Shirka arrimaha qaab-dhismeedka Booliska oo maalintii 2-aad galay

waxaa maalintii 2-aad galay shirkii arrimaha Boliiska ee qaab-dhismeedka amniga Qaranka, kaas oo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ah ay ku qeybsadaan 40-kun oo Boliiska dalka ah.

Shirka waxaa maanta ka soo qeybgalay wsiirada wasaaradaha amniga, maaliyada, talisyada Boliiska  iyo la taliyaaysha amaanka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada. Waxaa sidoo kale la isweydaarsaday afkaaraha iyo talooyin la xariira cadadka qeybsiga, tayeeynta ciidanka iyo dadaalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ugu danbeyn waxaa shirkaan la soo gabagabeyndoonaa maalinta barri ah, waxaana laga soo saaridoonaa war-murtiyeey ku saabsan waxa lagu heshiiyay iyo sida lagu hirgalindoono.

 

Mahadsanidiin.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka oo soo xiraay wadatashi ku saabsan xeer-nidaamiyaha sharciyada hay’adda

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed mudne Axmed Siciid Maxamed ayaa maanta u soo xiray Madaxda sare iyo Saraakiisha xirfadlayaasha ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa ka tala bixinta xeer- nidaamiyayaasha lagu dhaqayo sharciyada dhaqangalka ah ee hay’adda, kaas oo uga socday mudo 4-maalmood ah magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ayaa ugu horeyn ku amaanay Madaxda Sare iyo Saraakiisha xirfadlayaasha ah ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, doodaha waxgalka ah ee ay mudada 4-ta maalmood ah ka yeesheen soo saarista xeer nidaamiyayaal lagu dhaqo sharciyada dhaqangalka ah ee hay’adda, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha in xeerarka leysla gartay ee ka soo baxay madashan, iney muhiim tahay in lala wadaago Saraakiisha kale ee aan fursaddan la siin ee ku sugan xarumaha shaqada.

Gabagabadii, Agaasimaha guud ee hay’adda mudane Axmed Siciid Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa halkaa ku gudoon siiyay shahaado sharaf qaar ka mid ah Saraakiishii ka qeyb qaadatay aqoon isweydaardiga, wuxuuna ku soo dhamaaday kulanku jawi aad u wanaagsan.

Ciidanka xoogga dalka oo maalintii labaad gurmad ka wada Baydhabo

Baydhabo- Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalantii 2-aad gurmad ugu sameynaya shacabka ay saameeyeen roobabkii ka da’ay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Gaadiidka waaweyn ee Ciidamada ayaa dadka jilicsan ka daad-gureeyay goobaha biyuhu ku rogmadeen ee Magaalada, waxaana muuqanaya saameynta xooggan ee roobku ku yeeshay magaalada Baydhabo oo xaafado badan biyuhu fariisteen.

Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha ay sida xooggan u saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

        

Gabar Soomaaliyeed oo Maraykanka ka noqotay duq magaalo

Naadiya Cabdirizaaq Maxamed ayaa ku guuleysatay kursiga golaha deegaanka ee Magaalada St Louis Park, ee gobolka Minnesota, iyadoo noqoneysa duqa magaaladaas.

Naadiya Cabdirizaaq oo ah qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo ee kasoo jeeda bulshada Madow ayaa tartan qof iyo cod ah kaga guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.

Naadiya ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto kirada guryaha oo qaali ah dadkana aysan awoodin in ay iibsadaan , waxanay xustay in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka haysta dhallinyada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Deeqa Dhalac ayaa 2012-kii noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo Maraykanka ka noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay qabato xilkaa, balse Naadiya  ayaa lagu doortay qof iyo cod.

Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN) By Ruush Abdullahi November 8, 2023 7 Min Read

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da’ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ka barakaceen, waxaa ka mida:- Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxayna biyaha la tageen dalagyadii soo go’ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere laga barakacay, waxaana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay Roobabka xooggan iyo fatahaadda webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo, waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in “Dadku meel ay wax ku karsadaan ay la’ yihiin”.

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Webiga Jubba maro ayaa sheegaya in uu ku fatahay deegaano hor leh waxaana ka mid ah Degmooyinka Luuq iyo Doolow, fatahaada ayaa bilaabatay dhawaan, balse waxaa la soo sheegayaa inay marba marka ka sii dambeysa ay ka sii darayaan, waxayna wararku sheegaya in Biyaha Webiga oo dacalada jabsaday ay galeen Xaafadaha labada degmo, halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan, Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid Webiga ayaa cagta mariyay Beero badan oo ku yaallay labadaasi Degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.

Wararka ayaa tibaaxaya inuu jiro Barakac ballaaran oo boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha Webiga ay dhinac walba ka yimaadeen, Degmada Baardheere oo ka tirsan isla gobolka Gedo ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu fatahay Webiga Jubba, halkaasoo uu ka geystay barakac ballaaran iyo khasaarooyin kale.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa gurmad u sameeyay bulshada rayidka ah ee ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay magaalada Baydhabo. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga daka Soomaaliyed Jeneral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa hogaaminayay saraakiisha howshan badbaadada ah fulisay, waxaana garab istaag loogu sameyay Qoysas ay saameyn ku yeesheen Roobabkii dhawaan da da’ay magaalada Baydhabo, iyadoo xaafadaha magaalada Baydhabo dadka qaar looga soo saaray gawaarida waaweyn ee Militariga.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, sidaasi awgeed ayay War-saxaafadeed ka soo saaratay Hey’adda maaraynta musiibooyinka, taasi oo ku sheegtay in bilowgii bishii Oktoobar 2023-ka, guud ahaan dalka ay ka curteen Roobka xilliga Deyrta, inta badan Roobka ayaa si xooggan uga da’ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka go’doomaan, halka kuwa kalena Waddooyinka ka xermaan, taasi oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, Barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof, halka Dhimashada guud ay tahay 29 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 305,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.

Mar ay ka hadleysay dhinaca GURMADKA HEY’ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA ayay sheegtay in Hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay maanta si deg deg ah u diyaarisay agabyo kala duwan, kuwaasoo isugu jira Rashiin la gaarsiiyay in ka badan sedex boqol oo qoys.

Sida oo kale waxa ey hay’adda SoDMA gaarsiisay hal Doon iyo laba Matoor magalada Luuq, iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobe, kuwaasoo lagu badbaadinayo dadka ay ku go’doonsan musiibada daadadka . Hay’addu waxaa kaloo ay diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada ka dhasha biyaha.

Wara-saxaafadeedka ka soo baxay Hey’adda Maareynta Misiibooyinka Qaranka ayay waxay ku soo jeedisay BAAQ, kaasi oo u qornaa sidan:- “Waxaan baaq u diraynaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arrimaha bini-aadanimada in ay dar-dar galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso. Sida aan la socono xiligan Deyrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladdu ka sii dari-doonto sida ay hadda tahay, Haddaba waxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galin kara naftooda iyo Maalkooda”.

Waxay Hey’addu ugu dambeyntii soo jeedineysaa “Waxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinaynaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hay’addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhaca”.

 

Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka ayaa shir wada tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 6dii – 7dii Bisha November ee 2023, kaas oo ahaa mid lagu dhisayo Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray Dhismaha Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga sida uu qabo sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya 2023, xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka iyo la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah kuwaas oo hoga tusaaleynta hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo islamarkaana lagu horumarin karo howlaha la xiriira Kalluumeysiga ee Dhammaan dalka.

1. Goluhu waxa uu isla qaatay ahmiyadda iyo muhiimadda uu leeyahay dhismaha iyo howlgelinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

2. Goluhu wuxuu isla qaatay in dowlad goboleed walba uu soo magacaabo xubin kamid noqon doonta kooxda xoghaynta golaha muddo 15 cisho ah, waxaana lagu ballamay in kulanka xiga ee golaha uu dhici doono bisha January ee sannadka 2024, iyadoo shirkaas lagu bandhigi doono xeerarka iyo habraacyada golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

3. Goluhu wuuu isla qaatay in la xoojiyo dhaqangainta, Isku xirka, ka wadatashiga waajibaadka lagu sheegay sharciga Kalluumeysiga gaar ahaan arimaha la xiriira wadashaqeyn, Maamul, Macluumaad, Cilmi-baaris iyo ilaalinta deegaanka Kalluumeysiga iyo noola biyoodka iyo deegaankooda.

4. Goluhu wuxuu isla qaatay sida ku cad sharciga Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed ee law 008, in la soo saaro hab-raacyo tilmaamaya wadashaqeynta isla markaana xoojinaya xiriirka, si ay u sahlanaato socodsiinta howlaha golaha iyo Go’aan qaadashadiisa.

5. Goluhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo daraasado iyo cilmi baarisyo ku saabsan kheyraadka la ugaarsado ee muhiimka ah sida Aargosatada iyo Qubada dhammaan dalka si loo dajiyo qorshe maareyn oo lagu daryeelaayo kheyraadkaas halista ugu jira dabargo’a, waxaana la soo jeediyey in mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Develoment (SSFD) uu fuliyo howshaan.

6. Goluhu wuxuu isla qaatay in wadatashi lagala sameeyo wasaaradaha xubnaha dowladda Federaalka xeerhoosaadyada quseeya sharciga Horumarinta Kalluumeysiga ka hor inta uusan soosaarin Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal.

7.Golohu wuxuu islaqaatay in safar cilmi kororsi ah oo la xiriira maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga loo aado Indonesia iyo Tanzania wadamada heysta nidaamka federaalka ee horumarka ka sameeyey Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo Maareyntiisa.

8. Goluhu wuxuu farayaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Kallumeysiga ee heer federaal iyo heer dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (technical working group) in ay si farsama ah uga soo shaqeeyaan howlaha la xiriira mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Development (SSFD) iyaga oo si dhow ula shaqeynaya xafiiska maamulka mashruuca ee ka tirsan Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer Federaal.

9. Golahu wuxuu go’aan ku gaaray in la sameeyo qorshe qaran oo looga hortagaayo Kalluumeysiga Sharci darrada, hadduu yahay mid gudaha ah iyo mid dibbada ahba.

10. Golaha wuxuu u mahadcelinayaa Khubarrada ka soo qeyb gashay shirka isla markaana tallooyinka wax ku oolka ah bixiyey.
11. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Bankiga Adduunka oo mashruuca Badmaal – Somali sustainable Fisheries Development (SSFD) iyo sidoo kale kooxda gacanta ku heysa maamulka mashruuca.

Baarlamaanka Turkiga oo dalkooda ka mamnuucay wax soo saarka shirkadaha taageera Isra’iil

Afhayeenka baarlamaanka Turkiga Numan Kurtulmuş, ayaa sheegay in baarlamaanka uu go’aansaday in aan la isticmaali karin Alaabaha ay soo saraan shirkadaha taageera gardarrada Isra’iil.

Kurtulmus, oo khudbad ka jeedinayay furitaanka mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayay gobolka Ordu ee waqooyiga Turkiga ku sheegay in baarlamaanka uu go’aamiyay inaan dalka laga isticmaali doonin wax soo saarka shirkadahan taageera falka gardarrada ah ee  Isra’iil ay ka waddo dhulka Falastiin.

Afhayeenka baarlamaanka Turkiga, ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Turkiga ay garab taagan yihiin dadka reer Falastiin, gaar ahaan kuwa ku dulman Marinka Qaza.

Maxkamadda Rafcaanka oo maanta dhegaysanaysa Dacwadda Mas’uuliyiin loo haysto Musuq maasuq

Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta billowday dhageysiga dacwadahii musuqa ee rafcaanka laga qaatay.

Dacwadda ayaa loo heystaa eedeysanayaal ka tirsan Wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa horay xukunno kala duwan ugu ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana racfaan ka qaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku ridday.

Danjire Tarsan oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Nairobi

Munaasabad sagootin ah ayaa loogu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Kenya danjire, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ay u idlaatay muddadii uu ahaa safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Dr. Abraham Korir Sing’Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya iyo xubno ka socday diblumaasiyiinta Kenya.

Wuxuuna Xoghaye Abraham Korir ku tilmaamay Danjire Tarsan inuu ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika, wuxuuna ku ammaanay wax qabadkiisa ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Danjire, Tarsan ayaa sheegay in uu aad ugu mahad celinayo dowladda Kenya sida diirran ee ay u soo dhaweysay iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab istaagtay muddadii uu xilka hayay.

Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay asxaabtiisa iyo hawl-wadeenadiisa shacabka iyo dedaalka ay muujiyeen.

Danjire, Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal.

Maamulka gobolka Banaadir oo kormeeray ganacsatada degmada Howlwadaag

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi gelinta maamulka gobalka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo xalay kormeer ujeedkiisu ahaa u kuur gelid dhanka ganacsiga iyo isu socodka xilliyada habeenkii ah dadka ku nool Caasimadda gaar ahaan degamada Howlwadaag.

Waxaana kormeerka ku Wehliyay gudoomiyaha degmada Holwadaag, Bashiir Cabdi Maxamed, agaasimaha beeraha iyo dhireynta Gobolka Banaadir, Luqman Cali Macoow, taliyaha nabad-sugidda qeybta Weliyoow Cadde G/le, Maxamed Abdulkadir Shakiib.

Kormeerka ayaa sidookale ujeedkiisu ahaa in bulshada Caasimada looga digo roobabka xooggan ee la filayo inuu ka da,o Caasimadda.

Waxaa kale oo ka mid ahaa meelaha uu guddoomiye ku-xigeenku kormeeray suuqa weyn ee Bakaaraha qeybta dahablaha, isgoosyada Baar-ubax, Xamar-jadiid, iyo Warta Boondheere, wuxuuna kormeeray guddomiyaha meelaha biya dageennada ah isagoo sheegay in dhawaan laga qaban doono shaqo deg-deg ah.