Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XF Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño waxaana uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isagoo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.

Mudane Saalax ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah iyo in dawladdu waddo abaabul iyo sidii wax loo gaarsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, Isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool Gobalka Gedo iyo qaybo kamid ah gobolada dalka.

Howgallo ka dhan ah khawaarijta oo laga fuliyay gobolka Bakool

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgallo qorsheysan waxa ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad G/lle Yoonis Adan Xasan oo ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgallada laga sameeyay deegaannada kala ah War-wiin War-dhato Ceelahaley iyo Moorigaabey ee Gobolka Bakool.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallada halkaas ka socday ku baacsaday khawaarijta halkaas dhuumaaleyga ku ah, iyagoo shacabka ku bogaadiyey sida ay Ciidanka u garab itaagaan iyo u soo gudbinta Ciidanka fariimaha ka dhanka ah argagixisada.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ka bilaaban doono howgallada ka dhanka ah khawaarijta wajigiisa labaad kaas oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya horay ugu dhawaaqay.

 

Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan oo Argagixisanimo loo Maxkamadeeyay..

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta billawday  dhageysiga dacwad Argagixisnimo oo loo heysto 11 kamid ah Mas’uuliyiintii Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

11-ka Eedeysane ee maxakamadda la horgeeyey oo saddex kamid ah Haween yihiin ayaa dhammaantood kala ahaa Guddoomiye waxeedyo iyo guddoomiye lameedyo ka tirsan Maamulka degmada Hodan,waxana loo heystaa Eedda ah in ay ahaayeen Shabakad basaasnimo ah oo ka howlgali jiray degmooyinka Deyniile,Yaqshid Hodan iyo Howl-wadaag iyo Hilwaa oo iyagoo dowladda u shaqeyo hadana ka tirsanaa khawaarijta fulina jiray falal Argagaxisanimo sida dilalka iyo qaraxyada.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Eedeysanayaasha ku soo Eeddeeyey in ay la shaqeynayeen khawaarijta iyadoo xafiisku mas’uuliyiinta maxakamdda ciidanka ka dalbaday in waxa xukunkoodu yahay la marsiiyo madaama ay qeyb ka ahayeen falal isugu jiray dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Madaxda Jubbaland oo ku baaqay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen roobkii ka da’ay deegaanada Jubbaland

Boqolaal Qoys ayaa ka barakacay roob daadad watay iyo fatahaado ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadkii ku noolaa degaanadaasi

Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud ( Lugadheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay degaannada iyo degmooyinka ugu daran ee uu saameeyeen Roobka daadadka watay iyo fatahaadaha, isaga oo dowladda Soomaaliya iyo  Hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan.

Xildhibaan Aamino Xuseen Cali oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka oo iyana la hadashay saxaafadda ayaa ku baaqday in gurmad deg deg ah lala gaaro shacabka Gobolka Gedo oo wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay fatahaada Roobabka Dayrta

Degaanno badan oo katitsan gobolada dalka waxaa ka curtay roobkii Deyrta kaa oo dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo Barakac xooggan,waxana isa soo tarayo baaqyada loo dirayo dowladda iyo madaxda maamuladaasi si gurmad deg deg ah loola gaari lahaa dadka roobabku sameyeen.

Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)

Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha 3-aad ee Dilemmas of Humanity ee ka socday Johannesburg ayaa daba socda weerarrada arxan-darrada ah ee Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo iska caabintooda oo ay ka muuqato xiiso iyo walaac xooggan. Weeraradaasi waxay u qaateen qaab dagaal xun oo dabargoyn ah oo ay si bareer ah u taageersan yihiin wadamada Maraykanka, iyo xulafadiisa Yurub. Ka qaybgalayaasha shirkan caalamiga ah waxay caddaynayaan in:- Dhaxalkii kuwii halgankii iyo kuwii ka soo adkaaday midab-takoorka Koonfur Afrika, oo halkaasi shiray, “waxaanu dalbanaynaa in la joojiyo dawladnimada Israa’iil. Waxaan cambaareyneynaa go’doominta Gaza ee lix iyo toban sano jirsatay. Dawladda Israa’iil ee midab-takoorka ah ee la soo rogay iyo go’doominta ayaa ah dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada”.

Waxaan ka soo horjeednaa bay yiraahdeen “dambi ka dhigista iyo bini’aadantinimada ka-xumaynta dadka reer Falastiin, waxaanan difaacaynaa xaqa ay u leeyihiin inay iska caabiyaan. Waxaan diidnay ololaha macluumaadka khaldan ee ay been abuurteen Israa’iil iyo xulafadeeda si ay u abuuraan cuqdad, faafiyaan naceybka iyo qiil gardarrada ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta. Halganka aayo-ka-tashiga, madaxbannaanida, iyo difaaca sharafta aadanaha waa inaan lagu calaamadin “argagixiso.” Intaa waxaa dheer, waxaan cambaareyneynaa oo aan si adag u diidnay dambi-baarista wadajirka Falastiin ee dawladaha qaranka ee taageeraya isir-sifeynta”.

Waxay kaloo bayaankooda ku xuseen, “Waxaan si adag u canaananaynaa ololaha dabar-goynta Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. Tobanaan sano oo Xukuumadda Sahyuuniyadda ah ayaa weerarro ku qaaday shacabka Falastiin, waxaana waajib ah in la fahmo oo la cambaareeyo xasuuqa hadda lagu hayo dadka rayidka ah ee aan hubaysneyn, oo ay ku jiraan carruur, waayeel iyo haween sida arxan-darrada ah ay ciidammada Israa’iil ugu laayeen Marinka Gaza.

Ilaa hadda, ciidamada Israel waxay dileen in ka badan 9, 000 qof, kuwaas oo 3.000 ka mid ah ay yihiin carruur. Dhismayaasha la bartilmaameedsaday iyo kuwa la duqeeyay ayaa ah xarumo adeeg, gaar ahaan isbitaallada, iskuullada, shabakadaha biyaha iyo korontada, kuwaasi oo ah kaabayaasha lagama maarmaanka u ah nolosha. Waxaan cambaareyneynaa weerarka naxariis darada ah iyo waxashnimada ah ee ciidamada Israel ay ku qaadeen isbitaalka Al Ahli ee Gaza, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal dhakhaatiir iyo bukaanno ah”.

“Waxaan kaloo cambaareyneynaa aamusnaanta ceebta ah iyo ka-wada-jirka qaawan ee dowladaha gobolka iyo hay’adaha, iyo sidoo kale gargaarka maaliyadeed iyo kan Milatari ee ay bixiso dowladda Mareykanka si ay u huriso gumaadka Falastiiniyiinta. Waxaan cambaareyneynaa mawqifyada dowladaha ee taageeraya gardarrada iyo in la caadiyeeyo cidda heysata, waxaanan u aragnaa habkaan dhaqdhaqaaq cunsuri iyo faashiste ah”.

Waxaa kaloo bayaankaasi lagu yiri:- “Waxaan aqoonsannahay xuquuqda sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta ee xoreynta ah, madaxbannaanida iyo soo noqoshada sida ay u aqoonsadeen Qaramada Midoobay iyo inta badan dawladaha adduunka.

Waxaan taageereynaa xaqa ay Falastiin u leedahay soo laabashada, waxaanan cambaareyneynaa barakicinta xooggan ee Falastiiniyiinta. In la dalbado in 1.1 milyan oo qof ay ka tagaan dalkooda iyagoo aan heysan meel ay tagaan waa dambi”.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan xoogagga horumarka leh iyo taageerayaasha xorriyadda adduunka inay isugu soo baxaan waddooyinka iyo fagaarayaasha, oo ay ka qayb qaataan dhammaan noocyada taageerada Falastiin.

“Ku biir baaqa maalin-goboleedka ficilka ee midnimada Falastiin Jimcaha, Oktoobar 20-keedii iyo maalinta caalamiga ah ee midnimada ee Noofambar 4-teeda, 2023-ka. Waxaan sidoo kale ugu yeernaa dhammaan noocyada qaadacaada wax soo saarka Israa’iil iyo soo bandhigida falalka argagixisada ee Israa’iil” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Waxaan aqoonsannahay in halganka lagu xoraynayo Falastiin, laguna soo afjarayo gumeysiga Israa’iil uu yahay halganka dhammaan dadka dulman ee xoreynta iyo sharafta. Waa inaan ku jirnaa midnimo oo aan difaacno halganka Falastiiniyiinta ee aaya-ka-talinta, xoraynta, madaxbannaanida, iyo xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin inay soo noqdaan.

Waxaan dalbaneynaa:

 

In si degdeg ah loo joojiyo gardarada iyo xabad joojinta Gaza.

In la joojiyo go’doominta Gaza.

In dhammaan dhulka Falastiin lagu soo celiyo.

In la joojiyo gumeysiga Israel ee Falastiin.
Shirkaasi oo dhacay 14kii Oktoobar 2023-ka, ayna ka qeybgaleen Golaha Shacbiga Caalamiga ah 3-aad ee Dilemmas of Humanity Conference – kaasi ka dhacay Magaalada Johannesburg, ee Wadanka South Africa. Xisbiyada iyo Ururada Saxeexa bayaanka waxay ahayeen in ka badan 100 Ergo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, uuna yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah, hadalkaasi waxa uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Sheekh C/qaadir Al-Jilaani oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa yiri: “Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruurta iyo Haweenka reer Falastiin”.

“Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in Carruur, Haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo,waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka iyo dhakhaatirtii,isbitaalkii”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in reer Gaza laga jaray biyihii, korontadii iyo cunadii oo ay ka hor istagtay Israa’iil, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta magaalada ay tahay mid adag, waxuuna is waydiiyay halka ay jiraan kuwa u dagaalami jiray xuququl insaankii dadka?.

Raiisulwasaaruhu waxa uu qaatayn go’aan geesinimo leh, islamarkaana ka turjumaya dareenka Shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah, waxaana ereyadii uu jeediyay laga wada hadal hayaa dhammaan Caalamka, waxaan uu soo seddexeey Madax sidaasi oo kale u caddeeysay go’aanka ay ka qaateen arrinta reer Falastiin, kuwaasi oo kale ah Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti iyo Turkiye Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ragib Dayib Erdogan. Aan u duceyno Dadka Reer Falastiin.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka qeybgaly xuska aas aaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 105 sano guuradii ka soo wareegtay aas aaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaa Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaliya,taliya kuxigeenka ciidanka xoogga dalka agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale kuwaa oo dhammaan ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Talyaaniga xuska aas aaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, islmarkaana ay ku faraxsan yihiin kasoo qeybgal xafladda loo qabtay ee loogu dabaal dagayo.

Jumhuuriyadda Talyaaniga ayaa la aas aasay 4-Nuvembar 1918,waxana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir mudda dheer soo jiray,iyadoo dowladda Talyaaniga ay mashaariic kala duwan ka fuliso gudaha dalka.

Guddiga adeegga Xajka oo soo saaray Shuruudaha Shirkadaha u tar-tamayo Adeega Xajka 1445/2024

Guddiga tartanka adeegga xajka ayaa soo saarey Shuruudaha tartanka Adeega Xajka ee1445/2024.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu faray shirkadaha duulimadyada ee raba in ka shaqeyaan arrimaha xajka in soo buuxiyaan shuruudahaan,waxaana kamid ah:-

1) soo gudbinta Codsiga ka qeybgalka Tartanka adeega Xajka 1445/2024.

2) in milkiilayaasha shirkadda ay yihiin muwaadiniin soomaaliyed,soona gudbiyaan Basaboor soomali oo aan dhacsaneyn.

3) soo gudbinta warbixin kooban ee Shirkadda ay ku cadyihiin ciwaanada shirkada kuna qoran af soomaali.

Qoraalka oo dhameystiràn hoos ka akhriso

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay kulan looga hadlayay shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga xukuumadda ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28, oo ka qabsoomaya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan shirka COP28 iyo sidii ay Soomaaliya shirkaas ula tagi lahayd qorshe cad oo wax looga qabanayo dhibaatada uu dalkeenna ku sababayo isbeddelka cimilladda adduunka.

          

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Guddoomiyaha ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxa ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labadda Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    

Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo furay Aqoon Isweydaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta

:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo wehliyo Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa furay Aqoon Isweydaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta Isku Dhacyada ka dhaca Gobolka Banaadir oo ay soo Agaasimeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in khilfaadka ugu badan Gobolka Banaadir uu la xiriiro arrimaha dhulka, sidaasi darteed ay go’aansadeen in la dhiso aqoonta iyo xirfadda howlwadeennada Gobolka Banaadir ee ka shaqeeya arrimahaasi, si ay u keenaan xog waafi ah oo horseedda in xal rasmi ah looga gaaro.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in Gobol kasta laga sameeyo khariidadeynta khilaafyada ka dhaca, maadama ay kala duwanyihiin khilaafyadooda, si gobol kasta loogu dabaqo xalka ku habboon. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNDP.

Ugu Dambayn, Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa ku adkeeyay ka qaybalayaasha Tababarka in ay muhiim tahay in xogta lasoo galiyo system iyo isticmaalkooda, si ay madaxda go’aan uga gaareen.