Wasiirka deegaanka XFS oo ka qayb gashay shir looga hadlaya Isbeddelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimillada XFS, Khadiija Maxamed Almakhzuumi ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uga qeyb gashay shir hordhac u ah kulan weynaha isbeddelka cimillada ee dabayaaqada Nofember iyo horraanta Disember ka dhici doono Dubai.

Wasiir Almakhzuumi iyo madaxdii kale ee shirka ka qayb gashay ayaa waxay ka wada xaajoodeen ajendayaasha shirka iyo siyaabaha ugu habboon ee wadajir looga shaqeyn karo yareynta dhibaatooyinka Isbeddelka Cimillada.

Ciidanka xoogga dalka oo howl-gallo ka fuliyay gobolka Bakool

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanno hoos taga magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool iyagoo gacanta ku dhigay deegaanno ay Khawaarijtu shacabka ku dhibaateyn jrtay sanado badan.

Degaannada ay Ciidamada ka fuliyeen howl gallada ayaa waxaa ka mid ah Abagbeeday, dudumaale, buulo-kojoor, Ceelgaras iyo meelo kale.

Abbaanduulaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa hoggaaminayay howl galka ciidanku fuliyeen, waxaana tuulooyinkaas ka socda baaritaan amni xaqiijin ah.

Ra’iisul-wasaare Xamsa “ waxaan qadanay habka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka” (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa dooratay inay ka howlagli doonto qorshayal is daba yaal, kuwaasi oo ay ugu waaweynaayeen, la dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah, Deyn cafinta, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhameystirka Dastuurka, sidaasi awgeed ayuu Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre oo faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in uu dalku u baahan yahay dastuur dhamaystiran si aan cagaheenna isugu taagno, una noqonno dowlad buuxda. ” Dowlad aan dastuurkeedu dhammeystirneyn dowlad ma noqon karto, waxaan u baahanahay inaan dhammeystirno dastuurka”, ayuu yiri:- Ra’iisul wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in dastuur dhamaystiran uu caddeyn u yahay dowladnimo buuxda maaddaama aynu halgan u soo marnay deyn cafinta iyo in nalaga qaado cunaqabataynta hubka oo aynu dedaal weyn ugu jirno, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay ka mid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikir,ba taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo, waxa uuna hadaladaasi ka jeediyay kulan ay lahaayeen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

“Dowladdii naga duntay side baynu dib ugu soo dhisan laheyn, waa taas midda siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay sheegaan, marka waxaa aas aas u ah dokumenti ama Dastuur, kaasi ayay  waxooda ku qortaan,, ayna ku heshiiyeen, waxaasi oo dhan meeshaas ayay ku jiraan, sidaas ayaa loogu bixiyay Dastuurku waa heshiis bulsho, marka waxaa loo baahan yahay in dastuurkaasi lagu heshiiyo, annagu muddo dheer datuurkeennu waa qabyo , waxaan aaminsan nahay in 2 usbuuc haddii meel la faruiisto waa la dhameyn karaa, waxaa laga cabsaday, qodobadaasi waa meesha ay haantu ka tulmeyso, marka waxaa la isla qaaday in siyaasad ahaan looga heshiiyo”, sidaasina waxaa yiri Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre.

“Marakaasi ayaa isla qaadanay in Dowladda Federaalka iyo Maamul-gobleedyadu ay ka heshiiyaan habka geeddi socodka, marka waxaan qaadanay go’aan geesinimo leh, waxaan ka hadalnay amnigu side buu noqonayaa?, habka federaalku noocee?, dhaqaalaha side buu noqonayaa, awoodaha xitaa side bay noqonayaa? , doorashooyinka side bay noqonayaan? ayaan ka hadaknay, waana ku heshiinay dhammaanteen, waxaan ka fiirinayay maxaa Dadka isku soo dhaweyn kara, maxaa siyaasiyinta isku soo dhaweyn kara? oo khilaafkooda yareyn kara? Ayaan isweydiinay ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa horey u  cadeeyey in ay qasab tahay in laguna dhaqmayo Heshiiska Madasha wadatashiga ee ay soo saareen, kuwaas oo kala ah.

1. Doorashooyinka D/gobaleedyada ayuu sheegay in ay dhacayso November 2024-ka, cidii wax ka sokeysana doonaysana ay tahay cid aan Soomaaliya dan u aheynin, siyaasiintaasna ay dalka xalkiisa ka shaqeeyaan.

2- Madaxweyne iyo Madaxeyne ku-xigeen ayuu sheegay in ay qasab tahay oo lameelmarinayo, dalkana ay faa’iidadiisa sidaasi tahay, oo Dastuurka la bedelayo.

3- Labo xisbi oo kaliya ayuu sheegay in ay muhiim tahay, oo ay jidkaas qaateen, dadka dooda ka qabana ay kuqanciyeen in Soomaaliya aysan u baahneyn nidaam asxaabta badan oo iska furan.

4- 2026-ka ayuu sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacayso Soomaaliya, June 2024-ka Doorashooyinka hoose la qaban doono, guddigii qaban lahaana la magacaabi doono, kuwaasi oo ilaa doorasho Madaxtooyo qabanaya.

Haddaba Raiisul- wasaare Xamsa Cabdi Barre oo sharaxaya qodobadaasi ayaa waxa uu ka soo sheekeeyay nidaamkii lagu soo dhaqmi jiray markii aannu xorriyada qaadanay sanadkii 1960-kii muuddadii ay jirtay Xukuumaddi Rayidkan aheyd, isagoo sheegay inay aheyd doorshooyin isku dhafan oo kala ahaa mid Baarlamanteeyaan ah iyo midka Madaxweynaha oo isku dhafan, mana aheyn kuwa sax ah, waxa uuna u ekaa midka ama noocas ay ku dhaqmaan Dowladda Talyaaniga, saxna ma aheyn, kaasi oo keenaya in mar walba la isku dhegenaado aan dhinacna loo kala dhicin oo la iska lusho ama bato in la isqab-qabsado, oo mar walba farqaha la is ku dheganaado.

“Waxaan nala haboonaatay in aan aadno habka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxeyne ku xigeenka, si uu u yaraado xukuumad is heys-heysta oo uu u yaraado iska lulashada, annagu Shaatigaasi ma aanan tolan iskuma qiyaasin ee waxaan u diyaarineynaa Jiilalka naga dambeeya, waxaan u aragay inuu khilaafku yaraanayo, midda labaadna waxay tahay in Xisbiyada la yareeyo oo ay marka hore ay tartamaan laba Xisbi oo kaliya, iyagoo isa soo reebaya in marka ugu dambeysa la dejiyo kala sarreyn, ayna khasab tahay in marka dambe ay laba xisbi isugu imaadaan, si Dadka Soomaalida wax la isugu daro, haddii kale waxaa dhalanaya in summadda reerka la wada dhigto oo xisbi laga dhigo, marka waxaan dhahnay dadka Soomaaliyeed aan wax isugu darno”, ayuu yiri Raiisulwasaare Xamsa Cabdi Barre.

Guntii iyo gabagabadii Siyaasiyiinta qaar ayaa xasaasiyad ka qaday qodoboda geeddi socodka dalka, waxaase haboon in aysan la soo boodin mucaaridnimo ee ay la yimaadaan qorshe dalkaan looga xoreyn lahaa kooxda Khawarijta ah ee Al-shabaab ee aan loo deynin Dowladda hadda jirta, islamarkaana ay ogsoonaadaan in Shacabka ay furan yihiin Indhahooda, ayna og yihiin waxa ka socda Dalka, marka Siyaasigii hadhow markuu Dalka laga xoreeyo Khawaarijta soo tolan doona Jaakado waaweyn, hadda ha ka qeybqaato qorshayaasha ay Dowladdu waddo.

Xadka Gaza iyo Masar oo la furay iyo Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil

Xadka Rafah ee u dhaxeeya Gaza iyo Masar ayaa la furay markii ugu horeysay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israel iyo Xamaas.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 500 oo ajaanib ah iyo tiro dhaawac ah oo Falastiiniyiin ah oo u baahan daweyn loo ogolaan doono inay maanta ka baxaan dhulka go’doonsan,una ambabaxaan Masar .

Dhinaca kale, Dowladda Bolivia ayaa xiriirka rasmiga ah u jartay Israa’iil ,iyadoo laba dal oo kale oo Latin America ah ay u yeereen safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wadatashi ula yeeshaan.

Bolivia “Waxay go’aansatay in ay jebiso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dawladda Israa’iil,waxaanna cambaareynay weerarka gardarrada ee ka socda Marinka Gaza,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaasi Freddy Mamani.

Wasiirka madaxtooyada Maria Nela Prada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in wadanku gargaar bini’aadanimo uu u diri doono Gaza ,iyadoo dalbatay in la joojiyo weerarrada Gaza oo illaa hadda sababay dhimashada 8525 falastiiniyiin ah.

Wadamada deriska ah ee Colombia iyo Chile ayaa sidoo kale dib ugu yeeray safiiradooda si ay wadatashi uga yeeshaan weerarada Israa’iil ee ka socda Gaxa ,waxayna ku baaqeen xabad joojin.

Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil iyo dalal kale oo u yeeray safiirada ka jooga dalkaasi

Dowladda Bolivia ayaa xiriirka rasmiga ah u jartay Israa’iil ,iyadoo laba dal oo kale oo Latin America ah ay u yeereen safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wadatashi ula yeeshaan.

Bolivia “Waxay go’aansatay in ay jebiso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dawladda Israa’iil,waxaanna cambaareynay weerarka gardarrada ee ka socda Marinka Gaza,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaasi Freddy Mamani.

Wasiirka madaxtooyada Maria Nela Prada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in wadanku gargaar bini’aadanimo uu u diri doono Gaza ,iyadoo dalbatay in la joojiyo weerarrada Gaza oo illaa hadda sababay dhimashada 8525 falastiiniyiin ah.

Wadamada deriska ah ee Colombia iyo Chile ayaa sidoo kale dib ugu yeeray safiiradooda si ay wadatashi uga yeeshaan weerarada Israa’iil ee ka socda Gaxa ,waxayna ku baaqeen xabad joojin.

Waxaa sii kordhaya carada ka dhalatay weerarada Israel ee ay ku heyso xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla Marinka Qaza .

Dhinaca kale,tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo dhaawacan ayaa loo ogolaan doonaa inay ka baxaan deegaanka la duqeeyay maanta oo Arbaca ah iyagoo sii maraya isgoyska Rafah si ay daweyn uga raadsadaan isbitaallada Masar.

Ciidanka Danab oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay Jubbada hoose

Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa burburiyay goob ay khawaarijtu kaga dhuumaaleysanaysay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Howlgallada ayaa si gaar ah ugu dhacay deegaanada kala ah Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani,Quddus iyo goobo kale, halkaas oo khawaarijta u ahaa gabbaad kuna dhibaatayn jiray shacabka Soomaaliyeed.

Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay Ciidanku burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu halkaas ku lahaayeen.

Hay’adda SoDMA oo muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka jawaabidda khatarta El Niño

Hay’adda Mareeynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa muqdisho ku qabatay shir looga hadalyo isku-duwidda hoowlaha ka jawaabidda khatarta El Niño.

Shirka oo ay iskugu yimaadeen inta badan dowlad gobolleedyada dalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adaha dowladda federaalka ayuu hadafku ahaa isku duwidda howlaha ka jawaabista khatarta ElNiño.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Adan, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wada shaqaynta iyo isku xirnaanta dowladda labadeeda heer dhinaca ka jawaabista khatarta El Niño oo qaybo ka mid ah dalka ay ku dhufatay xilli roobaadkan gudahiisa iyo guud ahaan gargaar gaarisiinta bulshada tabaaleeysan.

Dowladda Federaalka oo qorsheyneysa dib u dayactirka Kannaalka Saabuni ee magaalada Jowhar

Agaasimaha Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Zahra Cabdi Maxamed oo ka mid aheyd wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay Madaxweynaha Hirshebelle, Mudane Cali Guud-laawe Xuseen.

Kulanka ayaa looga hadlay dayactirka Kannaalka Saabuni oo qeyb ka ah hirgelinta mashruuca biyo xireenka Jowhar oo ujeeddadiisu tahay in laga hortago fatahaadda webiga iyo sidii guud ahaan xal waara loogu helo dadka barakaca ee ku nool webiga Shabeelle jiinkiisa iyo agagaarka kanaalka.

Wafdiga ayaa ka koobnaa xubno ka socda Wasaaradda Beearaha iyo Waraabka, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, Wassaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada , Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo qaar ka mida hay’adaha Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay oo kordhisay mudada UNSOM

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ee ku salaysan taageerada dawlad dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya.

Golaha ayaa muddo 12 bilood oo kale ah u kordhiyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si Soomaaliya looga taageero hawlaha dib u kabashada ee ay dowladdu samaynayso.

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo qaabilay madaxa WFP ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay madaxa WFP ee Soomaaliya mudane El-Khidir Daloum.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay adkeynta wada shaqeynta SoDMA iyo WFP, arrimaha maareynta xaaladda xilli roobaadka El-Niño oo Hay’adda SoDMA qayb wayn ka gaysatay wacyigalinta iyo digniinta hore, gargaarka deg-degga ah iyo qaabka ka hortaga aafooyinka.

Mudane Maxamuud Macallim ayaa WFP uga mahadceliyay dadaalka aan hagarta lahayn ee 30 kii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka wadday Iyo wada shaqeeynta wanaagsan ee kala dhaxeeysa Hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.