Guddoomiye Abshirow oo kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola

Angola:-Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa maanta magaalada Luanda kula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola Mudane Raul Augusto Lima waxaana ku wahlinayay Xildhibaanada labada golle ee BJFS Xoghayaha Guud Ee Aqalka Sare Xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ugu horeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Dalka Angola ugu warbixiyay xaladda Guud ee dalka Soomaaliya isagoona dhigiisa Angola ka dhageystay warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee dalka Angola iyo Shirka 147aad Ee barlamaanka Aduunka sida ay ugu diyaar garooween martigilinta Shirkaan Caalimiga ah oo noqonaya Markii ugu horeysay oo wadan Afrcan ah lagu qabto doorashada IPU

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaaka Soomaaliya iyo kan dalka Angola isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka

Sidoo kale Waxaa Magalada Luanda ee wadanka Angola ku soo gabagabobay maanta Shirkii 147aad ee Baarlamanka Adunka Waxaa lagu doortay Madaxweynaha IPU waxaana ku guuleystay xildhibaan Tulia Ackson una dhalatay dalka Tanzania

Gabagabadii Guddoomiyaha ayaa umahadceliyay dhigiisa Angola Soodhaweynta balaaran uu usameeyay asiga iyo wafdigiisa waxa uuna guddoon siiyay Haddiyad uu kasiday jaaliyada Angola Dhankiisa Guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Angola ayaa silamid ah guddoon siiyay Guddoomiyaha Haddiyad iyagoona balan qaaday in ay sii xoojin doonaan wadashaqeynta labada baarlamaan.

WAA MAXAAY NOLOSHA DHABTA AH (QEYBTA 2-AAD)?

Maxay i bartay nolosha dhabta ah?

Nolosha dhabta ah waxay i bartay in jaamacad iyo iskuul aan wax ka barto ka dibna aan imtixaan galo, laakiin nolosha dhabta ah imtixaanka ayaan galnaa ka dibna markaasaan wax barannaa

Sidoo kale, Nolosha waxay i bartay in hadal gaaban oo idin dhexmara qof xikmad badan, ama dood yar ay u dhiganto bil duruusteed oo kale.

Nolosha waxay i bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan ka dib rabtaa inaad gaartid?

Waxaan bartay in ay qofka u-khayr-badan-tahay inuu ahaado diin-diin ku socda dariiqa toosan, inta uu ahaan lahaa deero ku socota dariiqa Khaladka ah.

Waxaan bartay in furaha khasaaradu uu yahay in qofku uu isku dayo inuu raalli geliyo cid kasta.

Nolosha dhabta ah waxay i bartay in camalka wanaagsani uu aad uga fiican yahay hadal wanaagsan oo kaliya.

Waxaan bartay in ay badan yihiin dadka hela waanooyin badan, laakiin ay yar yihiin inta ku dhaqantaa.

Nolosha dhabta ah waxay i bartay in khasaaraha aysan ceeb ahayn, laakiin ay ceeb tahay in aan waxba la tijaabin.

Waxaan bartay in ay jiraan laba nooc oo dadka ah:

a)-Dad u-dabaalanaya meesha uu markabku taagan yahay, iyo b) Kuwa taagan oo sugaya in markabku uu iyaga xaggooda usoo dhaqaaqo.

Noloshu waxay i bartay in qofku uusan hoogin haddii uu khasaaro, laakiin uu khasaaro marka uu joojiyo dadaalkiisa.

Waxaan sidoo kale, bartay in qofka guusha gaaraa uu yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan.

Waxaan bartay in hubka ugu weeyn ee qofku helaa uu yahay: Sabirka iyo Waqtiga.

Waxaan bartay in nolosha dhabta ah lagama maarmaan tahay in qofku uu isku dayo in uu sameeyo camal gaarsiiya ilaa xiddigaha, laakiin uusan illoobin in lugihiisu ay dhulka joogaan.

Waxaan bartay in marka aad qoslaysid uu adduunka oo-dhammi kula qoslayo, laakiin marka aad ooyaysid aysan kula ooyaynin! Nolosha dhabta ah waxay i bartay in farqi weeyni u-dhexeeyo tijaabinta badan iyo ka-quusashada wax ay naftu rabtay.

Waxaan bartay in geedkii miro-badani uu yahay kan dadku mar-walba ay jecel yihiin.

Ugu dambeys waxaan bartay in dareenka wanaagsani uu yahay kii naftaadu ku qanacsan tahay adigoo ogsoon waxa aad samaysay in ay wanaag ahaayeen, adduunka oo-dhaniba ha kugula colloobeen.

Waxaan bartay in wax-kasta oo aan u-aragno in ay weyn-yihiin oo adduunka yaallo in ay nala fiican yihiin oo waxtar noo leeyihiin sidoo kale farxadda ayaa la  weydiiyay halka ey deggan tahay? waxaayna ku jawaabtay waxaan degganaahay qulubta dadaka raali ku noqda wuxuu illaaheey u qoray

WQ: HIDAAYO CABADULLE

 

SUUL COWRO (FAADUMO FARA-LACAG) QEYBTA 1AAD WAA SHEEKO CARUUREEDKA TODDOBAADKA

Waa hore waxaa jiray laba gabdhood oo walaalo ah. kalana bah ahaa. Labada gabdhood midi nacas ayey ahayd. waxaana la odhan jiray Dhoongo. ta kalena fariid bay ahayd. waxaana la odhan jiray Saluugla.

Maalin maalmaha ka mid ah ayey labadii gabdhood kala raaceen labadoodii adhi ee labada bahood, una daaq geeyeen meel gocoso ama goon leh.    Markay rabtii adhi- gii ku soo ekeeyeenna gocosadii ayey qoteen.     Intay go cosadii ku siijeedeen ayaa adhigii hal cabbaar ah ka durkay.

Had iyo jeer intay qodanayeen gocosadii inantii Saluugla ee fariid ahayd adhigooda ayey ilxoolaadinay- say, markuu dhamcana marba way soo dabaalaysay, hase yeeshee inantii Dhoongo ee nacasta ahaydse ilayn horey Soomaalidu hadal u dhammaysay, wataa ku maah- maahday «Ilayn doqoni hadhkeedeey hoosiis moodaayee», waxay bidhaansataa marba soonah ku beegan halkuu adhigu markay (Soonahda oo midabka adhiga leh «cads daan»).

waxayna ku tidhaahdaa walaasheed Saluugla, ‹Col qaadkiinu hawl badanaa kaayagiiba waa ka halkiisii daaqayee: Bismilaahi Raxmaani raxiim ! naadee wade nihii buu kaa qabtayee».

Waxay“ gocosadii gurtaanba inantii Saluuglana adhigoodii ilaashato, Dhoongana ay bidhaansato soonah- dii, sidaas ayaa cadceeddii ku gaabatay inanti fariida ahaydna ku carraabisay adhigoodii kuna hoyaatin gey- say, nacastiina is tidhi soo kaxee adhigii. saa meeshuba waa cidla, waxay bidhaansanaysayna waaba Soonab, adhigiina saaka salaadii ayuu jiciirtay, duurkiisana xu- lay. Sidaa ayaa adhigii Dhoongo ku baadiyoobay kuna tegay.

Dhulkii wuxuu noqday hiimsehiimse, runtii mar kay ogaatay in aan adhi meesha joogin ayey baroor ma- daxa qabsatay iyadoo ku dhawaaqaysa erayo naxdin iyo uurkutaallo leh, «Alfa hoogay oo ba’ayeey habeen baas

ma ii dumay. ma caawaa horor ka dhergay hantidayadii». Waxay cabbaar baroorataba tafa intay qabsatay ayey baadidoon tagtay. Waxay ruclayso oo hadba geed baa- riga ku qaaddo ileyn raad iyo ruux toona arkimayso oo waa mugdiye, xeelad baadi-doonna ma taqaane, waxay la kulantay Waraabe, waxayna weydiisay adhigii cma arag ayuuna ku yidhi ee halkaa mar».

Waraabihii markay ka tagtay waxay kale oo la kulantay Harimacad, su’aashii Waraabaha ay waydiisay ayey isna u jeedisay, wuxuuna ugu jawaabay, «Maya ee halkaa mar».

Hal cabbaar ah markey ka socota;y Harimacadkü ayey u timi Shabeel, su’aashii ay Waraabaha iyo Hari- cadkii ay waydüsay oo ahayd. adhi ma aragteen? ayey isna weydüsay. •Maya ee halkaa mar•, ayuu iena ku yidhi sidii huwii hore oo kale.

LA SOCO QEYBTA KALE

Qore; Ibraahim Carab Jaamac

 

BADBAADINTA KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE DALKA SOOMAALIYA

Soomaaliya wax soo saarkeeda aad ayuu u horeeyay, waqtigii nabadda ay aheyd Dadka Soomaaliyeed ay isku duubnaayeen, waxey soo saari jireen waxyaabo badan oo kala duwan, sida Sonkorta, Hilibka, Caanaha, Qudaarta, Miraha iyo wax yaabo badan oo aan la tiri karin.

Soomaaliya waqtigaas waxey aheyd waddan aad loogu soo dalxiiso, oo dhaqaalihiisana kor u socday.

Dhaqaalaha soomaaliya waxuu mar ahaan jiray dhaqaalaha ugu xoogan Bariga afrika.

Wadamada ay Soomaaliya la ganacsan jirtay waxaa ka mid ah wadamada ay dariska yihiin iyo kuwa Yurub iyo Aasiya.

Maanta dhaqaalaha soomaaliya wuu burburay, sabab la xiriirto, dagaaladii kala duwanaa ee aan soo marnay kuwaasi oo jalaaftay dhan walboo ka mid ah meelihihii Waddanku uu ka dhisnaa sida Dhaqaalihii Waxbarshadii iyo wax walba oo bulsho ahaan ku hormari laheyn sida ay Siyaasad ahaan u bur burnay ayaa wax walbo u bur bureen.

Dagaalladii aan dhamaadka laheen iyo dowlad la’aantii inasoo martay alga soo bilaabo bilowgii sagaashamaadkii run ahaantii waxay galaafteen oo dib-u dhac ku rideen Dhaqaalaheenii xoogga badnaa iyo mguud ahaan horumarkeenii sida xowliga ah ku socday.

Ganacsi iyo Dhaqaale kama socon karaan meel aan amni iyo xasiloono aan ka jirin, laakiin iyadoo dhibkaasi uu jiro Ilaahay mahaddii Somaliya ganacsigeeda wuu sii siisocday oo heer kastaba ha joogo laakii ma uusan wada baabi’in ganacsiga,   sabab la xiiirto somalida qurbaha joogto oo wadanka lacago badan soo geliyo, lacagaasi oo dowr muhiim ah ka qaata ganacsiga Soomaalida inuu si uun usii jiro ganacsatada Soomaaliyeedna ay ku dadaaleen in uu Dhaqaalaha Dalku uuna joogsan.

Waddamo ay ka mid yihiin Mareykanka ayaa qiraya in ay soo ogaadeen in ganacsiga soomaaliya uu kor u socdo, waxan wadamo kala duwan aan u diri jirnay, Malaayga, dhuxusha, Mooska, sonkorta, Qamadiga, ama bariiska iyo galeeyda, dhinaca xoolaha waxaa somaliya laga dhoofiyaa Ariga, Laxda Geela iyo Lo’da .

Sida lasheego , Soomaaliya ayaa Barriga afrika ugu dhoofiska badan dhinaca Ariga, Laxda, Geela iyo Lo’da, taasoo muujinaysa sida dalkeenu qaniga ugu yahay Xoolaha iyo waliba dhul beereedka Ilaahay uu ku maneystay.

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaase ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood ookala ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Ariga, haddii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin: – Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Ratti kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.

2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal

4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

 

Dalagyada Soomaalidu beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

Miraha inta ee qaadaneeso

Galayda 70 beri

Masagada 99 beri

Sisinta 90 beri

Mooska 199 beri

Digirta 90 beri

Yaanyada 90 beri

Babayga 99 beri

bataatiga 199 beri

Lowska 150 beri

Canbaha 6 bilod

Magacyada Miraha

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.

Khayraadka Badda

Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.

WQ: Ibraahim Warsame Xuseen

 

SUGIDDA AMNIGA WAA FURAHA DHAQAALAHA DALKA

Ahmiyadda nabadda leedahay ma ahan mid dheel dheel ah waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay nolol, naruuro, caano iyo naxariis.

Sidaa daraadeed haddii la waayo nabad joogto ah waxaa ka dhasha dib u dhac xooggan oo ku yimaada kaabayaasha muhiimka u ah nolosha iyo nafley kasta ee ku dhaqan koonkan, dib u dhacaas waxaa uu haleelaa dhanka horumarka dal kasta uu ku tallaabsan lahaa .

Waxaa kale oo hoos u dhac ku yimaadaa dhinacyada caafimaadka, waxabarashada, waxsoo-saarka beeraha iyo wershadaha taas oo soo raacda in ay saameyn xoog leh ku yeelato isu socodka iyo is dhaafsiga badeecadaha ganacsiga .

Sidaa awgeed, lama maleyn karo heerka nabadi ay joogto lamana qiimeyn karo doorka ay ku leedahay horumarka waddan kasta marna agama yaabo in uu kobco dhqaalaha waddan kasta goorta ay la soo dersaan amnidarro taas oo caqabad ku ah sii horumarinta iyo bulaalidda dhqaalaha.

Waa arrin isku xiran marka si cilmiyeysan looga baaraandego habka koboca dhaqaalaha iyo amniga .

Sideedaba , waddan kasta ayaa loo igmaday in ay sugaan amniga ciidamo boliis ah oo si weyn loo carbiyey kuwaas oo qeybo kala duwan leh ay xil gaar ah u saaran yihiin adkeynta amniga shacabka iyo dabagalka dambiyada kala gedisan ee buulshada ka dhex dhaca .

Waxaa jira iyana booliska waddooyinka oo kaalin ka qaata habka wacan ee dariiqyada waddooyinka gawaaridu ku maran iyo la socodka culeyska gawaarida oo la buux dhaafiyo xamuulkooda taas oo ka timaada dhibaato naf iyo maal , kuwaas oo xakameeya shilalka dhaca.

Waxaa jira iyana boliis ka hortaga rabshadaha iyo fowdada magaalooyinka ka aloosma , kuwa dabdamiska ayaa iyana suga amniga iyo badqabka hantida iyo nolosha dadka ee ka dhasha meelaha uu dabku qabsado.

Waxaa iyana looga maarmin dal kasta ciidamo militari ah oo suga nabadda iyo sharafta waddan kasta kana ilaaliya in lagu soo xadgudbo xaduudaha dalka ee dhul , bad iyo cir isugu jira .

Haddii aysan waddan laheyn ciidamo qalabka sida qeybahooda kala duwan oo si weyn u horumarsan waxaa ka dhasha in la soo hunguriyeeyo laguna soo duulo .

Ciidamada ayaa ah kuwa difaaca dal kasta sharaftiisa iyo madaxbannaanidiisa waa sidaasiye marna ma horumari karo dhaqaalaha waddan marka ay isku murugto amniga dalkaas ka jira waxa markaaas loo baahan yahay in la dejiyo qorshe cad oo qeexaya habka istaraatejiyada adkeynta amniga waddan kasta taas oo xakameyneysa in lagu naalloodo nabad waarta oo u horseedda dalalka in ay ku tallaabsadaaanhorumar ballaaran ee koboca dhaqaalaha.

Dalka Shiinaha ayaa dadaal xooggan oo muuqda ka sameeyey kor u qaadista iyo horumarinta dhaqaalahiisa taas oo u sahashay in uu marka hore tixraaco qorshe lagu horumarinayo dhaqaalaha dalkiisa waana tan maanta ka dhigtay in uu hoggaanka  u qabto kaalinta koowaadna ka galo dhaqaalaha adduunka.

Waxaa biyo kama dhibcaan ah in laga feejignaado waxyaabaha wiiqi kara nabadda si markaa aysan ugu iman waddankaas hoos u dhac dhaqaale .

Waddamada la kulmay dabeysha burburka ee dagaalada sokeeye ayaa laga dhaxlay qaab darro iyo in sicir barar xooggan oo ku yimaada lacagta dalkaas , taa oo micnaheedu noqon karo in qiimaha lacagtaas ay noqoto mid uu ku yimaado qiimo jab.

Isu dheellitirka soo dejinta iyo keenista ayaa ah mid saamiga koboca dhaqaalaha qeyb ka qaata.

Arrintu si kastaba aha ahaatee waa in diirradda la saaraa adkeynta iyo xasilinta amniga taas oo aan looga maarmin koboca dhaqaalaha horumarsan iyo hiigsi hammi sare .

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

 

XUSKA 12-KA OKTOOBAR EE MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 69-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigay naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.  

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigidii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yir”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 68- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

WD:- Gobdoon.

 

MAXAAN KA FAA’IIDI KARNAA HADDAAN KU BIIRNO SUUQA GANACSIGA EE BARIGA AFRIKA (EAC)

Suuqa ganacsiga bulshada bariga afrika oo si weyn haatan ugu tallaabsanayo iskaashi dhexmara waddamada bariga afrika  iyo sidii ay u yeelanlahaayeen wax isdhaafsi dhanka ganacsiga iyo aqoonta ee waddamada ku bahoobay ururkaasi.

Soomaaliya oo la filayo in ay xubin ka noqoto ururkaasi ganacsiga bariga afrika ayaa looga fadhiyaa ganacsatada soomaalida in ay ka faa’iideystaan ganacsiga waddamadaasi ay u heelan yihiin in xiriir wax isdhaafsi la yeesho.

Soomaaliya ayaa beri waxay ahaan jirtay waddan aad ugu horreeya ganacsiga wax soo saarka iyadoo kaga jirtay dhoofinta muuska, hargaha iyo saamaha, sonkorta, kalluunka gasacadeysan, iyo xoolaha nool taasoo soo raacda luubaanta cad iyo beeyada.

Tan iyo burburkii markii uu haleelay dalka ayaa waxyaabo badan oo soomaaliya caan ku ahayd isla markaasna xubin ka ahayd ayaa Meesha ka baxday waxaana dib boorka looga jafay ururro ay soomaaliya xubin buuxda horayu ga ahayd, qaran jabka soomaalida ku dhacay oo muddada dowlad la’aanta ahayd ayaa keentay in calankii jamhuuriyadda laga waayo xeyndaabka ururro badanoo calami ah sida Qarammada Midoobay (United Nation) iyo qaar kale.

Waa arrin xanuun badan oo la soo maray oo ku dhalisay soomaalida qiimo jab dhanka sumcadda ay ku lahayd dunida iyadoo muddo sanooyin ah soomaali lagala noqday dipolomaasiyaddii aqoonsi dowladnimo soomaaliya oo markaasi muddo ay ku jirtay ku meel gaarnimo transitional government in muddo ah

waxaa soomaaliya loo aqoonsaday in si buuxda dib ugu soo noqotay xeyndaabka dowladnimada doorkii ay dunida ku lahayd waana muddo iminka lagu qiyaasi karo xilligii hore ee madaxweyne xasan sheikh.

Wixii ka dambeeyay aqoonsigaasi si tartiib tartiib ah usoo laabanayay ama usoo noqoneysay soo kabashada xubinnimada ururro badan oo calami ah iyo ku tallaabsi hiigsi bartilmaameedyo horumarineed in kastoo ay iska jiraan carqalado badan oo dhanka dhaqaalaha siyaasadda iyo arrimaha bulshada waana mid lagama maarmaan ah in laga gudbo oo cagta la saaro wadiiqada horumarka iyo soo celinta sumacaddii ay soomaalida ku lahayd dunida.

Wax kasta oo dan u ah dalka iyo dadka soomaalida waa in diiradda la saaraa waana mid mudan in la soo dhaweeyo ku biirista urur kasta ama hay’ad calami ah oo horay soomaaliya uga mid ahayd ama mid cusub oo haatan lagu biirayo taasoo u muuqaneysa arrin tallaabo horumar leh oo horay loo qaaday soomaalida oo caan ku ah kuna firfir coon howlaha ganacsiga haddana sidaasi oo ay tahay ayaa horay Meesha uga baxday ganacsatadii caanka ahaa ee lagu yiqiinay howlahaasi

Waxaana soo if baxay ganacsato tartan qaab daran isugu jirta oo aan wax curin oo ku dayayasho iyo xin uu kala dhaxeeyo ganacsade kale oo deris la ah.

Arrintaa si kastaba ha ahaatee waa biyo kama dhibcaan in lasii horu mariyo wax isdhaafisiga dunnida aan la leenahay dunida iyo alaabooyinka kala duwan oo laga fikiro sidii dalkaan looga soo saari lahaa waxyaabo badan oo dihan dibaddana loo dhoofin karo waddan kastana waxaa lagu qiimeeyaa heerka uu ka gaaray wax soo saarka dhanka warshadaha iyo dhoofinta waana mid mudan in isha lagu hayo.

Waxaan rajeyneynaa mustaqbalka in aan ka faa’iidi doonno ku biirista ururrada ganacsiyada kala duwan ee dunida gaar ahaan EAC iyo kuwa lamidka ah wax badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin, waana tallaabo horay loo qaaday.

WQ: Ibraahim A. Ali

HA FUDUDEYSAN DIGNIINAHA KU AADAN EL-NINO (WARBIXIN)

Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Webiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaasi oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad aad u waaweyn, keenina kara khasaare isugu jira Maal iyo Nool. Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino.

Sidoo kale, si ay u yaraato khataraha ka dhalan kara, waxay hey’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino isbuuclaha ahaa intii u dhacxeysay 28-september ilaa 4-ta October ee sanadkan 2023. Toddobada cisho oo ahaa usbuuca ugu dambeeya bishii September iyo isbuuca ugu horreeyay ee bishan October ee sanadkan, waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hey’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado Roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o.

Goobaha sida gaar ah Roobabka la saadaaliyay waxay kala yihiin gobollada Bari,Sool, Sanaag, Waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan,Baay,Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyay in ay geysan karaan Khatar cabirkeedu sarreeyo, waxaana Bulshada ku dhaqan gobolladaasi ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan taxadar gaar ah oo ku aadan khatarta fatahaadda iyo daadadka Roobka ka imaanaya.

Dhammaan gobollada kale ee dalka, Roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hey’addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaasi in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino.

Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda, iyadoo ugu dambeyn, Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara Roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaallo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taasi oo na-tusineysa in Roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo ka mid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, mar uu kormeer ku tegay Xaruunta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira Roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay ka saameeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan Webiyada jiinkooda, kuwaasi oo halis gaara ugu jira daadad xoogga leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha Webiga iyo dhulalka godan, wuxuuna ugu dambeyn ku booriyay Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka la soo werinayo, islamarkaana waxa uu ku adkeeyay Madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta Roobabka iyo fatahaadaha ku soo fool leh.

Waxaana aad ina soo gaaray, hey’adda maareynta musiibooyinka ku magacowday ogeysiiskeeda DIGNIIN, in saadaashu sheegayso Roobab mahiigaana oo ku soo wajahan dalkeena.

Hey’adda cilmibaarista badaha Soomaaliyeed, wey dareensaneed isbedelka cimillada ee la filan karo  xilli roobaadka Deyrta, laakiin waxay aad u eegeysay dhinaca Badda oo hadda ay ka soo saareyso baaqaan ay ku magacawday Digniinta L.2, ee ISBEDELKA XAALADDA BADDA EE LA FILA KARO IYO SIDAAN:

  1. IN ROOBAB BADAN OO GAARAYA SADDEX DALOOL ROOBKII DI’I JIRAY WAQTIGAAN, BADDANA DAADADKA DHULKA U BADDANA KU DA’AYAA SIDA BERRIGA.
  2. Daadadka Waadiyada iyo Webiyada waxay kor u sii qaadi karaan Heerka (Level) ka BADDA.
  3. Waxaana intaa la sii jira in Qorraxdu ay ka tallaabsatay DHULBARAHA, iyadoo Koonfur u socota 23 September 2023; HADDABA kuleylku wuxuu jiraa Deyrta Koonfurta Dhulbaraha, Waqooyiga Dhulbaruhu waa Diirimaad Qabow iyo BARAF Deyrta. Sidaa awgeed, waxaa aad u suuragal ah inuu Dhalaalo Barafka Badweynta Waqooyi “Artic” soona gaaraan Biyaha Barafku Badweynta Hindiya.

Haddaba sababaha Seddexda ah ee aan soo xusay iyo wax kale oo raaci karto waxay kordhin karaan heerka Badda: (Buuxin karaan) Kicin karaan, qasi karaan, taasoo ay suuragal tahay in Baddu soo gasho xeebaha Barriga oo ay wax ku yeesho magaalooyinka iyo tuulooyinka xeebaha Dalka, gaar ahaan Muqdisho oo Xeebteeda Godad laga qoday oo halis ah inay baddu soo gasho una soo gudubto Magaalada, gaar ahaan Bariga LIIDO sidoo kale Koonfurta Xalane oo haddaba biyihi Baddu ay ku jiraan.

Sidaas awgeed, waxaa habboonaan laheyd in Dowladda hoose ay arrintaas xal u helaan oo ah duugista godadka Xeebaha iyo dhisid Darbi ilaa 0.5 (Nus) Mitir ah meelaha qaarklood sida Koonfurta Xalane ee Muqdisho.

 

ISLAAMKA IYO BARBAARINTA UBADKA (QEYBTA 1-AAD)

Islaamku wuxuu bilaabay barbaarinta ubadku, kolka la xulanayo hooyadiis ama aabbihiis. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (U doorta xawadiinna cirqigu waa uu dusaaye).

Xadiiska micnihiisu waxa weeye doorta qof ku habboon inay carruurtiinna hooyo u noqoto, maxaa yeelay sifooyinka waa laiska dhaxlaa oo jiilba waxa uu u gudbiyaa jiilka kale.

Haddaba ogoow gabadha aad guursanaysaa hadday tahay qof diin leh, dabeecad leh, dad wanaagsan ka dhalatay, qurux iyo ilqabatana leh, waxay markaa u badantahay carruurta ay dhalaysaa inay sideeda oo kale noqdaan.

Tilmaamaha aynu soo sheegnay waxa ugu qiimi badan diinta oo inta kale looga maarmi karaa, haddiise aad ku raacdo qurux iyo dan adduunyo ogow diinteenu madhiirrogalinin.

Waxa iyana taas lamid ah kolka aad daydayaysid kii ubadkaaga aabbe u noqon lahaa. Rasuulka suubbani (SCW) waxa uu xadiis ku leeyahay:(Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa).

Haddaba diinta islaamku waxay ubadka barbaarintooda bilowday kahor inta aan carruurtu dhalan iyadoo umaraysa waddada ugu haboon oo ah in lahelo hooyo iyo aabe xilkas ah inta aan ubad laraadinin.

Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in ubadku isla marka uu dhasho, looga addimo dhegta midig, loogana aqimo dhegta bidix, hadal barisna looga billaabo ‘Qirista jiritaanka Eebe weyne iyo rasuulkiisa scw’ Laa Ilaaha illal-Laah, maalinta toddobaad ee dhalashadiisana inta loo wanqalo oo madaxa laga xiiro, magac loo bixiyo, buuryadana laga gooyo ( la gudo).

Nolosha qofka islaamka ahi waxay kuqotantaa shareecada, kaasoo ah sharciga Islaamka Erayga shareeco wuxuu kulansanaya nolosha kaamil noqoshadeeda waana waxa ay kaga duwantahay qaanuunada ama dastuur qoraaleedka kala duwan ee caalamka lagaga dhaqmo hadda iyo kahorba.

Waxay dhamaystirtay wajiyada kala duwan ee nolosha, laga soo bilaabo heer shakhsi ilaa xuquuqda caruurta iyo qoyska.

Diiwaanka ugu sareeya ee shareecadu waa Quraanka kariimka ah kaasoo loo ictiqaadsanyahay ama larumaysanyahay inuu hadalki ama kalaamki Eebe yahay oo aan lamid ahayn hadallada adoomadiisa kaasoo xambaarsan xikmad, xukkun, taariikh iyo tusaalooyin kuhagaya cid kasta oo hannuun karaadisa.

Asmaa binti Abii-Bakar (RC) oo ahayd Caaishah (RC) walaasheed iyo xaaskii saxaabigii weynaa Subayr ibnu Cawwaam (RC), waxaa laga weriyey: (Cabdullaahi ibnu Subayr baan ku dhalay (Qubaa) markaas baan intaan Rasuulka (SCW) u keenay, dhabta u saaray, markaas buu dalbaday in Timir loo keeno, oo intuu calaaliyey dhanxanagga ugu tiray).

WD: Ibraahim Warsame

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal.