Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida Maxamed Xasan Barroow

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Maareeye Ku-xigeenkii golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Marxuum Maxamed Xasan Barrow oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuumku.

Daadad xooggan oo waxyeello ka geystay degmada Berdaale

Berdaale- Waxaa magaalada Berdaale ee gobolka Baay ka go’an inta badan adeegyadii bulshada, sida korontada , biyaha, isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha kadib roobab lixaad leh oo saacadihii lasoo dhaafay halkaasi ka da’ay, kuwaas oo ay ka dhasheen daadad xooggan.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay, Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa noo xaqiijiyay in ay jiraan qasaaro baaxad leh oo ka dhashay daadadka, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaadhay goobihii ganacsiga iyo suuqyadii magaalada.

Wariyaheenna Siraaji ayaa sidoo kale sheegay in ay barakaceen inta badan shacabkii degmada Berdaale ka dib markii ay daadadku galeen xaafadaha magaalada.

Maamulka magaalada Bardaale ayaa ku baaqay in gurmad xoog leh lala soo gaaro shacabka ay daadadku ka bara kiciyeen guryahooda.

    

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo maanta gargaarkii ugu horreeyay u direyso gobolka Gedo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in maanta gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo roobabka iyo fatahaadaha ay saameyn xoogleh ku yeesheen.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg degga ah (National Emergency Operations Centre NEOC), ee qaybta ka ah hay’adda SoDMA Xasan Cabdulqaadir CIise ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maanta ay magaalada Dooloow gaarsiin doonaan diyaaraddii ugu horreeysay ee sidda raashiin loogu tala gala galay dadka ay fatahaaddu saamaysay.

Agaasimaha ayaa sheegay in doomo lagu daabulo raashiinka la geyn doono magaalooyinka Baardheere, Luuq iyo Dooloow, isagoo intaa ku daray in ay ka fekerayaan in deeqaha halkaasi la geeyo kor looga soo daadiyo dadka halkaasi ku dhibaataysan.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg degga ah Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in 720,000 (todoba boqol iyo labaatan kun) oo qof oo ku kala nool maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay saameeysay fatahaaddu, iyadoo ay ku barakaceen dad gaaraya 300,000 qof, halka daka ku geeriyoodayna ay gaarayaan 21 qof.

Wuxuu ku baaqay Agaasimuhu in dadka haatan ku waxyeelloobay ay u badan yihiin dadkii ka dhega adaygay farriimaha ku saabsan waxyeellada ELNINO, wuxuuna mar kale ku celiyay in dadka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka iyo tilmaamaha hay’adda SoDMA.

(Warbixin) Kumanaan qoys oo ka barakacay fatahaadda webiga Jubba ee degmada Baardheere

Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya fatahaadda uu sameynayo webiga Jubba ee mara degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda.

Waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda webiga iyo roobabkii cuslaa ee da,ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada,Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyadoo ay xiran yihiin dhamaan waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ay ka barakaceen waxaa ka mid ah Shimbiroole,Beel la ooday, Hureenaa,Lebi ooman, Dhakaajo,Xagar buulle,Mugdiile,Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho,Lebi cad,Dhoobley,Tawakal,Bilisyar iyo kuwa kale.

Waxaa ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxaanay biyaha la tageen dalagyadii soo go’ayay.

11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere ayaa laga barakacay, waxana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay roobabka xooggan iyo fatahaadda webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan, waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale.

        

Maareeye ku-xigeenkii Golaha Murtida oo goor-dhow ku geeriyooday Nairobi

Alle ha u naxariistee Maareeye ku-xigeenkii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Xassan Baroow ayaa goor-dhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, kaas oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay halkaas.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala iyo agaasinka wasaaradda Warfaafinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska , ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Barrow oo ka tirsanaa Hobollada Qaranka Waabari.

Inaa lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun.

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud

Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maanta la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qayta 21-aad Gaashaanle sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.

Khawaarijtii joogtay deegaankaan ayaa halkaas ka kala firxaday waxaana hataan ku sii daba jira firxadkooda ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Qabashada deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud ee gobolka Mudug ayaa ku soo aadaysa xilli ciidamada Xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka adagaal jiho kasta ku qaadeen goobaha ay Khawaarijta kaga sugan yihiin Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen daadadka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo garab istaagga Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah u tilmaamay in Hay’adaha dowladda looga baahan yahay in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha.

“Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan hoy la’aanta, qabowga iyo gaajada oo kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadka iyo gacan qabashada dadkeenna ay saameeyeen Fatahaadda.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyey abaabulka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen si wax looga qabto waxyeelada ay gaysteen fatahaaduhu, isagoo ku baaqay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda wax ku oolka ah.

Baaqa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan gobollada dalka ay da’een Roobab daadad wata, kuwaas oo ka da’ay Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Roobab ka da’ay magaalada Beled weyne oo saameeyey xaafadaha magaalada

Ku dhawaad 300 Qoys ayaa ka barakacay guryahooda ka dib markii uu saameeyey Roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan.

Roobabka ka da’ay magaalada ayaa saameen ku yeeshay dadka magaalada, iyaga oo dadka ka barakaceen guryahooda, xilli ay deegaan sadeen duuleedka magaalada gaar ahaan Ceeljaalle.

Waddooyinka magaalada Baladweyne ayaa lagu arkayay bulshada magaalada oo ka barakacaya guryahooda iyaga oo duleedka magaalada maciin badan, ka gadaal markii ay saameeyeen Roobab wata daadat.

Qaar ka mid dadka magaalada oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa dowladda ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka ku barakacay daadadka, sidoo kale waxa ay sheegeen in magaalada ay ku soo hareen dad kooban.

Guud ahaan gobollada dalka waxaa ka curtay Roobka deyrta oo illaa hadda la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof, sida lagu sheegay bayaan maanta ka soo baxay shir uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka uu la yeeshay ganacsata dalka.

Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka oo Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi

Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka daahfurtay magaalada Muqdisho aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee hoggaanka sare ee hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa in dhammaan bahda Cadaaladda iyo Garsoorka dalka ay is weydaarsadaan afkaarta iyo aqoonta la xiriirta maamulka, maareynta iyo kor-u-qaadista adeegyada cadaaladeed ee guud ahaan dalka, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Bashe Axmed, Wasiirka Cadaalada Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Xerr-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleyman, Wasiirada Cadaaaladda Dowladd Gobaleedyada xubnaha ka ah DFS, Madaxda Ciidanka Asluubta, iyo Dhammaan xeer-ilaaliyaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha dalka.

Wasiirka Caddaalada ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dhammaan madaxda kasoo qayb gashay kulanka sido kalena xusay, “Madaama bulshadi Soomaaliyeed naga sugayso hoggaamin wax-badali karta waa muhiim in aynu kulamo joogto ah oo aqoon-isweydaarsi aan yeelana si aan wax u kala barano wixi hore ee aan naqaanayna dib-u-eegis ugu samayno si wadar ahna aan bulshada u gaarsiino adeeg cadaaladeed oo hufan”.

Gabogabadii Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo furay kulanka ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay kulamada joogtada ah ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka, sido kale mas’uliyiinta kala duwan ee soo xaadiray aqoon-isweydaarsigan ayaa bogaadiyay soona dhaweeyay kulankan kuna adkeeyay Wasaarada Cadaaladdu in ay joogto ka dhigto kulamadan oo kale.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata .

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.