Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la yeeshay guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU).

Guddoonka ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan shirka meertada 147-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay xubnaha uga qeyb galeen magaalada Luanda ee caasimada dalka Angola, kaas oo looga hadlaayay midnimada, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada iyo dimoqraadiyadda. Sidoo kale waxay Guddoonka lawadaageen doorashadii madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka.

guddoomiyaha guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda fs oo xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda hay’adda jica

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Japan (Japan International Cooperation Agency – JICA).

Kulanka ayaa looga wadahadalay arrimaha Maamulka & Maareynta Shaqaalaha iyo sida Hay’adda JICA u taageeri lahayd Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa wafdiga uga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

       

Ra’iisul wasaare Xamse: Dowlad aan dastuurkeedu dhammeystirneyn dowlad ma noqon karto

Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu dalku u baahan yahay dastuur dhamays tiran si aan cagaheenna isugu taagno, una noqonno dowlad buuxda.

Ra’iisul wasaare Xamse” Dowlad aan dastuurkeedu dhammeystirneyn dowlad ma noqon karto, waxaan u baahanahay inaan dhammeystirno dastuurka”.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlayay shir ku saabsanaa doorka muhiimka ah ee culimada Islaamka ay ku leeyihiin nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa intaa ku in culimadu ay ka qayb qaataan sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in dastuur dhamaystiran uu caddeyn u yahay dowladnimo buuxda maaddaama aynu halgan usoo marnay deyn cafinta iyo in nalaga qaado cuna qabataynta hubka oo aynu dedaal weyn ugu jirno.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa guddoonsiiyay qaar ka mid ah Isbitaallada iyo xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay Shahaadooyin ay ku muteysteen sida ay ugu qeyb qaateen Wacyi gelinta ka hortagga Kansarka Naasaha.

Wasiirka Ku xigeenka ayaa bogaadiyay doorka shariifka ah ee ay ka qaateen xarumaha iyo Isbitaalada wacyi gelinta Kansarka Naasaha oo bishan October si habsami leh u socdey waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegey in ay waajib qaran tahay in bulshadeena loo adeego si isku filnaasho dhankasta ah aan u gaarno.

Maxamed Xasan Bullaale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuunadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey qeybta Barnaamijka Cudurada aan faafin (Non Communicable Diseases) oo si qurux badan isugu daba ridey Ololaha wacyi gelinta ka hortagga Kansarka Naasaha.

Barnaamijka Cudurada aan la kala qaadin (Non Communicable Diseases) ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qeybqaadatey wacyi gelinta Kansarka Naasaha oo inoo socday bishan October.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in ay taageerayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ahmiyad aad u weyn uu dhaqaalaha dalka u leeyahay ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirweynaha dhiirigelinta wax soo saarka dalka ee lagu qabtay muqdisho ayaa intaasi ku daray in ay ganacsatadu door aad u weyn ka qaataan kobaca dhaqaalaha dalka maaddaama ay 90%-kiiba yihiin canshuur bixiyayaal kaalin fiican ku leh daqliga dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay dhiiri gelinta, taageerada, suuq u raadinta, toosiso, shuruucna u samayso ganacsiyada gaarka loo leeyahay, maaddaama ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka.

“Haddiiba aan dhaqaale ka hadlayno, suuq xor ah ka hadleyno, waxaa qasab ah in aynu xoogga saarno ganacsiyada gaarka loo leeyahay, inaan cayilinno, inaan ilaalinno, taageerno, suuq u raadinno, shuruuc u dejinno, aan toosinno waa lagama maarmaan”.

70 jir ka Qalin jabiyay Jaamacaddii uu wardiyaha ka ahaa( Warbixin)

Guriceel:-Suldaan Maxamed Sheekh Faarax wuxuu sannado ka dib, dhammeeyay Jaamacadda Safaana ee degmada Guriceel, wuxuuna ka baxay kuliyadda shareeca Wal-qaanuun.

Da-diisa waa 70-sanno, wuxuuna hayaan dheer oo waxbarasho ka dib ku guuleystay inuu ka qalan-jabiyo jaamacaddii uu waardiyaha ka ahaa,islamarkaana uu xaqiijiyo hadafkiisa waxbarasho.

Suldaan Maxamed Sheekh Faarax da-diisa iyo shaqada uu hayaba kama hor istaagin inuu waxbarashadiisa sii wato, wuxuuba nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo 70-arday oo sanadkan ka baxday Jaamacadda Safaana degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud.

“Jaamacaddan wax badan baan soo joogay, wax maanta kaliya maynan ahayn, markan waxbarashada iyo howsha ka socota jaamacadda ayaa waxaan go’aansaday anigoo 70-jir ah inaan ka qeyb galo waxbarshada Jaamacadda Kheynuun wal-shareeca, sidaas daraateed, maaddaama jaamacadda aan muddo joogay qeybta ammaanka iyo dhireyntaba, Waxaa guushan igu dhiira-geliyay maamulka Jaamacadda, runtii waxaan kala kulmay soo dhoweyn diiran iyo gacan qabasho,” ayuu yiri Aabe Maxamed.

Aabe Suldaan, wuxuu dhallinyarada iyo asaagiisaba ku dhiirigeliyay in aysan ka caajisin waxbarashada si ay beri ugu noolaadaan nolol qurux badan.

” Darbi jooga, maqayad fadhiga ah maalaa-yacniga in la iska dhaafo oo xagga waxbarashada Diin iyo Maadiba la aado, shacabka ayaa ku boorinayaa, tan kale waxaa waaye marka aniga hindisahan i galay dad baa ila yaabanaa oo yiri suurta gal ma ahan ee waxaa kuu roon ninyahow inaad meelahaaga iska joogto”,.

Sidoo kale, Aabe Suldaan ayaa sheegay in sababta uu u doortay Maaddan ay tahay in waxqabadka Bulshada ee dhanka Diinta uu door weyn ka qaato, isagoo dhanka kale, bogaadiyay una mahadceliyay dhallinyaradii fasalka ay wada dhigan jireen oo uu sheegay in ay si weyn u taagaareen.

Abuukar Cabdi Muuse, wuxuu ka mid yahay ardayda ay muddo wax Isla baranayeen Aabe Suldaan, wuxuuna sheegay inuu dhiirigelin ka aaadi jiray Aabe Suldaan, maaddaama uu ahaa nin da’ah oo haddana dadaal badan.

Macallin Daahir Xirsi wuxuun ka mid yahay maamulka Jaamacadda Safaana ee degmada Guraceel, wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan inuu ka soo dhex baxo Aabe Suldaan oo kale oo ay jiraan dad badan oo dhiiragelin ka qaaday hayaankiisa waxbarasho.

” Run ahaantii waxaa tahay qof ku dayasho mudan, qof da’daasi jira oo haddana waxbarasho hami u haaya, ujeeddada u weyn uu Suldaan ardayda u dhex fadhiyau waxay tahay role model oo isaga asaagiisa ah oo guryaha iska dhex fadhiya ama meelaha fadhi ku diriryada fadhiya oo waxyaabaha aan munaasibka ahayn, waxaan rejeyneynaa in iyaguna masaajiddada u dareeraan, cilmiga bartaan, maaddaayinka kale duwan bartaan, odayga hanoola geeyo ayaa la yiraahdaa,” ayuu yiri Macallin Daahir Xirsi.

‘Iskaashiga ka dhexeeya Wakaaladaha Wararka caalamiga ah oo soo koraya (WARBIXIN)

Wakaaladaha Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Talyaaniga ANSA ayaa shalay oo Isniin aheyd Magaalada Roma ee Caasimadda Wadanka Talyaaniga ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo u sahlaya in labada Wakaaladood ay kala helaan xogaha ay ku kala baahan yihiin, isla markaana ay isku dhaafsadaan xogaha ay wadaagaan. Natiijo ahaan, macaamiisha labada Wakaaladood waxay heli doonaan adeegyo kala duwan oo caalami ah oo kala duwan: heshiisku wuxuu suurtogal ka dhigayaa in la-howlgalayaasha midba midka kale u isticmaalo adeegyada wararka ujeeddooyin tafatir ah iyo in la sameeyo hindise ganacsi oo wadajir ah, si loo taageero isgaarsiinta Machadyada iyo ganacsiyada Wadamada ay kala leeyihiin.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan oo ka dhacday xarunta hey’adda Talyaaniga ee Rome oo uu ku soo dhaweeyay Madaxa hey’adda ANSA Stefano De Alessandri, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daud Aweis, ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee Wakaaladda SONNA, Ismaaciil Mukhtaar Cumar, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Talyaaniga Ali Abukar Hayo, Safaaradda Soomaaliya ee Rome D’affaires Abdirahman Moalin iyo xiriiriyaha muuqaalka ee Muqdisho, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi.

“Wararka iyo isgaarsiintu waa muhiim si loo soo nooleeyo wacyiga ku saabsan sida ay isugu dhow yihiin labadeena dal, waxaana uga mahadcelinayaa ANSA iyo SONNA heshiiska maanta iyo iskaashiga dib loogu yagleelayo qeybtan muhiimka ka ah”.

Wasiir Aweis waxa uu yiri, “Heshiiskani waxa uu isu soo dhawaynayaa wadamadeena. Waana heshiis taariikhi ah oo muhiimad weyn u leh Soomaaliya, sababtoo ah waxa ay kordhineysaa in Wakaaladda SONNA ay ku wargeliso Soomaalida ku nool gudaha iyo daafaha caalamka,” ayuu hadalkiisa ku daray. “Intaa waxaa dheer, waxay xoojinaysaa xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya, kaa soo markii horeba ku xoogganaa dhinacyada amniga, dhaqanka iyo gargaarka bini’aadantinimo”.

“Waxay xoojisaa saaxiibtinimada iyo is-ixtiraamka labada dhinac, shay ka baxsan warbaahinta: in si xor ah loo helo wararka saxda ah iyo kuwa dhexdhexaadka ah ayaa lagama maarmaan u ah bulshada guud ahaan. Heshiiskani waxa uu saameyn fog ku yeelan doonaa labadeena Qaran”.

Maamulaha guud ee De Alessandri ayaa tilmaamay in “ANSA ay dib u cusboonaysiisay heshiisyada ilaa 70 Wakaalada wararka caalamiga ah tan iyo 2022-kii. “Iskaashiga ka dhexeeya Wakaaladaha Saxaafadda ayaa ah mid si caalami ah u koraya, xilli warar khaldan lagu faafiyay baraha bulshada,” ayuu yiri.

“Heshiiskan oo isu soo dhawaynaya Talyaaniga iyo Soomaaliya, isla markaana suurtagelinaya in la is dhaafsado warar badan oo labada dal ah, waa tallaabadii ugu horreysay ee iskaashi ballaaran oo lagu taageerayo isgaarsiinta shirkadaha iyo Hey’adaha labada waddan”. Waa sida qortay Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyed ee SONNA ayaa 12kii bilood ee la soo dhaafey sameynaysey horumar dhanka tebinta Wararka iyo xoojinta xiriirka dibedda, isla markaana ay noqotay Isha ugu muhiimsan ee wakaaladaha caalamka ay ka qaataan Wararka Soomaaliya. Ilaa iyo 60 Warbaahin caalami ah ayaa toddobaad kasta soo xigta Wararka SONNA 12-kii biloodkii ee ugu dambeeyay. Wakaaladda Wararaka Talyaaniga ee ANSA ayaa ka mid ah Wakaaladaha Wararka Soomaaliya inta badan ka soo xigta SONNA.

SONNA ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1964-kii waxayna udub dhexaad u tahay inta ay shaqeyneysay tebinta Wararka gudaha iyo dibedda, isla markaana bulshada ka haqabtirto helista xogta saxda ah.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaadabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA. Heshiiskan iskaashi ayaa labada dhinac waxay wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah , iyo in dhinaca khibradda, tababarka iyo agabyada kale ee la iska kaashado.

‘’Heshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli Qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka. SONNA waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa soo gudbinta warar xaqiiqo ahee  ku saabsan gudaha dalka iyo guud ahaan caalamka. Wadashaqeynta ANSA waxay shaki la’aan sii xoojin doontaa awoodda Wakaaladda Wararaka ee SONNA, taasi oou sahleysa inay kor u qaaddo tabinta Wararka, ballaarinteeda iyo gaarsiinta xogta saxda ah ee bulshada Soomaaliyeed.’’ Sidaana waxaa yiri Wasiir Daauud Aweys oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa heshiiska ay labada dhinac gaareen.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in heshiiskan uu sidoo kale ka tarjumayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo heshiiska uu dhinaca Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar Orango,  halka dhanka Talyaaniga uu u saxiixay Stefano De Alessandri oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA, waxaana Munaasabadda saxiixa heshiiska sidoo kale goob joog ka ahaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday Wakaalada Wararka Talyaaniga ee ANSA, sida lagu qoray Bogga Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Hay’adda SoDMA oo aqoon is-weydaarsi ku saabsan gurmadka fatahaadaha ku qabatay degmooyin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa daah furay Aqoon is-weeydaarsi wada tashi saddax maalin ah oo ku saabsan qorshaha gurmadka fatahaadaha degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar ee maamul gobaleedka Hirshabeelle, kuwaas oo u nugul in ay fatahaado qataro ka dhalan karaan ay ka dhacdo xilli roobaadka iyo sidii loogu diyaar garoowo lahaa farsamo iyo agab ahaan.

Aqoon is-weeydaarsigani waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka waaxda yareeynta Khataraha musiibooyinka waxaana ka taaba gelinaya Hay’adda Cuntada Aduunka (FAO).

Aqoon-is-weydaarsigani waxaa ka soo qayb galay Hey’adaha SoDMA, Saraakiil ka kala socday xafiisyada guddoomiyaha labada degmo ee Baladweyne – Jawhar iyo Xafiisyada labada duq Magaalo ee degmooyinka Baladweyne iyo Jawhar ee gobalada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa Xusay in wadatashigan yahay mid muhiim ah oo Hay’adda SoDMA bixisay Dadaal dheeraad ah oo wacyigii hore wax ka duwan oo bulshada lagu dhisiyo, sidoo kalan ay dowlada ku sameeysay qorshooyin lagu yareen karo khataraha looguna jawaabi karo si degdeg ah.

Ugu danbeey Guddoomiye Dr. Axmed ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in ay galiyaan Waqti, sidoo kalana wax badan ka kororsadaan iyaga oo kula laabanaya labada Degmo ee Baladweyne iyo Jowhar oo ah kuwa ugunugul fatahaada, laga filanayo wadatashigan in ay wax fiican ka soo baxaan.

MAXAAD KU OGEYD ADIGU?

Ma ogeyd in dalkaagu yahay kan kaaga baahan in aad caawiso oo aad ka celiso cadow kasta oo doonaya in uu waxyeelo u geysto.

Dabcan waad igu raaci doontaa oo waxaad dhihi doontaa ..haa waa runtaa laakiin waxaad isweydiin doontaa waxa keenay su’aasha noocaas ah.

Ma aha cadowgu kan dibedda oo keliya laakiin cadowyada gudaha ayaa iyana aanay yareyn lug gooyadooda oo meel walba gali karta una baahan ka fiirsi badan iyo in dhug loo lahaado.

Waxaad ogeyd adigu dal ay dadkisu dhisaan oo ka fekeraan laakiin welgaa ma arag dal dadkiisu lid ku noqon karaan oo weliba ka xigsan karaan dalal ay marti ku yihiin oo weliba si dhib leh ay ku tageen.

Labo kaarleyaal ayaa ku badan dalka kuwaas oo isu heysta in daljoogta ay wax dheer yihiin laakiin ay waayo aragnimadoodu ku kooban tahay erayo kooban oo ay ka bowsadeen luuqadda dalalkaas ay tageen kana dhiga ilbaxnimo ay dheer yihiin dal joogta.

Kuwaas maxaad ku ogeyd adigu ….dabcan waxaad ku ogeyd faan badan iyo in ay isku dayaan in ay daljoogta kala wareegaan meel kasta oo manfac leh iskuna taxaan meelaha muhuumka ah.

Waxay tani keentay in ay sameysmaan labo dabaqdood oo kala ah : dabaqad daljoog ah oo lugeysa, noloshu dhib ku tahay , haddii ay waxbarteena aan lagu tixgelin oo uu booska ka qaaday dibadjoog wareega oo wata shahaadooyin (Fake ) ama been abuur u badan.

Ma aha in la weeraro dadka dibadjoogga ah guud ahaan laakiin waxaa jira kuwo raad xumeeyey oo si qaldan u fahmay in qurbajoog la noqdo oo daljoogtii yasmo kula dhaqaaqay.

Dalku labadaba (daljoog iyo qurbajoog ) waa u baahan yahay laakiin waa marka si daacad ah oo dheellitiran loo wada eego oo tooxsigu meesha ka baxo.

Soomaalida maanta waxay u baahan tahay cudud wax dhisaysa ee uma baahna cudud wax kala tooxsaneysa oo meesha ka saaraysa hab dhaqankii loo baahnaa.

Sadaqadu gurigaaga ayey ka bilaabantaa waana marka hore ay mudnaanta helaan ardayda kumanaanka ah ee dalka gudihiisa ay shaqo la’aantu ku heyso weliba iyagoo ka baxay jaamacadaha  qaarkoodna labo shahaaddo ka haystaan.

Timirtii horeba dab loo waa iyadoo gudaha dalka ay ka jirto ayaa hadana fursadihii yaraa ee jiray waxaa gacmaha ka buuxsanaya kuwo haysta fursado ay dibadda ka heleen haba u yaraadeene.

Ma waxaa dhab ah oraahda soomaalida ee aheyd NIN WAX HAYSTAA WAX LOOGU DARAA ..sida dadka soomaalida ah lagu yaqaano oo ay ista bada dhahaan .Daljoogta dib ha loo eego.. oo yaaan loo qaadan kuwo dam ah maadaama la dheer yahay oo keliya xoogaa erayo af kale iyo dhal dhalaal yar.

WQ: Maxamed Shiil Xasan

WAA MAXAY XIRIIRKA UGU WANAAGSAN?

Xiriir ugu wanaagsan waan Ilaaheey lala yeesho, ka dibna walaalaha iyo waalidiinta iyo wixii kale ee soo raaca ee dabeecaddiinu is raacdo

Dadka bini’aadanka ah waxaa lka dhexeeya xiriir saameeya nolosha iyo wada dhaqanka kaas oo ah mid dhinacyada ay isku weydaarsadaan wanaagga iyo duruufaha maraeka qaarna ay ku wadaagaan dhib kasta oo jira .

Xiriirka oo leh mid walaalnimo iyo mid saaxiibtinimo ah ayaa haddii aan si wanaagasan looga shaqeyn ama uu qaloocdo oo ay qiyaano iyo hagardaamo hareyso wuxuu yeelan karaa weji aan wanaagsaneyn oo saameyn taban leh iyadoo ay jiraan saaxiibo isku wanaagsan hadana dhinaca wada dhaqanka hoose loo tiring kaeo kuwo aan isu wanaagsanyn oo midkood uu dhaliil yeelan karo.

Hadaba waxaa jira qof saaxiib ah hadana sifooyin hoose oo kula dhaqmo saaxiibkiis kale ay ka muuqdaan dhaliilo ama dano gaara oo aan kan kale dhankiisa dhibaato mooyee aan faa’ido u laheyn.

Dadka qaar ayaa bixiya sifooyinkan marka ay noqoto saaxiibo qqar oo ay adag tahay in lala saaxiibo ama qaraabada qaar oo ay tahay in laga gaabiyo xiriirkooda waxayna yiraahdaan hala saaxiibin ama iska ilaali dadka noocan ah;

1-Qofka kugu daneysanaya isagoo moodaya in aadan ogeyn waa qofka  wacayaa wuxuuna ku jecel yahay oo keliya marka aad wax heysato oo uu wax kaa helayo.

2-Qofkan labaad qof calaacal badan oo maanta oo dhan kuu callcalaya , qofka noocan ah ma rabo isbedel uu noloshiisa ku sameeyo mana qaadanayo talooyinka aad siineyso wuuna ku hiiqinayaa mar walba wax natiijo ahna ma keenayo .

3-Qofka saddexaad waa qof mar walba wax eedeynaya oo ku leh hebel waa I xumeeyey , hebel sidaanuu I yiri, hebla waa igu gardarootay ..waa leyga gardaran yahay …ma ogi waxa la igu heysto ayuu ku leeyahay dadka noocaas ah iyaga iska eedeeyaan isamna arkaan cillad kasta oo uu leeyahay laakiin dadka kale ayey eedeeyaan..waxaan baan la ,, sameeyey , waa qof aaminsan in la dulamayo oo uu dulame yahay isma saarayaan dadkani qaladka oo ma dhahayaan waxan ayaan ku qaldanahay ma waxaa ayaan ku qaldanahay ..dadka kale oo keliya ayaa eedaysan isagu eedba ma leh.

4-Qofkan afaraard waa qof mar walba dadka tartan kula jira ma rabaan in aad ka fiicnaatid laakiin horumar wey kula rabaan marka ay arkaan in aad wax uun kaga wanaagsan tahay wey kaa hinaasayaan..isla markiiba weji bedel ayaad ku arkeysaa ma rabaan in aad adiga ka fiicnaatid iyaga

5-Qofkan shanaad waa dadka dadka kale ku xadgudba haddii uu arko in aad qof wanaagsan tahay wuxuu ku dadaalayaa in uu sawir xun kaa bixiyo oo waxyaabo aan jirin kugu dhaliilo ..haddaad tahay qof iska daacad ah waxay ku leeyihiin dadka kale waa beentiis wax kale ayaa u qarsoon …waxaa laga yaabaa in qofkaa adiga aad daacad u tahay laakiin isaga daaca kuuma aha .

Sidaa darted waxaa laga digaa dhaqamda noocaasa ah iyo dadka leh sifooyinkaa in loo dhawaado oo la isku aaamino ama daacad loo noqdo waana arrin u baahan in laga feeejignaado.

WQ: Mohamed Hassan