Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka oo la kulmay safiirka Ingiriiska

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada ah ee boqortooyada Ingiriisku la garb taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kaalinta ay cadaaladda iyo garsoorku ku leeyihiin xasiloonida, iyo in deegaannada khawaarijta laga xoreeyay laga hirgeliyo adeegyo cadaaladeed.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa garab istaagga hagar la’aaneed uga mahad celiyay dowladda ingiriiska oo kamid ah dowladaha kaalinta weyn ka qaatay dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga dalka oo soo badbaadiyey dad rayid ah oo roobku ku go’doomiyey xaafadaha Baydhabo

Baydhabo: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa gurmad u sameeyey bulshada rayidka ah ee ay saameeyeen roobabkii ka da’ay magaalada Baydhabo.

Taliyaha qaybta 60-aad ee cidanka xoogga daka Soomaaliyed Jeneral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa hogaaminayey saraakiisha hawshan badbaadada ah fulisay, waxaana garab istaag loogu sameyey Qoysas ay saamayn ku yeesheen roobabkii dhawaan da da’ay magaalada Baydhabo, iyadoo xaafadaha magaalada Baydhabo dadka qaar looga soo saaray gawaarida waaweyn ee Militariga.

Jeneral Xasan ayaa bulshada reer Baydhabo ka codsadey in ay isku gurmadaan marka la joogo marxaladaan oo kale, ayna Rabi tuuk ay sameeyaan, si Eebe uga yasiro dhibta ay wataan roobabka ma hiigaanka ah ee ka da’aya gayiga Soomaaliyeed .

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay 25-ruux oo ku biiri lahaa Khawaarijta

War-sxaafadeed ka soo baxay ha’yadda sirdoonka iyo nabad suggida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Hay’addu gacanta ku soo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Khawaarijta.

Xubnahan oo watay gaari nuuca loo yaqaano Caasi kana soo baxay deegaan Hoos taga degmada Afgooye ayaa gcanta ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka soo galay xilli ay doonayeen in ay u tallaabaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

28-ka qof ayaa kala ahaa; darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan Maleeshiyaadka Khawaarijta.

Hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meelkasta ku beegsato cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo guddoomiyey shir ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Qaranka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Qaranka, gaar ahaan ahaan qeybta Booliska.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay furitaanka shirka oo soconaya 7- 9 Nofeembar, ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-qaran ay ka go’an tahay tayeynta iyo qalabeynta ciidamada booliiska Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, si ay ula wareegaan sugidda amniga dalka.

    

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray wasaaradda hawlaha guud

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagay wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta, si uu ugu kuurgalo hambsami u socodka howlaha ay Qaranka u hayaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo ka dhageystay masuuliyiinta wasaaradda warbixino la xiriira adeegyada ay wasaaraddu siiso bulshada Soomaaliyeed iyo halka ay marayaan qorsheyaasha waxqabad ee wasaaradda.

Kormeerka Ra’iisul wasaare Xamse ayaa qeyb ka ah hawlaha kor-joogteynta iyo la socodka shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda #Dan-qaran iyo hey’adaha kale ee dowladda, si loo dhaqan geliyo hiigsiga xukuumadda eek u saleysan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo muqdisho ka furtay shir muhiim ah

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku daahfurtay Kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo socon doona muddo Seddex Cisho ah.

Kulankaan oo ay qayb ka yihiin khubaro Soomaliyeed ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudan Cayduruus Macallin.

Waddada isku xirta Hobyo iyo Gaalkacyo oo ay daadadku gooyeen

Gaalkacyo-(SONNA)-Burbur xooggan ayaa gaaray Waddada isku xirta Gaalkcyo iyo Hobyo, gaar ahaan deegaanka Saqiiro oo magaalada Hobyo kaga beegan 15 km dhanka waqooyi, kadib markii ay daaddad xooggan burburiyeen guud ahaan waddadaas.

Burburka waddadaan soo gaaray ayaa hakad geliyay isku socodkii gaadiidka iyo dad weynaha ee isaga kala safri jiray degmooyinka gobolka Mudug iyo gobollada kale ee la dariska ah.

Roobabka ka billowday dalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo Burbur waddooyinka ah, waxaana socdo dedaallo dhinaca dowladda ah oo loogu gurmanayo dhibaatooyinka soo gaaray shacabka.

 

 

guddiga gurmadka fatahaadaha oo la kulmay ganacsatada koofur galbeed

Baydhabo- Gudoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadaha iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga oo kulan laqaatay ganacsatada maamul goboleedka koonfur galbeed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ka jira qaar kamid ah degmooyinka koonfur galbeed iyo sidii loo taakuleyn lahaa.

Guud ahaan dalka waxaa ka soconaya dedaallo ku aaddan sidii loo samayn lahaa gudmadyo kala duwan oo u badan isku tashi gudaha ah iyo in la abaabulo dadka wax haysta oo ay ugu horreeyaan ganacsatada.

  

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay daadadku saameeyeen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka hadlay fatahaadaha ayaa hay’adaha dowladda, kuwa caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo gurmado dadka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in roobabka haatan ka da’aya dalka ay galaafteen nolosha dad badan, wuxuuna hay’dda SODMA ugu baaqay in qiimeyn kusoo sameeyaan goobaha ugu daran ee ay waxyeelladu ka dhalatay.

Dadka ku geeriyooday daadaka ayuu sheegay in ay u badan yihiin barakacayaal markii horeba kasoo qaxay dhibaatooyin kala duwan kuna jiray xaalad liidata.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay isu gurmashada, wuxuuna ku celceliyay in dadka Soomaaliyeed dal iyo dibedba ay is caawiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Madoobe ayaa mar kale faray bulshada in ay raacaan farriimaha la siiyay kala fogaadaan meelaha biyo mareenka ah.

Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gobollada maka muuqdaa raadadka El-niino

Roobabkii ugu dambeeyay Gobalada dalka Soomaaliya ka da’ay, maka muuqdaa Raadadka El-niino, maxaa qasaara ah oo ka dhashay ilaa iyo hada.

Waa maxey El-niino?

Khubaro  ku xeeldheer arrimaha cimillada iyo saadasha Hawada waxey ku qeexan El Niño inay tahay dhacdo la xiriirta diirimaadka biyaha bariga Baasifigga meertada ah, oo dhacda saddexdii ama sideedii sano mar la arag ah oo socoto 8-deed ilaa iyo qiyaastii 10-bilood.

Waa wajiga diiran ee qaabka cimilada dhulbaraha ee loo yaqaan ‘El Niño-Southern Oscillation’, ENSO oo loo soo gaabiyay. Waa dhacda gunteeeda sababa waxyeello aan lasoo koobi karin oo culus oo ka tibaaxaysa aagagga ku-meel-gaarka ah iyo bartamaha, inta badan roobabka culus ee da’aya awgood oo mahiigan ah.

Weli ma cadda sida ay ifafaalahan u soo ifbaxayaan, balse  Xeeldheere saadaasha hawada Jacob Bjerknes (1897-1975) wuxuu isku xiray heerkulka sare ee dusha sare ee badda iyo dabeylo daciif ah oo ka imanaya bariga iyo roobab xoog leh oo la socda “ -xigasho meteorologiaenred.com”

Maxaa lagu Ogaadaa El-niino?

Waa maxay cawaaqibyada iyo waxyeellada ay geysan karto? Aaad ayey muhiim u tahay in la helo habraacyo lagu ogaan karo waqtiga. Sidaa darteed, tallaabooyin ku habboon ee la qaadi karo si looga fogaado tirada ugu badan ee suurtogalka ah ee dhimashada.

Waayo, dayax gacmeedyada, buul biyoodka sabeynaya ayaa la adeegsadaa oo badda ayaa lagu lafa guraa si loo ogaado sida ay  xaaladaha dusha sare ee badaha aagga dhul-baraha ay soo bandhiga, waxaana raaca dabaysha ayaa la baaraa maxaa yeelay, sidaan horay u soo sheegnay, isbeddelka dabayshu wuxuu noqon karaa tilmaan in dhacdada El Niño ay dhici doonto.

Oktoobar-Noofambar-December (OND) ee Bariga Afrika waxaa si weyn u saameeya laba ifafaale: El Niño Southern Oscillation (ENSO) iyo Badweynta Hindiya (IOD) ENSO waxaa lagu gartaa kulayl aan caadi ahayn ama qaboojinta Heerkulka Dusha Badda (SSTs) ee ka sarreeya bartamaha iyo bariga equatorial Badweynta Baasifigga.

Inta lagu jiro El Niño (wejiga diirran ee ENSO), SST-yada ka sarreeya bartamaha iyo bariga badweynta Baasifigga waxay noqdaan kuwo ka kulul sidii caadiga ahayd, icpac.net, waxeyna sheegaysaa  jaan-tuska in maalmaha soo socda ay da’ayaan roobab xooggan oo lagu qiyaasay 40% ilaa 60% isla markaana wata daadad ka badan kuwa dhacay, waxeyna roobabka ka di’i doona kenya, koofurta Itoobiya iyo Koofurta Soomaaliya.

Saacadahii ugu dambeeyay iyo maalmahan waxaa koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ka Da’ayey  Roobab mahiigan ah oo dabeylo wato, sidoo kale Saameyn wayn u geystay magaalooyin iyo tuulooyin dhaca Baay, Gado, Hiiran iyo magaalooyin kale.

Maxaa Qasaare ka dhacashay oo ay dowladda Shaacisay?

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay qasaaraha dhimasha ka dhashay roobabkii da’ay maalmahii ugu dambeeyay ka da’ayey gobalada Koofurta Soomaaliya ay gaarayso 10 ruux oo ay ku jiraan laba gabdhood oo 14-jir ah iyo wiil 18 jir ahaa, waxayna dhimashada ka dhacday deegannada dowlad gobaleedyada Jubbalanad, sida ay xaqiijiyeen dadka deegganka.

Iyada oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’addaha gargaarku waddaan deddaallo xooggan oo ay ku wajahayaan dhibaatooyinka ka dhashay roobabkan mahiigaanka ah ee ka socda goballada dalka Soomaaliya.

Raadad noocee ah ayay bulshada ku reebayaan roobabkan

Daadadka ka dhashay El-noiino waxay horseedeen in burbur xooggan ay u geystaan waddooyinka, in la geli waayo guryaha, maciishada aas-aasiga u ah bulshada oo cirka isku shareertay, adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo korontada oo istaagay.

Waxaa billowday barakaca dadka gaar ahaan kuwooda ugu taagta daran caruurta, waayeelka iyo haweenka, kuwaas oo aan awood badan u lahayn waxa socda.

Waxaa kaloo xusid mudan carrurutii in ay waayeen oo ay meesha ka baxday waxbarashadii, sidoo kalena Elnino ayaa dhibaato xooggan u geysatay kaabayaasha dhaqaalaha oo ahmiyad wayn u leh bulshooyinka.

Haweenka iyo carruurtu waxay markii horeba ka ahaayeen in ka badan 80% dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya.

Bulshooyinka deggan dhulalka ay maraan Webiyadda maxaa la gudboon?

Hay’addaha dowliga labada heer iyo mid dowlad hoose, bulshada kuwa hormuudka u ah iyo warbaahintuba waxaa la gudboon in ay door wanaagsan ka qaataan wacyi gelinta bulshada, sida in ay u hoggaasamaan farriimaha kala duwan ee ay soo saarayaan hay’adaha saadaasha hawada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Soomaaliya waa dal nugal oo la qabsaday xaaldaha fatahaadda iyo musiibooyinka dabiiciga ah, khubarada ku xeeldheer arrimaha Isbeddalka cimillada iyo saadaasha hawada waxay hoosta ka xariiqayaan in ay adag tahay in Soomaaliya ay maarayn sax ah la imaan  karto, iyagoo ku sababeeyay hay’adaha dowladda iyo kuwa Sama falka oo si cad aan iskaga waramin qaabka ay u wajahayaan xaaladda El-niino oo raadadkeedu muuqdaan.

Haddaba, waa kuma  cidda u maqan bulshada sidaas oo kale kuwa ku dad iyo hanti beelay roobabkan mahiigaanka ah?

Abdirashid Nur Ibrahim.

Climate Advocate, Communication/Media Expert HOA.