Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadah qabaalika

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

“Waxaan rabaa in aan baaq u diro dadka walaalaha ah ee dilalka foosha xun ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee ahaa fal aad u xun oo aan ku wanaagsaneyn islaanimadda, Ehelnimadda iyo dadnimadda Soomaaliyeed intabaa, waana fal ka soo horjeeda in dad birimageedyo ah oo ganacsanaya oo goobtoodii jooga in la dilo oo loo beegsado aarsi Qabiil iyo waxa la mid ah, arrintaas oo ahayd mid fajac ku noqtay shacabka, waxaan ugu baaqayaa in arrimahaas oo kale aysan dib ugu soo noqon dalka oo dhan.”waxaa sidaa yiri Fiqi.

Dhanka kale Axmed Macallin Fiqi ayaa baaq nabadeed u jeediyay colaadaha ka soo cusboonaday deegaanka Xanaan buuro iyo deegaanno hoostaga gobolka Mudug, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in laga baaqsado colaadaha, sidoo kale waxaa u baaq u diray in ay ka hortagaan oo ay ku baxaan dadka waxgaradka ah, Odayaasha dhaqanka, maamulka iyo hay’addaha amniga si xal looga gaaro dirirta ku soo noqnoqtay deegaanadaas.

Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, ”waxaad mooda in wajiga labaad ee dagaalka marka u bilaabanayo oo ay ciidamada qalabka sida ay furimaha ku dhaw yihiin ay bilowdaan isku dhacyo soo noqnoqnaya oo aad moodo in ay qorshaysan yihiin in ay maalmahaan danbe soo cusboonadeen, marwalba oo Khawaarijta xaalad cariiri ah gasho beelo iyo in badan oo dadka ka mid ah ay isku xirayaan arintaas waxaa ay ku biyo shubanayaan in Khawaarijtu ay maalgalinayso, marka waxa aan leeyahay midabkasta oo ay Khawaarijta leedahay waa loo jeeda, waxa aan lee yahay Laamaha amniga oo ay faran yihiin, in ay amniga iyo xasilloonida ay soo celiyaan, falalka Khawaajirta loogu adeegay oo loogu hiilinayo oo ay maleeshiyadka qabaa’ilka ku marmarsiyoonayaan colaada beelah ee dhacay balse aysan taasi sax ahayn oo ay soo qadanayaan midabka beesha waa in arrintaas gacan bir ah lagu qabto, ciidamaddana ay feejignaadan inta laga saarayo Khawaarijta dalka oo ay howlgalka u socdo.”

Waxaa u hadalkiisa ku soo gabagabeyay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsanaan doonto colaad danbe oo beeleed,inta u socdo howlgalka ka dhanka ah xoreynta deegaanada Khawaarijta ay ku harsan yiihiin in ay yihiin falal ay ka danbeeyaan Khawaarijta,Maamullada Galmudug, Puntlanda iyo Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay tallaabo degdeg ah oo lagu heeshiisiinayo dadka walaalaha ay qaadan,dowladd Soomaaliya waxa ay diyaar u tahy gacan kasta oo lagu joojin karo colaadaha.

Wasaaradda Amniga XFS oo muddo 15 cisho u qabtay in ay isku soo diwaan galiyaan Cid kasta oo hub ku haysata Muqdisho

Wasaaradda Amniga XFS ayaa war qoraal ah oo ay soo saaartay waxaa lagu yiri ,”Xafiisyada ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaan idinku wargalinaynaab in ay nagala shaqeysaan sidii ay hay’addaha iyo shirkadaha ka shaqeeya amniga iyo xarumaha  gaarka loo leeyahay sidii ay isku soo diwaan galin lahaayeen hubka ay haystaan 1muddo 15 maalmood guddohood ah.

Halkaan hoose ka akhiso warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha XFS;-

 

Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay bandhigga buugaagta Nugaal

Garoowe: Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay bandhigga buugta ee Nugaal, kaas oo ay sanadkan kasoo qeybgaleen qoreyaal iyo aqoonyahan isaga yimid dalka iyo dibeddiisa. Bandhigga oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa sidoo kale ka qeybgalaya dhallinyaro hal-abuurkooda soo bandhigaya iyo xarumo ganacsi oo muujinaya horumarkooda.

Madaxweyne Dani ayaa boggaadiyey bandhigga buugta Nugaal iyo hal-abuurka dhallinyarada ka qeybgalaya, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland ay Garoowe ka dhisayso xarun cilmi-baaris iyo Maktabad taasi oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa qayb qayb u booqday hal-abuurka lagu soo bandhigay munaasabadda, isagoo dhiirigeliyey dhallinyaro hal-abuur farsamo soo bandhigay oo uu ku jiro wiil Diyaarad sameeyay. Waxa uu muujiyey in ay dowladdu garab istaag u sameynayso wixii suuragal ah dhallinyarada dadaalaysa.

Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta maaliyadda

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda oo meel wanaagsan maraya iyo dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgarad ka gaadhay barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaga oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.

Warbixinta IMF ayaa ku bilaabatay sidan, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha deyn cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka”.

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah.

IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub ee ECF in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka deyn cafinta, si loo sii xoojiyo hey’adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud oo waafaqsan Qorshaha horumarinta Qaranka iyo hiigsiga fog ee Dowladda Soomaaliya. IMF waxa ay xustay sii socoshada taageerada saaxiibada caalamiga ah in ay lama huraan tahay.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxaa kale oo ay sheegtay in horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka wanaaga sannadihii la soo dhaafay,

Iyada oo laga duulayo horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga sanadihii la soo dhaafay, ayaa hadana mudnaanta gaarka ah waxa ay noqon doontaa jaangoynta xasilinta siyaasadda muhiimka ah ee dhaqaalaha, kobcinta dakhliga iyo horumarinta maamulka maaliyadda.

Dhinaca kale Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF ayaa sheegay in heshiiskaan taariikhiga ah uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta Maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka deyn cafinta. In ka badan 30 sano ka dib, Soomaaliya waxa ay si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doontaa hey’adaha Maaliyadda Adduunka.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo gaarsiiyey 400 oo Qoys oo ah danyar ku nool Baydhabo

Baydhabo: Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta 400 oo Qoys oo ku nool deegaananada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayna saamaysay fatahaada El-Niño waxa ay u qaybisay deeq ka kooban qaybaha kala duwan ee Raashinka.

Qoysaskan ayaa isugu jira dad naafo ah iyo wayeelo danyer ah oo laga soo kala xulay xaafadaha iyo Kaamamka ku yaala daafaha magaalada Baydhabo oo saameynta ku yeesheen roobabakii ka da’ay Baydhabo oo dhaliyey qasaaro kala duwan.

Qoysaskan aaya u mahadceliyey guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka, mas’uuliyiinta ka socotay SoDMA iyo maamulka magaalada Baydhabo oo goobjoog ka ahaa qaybinta kaalmadan.

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Baydhabo Cabdullahi Ibrahim, Agaasimaha waaxda gargaarka ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa hay’adda SoDMA ugu Mahaciyey deeqda gargaarka ay soo gaarsiiyey Qoysaska danyerta ah Samaeynta ku yeeshey fatahaada El nino.

Lataliyaha ka jawaabida deg degga ah iyo soo kabashada hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Mukhtaar Sheekh Xuseen ayaa xusay deeqdan raashinka ay qayb ka tahay kaalmaynta qoysadka ah marxaladaha roobku saameeyeen, si loo badbaadiyo noloshooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Maxamed Axmed Caalin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug marxuum Maxamed Axmed Caalin.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door weyn ka soo qaatay samata-bixinta iyo horumarinta bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bulshada Galmudug iyo guud ahaan dadka Sooomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyey kulanka golaha hannaanka casriyeynta iyo isbeddelka Soomaaliya

R’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee golaha hannaanka casriyeynta iyo isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddel horseedaya horumar waara.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray waajibaadka looga fadhiyo xubnaha golaha hannaanka casriyeynta taabogalinta hannaanka casriga ah ee la hiigsanayo in jiho cusub u horseedo nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska kaabayasha dhaqaale iyo amni.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay duqa Jowhar ee la soo doortay

Jowhar: Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqalka madaxtooyada ku qaabilay gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Jowhar ahna duqa Caasimada iyo ku xgeennadiisa.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday degmada Jowhar, taas oo lagu doortay gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Jowhar ahna duqa caasimada iyo labadiisa ku xigeen.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyey dhamaan masuuliyiintii ku soo baxday doorashada, isagoo sidoo kale bogaadiyay hanaanka doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar.

Caasimada Hirshabeelle ee Jowhar ayaa yeelatay gole deegaan 30 sano ka dib, taas oo muujineysa in Dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay dhameystirka iyo Maamul u dhisida dhamaan Degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

 

Wasiirka maaliyadda oo daah-furaymashruuca kobcinta maamulka khayraadka dadweynaha

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca kobcinta maamulka khayraadka dadweynaha ee Soomaaliya oo uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadalka jeediyay ayaa ka hadlay muhiim mashaaruucaan iyo sida uu taagero fursamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo hay’adda kale ee Dowladda Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kale duwan maanta uu ugu dambeyn dhaqangalay oo daahfuray. Waxa uu sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda.

Wasiirka Maaliiyadda Dowlad Goboleedyada Galmudug Mudane Farxaan Cali Maxamuud oo magaca Wasiirada Dowlad Goboleedyada ku hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay furintaan Mashruuca oo si gaar ah u la shaqayn doono Dowlad Goboleedyada dalka. Waxa sidoo kale shirkaan hadal ka jeediyay Kusimaha Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ciise Maxamuud Guure ahna Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxa sido kale ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday Hey’addaha Dowladda Federaalka iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka oo mashruucaan maalgalinaya.

            

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Hirshabeelle

Jowhar-Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay Qodobada 51aad iyo 60aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha waxa uu Mudane Garyaqaan Garaad Axmed Caddow u magacaabay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Hirshabeelle.