Wasaaradda Waxbarashadda XFS” ma jiro Urur la yiraahdo Federation of Somali Universities (FSU) oo ay Wasaaraddu aqoonsan tahay”

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare waxa ay u caddeyneysaa jaamacadaha Dalka in aanu jirin Urur la yiraahdo Federation of Somali Universities (FSU) oo ay Wasaaraddu aqoonsan tahay, dhammaan jaamacadaha dalka iyo guud ahaan bahda Waxbarashada waxaan uga digaynaa in ay la shaqeeyaan Ururkaas.

Wasaaradda Waxbarashada waxa ay aqoonsantahay Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) kaas oo ka diiwaanshan Wasaaradda, islamarkaana ah Urur ay ku mideysan yihiin inta badan Jaamacadaha dalka.

Sidaasi darteed waxa aan halkaan digniin uga diraynaa ururka la magac baxay Federation Somali Universities (FSU ) in ay ka shaqeeyaan arrimaha waxbarashada fasax la’aan iyo diiwaangalin la’aan.

Dhammaad.

Hay’adaha Caalamiga ah oo dalbaday xabbad-joojin laga sameeyo Gaza

Iyadoo duqeymo culus ay weli ka ka socdaan Gaza oo dhan,haddana 18 urur oo isugu jira UN iyo hay’adaha kale ee bini’aadanimada ayaa soo saaray bayaan ay ku baaqayaan xabad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah oo laga dhaqangaliyo Gaxa.

Baaqaan ayaa imaanaya xilli tirade dhimashada Falastiiniyiin  ay gaartay 9,922 ruux oo ku dhintay weerarrada Israel ee Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ,halka tirade dhimashada Israa;iil ay mareyso in ka badan 1,400 oo qof .

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 88 ka mid ah shaqaalaha UNRWA lagu dilay Gaza, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee dhimashada Qaramada Midoobay ee abid laga diiwaan geliyo hal dagaal.

Maamulka Dalka Jordan ayaa sheegay in ciidamadeeda cirku ay baarashuut ku daadiyeen gar gaar caafimaad oo la geeyay cusbitaalka goobta Jordan ee Gaza.

Xukunka dilkii ka bilowday danaano

Cabdulaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu soo Eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf loo soo xiray gacansiin danbi ka dib markuu dilaaga u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay.

Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni 19-kii bishii December ee 2022.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Afar sano oo xabsi ciidan ah.

Intaasi kadib Qareenada Eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay 1-dii bishan, ayaa ugu dambeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.

Maxaa keena in dagaal beeleed dhaco xilligan? (WARBIXIN)

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jirta in ay ka dhaceen Gobolada Dalka qaarkood isku dhacyo ama uu dagaal dhexdooda ah uu ka qarxo beelo walaalo ah oo isku deegaan ah, walibana ay haatan ka socdaan Goboladadooda dagaal xaq ah oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,  dagaalkaasi oo ka  dhan ah Kooxda Argagixisada Khawaarijta ah ee Al-shabaab, iyadoo ay dagaaladaasi ay ugu xumaayeen kuwii ka dhacayay Tuulooyin iyo deegaanno hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, waxaa kaloo uu iska hor imaadku ka dhacay deegaanka Xanan-buurre oo hoos yimaada magaalo Madaxda Maamul-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, inkastoo laga hortagay ama la xakameeyay inay sii fiddo colaadda dhexmartay laba maleeshiyo beeleed ee wada dega deegaankaasi, kaasi oo ka bilowday isku heysasho Ceel-biyood.

Dirirta ugu darneyd waxay ka taagneyd deegaanno hoos yimaada Degmada Cadale, waxaase si xoog ah u kala joojiyay Ciidamado ka kala baxay Mahaalada Muqdisho iyo Degmada Jowhar, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamada Daraawiishta oo ka tirsan Booliska iyo kuwa Nabadsugida Qaranka ay howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay Deegaanno hoostaga degmada Cadale oo dhawaan dagaal beeleedyo ay ka dhaceen, iyadoo Deegaannadaasi ay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay  ka taagnaa dagaal beeleedyo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac, Kufsi iyo gubid Guryo iyo Beero, kaasi oo ay dhasheen in laga barakaco deegaannadaasi.

Ciidamada Darawaashita oo ka tirsan Booliska iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa ku guuleystay ugu dambeyntii in ay gacanta lagu dhigo tiro maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halka kuwa kalena lagu raad joogo soo qabashadooda,  sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa NISA ayaa si wadajir ah howlgal xasillin ah uga sameeyay deegaannada kala ah Xaaji Cali, Caddow-uul, Geel Gub, Ceel Muluq, Ceel xaashi iyo deegaanno kale oo dhowaan lagu dagaallamay qaarkoodna la gubay oo dab la qabad-siiyay, waxayna ciidamadu amar ku qabaan in si toos ah loola diriro cidii isku taaktay ama diidda kala hortimaada Ciidamada amniga.

Saraakiisha ugu sarreysay ciidamada Daraawiishta ayaa qeyb ka ahaa howlgalka oo uu ugu horreeyo Generaal Cabdullaahi Mire oo ah taliyaha ciidamada Daraawishta, Dhamme Cabdullaahi Yuusuf Kheyre oo ah taliyaha ururka 3-aad Daraawishta ee ka howlgala Shabeellaha Dhexe, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa waxaa ka mid ah Dhamme Xaashi Maxamuud oo ah taliyaha ururka 1-aad oo ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose, balse hadda ku sugan Shabeellaha dhexe iyo Gaashaanle Abuukar Cabdulle Raage oo ah abaanduulaha guutada 1-aad ee Daraawiishta.

Deegaanka Caddow-uul iyo deegaannada kale ee lagu dagaallamay hadda waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta, kuwaasi oo shacabka ku dhaqan deegaannadaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen ciidanka qaranka oo sugaya amnigooda, diyaarna u ah in ay ka qabtaan cadowga ummadda iyo kuwa ugu soo dhex dhuumanaya, si ay u qal qal-geliyaan amniga iyo horumarka ay haystaan, islamarkaana la damacsan yahay in lagu hakiyo dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Haddaba maxaa keena in ay beeluhu walaalaha ah ay colad dhexmarto xilli ay dowladdu dagaal kula jirto Kooxda Khawaarijta ee ASl-shabaab?, arintaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, waxa uu ugu horreyntii ka hadlay falkii waxashnimada aheyd ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay inay cambaareynayaan dhacdadaasi, islamarkaana ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, ama weerar fulannimo ah oo ka fog Islaamnimada iyo waliba dhaqanka suuban ee Soomaalida oo ah in la dilo Dad biri-ma geydo ah oo Ganacsanayay oo goobtoodii jooga ee loo dilo aarsi qabiil, wuxuuna intaasi raaciyay in arrintaasi oo aheyd mid fajac ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyay in kuwii falkaasi geystay la aqoonsaday dhawaanna la soo qaban doono, sharicgana la hor keeni doono.

Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, isagoo xusay in aanay mar dambe fal noocaan oo kale ah uusan nagu soo noqon,” sidoo kale waxaan rabnaa inaan si weyn uga mahadceliyo ciddii ka howlgashay joojinta colaada, islamarkaana ayeey sii fidin, waxaana kala dhexgalay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug iyo Odoyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labadaasi beelood oo is maan dhaafku dhexmaaray”, ayuu sii raaciyay Wasiir Fiqi.

Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in cid kasta oo caqliga u saaxiib ah inay ka shaqeeyaan in loo istaago joojinta colaadda beelaha walaalaha ah, islamarkaana waxa uu ku baaqay inay yimaadaan gogosha wadahadalka, waxa uu aad u xusay in arrinta ka dhacday Magalada Dhuusamareeb dadka Soomaaliyeed waa ka dhiidhiyeen waana ay ka naaxeen, waxaana aad loo muujiyay dareenkooda sida ay uga xun yihiin dhacdaasi foosha xumeyd, iyagoo ku muujiyay in Ardeydii aysan Iskuulada aadin, ganacsigii magaalada oo joogsaday, iyadoo lagu muujinayo sida ay uga xun yihiin dhacdaasi.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu aad u ammaanay Ciidamadii ku baxay deegaannada dirirtu ka dhacday ee hoos imaanayay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee kala dhexgalay, islamarkaana ka wada howlo xasilin ah iyo in la baacsado maleeshiyaadkii halkaasi dhibaatada ka waday oo beelaha walaalaha ah isku dirayay, waxaa kale uu baaq u diray beelaha kale ee ku diraraya meelo ka tirsan Gobolka Mudug iyo meelo kale inay iyaguna colaadda joojiyaan, islamarkaana ay ku baxaan waxgaradka iyo Odoyaasha Beelahaasi.

“Waxaad moodaa in Wejiga 2-aad ee dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah markii uu bilowdayay oo ciidamada qalabka Siday furumihii la geeyay, ayna diyaar u ahaayeen sii dabar goynta Shabaabka in isku dhacyo soo noq noqonaya oo aad moodid inay qorsheysan yihiin in maalmahaan dambe ay soo cusboonaadeen, mar walba oo ay khawaarijtu xaalad ciriiri ah gashana ay bilowdaan is dirka beelaha, in badan oo dadka ka mid ah ayaa isku xira arrintaasi inay ka dambeeyaan Khawaarijta, kuwa huriya colaadda waana dad u adeegaya kooxda, una hiillinaya Khawaarijta, si uu u hakado dagaalka lagula jiro, marka waxaan leenahay ujeedka khawaarijtu mar kale ma shaqeyn doono, ciidamada amniguna gacan bir ah ayay ku qabanayaan kuwa u adeegaya kooxda gabalkoodu sii dhacayo”, ayuu ku soo xiray hadalkiisa  Wasiirka.

Roobab ka da’ay Baydhabo oo sababay Khasaare

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ayey maalmihii la soo dhaafay Gobolada Baay iyo Bakool ayaa sababay khasaare xooggan sida wararka ay heshay Wakaaladda Wararka SONNA waxa shalay ilaa saaka Subaxnimadii ka da’ay magaalada Baydhabo Roob xooggan kaas oo sababay in Xaafaddaha Magaalada soo galaan Biyo xooggan kuwaas oo kala xiray badi xaafaddaha Magaalada,taas oo sababtay Barakac Xooggan iyo in Xaafadaha qaar dadkii ku go’doomaan oo ka bixi kari waayeen.

Sidoo kale Roobabkan ayaa sidoo kale Sababay in Barakac xooggan oo ka dhacay Degmada Xuddur ka dib markii Biyo Xooggan soo galeen Xafaddaha Degmada.

Sidoo kale Roobabkan ayaa sababay in ay go’do Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo sida uu xaqiijiyey Senator Aadam Cabdinaasir oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed.

Guddoomiyaha degmada Baardheere oo xaqiijiyey in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gedo uu sameeyn ku yeeshay dadka Shacabka ah

Gedo:-Guddoomiyaha degmada Baardheere oo sheegay in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gado uu sameeyn ku yeeshay dadka Shacabka ah

Waxaa isa soo tarayo sameeynta ka dhalatay Roobka deyrta oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo ka tirsan gobolka Gado.

Roobabka waxaa ka dhashay fatahaado iyo daadad geystay qasaare dhimasho iyo bur-bur hantiyeed,waxana meelaha qaar laga soo warinayaa in ay jiraan barakac xooggan

Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed wali Yuusuf Qorax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmada iyo guud ahaan gobolka waxa uuna dowladda iyo Maamulka jubbaland ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro Qoysaska oo roobka sameeyay.

“Xaafadaha ay ka koobantahay degmada Baardheere guud ahaan waa wada saameeyeen daadadka roobka,waana laga wada barakacay guud ahaan gobolka Gedo dagmooyinkiisa, gurmad degdeg ah ayaan codsaneynaa” sidaa waxaa yiri
Guddoomiyaha degmada Baardheere

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in laga cabsi qabo in ay go’do Buundada degmada Baardheere oo biyuhu buux dhaafiyeen,waxaana isa soo taray dadka ka barakacayo degmada,inkastoo

Sidoo kale ma ahan goobaha ay roobabku sameyeen gobolka Gado Lee ee waxaa la soo warinayaa degaano dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka roobka uu sameeyn ku yeeshay waxa ayna dadkaan xiligaan u maahanyihiin gurmad deg deg ah oo loo fidiyo.

Wasiiru dowlaha amniga ee XFS oo furay kulan wadatashi oo ku saabsan xeer nidaamiyayaasha hey’adda Socdaalka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho uga furay  kulan wadatashi ah oo ku saabsan ka talo bixinta xeer-nidaamiyayaasha lagu dhaqayo sharciyada dhaqangalka ah ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaana loo qabtay Saraakiisha, xirfadlayaasha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay madaxda sare iyo Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay ka faa’ideystaan fursadda loo siiyay 4-tan maalmood in ay ku soo saaraan Xeer-nidaamyeyaasha labada sharci ee dhaqangalka ah.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa faray howl wadeenada mudada 4-ta maalmood ah ee uu socon doono kulankaan, inay si taxaddar leh uga wada doodaan sharciyada dhaqan galka ah ee  Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

           

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka oo kormeeray xerada tababarada ee Turkisom

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed S/ guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeer shaqo ku tegay xerada tababarka ciidanka ee turkisom ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo  kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha sare ee taliska turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo ay ka qayb qaataan tayeynta iyo tababaradda ciidanka xoogga dalka ee dagaalka lagula jiro  Argagixisada.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed S/ guuto Dayax ayaa sheegay in ciidamadda dowladda waqti ay leeyihiin cudud xooggan oo ay cadowga dalka kaga saran, tani ay ku timida tababarada kala duwan ay ka helaan xerooyinka ciidamada lagu tababaro oo ay ka helaan khibrad ciidan iyo tababaro tayeysan.

  

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo qaabilay safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd ee labada dhinac, iskaashi wax ku ool ah oo dhexmara iyo qodobo kale.

Ambasador Carsten Carlesen ayaa wasiirka wasaaradda uga mahadceliyey qaabilaadda iyo sida heerka sare ah ee u soo dhaweeyey isaga oo sheegay in safaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay wasaaradda kala shaqeeyaan horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah wax soo saarka dalka gaar ahaan Kalluumeysiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka badda.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa u sheegay danjiraha dowladda Norway inay wasaaraddu ay xoogga saareyso sidii horumar muuqda looga sameyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale oo waara iyo in bulshooyinka xeebaha ay noqdaan kuwa ka faa’ideysta wax soo soorka iyo Kalluumeysiga.

    

Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo NISA oo howlgal amni xaqiijin ah ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugida Qaranka oo Howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay DeegaaNno hoostaga degmada Cadale oo dhawaan dagaal beeleedyo ay ka dhaceen.

Deegaannadaas ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa ka taagnaa dagaal beeleedyo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Ciidamada Darawaashita Booliska iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa ayaa ku guuleystay in gacanta lagu dhigo tiro maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa NISA ayaa si wadajir ah howlgal xasillin ah uga sameeyay deegaannada kala ah Xaaji Cali, Caddow-uul, Geel Gub, Ceel Muluq, Ceel xaashi iyo deegaanno kale oo dhawaan lagu dagaallamay qaarkoodna la gubay oo dab la qabad-siiyay.

Saraakiisha ugu sareysay ciidamada Daraawiishta ayaa qeyb ka ahaa howlgalka oo uu ugu horeeyo Generaal Cabdullaahi Mire oo ah taliyaha ciidamada Daraawishta, Dhamme Cabdullaahi yuusuf Kheyre oo ah taliyaha ururka 3-aad Daraawishta ee ka howlgala Shabeellaha Dhexe, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa waxaa ka mid ah Dhamme Xaashi Maxamuud oo ah taliyaha ururka 1-aad oo ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose, balse hadda ku sugan Shabeellaha dhexe iyo Gaashaanle Abuukar Cabdulle Raage oo ah abaanduulaha guutada 1-aad ee Daraawiishta.

Deegaanka Caddow-uul iyo deegaannada kale ee lagu dagaallamay hadda waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta, kuwaas oo shacabka ku dhaqan deegaannadaas ay si weyn u soo dhoweeyeen ciidanka qaranka oo sugaya amnigooda, diyaarna u ah in ay ka qabtaan cadowga ummadda iyo kuwa ugu soo dhex dhuumanaya si ay u qal qal-geliyaan amniga iyo horumarka ay haystaan.