ASAGOO KOOMO KU JIRA AYUU DIYAARAD AFDUUBTAY (QISO QEYBTII 2-AAD)

Meydkii waxaa la saaray gaari aanbalaas ah wayna la dhaqaaday, baabuurtii kale ee la socatay way daba-galeen oo dhinicii xabaalaha ayay abbaareen.

Waddadu waxay ahayd mid xoogaa raf ah, dabayl xoog lihina waa ay socatay oo gaadiidku way ruxmayeen ama jagjagtoodaa badnayd.

Markii cabaar la sii socday waxaa dhacay wax la yaab leh oo dadkii aanbalaaska saarnaa irkag ku noqday tolow maxa ahaayeen?.

Gaariga oo meel jidku god ka yahay Sui dhaafaya ayaa xoog u ruxmay ka dibna waxaa la arkay nashaxkii oo dhaqdhaqaaya oo waliba nuux nuuxsi joogto ah samaynaya.

Naasir Hooyadii waxay la socatay gaariga aanbalaaska ah, waxayna ahayd qofkii koobaad oo dareemaya inuu naxashku dhqdhaqaaqayo, ka dibna waxay dadkii la socday ku tiri”ma indhahaygaa mase meydku wuu nuux nuuxsanayaa”.

Intaa kuma ekaane waxay ku qaylisay jooji gaariga, wuxuuna darawalkii hakad ku galay waddada dhinaceeda, ka dibna waxaa baaritaan loogu dhaqaaqay naxashkii.

Durbadiiba waxaa la ogaaday in ninka meyd ahaanta loo sidaahi uu noolyahay oo aanu Dhiman, waxaana degdeg loogu celiyay isbitaalkii.

Hooyadii iyo dadkii kale naxdintii iyo murugadii farxad baa u badashay inkastoo uu wiilku xaalad culus ku jiray, waxaana la xaqiiqsaday inuu xanuunka qalalku ku  dhacay oo xubnihiisa dhaqdhaqaaq laga waayay ka dibna meyd la mooday balse uu noolyahay.

Naasir miyirkiisa iyo ogaalkiisu way feecnaadeen balse hurdo iyo harsi waa uu ka go’ay xanuunka daran oo uu dhabarka ka dareemay awgiis, maxaa yeelay 4-ta xabbadoodba dhabarka ayay uga dheceen.

Hooyadiis waxay subax walba aaddi jirtay isbitaalka si ay xaaladda wiilkeeda uga warhayso, noloshii carruurta kalena way ilowday.

Naasir wuxuu mar walba hooyadii weydiin jiray “goormee ayaad iqaadaysaa oo isbitaalka feecan i gaynaysaa” ayaduna wax walba waa ay  isku dayday oo safaaradaha iyo meel way la xariirtay si wiilkeeda isbitaal debadda ah loogu helo, balse waxba uma suurto gelin.

Qayliinka iyo daawayntiisu waxay ahaayeen kuwo joogto ah hooyada maskiinta ihina way awoodi waysay inay qarashka Hawlahaa lagu qabanayo bixiso, taasina waxay caqabad ku noqatay inuu degdeg u bogsoodo.

Maalin maalmaha kamida  ayadoo la safaaradaha codsiyo u dirdiray si uu wiilkeeda gargaar caafimaad u helo; waxaa u soo jawaabtay safaaradda dalkeeda liibiya, waxayna u sheegeen inay dalka talyaaniga caafimaad ahaan ugu dirayaan.

Waxaa la geeyay magaalada roomo,waxaana lagu guulaystay in laga soo saaro Hal xabbo oo kamida 4-tii xabadood oo dhabarka uga jirtay.

Nasiib-darro ayadoo ay qalliino badani u dhimanyihiin ayay ka dhammaaday lacag ay safaaradda liibiya siisay, waxaana dib loogu soo celiyay dalka lubnaan, xaaladdiisuna way sii xumaatay.

WQ: Abwaan Hareeri

 

Maxkamadda gobolka Banaadir oo Muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay dhul si sharci darro ah looga heystay

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Qaasim Faarax ku wareejiyay dhulkiisa oo si sharci darro ah looga heystay in muddo ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir mudane Saalax Cali Maxamuud ayaa ku wareejiyey muwaadinkaan dhulkiisa oo in muddo ah ka maqnaa gacantiisa, isaga oo uu sheegay guddoomiyaha in dhulkaan oo ku yaal degmada Hodan ay Maxkamaddu xukuntay.

Qaasim Faarax oo ahaa Muwaadinkii iskalahaa dhulka ay maanta Maxkamadda ku wareejisay ayaa guddoomiyaha Maxkamadda iyo Booliska ugu mahadceliyey sida wanaagsan ee ay ugu wareejiyeen dhulkiisa.

“Muddo badan ayaa nalagu dhibayey, dhibkii naloola geystay waxa aan ugu samreenaa maanta haddii waxaynii gacanta naloola galiyey, dowladda cadaaladda ah oo aad wakiilka ka tihiin aad baan ugu mahadcelineynaa,” sida uu yiri Qaasim oo ah Muwaadinka ay maanta Maxkamadda gobolka Banaadir ku wareejisay dhulkiisa.

Cali Jeyte oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dagaalka Khawaarijta

U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka mudane Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Mudane Cali Jeyte ayaa sheegay in la joogay xilligii la’iska dulqaadi lahaa Khawaarijta, isaga oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri, “Ciidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ka codsanayaa in loo istaago sidii dalka looga saari lahaa Nimanka dhiigga Beni’aadanka caadaystay.”

Sidoo kale u qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka ayaa ciidanka Macawiisleyda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo hadda ka socda guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay waxa uu Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey in uu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamse oo soo xiray shirweynaha dhiirigelinta wax-soosaarka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Waxsoosaarka dalka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha lafdhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dhammaadka sanadkan marka daynta laga cafiyo Soomaaliya ay imaan doonaan fursado badan oo u baahan in loo sii diyaar garoobo, si loo sameeyo isbeddel dhaqaale oo ballaaran kaasi oo horseedaya horumar taam ah oo waddanku gaaro.

Shirweynaha Dhiirigelinta Wax-soo-saarka dalka oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Hormuud, ayaa waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey xubno bulshada ka mid ah oo sameeyey hal abuurro ganacsi oo guuleystay.

  

SONNA oo heshiis iskaashi la saxiixatay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA

Rome: Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaadabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Heshiiskan iskaashi ayaa labada dhinac waxay wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah , iyo in dhinaca khibradda, tababarka iyo agabka la iska kaashado.

‘’Heshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka. SONNA waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa soo gudbinta wararka ku saabsan gudaha dalka iyo guud ahaan caalamka. Wadashaqeynta ANSA waxay shaki la’aan sii xoojin doontaa awoodda SONNA, taas oou sahlaysa inay kor u qaaddo tabinta wararka, ballaarinteeda iyo gaarsiinta xogta saxda ah ee bulshada Soomaaliyeed.’’ Sidaana waxaa sheegay wasiirka oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa heshiiska ay labada dhinac gaareen.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in heshiiskan uu sidoo kale ka tarjumayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar,  halka dhanka Talyaaniga uu u saxiixay Stefano De Alessandri oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka ANSA.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxda safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday ANSA.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa 12kii bilood ee la soo dhaafey sameynaysey horumar dhanka tebinta wararka iyo xoojinta xiriirka dibedda, isla markaana ay noqotey isha ugu muhiimsan ee wakaaladaha caalamka ay ka qaataan wararka Soomaaliya. Ilaa iyo 60 warbaahin caalami ah ayaa toddobaad kasta soo xigta wararka SONNA 12 biloodkii ugu dambeeyay. ANSA ayaa ka mid ah wakaaladaha wararka Soomaaliya inta badan ka soo xigta SONNA.

SONNA ayaa waxaa la aasaasay 1964-kii waxayna udub dhexaad u ahayd intii ay shaqeyneysay tebinta wararka gudaha iyo dibedda, isla markaana bulshada ka haqabtirto helista xogta saxda ah.

     

Xaflad lagu soo dhaweenayay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta oo lagu qabtay Columbus

Columbus:- Xaflad lagu taageerayay dowladda Federaalka Soomaaliya laguna soo dhaweynayay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Ururka Talawadaag oo kulankaan soo agaasimay ayey u jeedada waxa ay ku sheegeen in la jooga xilligii dowladda la taageeri lahaa, iyada uu dalka ka socda dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Xayir Ducaale oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horreyn waxa uu uga mahadcelshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ohio, isaga oo ku bogaadiyey dadaallada ay dowladda ku taageerayaan.

Dhanka kale Agaasimaha ayaa dhawaajiyey in dowladda ay ku filantahay bixinta mushaarka Ciidanka dowladda, laakiin ay jiraan ciidanka deegaanka kuwaas oo is-xilqaamay, iyaga oo aan qaadan wax mushaar ah.

“Waxa aan idinka codsanayaa haddii aad tihiin reer Columbus Ohio, in aad gashaan dadaalka dhaqaalo aruurinta iyo dadaalka garab istaag dowladda, labadaas wax weyn bay tarayaan,” sida uu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Xayir Ducaale.

Wasiir Maxamed Barre oo magacaabay guddiga qaban qaabada Ciyaaraha DG, SSC Khaatumo & gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Ciyaaraha Dowlad Gobaleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir 2023-2024.

Guddigaan uu maanta magacaabay Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka shaqeyn doona qaban qaabada tartankaan oo lagu wado in magaalada Muqdisho lagu qabto bartamaha bisha December ee 2023.

Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood kuwaas oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga oo loo magacaabay Cabdiraxiin Warsame Diiriye, halka guddoomiye ku xigeenka guddiga laga dhigay Axmed Faarax Taqal.

 

Shirweynaha Dhiirrigelinta ee Wax-soo-saarka Dalka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa Maanta Magaalada muqdisho ka furmay Shirweynaha Dhiirrigelinta Wax-soo-saarka Dalka taas oo ay soo qaban-qaabisay shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashid Haaji Cabdi, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya,  Ganacsato, maamulka Hormuud iyo marti sharaf badan.

Ujeedka shirkaan ayaa ah horumarinta wax-soo-saarka dalka,caqabadaha haysta ,fursadaha jira iyo yididiilada mustaqbalka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo shiraka ka hadlay ayaa yiri”Soomaaliya waa dal hodan ah. Waxaana rajaynaynaa in uu shirkaan fure u noqdo Soomaali isku filan, oo is quudiso.”

Wasiirka Ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashid Cabdi oo shirkaan daah-furay yaa yari” Sannadkii la soo dhaafay waxaa Soomaaliya Dibbada looga soo Dhoofiyey badeeco ku kacday in kabadan 6 Bilyan oo dollar,  halka aan anagana dhoofinay badeeco gaaraysa 50 milyan oo dollar, waxaana ka shaqeeyn donaa hormarinta wax soo saarka dalka, iyo in ganacsatada dalka isku filnaadaan.”

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo kulan la qaatay kuxigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka MacdantaXFS Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Iskuduwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway.

Wasiirka ayaa ergayga kala hadlay arrimaha khuseeya mudnaanta Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta gargaarka bini’aadantinimo Iyo amniga.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta
XFS Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa la wadaagay ergayga sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya in ay gaarto yoolka saafiga ah 2050 iyada oo isla markaa la horumarinaayo soo saarida shidaalka (hydrocarbon).

Dhimashada dadka reer Gaza oo kor u dhaaftay 8-kun

Duulaanka dhimashada badan ee Israa’iil ayaa weli ka socda Daanta Galbeed ee la haysto halkaas oo tirade dhimashada ay sii mareyso in ka badan siddeed kun oo ruux .

Boqolaal bukaan ah ayaa ku xayiran isbitaallada ku yaal waqooyiga Gaza oo aan jir ahaan awoodin inay u dhaqaaqaan koonfurta, madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegay.

Dadkaasi ayaa amar lagu siiyay in ay ka baxaan deegaanada woqooyiga ,gaar ahaan goobaha ku dhow cisbitaalkaasi oo la tilmaamay in agagaarkiisa ay ka socdaan duqeymo ay wadaan Israa’iil.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 33 baabuur oo gargaar ah ay galeen Gaza Axaddii taasoo ka dhigaysa tirada guud ee baabuurta u gudbaysa Gaza 117.

Carruur badan ayaa lagu dilay Gaza saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay marka loo eego wadarta guud ee lagu dilay iskahorimaadyada laga soo bilaabo tan iyo 2019, ayay tiri Save the Children.

Carqaladeynta sahayda gargaarka ee dadka Gaza waxay noqon kartaa dembi hoos yimaada xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, dacwad-oogaha sare ee maxkamadda ayaa sheegay mar uu booqday xadka Rafah.

Ugu yaraan 8005 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza weerarrada u dhaxeeya Xamaas iyo Osraa’iil,halka 1,400 oo qof oo Israa’iil ah ay dhinteen,kadib dagaalkii bilowday 7-dii bishaan Oktoober.