SHEEKADII: LA SOCO QOFKA QIIMAHAAGA FAHMI KARA

Hadda ka hor waxaa jirtay Inana aad u qurux badneyd oo ehelo diin ah waxay dooneysay inay calfato wiil si fiican diinta waxa uga yaqaan.

Waxay dhihi jirtay waxan doonayaa ruux diinta wax ka fahnsan oo maalin kasto qur’aanka aqrinaayo sanaadka oo dhanna soomaaya oo habeenkii iyo maalintiiba Allaah xasuusta.

Markii dambe, waxaa so baxay wiil doonaayo inuu sharuudahaa gabadhu sheektay uu buuxiyo.

Markii uu u yimid ka dib wuxuu ku dhahay waxaan doonayaa in aan buuxiyo shuruudahaaga, markaas ayay ku dhahday ma laga yaaba in aad shuuruudaha buuxiso? haa ayuu ku jawaabay.

Waxay weydiisay Su’aalo badan wuxuuna uga jawaabay siday rabtay, waxaana halkaas ka dhashay is aaminaad xoog badan gebagebadiina waxay wadaageen nolosha, ka dibna waxaa halkaas ka dhacay aroos ay ka soo wada qeyb galeen ehellada labad dhinac ee lamaanaha nolosha wadaagay kuwaasoo si fiican oo diin iyo aqlaaq ku saleysan isu doortay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa si quruux badan oo la soo agaasimay ku dhacay guurkoodii waxaana u biloowday nolol iyo farxad u ekayd inay dhinac walba ka dhameystiran tahay, balse shurud uu dhaqan ka dambeeyo halkey gaadhi kartaa ma sahlana mana fududa(waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa carab iyo ilko ayaa iskugu dhow iyagana way isqilaafaan, sharuudihii wiilka hadda ka hor la dul dhigay waxaa ku jiray qaar ballan qaad ah oo aan laga bixi Karin

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxba yaanan war badan idinku daalinee muddo ka dib lamaanihii waxaa soo dhex galay khilaaf iyo Isfahan waa dhinaca nolosha ah waayo guurku wuu dhinacyo badan yahay aslan doorashadana kuma saleysneyn jaceyl ee sifooyinka laysku doortay waxay ahayd aqoon oo keliya lagama wada hadlin dhinacyada kale ee ku xeeran nolosha iyo isfahanka guurka ku saleysan

Gabadhii waxay billowday inay wiilkii weydiisay su’aalo ku saabsaneyd sharuudihii uu galay wiilku waxayna u aragtay in uu been u sheegay shalay, waxay dacwo u aadday shiikhii isku mahriyay oo marqaatiga u ahaa labadooda.

Shiikhii wuxuu u yeeray wiilkii wax qabay waxaana la weydiiyay wuxuu sharuudahii lala dhigtay uu u buuxin waayay, wiilkii ayaa yiri waa maxay dhibaatada jirta sheikh ee aan galay, waxaa loo sheegay inay ka soo dacwootay xaaskiisa ayna iminka dooneyso inay iska furto.

Waxaana loo cuskaday inuu buuxin waayay sharuudihii uu galay waxaana la yiri inantii aad nolosha ku midowdeen waxay kugu dacwineysaa inaad ka baxday ballantii aad qaaday oo ay ka mid ahayd in aad habeen walba akhriso qur’aanka aadna seexan, maalin kastana aad soonto si isdaba joog ah.

Wiilkii wax guursaday ayaa ku jawaabay sheekhow aniga waan soomaa bilkasta oo ramadaan ah waxaana raaciyaa lixda maalmood ee waddaca ah sheekhow soow Rasuulkeena suubanaa scw, sow ma dhihin qofkii sooma bisha ramadan kuna darsada llixda maalin ee kale waxay la mid tahay isagoo soomay sandka oo dhan

Sheekhii ayaa yiri sadaqtu haa intaas uun baan sameeyay ayuu yiri wiilkii.

Sheekhii ayaa haddana weydiiyaY ma akhrisaa qur’aanka habeenkii oo dhan?

Wuxuu ku jawaay wiilkii haa waan akhriyaa oo waxaan akhriyaa suuratul ikhlaas habeen kasta saddex jeer sow Rasuulkeena suuban Scw ma dhihiin qofkii maalin kasta sedsax jeer aqriya suuratul al-ikhaals waxay la mid tahay isaga oo aqriyay Qur’aanka oo dhan, imaamkii xaakimka ahaa ayaa mar kale yiri Nacam Run baa sheegtay xaakimku wuu la dhacay xikamadda ku jirta wiilka.

Imaamkii xaakimka ahaa ayaa haddana wiilkii weydiiyay haddaba sidee baad habeenkii oo dhan u xustaa rabbigaaga oo u soo jeeda iyadoo xaaskaagu kugu eedeeysay inaad habeenkii oo dhan huruddo

wiilkii qalbiga wanaagsanaa ayaa ku jawaabay xaakimow waxaan jamac ku dukada salaadda ceshaha ka dibna maalinta waxaan jamac ku dugada salaatul fajirka,  sidaad ogtahayna qofkii salaatuul fajarka jamac ku dukadaa waxuu la mid yahay isaga oo salaadda ceshaha iyo salaadul fajarka jamac ku dukada waxuu la mid yahay isaga oo habeenkii oo dhan soo jeeday oo Allaaha caabudayay.

Intaas ka dib Xaakimkii ayaa ku qancay ka dib markii wiilku difaaca adag uu galay dacwaddii loo heystay ay halkaas ku soo afjarantay.

Xaakimkii caadilka ahaa ayaa waxa u uku dhahay gabadhii ahlu diinka aheed waxaad dooratay wiil diinta waxa badan ka fahnsan imaamkii ayaa mar kale  iskuku duceeyay labadii lamaane ee quruxda badnaa ee diinta darted isku doortay.

halkas ayayan farxadoodii ka sii laba jibaarantay waxayna galeen nolo tii ugu wac need madaama ee sharuudo badan isku xireen  hadan imamakii ayaan ku dhahay nolsoha farxad ku waar hal kas ayayana farxad uga bilabadatay  wiilkii iyo inanatii

WD: Hidaayo Cabdulle

 

MAXAY TAHAY SABABTA GANACSATADA YAR YAR EE SOOMAALIDA AY U HORUMARI LA`YIHIIN.

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho ku  firfircoon dhan kasta oo ganacsiga ah ayaga oo sameeya ganacsiyo kala diwan waana bulsho xirfad u leh abuurida.

curinta ganacsiyo ayaga oo qdeegsanaayo aqoontooda iyo maalkooda taasina waxa ay keentay in ganacsiga Soomaaliyeed uu dalka Ka gudbo oo uu gaaray dalalka dariska ah gaar ahaan qaar ka tirsan wadamada Afrika.

Aasiya ayaga oo laga dareemaayo suuqyada caalamka hab ganacsigooda hormarada ay Ka sameeyaan taasina waxa ay keentay in ganacstada Soomaaliyeed ay noqdaan ganacsato ku hormarsan ganacsiga.

Hadaba sidaas oo ay tahay ganacstada Soomaaliyeed kuwa ganacsiga hormarkaas baaxada leh Ka sameeyey hadana waxaa jirta in ganacsatada Soomaaliyeed aysan a hayn kuwa ganacsigooda uu hormarsan yahay taasi oo laga dheehan Karo suuqayada dalka oo aad ku arkeyso ganacsiyo badan oo tira beel ah bal aan Ka muuqan ganacsi hormarsan oo leh agabkii loogu talagalay si uu oga maarmo baahi keeni karta in marwalba uu hal ganacsi haayo.

Haddaba maxay tahay sababta keenta in ganacsiga Soomaaliyeed uu u horumari la yahay.

Waxaa keena ganacsiga Soomaaliyeed in uu u hormariwaayo siyaabo badan balse waxaan doonayaa in aan ku soo koobo laba qeybood.

1.marka ugu horeysa ganacsiga Soomaaliyeed waa ganacsi intabadan shaqeeya oo kala socda balse hormar la aanta waxaa keenay in ganacsigii uu yahay mid isku mid ah oo aan waxbadan ku kala duwaneen haddii aan tusaale u soo qaato suuqayada magaalooyinka dalka marka aad eegto waxaad arkeysaa hal goob oo ay ku yalaan isbitaalo gaaraya toban isbitaal balse goobtaas kaliya ay u baahneed laba ilaa iyo sadax cusbitaal taasina waxa ay keeneysaa in suuqii ganacsiga uu hoos u dhaco islamarkaana uu noqdo ganacsigii mid hormari waayo, sidoo kale waxaad ku arkeysaa suuqayada waa weyn sida suuqa bakaaraha , islii Nairobi hal goob oo Ka furan labaatan maqaaxi taasi oo muujineyso heerka hormari la aan ee Ka jira ganacsiyada Soomaaliyeed.

  1. Ganacsatada Soomaaliyeed waa ganacstado intabadan waxa soo dhoofsada balse aan laheen warshada waxsoosaara islamarkaana kaga kaaftoomo in wax laga soo dhoofsado wadamada dariska ah taasina waxa ay keentay in ganacsigii uu hormari waayo oo uu noqdo ganacsiga Soomaaliyeed mid ku tiirsan dalka dibadiisa taasina waxa ay noo horseedi kartaa in dalka uu ku dhaco xaalad xun oo gaajo ah haddii dunida guud keedaka aan saaranahay uu dagaalka dhaco.

Hadaba si taasi looga baaqsado ganacstada Soomaaliyeed iyo dowladdu waxaa looga baahan yahay laba talaabo oo ah yareenta ganacsiyada is xirya kaliya halkii goob loogu talagalo in ay Ka furnaadaan laba ganacsi oo isku eh sidoo kale ganacsatada iyo dowladdu waxaa looga baahan yahay hirgalinta warshada waxsoosaara islamarkaana aan kaga kaaftoono waxyaabaha aan dibada Ka soo dhoofsano.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

DUKAANLE KA XANAAQAY DUKAANLE KALE

Bari baa waxaa dhacday sheeko cajiib ah oo u dhaxeysay laba nin oo saaxiixo ah islamarkaana ahaa ceeshoomilix waxaana ay islamwadaagi jireen midba midka kale baahiyihiisa ayaga oo waxa isku qaban jiray islamarkaana ay iscaawin jireen waxaana labada nin ee saaxiibada ahaa uu midba midka kale uu lahaa dukaan ganacsi ayaga oo lahaa ganacsiyo kala socda oona ku xirnaa macaamiil aad wax oga iibsada ayaa labadanin waxaa dhex martay sheeko cajiib ah oo mid kamid saaxiibadii ku dhacday taariikh lama filaan oo uu Ka shalaayey balse cashir u aheed.

Dhacdddoyinka sheekada badanaa waxa ay ku dhacaan sababo aan lafilan karin qaarkoodna waxa ay ku dhacaan sheeko lasoo wariyey qaarna dhacdo dhacday.

Hadaba haddii aan u soo noqono sheekada ku saabsaneed labadii wiil ee saaxiibada ahaa ee dukaan layaasha ahaa ee midba gooni u lahaa dukaan ayaa maalin maalmaha Ka mid waxaa dhacday sheeko taariikhi ah islamarkaana ku saabsaneed mid kamid ah saaxiibada in uu uu arkay saaxiibkiisa oo dukaankiisa ay Ka soo baxayaan macaamiishii oo faraxsan islamarkaana dhoola cadeenaayo saxiibkii ayaa isweydiiyey suaalo nafsi ah isaga oo is oranaayo maxay tahay sababta ay marwalba macaamiisha sxbkey ayaga oo faraxsan oga soo baxaan dukaanka.

Dukaan lihii maseersanaa ayaa bilaabay u kuur galida saaxiibkiisa kale ee dukaan laha ahaa isaga oo doonaya in uu ogaado sababta Ka danbeysa ama sirta Ka danbeysa in saxiibkii dukanlaha ahaa ee macaamiisha ayaga oo faraxsan ay oga soo baxaan dukaanka.

Maalin maalmaha Ka mid ayaa waxa uu tagay dukaanka saaxiibkii isaga oo doonaya in uu ogaado sababta Ka danbeysa in macaamiishiisa ayaga oo faraxsan ay dukaanka oga soo baxaan.

Saaxiibkii dukaan laha ayaa u sheegay saaxiibkiisa sababta Ka danbeysa in ay macaamiisha ay faraxsanaadaan isaga oo saxiibkii dukanlaha ahaa ku yiri inta fariiso waxaana si fiican aad ula socotaa qaabka aan macaamiisheeda wax oga iibiyo.

Waxaa dukaankii yimaaday macaamiishii mid kamid ah oo haweyney raadineyso malab ayaa dukaanlihii weydiisatay malabka waxaana uu dukaanlihii ugu jawaabay macaamiishii malabey adigaaba malab ah oo malab Ka sameesan miyaa malab laguu weyn karaa macaamiishii ayada oo qosleesa ayaa malabkii laga iibiyey waana ay baxday saxiibkii kale meesha ayuu fadhiyaa xaaladii ayuu lasocdaa.

 

Isla waqti yar kadib waxaa markale yimid macaamiil kale oo raadinaayo canab waxaana uu dukaanlihii ku bilaabay macaamiilkii ereyo kaftan oo jilicsan islamarkaana macaamiilkii soo jiideysa taasina waxa ay keentay in macaamiishii ayaga oo farahsan dukaanka Ka bxaan.

Hadaba maxaa dhacay oo uu sameeyey saxiibkii Ka xanaaqsanaa dukaan lihii.

Dukaanlihii xanaaqsanaa ayaa maalin waxaa u yimid macaamiil doonayey alaab in uu iibsado isaga oo weydiisatay dukaanlihii xanaaqsanaa in uu Ka iibiyo caano ayaa dukaanlihii macaamiil ugu jawaabay adigoo sac ah maa caana rabtaa .

Gabadhii macaamiisha aheed ayaa inta ay xanaaqday ayaa dharbaaxo wajiga oga dhufatay oo ku tiri waxaa tahay qof bilaa aqlaaq ah oo bilaadhaqan ah dukaanlihii xanaaqsanaa inta uu yaabay ayaa waxaa Ka soo haray yaab iyo amakaak oo u horseeday in macaamiishiisa ay isadagaalaan.

Gabagabada sheekada ayaa ah qofka ganacsadaha waxaa looga baahan yahay lama caamil wanaagsan, aqlaaq Suuban iyo kaftan Suuban iyo hadal murtiyeesan islamarkaana aan macaamilka waxba u dhibeen.

Ugu danbeyn Sheekooyinka badanaa bulshada Soomaaliyeed waxa ay u tahay kuwa ay aad u jecel yihiin waxaana ay intabadan sheekooyinka ay aqriyaan mararka ay firaaqada leeyihiin ama ay dareemayaan xaalado nafsi ah si ay u helaan wax ay naftooda ku dajiyaan islamarkaana ay ku maaweeliyaan sheekooyinka maaweelada ah ee qofka Ka dhigaayo mid faraxsan oo Ka biskooday waxyaabihii uu dareemayey.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

BULSHOOY LABO DARAN MID UN DORO (ARRIMAHA DHAQANKA)

Dhaqanka soomaalida markii qof loo taag waayo oo dhan kasta laga maro waanada ugu dambeysta ah waxaa lagu soo hooriyaa hebel labo xalladood mid ha yeelo, matalan abaar iyo aaran mid ha doorto, qorrax iyoy hoos, meel qabow iyo meel kulul wax wanaagsan iyo wax xun, waa inaad mid raacdo waana hadal ay kuu soo jeediyaan xigto iyo waxgarad markii laga ohol waayo talo iyo tusaale.

Haddaba, waanada ugu dambeysta ah qofka loo soo jeediyo ileen dooga iyo quruxda lagu kari waayee inta aan laga quusan ka hor waxay loo soo jeediyaa inuu bixiyo hanti ku adag oo la weydiiyo isna diidan yahay  iyo inuu tolka isaga baxo.

Haddaba sidaa iyo si la mid ah waxaa sidaas loola dhaqmaa bakhiilka xoolaha badan heysta waayo tolkii iyo bulshadii kama bixi karo xoolahiina ma dhiibi karo .

Maanta bulshada iyo dhallinyarada iyo ganacsatada waxaa horyaal labo daran mid uun doorta waxayna kala yihiin in dagaalka khawaariijta naf iyo maal ku bixisaan iyo in aad qaadataan dulliga iyo hagardaamada ay ku nool yihiin kuwa khawaariijta ku hoos nool, waayo dadka ay xoogga ku heystaan ama hoos jooga khawaariijta waxay dhaxal u helaan dullinimo iyo diin la,aan sidaas ayayna kula noolaadaan iyagoo aan juuq ka dhihi karin, waana xaalad u baahan in mid laga ahaado sidii looga soo xorreyn lahaa hubkana loo qaato.

Sidoo kale, dowladdeenna Soomaaliyeed maanta waxaa heysta culeys aad u weyn waxay kala yihiin dagaallada khawaariijta tooska ah iyo kuwa u adeegga, oo isticmaalaya xeelado iska horkeen qabiillada sida kuwa shabeellada dhexe iyo kuwa gobollada dhexe kaasoo ay fulinayaan dad heysta fikirkooda amaba ay tacbeen iyaga,

kuwaasoo isugu jira odayaal dhaqan, ugaasyo, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan garaaddada ku qaatay qaab qabiileysan oo aan soo marin biseyl iyo tababar ciidan, waana waxa keenay fashilka dagaallada iyo xasilin la’aanta nabadda

Sidaas darteed, waa in lala socdaa xaaladuhu meesha ay marayaan hadaba, nabaddu waxay u bahan tahay dagaal in loo diyaar garoobo oo dhiigga loo shubo hantina lagu bixiyo,

Sidoo kale, in Ilaahey loo baryo amni iyo barwaaqo iyo in loo adeego, loo duceeyo lagana dul qaado dadka ay weli addoonsiga ugu jira khawaariijta bahalowday soomaalina labadaas ayaa hortaalla waana labo daran mid dooro

WQ: C/salaam Axmed Gabayre

DHAQAATIIRTA CAAFIMAADKA ILKAHA (DENTIST) IYO DARYEELIYADDA BULSHADA

Dhaqaatiirta ayaa mid ku taqasuusay qeyb gaar ah sida, Sanka Dhagaha, Afka, Nerfaha, Uurku jrta, Wadnaha, Lafaha Cafimaadka Caruurta, Haweenka iyo raajada Waxaa jira markaasi dhaqaatiirta qibrad gaar ah u leh daaweynta bixinta iyo gelinta ilkaha iyo goosaska Waa kuwa loo yaqaan Dentist.

Dhaqaatiirtan waxey kaalin wax ku ool ah kaga jiraan daryeelidda ilkaha dadweyaha marka ay la soo kulanto dhibaato dhanka goos xanuun darran oo bixin iyo daweyn u baahan.

Daryeelka ilkaha oo muhiim ah ayaa waxay ka bilaabantaa caruurnimada oo caruurta laga ilaaliyo macmacaanka badan ee nacnaca iwm .

Gabdhaha ayaa si weyn oo xiiseeya macmacaanka xalwada shushuumowga, doolshada, islamarkaasna ruuga lafaha hilibka nacnaca iwm Waa waxa ka dhasha in goosku bukado ilkaha ay la kulmaan dhibtaato oo marka danbe liqliqdaan ayna dhacaan gooska oo runtii xanuun gaar ah dadka ku qabto marka uu bukoodo aya akhiritaanka sabab in la saaro.

Haddaba, waxaa maarkasta ay tahay in la daryeelo ilkaha oo caadi ama rumiyga yahay mid muhiim ah mar aad toosto iyo mar aad cuntada cunto inla cadeysto taas oo ah difaacidda nadaafadda ilkaha iyo daryeelkooda .

Daawada kolgate ee loogu talagalay ayaa ilkaha siya awood kana baabi’iya Bacteria-da ku dhalan karto. Sido kale, waxaa jira cudurro cirridka ku dhasha ee yiridka loo yaqaan kaaso sida badan baabi’iya ciridka una keena ilkaha iyo gooska dhibaato .

Cudurka ilkaha gala kan ugu daran waa kan loo yaqaan Suuska Ilkaha ayaa waxaa ka dhigaya sida dhuxusha oo kale ka dib muddo ilkaha ayaa jajaba ruuxa isku arka waa in uu si dhaqso leh dhaqtar ula xariiraa haddi kale waa in ay hoobtaan ilkahaasi oo la geliyo kuwo macmal ah.

si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhaqaatiirta mehradaha ilkaha ee dentists waxa ay bulshada ka daryeelaan dhibaatada kala soo derista dhanka ilkaha iyo gowsaha .

sidoo kale, dadka qaba lakabka, ayaa waxaa loo qabtaa howl adag, Lakabka ayaa laga saaraa, isla markaane waxa jira hab-casri ah oo ilkaha is-dhaafsan loogu hagaajiyo .

Qurxinta ilkaha kama marna howlaha dhakhaatiirtaasi ay hayaan, Waxa u dhan qalabka saarista, galinta, qorista ilkaha, nadiifinta iyo daweynta .

Mehradaha Dentiste, waa mid ganacsi wacan leh meheradahaasi isla markaane daboolay bahida daryeelidda Ilkaha Bulshada Somaaliyeed.

WQ: Ibraahim Fanax.

NUXURKA NOLOSHA WAA ISLAAMNIMO (QEYBTII -2AAD)

muslimka ah waa inuu rumeeyaa nabinimadii muuse, ciise, ibraahiim iyo kuwa kaleba, haddii uusan saas u ramayninna muslim noqon maayo, oo hal nabi ninkii ku gaaloobo oo yiraah nabi ma ahayn wuxuu la midyahay inuu ku gaaloobay nabiyada oo idil. Allah wuxuu ku yiri Suuratul-Baqara asagoo amraya Muslimiinta aayadaha 136-137aad (Waxaad tiraahdaan waxaanu rumaynay Allah, wixii naloo soo dajiyay, wixii lagu soo dajiyay Ibrahim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub Iyo Asbaaddii iyo wixii la siiyay Muuse, Ciise iyo nabiyadii oo laga siiyay xagga rabigood, mana kala saar saarayno, anaguna Allah ayaan u hogaansannay. Haddii ay rumeeyaan dadku sida aad u rumayseen way hanuuneen, haddiise ay sii jeedsadaan waxay ku jiraan baadi wayn, Allah ayaana idinkaga filan, waana Allah wax maqlid badan oo wax arkid badan). laakiin dadka Ahlul kitaabka ah waa badaleen diintoodii oo wax ku dareen waxna ka gooyeen ayagaana qirsan taas ayada ah oo cidina kuma doodi karto. Diinta Islamkuna inay tahay diin aan la badanlin, cidkastaa og, Qur’aan ka Sooaliya yaalla iyo midka Ameerika yaalla waa isku mid, oo haba yaraatee wax uu ku kala duwanyahay lama arko, arrintaas ayada ah inaan halkaan ku faahfahiyana ma aha goobteedii.

Tan labaad, Maadaama Islaamku yahay diinta kaliya ee xaqqa ah ee maanta ka jirta aduunka, ilaahay agtiisana kaligeed diin ahaan looga yaqaan, laguna nasakhay diimihii hore oo dhann tu ka danbaysana aysan jirin, kitaab kale iyo rasuul kale oo imaanayana uusan jirin ilaa qiyaamaha, waxay la gooni tahay waxyaabo badan, waxaana lugu faah faahiyay dhamaan wixii na khuseeya nolosheenna aduun iyo aakhiraba. tusaale ahaan Rasuulka s.c.w wuxuu umaddiisa baray markay musqusha galaan siday u fariisan lahaayeen, marka ma kula tahay in nala baro sida xaajada loo gutto oo nala bari waayo sida dadka loo kala xukumo oo cadaadaladdu ku jirto, taa waxaa ku dooda nin jaahil ka ah diinta Islaamka ama cadaw ku ah oo si kas ah u inkira.

Tusaale ahaan maraka xukunka Islaamka laga hadlayo shan sheey ayay diinta Islaamku aad u xoojisay oo shantuba xuquuq yihiin waxaana la yiraahdaa Kulliyaad Alkhamsa oo ah shanta Guud oo ah in Qof ka loo badbaadiyo

  1. diintiisa oo an lagu khasbin diinna
  2. naftiisa oon aan loo dilin si xaq darro ah
  3. sharaftiisa oo aan laga fara xumaynin ehelkiisa ama laga aflagaadeeynin ama naftiisaba
  4. inaan caqligiisa la doorinin asagana aan laga yeelin inuu dooriyo oo uu isticmaalo maandooriye
  5. inaanan xaq darro lugu qaadanin xoolihiisa, dhac ama xatooyo toona. shantaas mid walba axkaam ayay leedahay lugu dhowro waana axkaamta islaamka ugu waa wayn, waana midda asaaska u ah in la xaaraan yeelay dilka qofka si xaq darro ah, sinada ama gogol dhaafka nin iyo nagba, khamrada iyo maandooriyayaasha, dhaca, jidgooyada, laaluushka iwm. marka ninka yiraah diinta iyo nolosha ha lakala saaro Islaamka kama hadlayo ee diin kale ayuu ka hadalayaa waayoo Islaamku waa hab nololeed dhamaystiran.

Allah wuxuu ku yiri suuratu-Naxl aayadda 89aad( Waxaan kugu soo dajinnay kitaab caddaynaya wax kasta oona u ah hanuun, raxmad iyo bishaaro muslimiinta). waxaase jira waxyaabo badan oo caqligeenna loo daayay mana aha inuu Rabi jawaab u waayay ee waa naxariis naloo naxariisanayo, waxyaabahaasna waan ku dadaali karnaa oo Allah wuxuu na faray naguna dhiirri galiyay inaan si wanaagsan u adeegsanno caqligeenna, waxaase waajib ah inaanan marnaba ka boodin aayad ama xadiith rasuul oo aanan r’ayigeenna u tallaabsanin ayadoo amarakii Alle iyo kii rasuulka meesha yaallaan arrintaasna waxaa ku soo arooray aayado iyo axaadiith faro badan.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

Ciidanka ammaanka oo fashiliyey naftii halige isku soo xiray Qarax

Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob maqaaxi ah oo ku taala degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir.

Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax.

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo la kulmay howlwadeenada Qunsuliyadda Guud ee Jiddah

Danjiraha cusub ee safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Mudane Aweys Xaaji Yuusuf ayaa magaalada Jiddah kula kulmay maamulka Qunsuluyadda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa la socodka howlaha shaqo ee ka socda xarunta qunsuliyadda iyo sida loo maareeyo bixinta adeehayo bulshada ee ku dhaqan dalkaasi.

Danjiraha cusub ee safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Mudane Aweys Xaaji Yuusuf,waxa uu kula dardaarmay maamulka qunsuliyadda in wax kasta laga hormariyo daboolidda baahida dadka ee dhinaca adeegyada ay u abaahan yihiin sida helidda baasaborka iyo Fiisaha.

Madaxa Qunsiliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye Macruuf ayaa ka warbixiyay baaxadda shaqo ee ay ka fuliyaan xarunta iyo sida habsamida leh ee ay u gutaan howlahooda.

Ciidanka Israa’iil oo Gaza ku dilay Wariye iyo 10 ruux oo ka tirsan qoyskiisa

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada weerarrada xagga cirka ah ee ay ku hayaan magaalada Gaza,iyadoo wararku ay sheegayaan in Ciidamada Israa’iil ay buuxda u hareereeyeen magaaladaasi.

Duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa lagu dilay weriye u shaqeynayay telefiishanka maamulka Falastiin iyo sidoo kale 10 xubnood oo qoys ah, sida ay sheegtay shabakadu.

“Saaxiibkeen Mohammed Abu Hatab wuxuu ku dhintay duqeynta Israa’iil isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal Khan Younis,” wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa sidaa ka sheegtay Telefishinka.

Ururka saxafiyiinta Falastiin ayaa sheegay in 27 ka mid ah xubnahooda lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii October ee ay bilowdeen dagaalada Israa’iil iyo Xamaas.

Goor hore, afar falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ,waxaana tirade dhimashada falastiin ay sii mareysaa 9,061 oo ruux.

Dhinaca kale ,hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa lagu wadaa inuu manta khudbadiisii ugu horreysay ka jeediyo meel fagaare ah tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Sidoo kale,xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku sii jeeda Israa’iil, waana safarkiisii saddexaad ee toddobaadyadii la soo dhaafay,isagoo isku dayaya in ama diiradda saari doonaa tallaabooyinka lagu yareynayo waxyeelada dadka rayidka ah ee Marinka Gaza.

Maamulka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta koonfur Galbeed oo ku baaqay in caruurta laga ilaaliyo fahamka qaldan ee khawaarijta

Maamulka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta koonfur Galbeed ayaa deeq kutubbo Qur’aan ah u qeybiyay qaar kamid ah ardayda wax ku barta Madaarista Qur’aanka ee magaalada Baraawe oo ka tirsan Gobolka SH/Hoose.

Deeqdaan oo sidoo kale loo qeybiyay dugsiyada degmadaasi iyo Talisyada Ciidanka,waxaa horkacaayey Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta koonfur Galbeed Nuur Siidoow Baaba.

Deeqdaan oo ka koobneyb shan boqol oo kutub waxaa loogu talagalay sare u qaadidda iyo dhiirigalinta akhriska quraanka kariinka ah.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta koonfur Galbeed Nuur Siidoow Baaba oo ka hadlay bixinta deeqdaasi ayaa macalimiinta dugsiyada ugu baaqay in caruurta laga ilaaliyo qaadashada fahamka qaldan ee khawaarijta ,isagoo sheegay in xilliyada soo socda ahmiyad gaar ah la siin doono macalimiinta dugsiyada qur’aanka.