Wasiir Axmed Fiqi iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay xaflad loo sameeyay culuma’udiin Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay casho sharaf loo sameeyay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo maalmahaan ka hadlaayey doorka culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda.

Casho sharaftaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay Kusimaha Duqa Magaalada Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure, madaxda Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid iyo madaxda hoggaanka sare ee Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed Axmed Macallin Fiqi oo hada ka jeediyay xafladdaasi ayaa ku ammaanay culimada doorka ay ka qaadanayaan baraarujinta bulshada, ciribtirka fikirka xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Kusimaha Duqa Magaalada Muqdisho Ciise Maxamuud Guure oo isna ka hadlay casho sharaftaasi ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeyn buuxda oo dhex marta shacabka, culimada, wax-garadka iyo dowladda, lagaga guuleysan karo kooxaha fikirka qalafsan ku gumaadaya shacabka.

Wasiir Daa’ud Aweys oo dalka Rwanda uga qeyb galay Shirka Golaha Dalxiiska Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’ud Aweys Jamac ayaa dalka Rwanda waxaa uu kaga qeyb galay Shirka Golaha Dalxiiska Adduunka.

Wasiir Daa’ud Aweys oo shirka ka hadlay ayaa xusay in dalxiiska Soomaaliya ku socda dhabihii dib u soo kabashada uuna dalka diyaar u yahay inuu soo dhaweeya dalxiisayaasha aduunka.

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’ud Aweys Jamac ayaa aduunka la wadaagay guulaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka gaartay xasilinta dalka iyo ciribtirka khatarta Khawaarijta Al Shabab.

Qaar ka mid ah dalxiisyaasha adduunka ayaa sannadihii dambe dalka soo gaarayey, iyaga oo dalxiis ku tagay goobaha taariikhiga ee dalka ku yaala, taas oo keentay in dowladda ay ku guuleysatay dib u hanashada dalxiisayaasha adduunka.

Wabiga Jubba oo ku fatahay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gado

Doolow:- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gado sida degmada;  Doolow, Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo, taas oo sababtay in xaafadaha uu ku fatahay wabiga laga barakaco.

Degmada Luuq ee gobolka Gado oo wabiga ku fatahay ayaa sababay in xaafadaha degmada laga bara kaco, kaddib markii ay biyo badan ay soo galeen xaafadaha 24 saac ee la soo dhaafay.

Maamulka gobolka Gado iyo kan degmada Luuq oo booqday xaafadaha uu ku fatahay wabiga ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, ka gadaal markii uu ku fahay wabiga Jubba oo xilligaan biyo badan keenay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Luuq ee gobolka Gado oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Xaafaddaan waad aragtaan guryaheedii, dadkii ku jiray way ka baxeen. Biyaha fatahaad dhibaatada ay keeneen waaye waxa aan ka hadlayno, marka hore illaahay ayaan ka baryeenaa in uu u gargaaro, marka labaad waxa aan baaq u direynaa Maamulka Jubbaland oo aan ka tirsannahay iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Maamulka gobolka Gado ee dowlad gobaleedka Jubbaland oo ayaa dhankooda waxa ay u baaqeen in gurmad lala soo gaaro dadka u uku fatahay wabiga, iyaga oo xusay in dadkaan ay ka barakaceen guryihii ay degnaayeen.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga RecepTayip Erdogan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya waxaana uu ka jeediyay jeediyay khudbad ku saabsan marxaladda soo kabashada Soomaaliya.

3. Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey inuu noqdo u Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

5. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanay ahayn argagixiso, balse ay yihiin urur xornimo u dirir ah, isagoo dhanka kale ku baaqey in la dhiso dal iyo dowlad ay leeyihiin reer Falastiin.

6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta wax soo saarka dalka, waxaana uu sheegay in DFS ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha laf-dhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo tamarta.

7. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo hal bilyan oo dollar kor u dhaafaysa.

8. Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo degdeg ah oo ay ka mid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.

9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay xuska sannad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

11. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, maamul hufan leh, isla markaana dhaqaale ahaan isku filan.

12. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Malaysia u qaabilsan Bariga Afrika. Ruzaimi Maxamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

13. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa mar kale guulo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab.

14. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqey qorshe dhaqaale oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhan 89 million oo Euro.

15. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa mushaharkooda bishan ugu deeqay dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah goboladda dalka.

16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Diinsoor bulshada ku dhaqan uga warbixiyay qorshaha qaranka ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

17. Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Moalim Fiqi ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaadey gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

18. Wasiiro ka tirsan DFS iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgaley furitaanka laanta cusub ee Bankiga caalamiga ee Ziraat Katılım ee Somalia. Bankigan laga leeyahay Turkiga ayaa noqonaya kii ugu ugu horeeyay ee heerkaas ah oo dalka furo muddo ka badan 50 sanno.

19 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah safiirada iyo wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

20. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka.

21. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb galay dibad-bax ballaaran oo lagu xusayay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29-October 2022 magaalada Muqdisho ay ka geysatay Khawaarijta Al Shabab, kaas oo in ka badan 100 qof ay ku geeriyoodeen.

22. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey inay shaqaaleyn doonto 3,000 oo macallin oo hor leh si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada ee dalka.

23. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

24. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway.

25. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada ciyaaraha dowlad goboleedyada ee sannadka 2023-2024.

26. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada warbixinta sannad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha waddanka.

27. U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka Mudane Cali Jeyte ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

28. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Sii-Hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon, iyagoo ka wadahadley kor u qaadista taageerada ciidanka.

29. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa shir gudoomiyey kulanka dar-dargelinta amniga caasimadda.

30. Ciidanka kumaandooska Danab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowliid Axmed oo katirsan Khawaarijta kaas oo bam gacmeed ku weeraray fariisin ciidanku leeyihiin.

2 caruur ah ayaa ku dhimatay halka ay 3 kale ku dhaawacmeen kaddib Roobab ka da’ay degmada Bandarbeyla

Boosaaso:- Inta la xaqiijiyey laba caruur ah ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen saddex kale kaddib markii roobab xoogan ay ka da’eedn degmada Bandarbeyla ee gobolka Bari ee dowlad gobaleedka Puntland.

Guddoomiyaha degmada Bandarbeyla ee gobolka Bari CabdiRashiid Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in degmada ay ka da’een roobab, iyada oo roobku uu socday muddo afar maalin oo xiriir ah.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegey in kabadan 100 qoys ay ku barakaceen roobka, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Afar maalin oo xiriir ah Roob ayaa nagu socdo, Qoys ka kooban 9 ruux ayaa gurigii ku dumay, 2 carruur ah ayaa geeriyootay, 3 kalena waa ku dhaawacmeen.”

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Bandarbeyla ee gobolka Bari CabdiRashiid Yuusuf ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wacyi galin u sameeyeen, isaga oo sheegay in gurmad la gaarsiiyey dadka ay waxyeelada ka soo gaaray Roobka.

Maxkamadda CQS oo xukunno kala duwan ku riday Sheegow & maleeshiyo uu watay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Sheegow iyo Maleeshiyo uu watay, iyada oo Maxkamaddu ay ku riday xukunno isugu jira; dil, mag iyo sannado xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa Sheegow Axmed Cali ku xukuntay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay 10-sano oo xabsi ciidan ah.

dhanka kale Maxkamadda ayaa Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge ku xukuntay dil toogasha ah, iyada oo Maxkamadda ay ku eedeysay in uu Maxkamadda ku taal Magaalada Jowhar ku dilay laba eedeysane February 13, 2023-ka.

Maxkamadda ayaa 18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah. Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen. Maxkamadda ayaa Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

May be an image of 15 people, people playing American football, people playing football and text

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in xilligaan lagu soo duulay diinta & dalka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani ayaa sheegay in xilligaan lagu soo duulay diinta, loona baahan yahay in la xorreeyo.

Wasiir Xasan Macallin oo ka hadlaya arrintaas ayaa yiri, “Dalka inta aan lagu soo duulin diinta ayaa lagu soo duulay, diinta ayaa duulaan lagu yahay, cadow isku soo bahaystay ayaa ku soo duulay. Diinta markii aan Nimanka ka xarOreyno dalka wuu xaroobayaa, dowladnimada way xorreybeysaa, dalka wuu xarroobayaa, hoggaanka ayaa halkaas looga fadhiyaa.”

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa sheegay 15 sano uu siyaasadda uu ku jiray in uusan arkin hoggaan wada socda oo dowladdii iyo culimadii leh.

“Hoggaan wada socda, oo dowladdii leh, oo culimadii leh, oo mideysan, 15-ka sano ee aan Siyaasadda ku jiray maanan arag. Hoggaan midaysan oo ku midaysan u jeedo mid ah, hoggaanka culimada, hoggaanka dalka iyo dowladda oo ku midaysan hadda ka hor maanan arag,” sida uu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa qeyb ka ahaa madax ka qeyb gashay siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Xamaas argagixiso ma ahan, waa Urur xoreynayo dhulkooda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, uuna yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Sheekh C/qaadir Al-Jilaani oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa yiri: “Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto,taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkiisa ku daray “Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in carruur ,haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo,waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka iyo dhakhaatirtii,isbitaalkii”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in reer Gaza laga jaray biyihii, korontadii iyo cunadii oo ay ka hor istagtay Israa’iil, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta magaalada ay tahay mid adag, waxuuna is waydiiyay halka ay jiraan kuwa u dagaalami jiray xuququl insaankii dadka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan la yeeshay Cali Jayte Cismaan

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay u qeybsanaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha ee macawislayda Mudane Cali Jayte Cismaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo ka warqabka qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya nabadeynta waddanka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska Madaxweynaha JFS ee Macawisleyda, in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee dalka ka da’aya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku booriyey culimada in ay hoggaamiyaan dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.