Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaruhu Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay dhiggiisa Magaalada Ankara

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiya ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa Magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş kadib markii uu Casuumad rasmi ah ka helay.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Magaalo iyo dib usoo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989.

Guddoomiye Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa Madax kala gedisan oo ka tirsan Dowladda Turkiya iyo hey’addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta.

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha oo shir guddoomiyay Shirka Amniga Caasimadda

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa oo uu waheliyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Sareeya Guuto Sulub Axmad firin ayaa shir gudoomiyey shirka Dardargalinta amniga caasimada
<span;>waxaana shirka kasoo qayb galay Saraakiisha kala duwan ciidamada amaanka .

Kulanka ayaa ujeedkiisu daarnaa dardar galinta howlaha amniga caasimada wada iyo wada shaqaynta ciidamada amaanka .
Ugu horayntiina Waxaa warbixin laga dhagaystay  Taliyaha qaybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahadi i Sido kale waxaa  dhagaystay Taliyayaasha qaybaha gobolka banaadir Saraakiisha Ciidamada Boliis militara iyo ciidanka aan muuqan ee Nisa .

Intaasi ka dib waxaa laga hadlay dhacdooyinkii udambeeyey ee ka dhacay caasimada iyo sida ciidanku uga hortageen Falal Amni darro oo ay Damacsanaayeen Khawaarijta Arxanka Daran ee Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Sareeya Guuto Sulub Axmad firin ayaa si gaara u amaanay Ciidamada kala duwan ee Amaanka oo uu sheegay in ay Hayaan shaqo aad culus waxa uuna Wasiiru dowlaha Amniga gudaha la wadaagay Waxqabdkii u qabsoomay ciidamada amaanka sidoo waxa uu faray saraakiisha amniga in ay sii laba jiraan shaqada ay u ahayaan bulshada .

Gabagabadii shirka waxaa soo xiray wasiiru dowlaha amniga gudaha mudane maxamed cali xagaa waxa uuna sheegay in ay muhiim tahy in kor loo qaado amniga caasimada iyo nawaaxigeeda oo isbadal wayn laga dareemay maalmihii lasoo dhaafay .

Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay Sharciyo kasoo gudbay Golaha Wakiillada

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay sharciyo kasoo gudbay Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug kuwaas oo kala ah Sharciga Maaryenta Dhulka, Sharciga Xakameynta Hubka, Hishiishkii Doorashooyinka Golaha Wadatashiga Qaran ee ay meelmariyeen Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug Iyo miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2024-ka.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Golaha wakiillada Dowladda Galmudug iyo khubarradii kaso shaqeeyay uga mahadceliyay dadaalkii ay galiyeen sharciyadaan dhaxalka u ah bulshada reer Galmudug.

 

RW Xamse “Jawaab deg deg ah ayaa laga bixiyay duulaankii ay Khawaarijtu ku so qaaday Waxbarashadda 29-kii Oktoobar”

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo deg-deg ah oo ay kamid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay naxariistiisa Janno in uu ka waraabiyo shuhadadii naftooda ku waayey falkaas argagixiso, waxuuna hoosta ka xariiqay in aan looga hari doonin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed kooxaha dhagar-qabayaasha ah oo laga xoreeyey deegaanno badan oo dalka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Waxbarashadu aysan u hakan doonin falalka gurracan ee argagixisada, iyada oo miisaaniyadda cusub ee dhawaan la ansixiyey ay kamid yihiin shaqaaleysiinta 6-kun oo macallimiin ah, kuwaas wax baraya ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madal lagu xusuusanayey, looguna ducaynayey shuhadadii naftooda ku waayey weerarkii 29-kii Oktoobar, ayaa ku ammaanay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed sida ay ugu baraarugsan yihiin dhagarta cadowga baneystay daadadin dhiiggooda.

       

RW Xamse oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga sannad-guurada 100-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay Sannadguurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jahmuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo lagu maamusayey sanad-guuradan ayaa ka hadlay xiriirka sooo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir istiraatijiyadeed oo sal adag leh, gaar ahaan waxay labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada”.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaliya ayaa tilmaamay sida shacabka iyo dowladdeennu ay farxaddooda ula qeybsanayaan, taas oo ka tarjumeysa tiirarka adag ee ka dhexeeya labada dhinac.

         

𝗕𝗮𝗻𝗸𝗶𝗴𝗮 Ziraat Katılım 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗧𝘂𝗿𝗸𝗶𝗴𝗮 Oo 𝗹𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗳𝘂𝗿𝘁𝗮𝘆 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮

Waxaa maanta magaalada Muqdisho Lagu qabatay Munaasabad lagu daah-furay Bangigii ugu horeeyay ee laga leeyahay dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga oo lagu magacaabo Ziraat Katilim, waxaana kasoo qeyb-galay mas’uuliyiin katirsan dowaldda madax ka socotay Bangiyada dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya xildhibaan Jabriil Abdirashiid Xaaji oo kamid ah madaxda ka qeybgashay xaflada ayaa yiri ” Bankigaan wuxuu fududeen doonaa xariirka ganacsi ee aan la leenahay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga”

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qeybgalay xaflada daah-furka ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahy in Bangigii ugu horeyay ee dalka dibadiisa laga leeyahay uu xarun ka furto magaalada Muqdisho.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xariga ka jarno xarunta banki caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliya”ayuu yri wasiir Biixi Imaan Cige.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe ayaa isna lagi yiri “Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa farxad u ah in uu dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeedbala wadaagno in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Oktoobar 2023, si rasmi ah loodaahfuray Bangiga Ziraat Katilim, laantiisa Soomaaliya.

Furitaanka Bankigan cusub waxayqeyb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee udhexeeya Soomaaliya iyo dalalka aan wax kala iibsiga leenahay sida Jamhuuriyadda Turkiga.

Ugu dambeyn Bankiga dhexe ayaa sheegay inay Soomaaliya ka go’an tahay dib u habeynta , kobcinta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda ee dalka.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MAANTA DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku gaaray dalka Mareykanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magalada Washington ee Caasimadda dalka Mareykanka waxa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Golaha Wakiilada dalka Mareykanka, iyagoona yeeshay kulamo looga hadlaayay sidii bog cusub iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka.

Madaxweyne Xasan oo Cali Jeyte Cismaan u magacaabey u Qeybsanaha xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Macawisleyda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey Inuu noqdo U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

Mudane Ali Jeyte Cismaan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo sida kale Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo door weyn ku leh dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo sheegay inay diyaar u yihiin gurmad gaarsiinta Gaza

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo shacabka Soomaaliyeedba diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin gumaadka khawaarijta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayso.

“Cadowga Khawaarijta ee inta nagu gumaadayo iyo kan Yahuudda ee Gaza gumaadayo waa isku mid”.

Dhimashada ilaa iyo hadda ayaa kor u dhaaftay 7700 Shahiid oo 3195 caruur yihiin, iyadoo Israel loogu baaqay in xasuuqa ka socda halkaas joojiso balse diiday, waxaana teegeero aan gabasho laheen la garab istaagay dalalka reer galbeedka.