Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ka qeybgalay Dibadbax lagu xusayo qaraxii 29-October ka dhigay Soobe

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay dibad-baxa ballaaran oo lagu xusayo Qaraxii bahalnimada ahaa ee 29-October 2022-khawaarijta ay ka geysatay isgoyska Zoobe.

Banaanbaxa waxaa ka qeybgalaya wasiiro,xildhibaanno katirsan labada Golle ee dowladda iyo Bulshada Caasimadda, kuwaa oo marka hore alle uga baryay in uu jannadiisa ugu deeqo dadkii ku Shahiiday qaraxaasi,waxaana ay shegeen in maanta meesha la joogo Sanad ka hor aan la joogin awoodi khawaarijtana la wiiqay.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo sanad ka hor billaabay howlgallo dalka looga xoreynayo khawaarijta ayaa degaanno badan oo katirsan dalka ka saaray khawaarijta,waxaana taa ay keentay in ay yaraadaan falalkii amni darro ee khawaarijta ka geysan jirtay Magaalada Muqdisho.

Shacabka soomaaliyeed ayaa dhankooda ku baraarugay dhagarta khawaarijta iyagoo u istaagay in xoog iyo xoolaba ay uga qeyb qaataan howlgallada dalka ka soconayo.

 

XIKMAD LA’AANTA KA JIRTA BARAHA BULSHADA QAARKEED.

Waxaa soo badanaya oo kordhay waayadaan dambe Akhlaaq xumada iyo fisqiga, damqasha la’aanta, naxariis darada, jaahilnimada, xasadnimada, dadnima la’aanta iyo dulinimada.

waxey sabab u noqotay in aan aragno maalin kasta qof ceebtiisa la faafinaayo war hooy ilaaheey uga baqa umada, waxey moodaan in ay faa’iida ka helayaan haddii ay gabar yar ama wiil yar ceebeeyaan, Baraha bulshada Social mediaha si qaldan ha u isticmaalina si wanaagsan u isticmaala.

dowlada soomaaliya, garsoorka, hey’adaha xuquuqul insaanka cid kastaa oo awood leh alle ayaa awood u sugnaataye dadka wax yaabaha xuxun faafinayo oo hablaha telegramka social mediaha baada uga qaato gacanta ha lagu dhigo falka ay geesteen ha lagu ciqaabo.
Shacabka waxaan leehay ayagana war meel uga soo jeesta maanta haddaad aragtaan dad foolxumo wado rag ama dumar oo aad u fiirsataan bari adinka ayey idinku imaanee ha la dilo kuwa dulmiga umada ku dhax wado yaan loo aaba yeelin.

Shirkadaha baraha bulshadu si.ula kaca ayay uhindiseen ablikeeshinada baraha bulshadu inay noqdaan kuwo laqabatimo sida balwada
Mana.aha hadal aan anigu iskaleeyahay ee waa hadalkii aydhaheen dadkii hindisay ablikeeshinad.

Waxa ay sheegeen yoolkoda ugu wayni inuu yahay in la badiyo wakhtiga aad ku bixinayso baraha bulshada maxay urabaan inay kordhiyaan wakhtiga kaaga baxaya waxay rabaan inaysoo bandhigaan xayaysiisyo si.aad waxbadan ugadato
Muhiimadoodu waa kobac dhaqaale
Inay sameeyaan waxay u.eg tahay in dagitaan badani meesha ku jiro.

Waxaa loogu yeeraa tartanka loogu jiro gunta hoose ee maskaxda si gacanta loogu dhigo dareenka dadka waa tee shirkada ugu badan ee tartanka kula jirta youtupe waa facebook ama aan soo qaadano hadalkii uu yiri madaxa Shirkada netflix waxa uu sheegay waxyaabaha ugu badan ee tartanka kula jira netflix inay yihiin youtube facebook wax kalana maaha ee waa hadii wakhtiga dadka aad adigu la wareegi waydo Shirkad kale oo tartan kugula jirta ayaa la wareegaysa.

Sidaa awgeed shirkadahani waxay tartan ugu jiraan waa meesha aad wakhtigaaga ku bixinayso shirkad waliba waxay dagaal ugu jirtaa inay hesho wakhtigaaga uga badan fikirka dhaliyay ablikeeshinnada in qaabkan loo yagleelo ee uu facebook ugu horeeyo, waa qaab ku dhisan sidee ayaan ku heli karaa wakhtigaaga inta ugu badan maka warqabtaa sida uu wakhtigu qaali u yahay.

WQ; C/salaam M. Yaasiin

WAXTARKA IYO VITAMIINNADA KU JIRA KHUDAARTA CAGAARAN OO LA OGAADAY.

Maqaalkaan waxaan uga hadli doonaa oo ku faahfaahin doonaa faaiidooyinka iyo waxtarka ay inoo leedahay qudrada qaar ka mid ah waxaana ka mid ah.

1) Sare ee Antioxidants Waxyaabaha ugu wanaagsan ee warka wanaagsan waa, waxay ka buuxaan sunta ka hortageyaasha ah! Haa! Khudaarta cagaaran waxay hodan ku yihiin fiitamiin A – waxay u fiican yihiin dhisida difaaca jirka ee dabiiciga ah, fiitamiin C maqaarka caafimaadka qaba iyo lafaha iyo fitamiin K si ay jirkaaga uga caawiso inuu dhakhso u bogsado markii loo baahdo. Ka sokow fiitamiinadan, khudaarta cagaaran ee quruxda badan ayaa sidoo kale hodan ku ah potassium iyo iron.

2) Waxaa ka buuxa Macdanta Khudaarta cagaaran, gaar ahaan isbinaajka, waxaa lagu yaqaanaa inay ku badan tahay magnesium. Magnesium waa macdan lagama maarmaan u ah joogteynta caafimaadka muruqyada, iyo sidoo kale sameynta lafaha – waxay ka caawineysaa nuugista kalsiyum.

3) Ilaha dabiiciga ah ee Fiber Cagaarka cagaarka ahi waa il macaan oo laga helo fiber dabiici ah, caawisa dheef shiidka iyo gaabinta heerka uu jirkaagu uqabo sonkorta. Tani waxay ka hortageysaa kor u kaca kacsan ee gulukoosta dhiigga.

4) Waxay wanaajisaa dheef-shiid kiimikaadkaaga Sida caleenta, cagaarka cagaaran ee burbursan ayaa ku badan bir iyo fiber, waxay si dabiici ah u wanaajinayaan dheef-shiid kiimikaadkayada waxayna ku sii hayaan wax soo saarka unugyada dhiigaaga casaanka heer caafimaad leh. Markaa saxankaaga kor u qaad!

5) Waxay kaa dhigeysaa inaad dareento mid aad u sii dheer Maaddaama ay ku badan tahay xayrta fiber-ka, cagaarka ayaa ah xalka ugufiican ee calool-xumaanta. Inta badan ee aad wax cuntid, waxay u badan tahay inaad la kulanto junk-ka koobka!

6) Wuxuu Ilaaliyaa Indhahaaga Sida hore loo soo sheegay, Lutein iyo zeaxanthin, midabka dhirta ee laga helo khudaarta cagaaran ee cagaarka ah ayaa la sheegay inay saameyn waxtar leh ku leeyihiin heerarka midabka indhahaaga markay cunayaan ugu yaraan 10mg maalintii.

7) Ilaalinta qoraxda Hadda ha iska tuurin muraayadda qorraxdaada – weli dhihi mayno ‘veg cagaarkaaga’ waa bedel! Si kastaba ha noqotee, waxaa la sheegaa inay kordhineyso difaaca jir ahaaneed ee jirkaaga waxyeelada qorraxda iyo xitaa dayactirka, Thanks to your vitamin khudradda cagaaran, folic acid iyo beta-carotene.

  1. Siin Naftaada Khudaarta cagaaran ee cagaarka ahi waa isha weyn ee folate, tanina waxay gacan ka geysaneysaa wax soo saarka serotonin, waxaad ka heli kartaa niyaddaada kor u qaad!

9) Waxay kuu ilaalinaysaa Biyo la’aan Ugu dambeyntiina, khudradda cagaaran waxay kujiraan biyo fara badan, taas oo macnaheedu yahay ku darista saxankaaga waxay kaa caawineysaa inaad biyo qaboojiso, joogtaynta maqaarkaaga caafimaad iyo timahaaga.

WQ: c/Salaam M. Yaasiin

FATAHAADDA WEBIYADA WAA QATAR U BAAHAN IN LAGA HORTAGO HADDA

Sanad kasta marka aya da’aan roobab mahiigaan ah aadna u buux dhaafaan labada webi ee mara Soomaaliya waxaa lagala kulmaa dhibaatooyin isugu jira mid hantiyeed iyo mid nafeed waxaana loo qeyliyaa hey’adaha iyo maamulada ka jira dalka taas oo aan habbooneyn marka ay wax dhacaan uun in la qeyliyo .

Xalka adduunyadu waa ka hortag iyo ka dabatag , ka dabatagguna wuxuu yahay xalka dhibaatadii dhacday goor ay wax dhinteen waxna burureen waxna dhinteen.

Meyd dad iyo xoolaba leh soo fiirintiisa wax macano ah ma sameyneyso sababtoo ah waxna wey dileen waxna wey burbureen waxaana loo baahan yahay oo keliya in nolosha laga fekero sidaas oo kale gurmadka waxaa uu habboon yahay inta aaney wax dhicin in laga hortago.

Soomaalidu aad bay u yaqaanaan weliba sida fatahaadda webiga looga hortago kuwaas oo ah;

– In aan la degaameyn meelaha uu webiga ka soo jabsanayo xilliyada roobabka

– In loo furo dhammaan kelliyada lagana qaado qashinka iyo ciidda goysay.

– In xilliga jiilaalka laga saaro qashinka lagana qaado carrada.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa ‘iskaashato ma kufto haddey kuftana ma kacdo” hadaba iskaashiga wuxuu furan yahay xilliga aan roobabka di’in ka hor oo aaney dhicin fatahaadda .

Haddii si wadajir ah loo fekero lagana qabto webiga shaqo wadajir ah oo ganacsatada iyo dadka hantida heysta ay juhdi ku bixiyaan dadweynuhuna uu gacan ku siiyo dhibaatada fatahaaddu wey yaraan laheyd waxaana soo noqnoqda sanad kasta in uu webigu dhibaato u  geysto degaanka iyo nolosha dadka iyo dalaggii beeraha .

Miyeysan habboneyn biyaha soo fatahaya in loo sameeyo harooyin si looga faa’ideysto xilliga jiilaalka ee ay biyo la’aantu jirto.

Wax badan ayey anfaci lahaayeen haddii biyo xireenno loo sameeyo.

Haddaba intii ay soomaalidu ka faa’ideysn laheyd ayaa hadana waxaa dhacda in ay dhibaato ka soo gaarto soomaalida.

Waxaa jooga injineerro iyo deegaan yaqaan wax  ka qaban kara haddii la kaashado maskaxdooda .

Xilligii dowladdii dhexe webiga xilliga jiilaalka ee uu maran yahay ayaa laga shaqeyn jiray oo weliba meelaha dallcadda ah hoos loo qodi jiray waxaana looga faa’ideysan jiray si aan biyuhu u soo fatahin xilliga roobabka.

Waxa kale oo laga shaqeyn jiray kelliyada ku xeeran webiga .

Soomaalida waxaa looga baahan yahay iskaashi maskaxeed iyo isugeynta awoodda ayna degaankooda si wadajir ah wax uga qabtaahn.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

Ciidanka xoogga oo gacanta ku dhigay Xubin katirsan khawaarijta oo falal Amin dari ka geysanayay Kismaayo

Ciidanka kumaandooska Danab ee ku sugan Magaalada kismaayo ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowliid Axmed oo katirsan khawaarijta.

Abashir Mowliid ayaa ahaa bamba tuure katirsan khawaarijta ayaa ciidanka gacanta ku dhigeen isagoo bambo gacmeed ku weeraray xarun ciidanka xoogga ay ku lahayeen kismaayo,isagoo markii uu falka geystay damcay in uu baxsaday balse ciidanka xoogga ee halkaa ku sugnaa ayaa gacanta ku dhigay.

Dhagar qabahan ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegay in uu katirsan yahay Al-shabaab falal amni darana uu ka maleegaayay magaalada kismaayo,waxa uuna hadda ku jiraa gacanta ciidanka aminga ee ku sugan Magaalada kismaayo,halkaa oo lagu weydiinayo su’aalo dheraad ah.

Madaxweyne Lafta-gareen oo odayaasha Dhaqanka Diinsoor kala hadlay dardargalinta wajiga 2-aad ee dagaalka khawaarijta

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kala hadlay Odeyaasha Dhaqanka iyo Dhalinyarada Degmada Diinsoor Qorshaha Qaran ee Dabar goyta Khawaarijta Alshabaab iyo Midnimada iyo Wadajirka dadka dega Degmada Diinsoor.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Difaaca Dalka Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Qorshaynta Koonfur Galbeed Mudane Xuseen Maxamuud Shekh Xuseen iyo qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo xubnaha wafdiga ee la socdo ayaa odayaasha iyo waxgaradka kala hadlay dardargalinta wajiga 2-aad ee howlgalada ka dhanka ah khawaarijta,iyo sidii looga wada qeyb qaadan lahaa dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAFY (QEYBTII 59-AAD)

“Haah hooyo.” “Axme ma joogo.” “Jaa waa baxay miyaa?” “Shalaydii horuuba baxayoo, waxaan u malaynayaa, Gobollada iyo meelahaas in uu aaday baan u malaynayaa.”

“Gobollada aa? Alla aayoy ma hubtaa? Intee waaye Gobolyaalka?” “Maandhay anigu mana caddayn karee, mar baan maqlayey isagoo leh meel baa shaqo la iigu diray.

Wallaahi meesha markii isagu waaba sheegayey, ee anaan shaqfad lahaynoo iska liqay. Jamaame miyuu yiri, mise Jarriiban, mooyi. Waa un meelayowgaas.”

Maana eray dambe kama soo bixin. Dhuuntii baa hal mar engegtay. Afkii baa jawraray. Carrabkii baa cuslaaday. Wiish baa cirka uga yeeray. Wadnahaa gaddoomay. Meel laga jiray garan weyday.

Mar quray ka jeesatay islaantii oo weli u warramaysa. Warkii ay u sheegaysay bay xammili kari weyday Islaanta iyo warkeedaba uurkay ka nebcaysatay, sidii ay iyadu Axmed dhoofisay. Illin indhaheeda ku soo joogsatay bay kala carartay.

Irridkay hal-haleel uga baxday. Jaho ayan garanayn bay afka saartay. Addimadii baa ruuxu ka baxay. Oohin bay ceshan weyday. Af labadi bay yeertay. Oheey oh! Adduunyadu dhib badanaa! Uurku-taallo weynaa.

Ifka maxaa kadeed yaal! Bal miskiinaddaa eeg. Albaabkay garaacdaba ma soo oodmayaa muddo saacad ku dhow markay uurka iyo indhahaba ka ilmaynaysay bay istiri, Horta maad war sugan raadisid? Warshaddii wiilkeedu ka shaqaynayey bay ku dhaqaajisay.

Waxay ku sii riyoonaysay iyadoo Axmed Warshadda ka dhex heshay, islaanta warkeediina beenoobay war xunow lagu waa! Maana Warshaddii bay isa sii taagtay.

Runtii kharaarayd bay mar labaad hardiday. Islaanta warkeedii ma beenoobine iyada riyadeedii baa beenowday ha u bixin, waa riyo iyo caadadeede warkii waa la caddeeyey Injineer Axmed shalay baa shaqo degdeg ah Jilib loogu diray.

“Afar-shan beri buu maqnaanayaa,” baa la yiri. Yaa dhintay yaa nool? Afar iyo shan daaye, caawa hadduu dhaxo, ciribtiis go’day, Maanana galbatay. Bal guuldarradaas eeg! irrid kaloo ay garaacdo markay garan weyday, bay aqalkii Leyla xaggiisa u soo luuddey. Goor maalintii shan saacadood gudubtay bay gurigii ay aroorti ka kallahday ku soo dhacday, iyadoo addimada dhulka

ku jiidaysa, unuunkeeduna culays weyn ku hayo sidii qof kiintaal ciid ah madaxa loo saaray. Erayadii kharaaraa baa weli dhageheeda ka sii yeeraya, “Axmed ma joogo. Shalaydii horuu baxay.

Gobollada iyo meelahaasuu aaday baan u malaynayaa. Jilib baa shaqo degdeg ah loogu diray!” Jilibeey laguma dego may Injineer kale dalbato May shaqadeeda dib u dhigato, maxay ku deg degaysaa? ma dibindaabyadayda iyo dumista aayahayga!

Iyadoo sidii qof duumo hayso u hagoogan bay soo gashay bersaddii gabdhuhu ku sugayeen hal mar bay sacab iyo mashxarad la soo boodeen dhawaaq farxadeed bay kala hor tageen, iyagoo kaftan iyo ciyaar la sacbinaya, ee ku qaylinaya,

“Weey, arooska! Arooska! Arooska!” Ina eedadeed Shariifo oo u buuq yarayd, ergadana iyadu hoggaaminaysay ayaa tiri, “Waryaa maxaa jira inteed ka baxday isla wareeg yahay, ad beriga waaba na noojisaye?”

Iyadoon afkeeda u furin bay hore uga gudubtay qayladoodii baa madaxii wareersanaa sii danqisay arooska ay kula kaftamayaan bay ku xajiimootay  farxaddoodaa dhibaysa.

Waayo, waxa farxadda ka keenay bay og tahay. Waa waxa iyada murugada ku beeray muruqa laba suulle, ninba si ku ah! “Maxaa? Wajigaada see camal? Wax faraxsan ma u ekide?” mid baa ku tuurtay.

“Qaf arooskeeda loo darban yahay, iidana tiirayso, maa la soo arkay?” mid kalaa ka daba tiri mid saddexaad baa intay isku hallays garbaha gacanta uga saartay, cod macaan ku tiri, “In run ka tahay maa mudaysiin, iswareys lee waaye.

Qalbigay ka faraxsan tahay. Soo bax, soo bax! Saacaddaan dadka waa na dhararsadeene!” Intay gabadhii kaftamaysay gacanteedii iska dalfisay bay sariir isku tuurtay.

 

Madaxweyne lafta-gareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Diinsoor

Diinsoor:-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiirka Qorshaynta iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Degmada.

Safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta iyo wax ka qabashada Baahiyaha ka jira Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Maxay ka dhigan tahay Wasiirada oo bishan mushaarkooda ku biiriyay dagaal Khawaarijta? (WARBIXIN)

Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiin  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 202-kii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Sanadka ay dowladdu waddo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta waxa uu ahaa, sanad khawaarijta la dilay, la dhaawacay, la qabtay, la cunaqabateeyay, iyada oo inta soo hartayna lagu daba jiro firxadkooda. Haddaba si loo sii dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Argagixisada ah Shabaabka ayay Xukuumadda DanQaran ay muujisay sida ay uga mideysan tahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, iyadoo Wasiirada Xukuumadda ay bishan October mushaarkooda ku biiriyeen ama ku bixinayaan dadaalada dagaal ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shir gudoominayay kalfadhiga oo dhacay maalinti khamiista ahed, islamarkaana ay sidoo kale ku ansixiyeen hindise sharciyeedyada muhiimka ah, sida:- warbixinta waxqabadka miisaaniyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

Biilasha la ansixiyay waxaa ka mid ah:

1.Xeerka Diiwaangelinta Sakada

2.Hindise sharciyeedka Wakaaladda Adeegga Saadaasha Hawada

3.Hindise sharciyeedka dib u eegista burcad badeedda iyo afduubka

4. Hindise Sharciyeedka Taageerada iyo Ilaalinta Barakacayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna  kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan, iyadoo Xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ay ka kooban yihiin 13 Wasiir.

Fadhigaasi waxa kale oo lagu lafo-guray warbixinta waxqabadka miisaaniyad sanadeedka 2022-ka, iyadoo aragtiyo qiimo leh laga bixiyay miisaaniyada qaranka, iyadoo uu Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, uu horgeeyey golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022-kii oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka. Akhrin iyo falanqeyn dheer ka dib golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022-ka ee uu soo gudbi Xisaabiyaha Guud ee dowladda.

Waxaa xusid mudan Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha Dowladda waxaa wadanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii, iyada oo wixii intaasi ka dambeeyay aan la sameyn wax xisaab xir ah.

Dhinaca kalena waxaa safarro lagu doonayo in taageero loo helo dagaalka ay Dowladdu kula jirto Argagixisada heerka caalamiga ah ee Al-shabaab ayay Madaxda ugu sarreysa Dalka ayay ku marayaan, waxaana ka mid ah Madaxdaasi Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo socdaal ku jooga Dalka Maraykanka ayaa boggaadiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka, isagoo ku booriyay in ay gacan ka geystaan dadaalka loogu jiro horumarinta dalka iyo la dagaalanka Kooxda Argagixsada ah ee Shabaabka, “ Madaxweynaha Dalka oo mar walba jooga Jiidda hore ee dagaalka, nooma suurtogaleyso inaan meel iska fadhinno, waxaana nagu waajib ah dhammaanteen inay qeyb ka qaadanna dagaalkaasi, oo aan la garab joogsanno hiil iyo hooba”, ayuu sii raaciyay Guddoomiyuhu isagoo la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Washinton DC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamjuud oo isna safarro ku kala bixinaya Wadamado ayaa taageero u raadinayay dagaalka ay Dowladdiisu ugu jirto la dagaalka Kooxda Khawaarijta ah, waxa uuna safarkiisa ka bilaabay Dalka Bijam, magaalo madaxdiisa ee Brussels, halkaasi oo ay ku kulmayeen Madaxda Midowga Yurub ee Wadamada soo koraya, isagoo halkaasi  kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, waxayna isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u sii gudbay Dalka Turkiga oo aan walaalaha nagay, isagoo kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan, kaasi oo ka dhacay magaalad Istanbuul, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah, wuxuuna la wadaagay Madaxweyne Erdogan miro-dhalka Wejiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal.

Safarka Madaxweynaha ayaa daba jooga kulan ay Dowladaha Dunida ugu waaweyn adduunka ay Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyay dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka, kaasi oo ka dhacay Magaalada Ankara ee Xaruunta Dalka turkiye, waxaana sidaasi caddeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dalka Türkiye, kaasi oo  sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ka qeyb galeen Dowladaha Türkiye, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta ee Midoobay (UAE), Boqortooyada Dalka Ingiriiska the United Kingdom (UK) iyo Dowladda Maraykanka (USA).

Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba Taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ka socda dalka ee uu  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in Dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka Argagixisada Shabaabka.

Haddaba isku soo wada xeeriyoo maxay ka dhigan tahay in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay bishan Oktoobar mushaarkooda ku biiriyay ama ku bixiyaan dadaalka dagaal ay dowladdu kula jirto Kooxda Khawaarijta ah?, sida ay qabaan dadka aad u falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku sheegaya inay tahay inay xubnaha Golaha Wasiirada ay ku muujiyinayaan sida ay u barbar taagan yihiin dagaalka lagula jiro Argagixisada ee uu Madaxweynaha JFS uu Hoggaaminayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose Xamar

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay xarunta howlgalka degdega ee Caafimaadka Dadweynaha ahna xarunta guud ee waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar.

Dhismaha xaruntan ayaa qeyb ka noqon doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda JFS iyo in bulshada helaan adeegyo caafimaad oo taya leh kuwaas oo qeyb ka ah balan qaadyada maamulka gobolka Banaadir.