quman wax kula saara, ciddii gaf lagu helona  si feecan u yakeeya, xeer maantaa wixii ka dambeeya lagu caano maalo ebyi jiray.
Ugub iyo curud ayay xaajada loo keeno u kala saari jireen, ka dibna ma dhaqan baa mase waa dhur, hadday dhur tahay ma diyaa mase? waa daqar hadday dhaqan tahayna ma xilaa mase waa xoolo ayay is haybin jireen si ay u hubsadaan in garta ay u fadhiyaan mid la cayn ihi ay hore u dhacday iyo inay tahay mid cusub oo aan ayadoo kale waqeed la arag,  lana maqal.

Inkastoo ay qaar madax adayg iyo macangagnimo ku tilmaanaa iska jiraan haddana bulshadii waagaasi waxay ahaayeen dad jid iyo  jiho leh oo aan talada gar caddaaga iyo go’aanka guurtiga hadal ka soo celin, dambiilahana aan u garaabin si maanta dhacda oo dhammaanteen marqaatiga u nahay.

Aynigaa waxaa ka dambeeyay dar xumaanta iyo xaq-darrada isugu hiilliya,gacan ku dhiigle  tolnimo lagu garab siiyo, burcad beelnimo lagu difaaco, gar leexsan oo odayadii furdaamin lahaa la laaluushay, dagaal ooge marasta laaya oo halyay loo yaqaanno, hooyo ama aabbe aan carruurtooda ka adkayn oo dhibkii ay gaystaan oon lagala hadli karin, bililiqo iyo boob cad oo aan butuli laga odhan karin, fal guracan oo ay koox dhami ku kacayso oo aanay isku ceebinayn, wadaado waanadii gabay iyo wax sheeg lagu dhiiran waayay.

Gabood-falku moogan wuxuu marayaa inay samaysmeen guuto abaabulan oo “ciyaal weero” la magac baxay, kuwaasoo hadh iyo habeen u tafaxaydan dhaca, dilka bulshada soomaaliyeed, kufsiga iyo waxyeelaynta bir-magaydadana caadaystay oo ay dhallinyaro iyo waayeelba qadyaan laga wada taagan yahay, qeybo badanoo magaalada kamidana in dartood looga qaxo qarka loo saaranyahay.

Dhibaatada joogtada ah ee ay bulshada ku hayaan ayaa ciidan iyo cuqaalba loo wada caalwaayay, markastoo lays ku dayo in tallaabo laga qaadona waxaa ku gudban waalidiin aan lurka iyo anafada ay dadka u gaysanayaani u muuqan oo ku doodaya inay carruurtoodu sama-wadayaal iyo suubanaal afkooda iyo adinkooba laga nabad-galo yihiin oo lagu gafay.

Sido kale waxaa hiil hayb iyo tolnino ku salaysan la garab taagan siyaasiyiin xasaanad iyo magac dowladnimo human iyo odayaal sal-dhigyada kaga daba taga oo ayagoon waxyeelada baaxadda leh ee ay bulshada ku hayaan u meel dayin sidii ay saraakiisha soo xirtay gacmahooda uga furdaamin lahaayeen u tafa-xayta

Ta la yaabka leh oo maanka wax-garad wareerisay ayaa ah inay odayaasha iyo hooyooyinka si ay carruurtooda uga soo daayaan sal-dhigyada u hor tubani ayaga qudhoodu dhibaatada ciyaal weerada si joogto ah uga soo cowdaan, hayeeshee falalka  ay ubadkoodu gaystaan aanay dooc iyo dareen toona u lahayn”hashu ayadaa geela cunaysa cabaadaysana” ayaan maqli jiray.

Haddaba sidee arrintan wax looga qaban karaa? Waa maan-gal inaad weydiintan war-celinno badan u hayso, balse  ta qoraa ahaan kula wadaagayaahi waa inay bulshadu isku xil-saaraan inay inta ay ayaga kaga aadan hagaajiyaan tusaale waalid waliba waa inuu carruurtiisa ka adkaado oo dhibaatada ay dadka kale ku hayaan ka reebo, wixii uu u taag waayona uu ciidamada u soo gudbiyo.

WQ: Abwaan Hareeri

 

HA ISKA CAROONIN EE HUBSO XAQIIQDA

Waxaa jira hadal Soomaalidii hore ay ku maahmaahi jirtay walina la isticmaalo oo ahaa muslimow run sheeg oo muslimow run u qaado, waa maah maah ku dhaqankeedu uu inoo dhaami lahaa sida aan hadda nahay.

Waayadan dambe waxaa aad inoogu batay tuhmo iyo shaki  oo aad moodo in malaha laysu xumeeyo, iyada oo aad arkayso in aad loo kala tagay oo qof kasta uu ka shakisan yahay midka kale qolo kasta ay tuhunsan tahay midda kale, waaxaa kaloo arkaysaa in hadalkii laysu badalayo oo qof kasta ama qolo kasta uusan umuuqaneyn wanaagga qolada kale.

Arrintaasi waxay fududeysay inay in cuqdadii iyo xiqdigii ina ku habsaday, taasoo ugu dambeyn fududeysay in la is dilo oo dhiigga bilaa micno isaga daadino wax aan sal iyo xaqiiq laheyn oo ku dhisan tuhun iyo shaki oo uu shaydaan quriyey ayey ku dhacayaan waxaas oo idil.!

Haddii garashada garaadkeenu noqon lahaa mid ka turjuma xaqiiqda jirta oo qaab fikirkeenu noqon lahaa mid xambaarsan in wax walba layska hubiyo inta aan xeerada iyo fandhaalka kala dhicin, ileen hubsiino halbaa la siistaa ayey soomaali ku maah maahdaaye, waa laga baaqsan lahaa hoog iyo hagar daamo badan oo dadkeena isu geysteen. Marka hore waxaa wanaagsan oo diinteena suuban nalagu faray  dhaqanka wanaagsanna ka mid ah in mar walba is weydiino waxa kan diinta maxay ka tiri oo loo celiyo Qur’aanka kariimka iyo sunnada rasuulkeena scw taasoo naga celin laheyd xad gudubka iyo tuhun ku duulka nagu dhex faafay.

Bal aan usoo daadego una soo dhowaado mowduuca oo aan soo qaato qaar ka mid ah nusuusta diinta ee ka hadlaya arintan iyo halku salafku ka taagnaayeen cudurkan cid walba garaafeeyey oo xitaa islaamkii kala geeyey ilaa heer midba mid kaloo walaakii ah tuhuno iyo been abuur ku duro.

Alle SWT wuxuu yiri:

“Kuwa iimaanka laga helayoow ka dheeraada in badan malaha xun waayo malaha xun waa dambi ee ha is jaasuusina oo qaarkiin yuusan xaman kuwa kale”

“Abuu hurayra waxaa laga wariyay inuu yiri  rasuulka scw wuxuu yiri:- waxaan idiinka digayaa malaha xun waayo malaha xun waa sheeko la dhoodhoobay oo been ah”.

“Lafdi kale waxa uu ahaa” ” waxaan idiinka digayaa malaha xun waayo waa sheeko been ah oo la dhoodhoobay,

Ha is xuuraamina oo ha is jaasuusina oo ha isu caroonina oo ha isu dhabar jeedinina ee noqda addoomo alle oo walaalo ah”

“Cumar ibnu khadaab rc wuxuu yiri qof muslim ah uma banaana inuu maqlo war malaha u xumaynaya walaalkii kadibna uu ku camal falo isaga oo awooda inuu waxa uu maqlay ku fasirto sida fiican.

Wuxuu kaloo yiri  khaliif Cumar rc ninka aan malihiisa dadka ku anfacin naftiisa dadka kuma anfaco.

Cali ibnu abii daalib rc wuxuu yiri nin kasta walaalkii ku yaqaana dhaqan suuban yuusan dhagaysan dadka kale  xumaha ay  ka sheegayaan, waayo ninka waxa ka muuqda ay wanaagsan yihiin waxa uqarsoon ayaa ka mudan in khayr loogu sii rajeeyo.

Saciid ibnu musayb wuxuu yiri:- mid walaaladay ka mid ah ayaa warqad iiga keenay qaar asxaabtii rasuulka ka mid ah, warqadaas waxaa ku yaalay,

Daji walaalkaa xaaladihiisa midda ugu wanaagsan’ hadaysan wax kaa qaalib noqda xagiisa kaaga imaan,

Waligaana ha ku malayn kalmad qof muslim ah ka soo baxday shar inta aad uleexin kartid xagga khayrka”.

“Imaam muhlab wuxuu yiri ilaahay waxa uu waajib ka dhigay in qofka mu’minka ah uu mu’minka kale khayr ku maleeyo waligii waayo waxa uu yiri” markii ay been abuurka maqleen maxay mu’miniinta rag iyo dumar ay naftooda khayr isugu malayn waayeen oo ay u oran waayeen waxani waa been abuur cad”

Xasadku waxaad kaga badbaadi kartaa inaadan walaalkaa wax yeello la doonin.

Malaha xunna waxaad kaga badbaadi kartaa inaadan sheeg sheegin.

Baasaysiga waxaad kaga badbaadi kartaa inadan waxba ka soo qaadin.

“Imaan qataadda wuxuu yiri malahu waa laba:-

Mid wanaagsan oo ku badbaadiya iyo mid xun oo naarta kugu arooriya.

Walaalayaal sida aan arkayno diinteenu waa is hortaagtay inaan malo xun isku malayno oo aan is tuhuno.

Marka waxaa haboon inaan noqono kuwo diintooda ku dhaqma oo arimahaas ka dheeraada.

Sidiisaba malaha xun iyo shakiga waa khatar kufri lala meel dhigay oo ilaahay marar badan waxa uu ka cabiray gaalada kuwo shaki dartii xaqa ku beeniyay”

Oo wuxuu yiri:-

Waxaa la kala  teeday gaaladii iyo wixii ay jeclaayeen oo aduunyo ah sidiiba dhiggood lagu falay iyaga hortood waayo iyagu waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki daran.

 

WD: Ibraahim Warsame

Xil Cabdi Maalik oo Jaaliyadda reer Hiiraan ee London ku boorriyay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta

-Xildhibaan Cabdi Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ayaa kulan looga hadlayay  dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Shirkii ka dhacay magaalada Maxaas looga hadlay dardar gelinta dagaalka lagu sifeynayo khawaarijta, isagoo xusay in dadka reer Hiiraan ay sii wadi doonaan dagaalka argagixisada lagula jiro, wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda reer London in ay doorkooda ka qaataan.

Xildhibaan Cabdi Maalik ayaa Jaaliyadda u sheegay in haddii uu dagaalku fashilmo ay khawaarijtu saari doonto cadaadiska ugu badan maaddaama dagaalka lagula jiro ay iyagu hormuud u yihiin, sidaas daraadeedna aan loo kala harin cirib tirka argagixisada.

“Dagaalkan aan u midowno, sababtoo ah dagaalku hadduu fashilmo dadka reer Hiiraan waxaa loo dhigi doonaa cashar aysan weligood illaawin, Soomaalida kalana lagu tusayo haddii aad nala dagaashaan ama aad na ceebeysaan inaadan jirayn”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada London ee dalka Ingiriiska , Cabdul qaadir Axmed kheyr, ayaa Jaaliyadda ku boorriyay in ay garab istaagaan Xildhibaan Cabdi Maalik oo ah nin har iyo habeen u taagnaa la dagaallanka khawaarijta, halgankana kaalin libaax ka qaatay.