Madax ka socotay golayaasha dowladda oo ka qeybgalay xuska 25-aad ee aasaaskii dugsiga Axmed Gureey

Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha iyo Tacliinta sare Faarax Sheekh C/qaadir iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka ayaa ka qaybgalay munaasab loogu dabaal-dagayay sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska dugsiga sare ee Iimaan Axmed Gurey.

Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen xubno ka socday maaulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay,waxaa ka hadlay Xildhibaan Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle,Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xusseen Guuleed iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guurre

Hadal uu xafladdaasi ka jeediyay Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha iyo Tacliinta sare Faarax Sheekh C/qaadir,waxa uu ka waramay ahmiyadda waxbarashadu ay u leedahay bulshada iyo doorka ay ka ciyaari karto horumarka dalka iyo dadka.

Xafladdaasi waxaa hadallo warbixin ah oo la xiriiray aasaaskii dugsiga sare Axmed Gureey halkaasi ka soo jeediyay maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi.

Duqeymo weli ka socda Gaza iyo Xamaas oo shuruud xabbad-joojin ah ku xirtay maxaabiista ay heyso

Iyadoo ay sii socdaan duqeymaha Israa’iil ay ku hayso bartilmaameedyada Qasa,ayaa mas’uul u hadlay Xamaas waxa uu sheegay in aan la sii deyn doonin maxaabiista ay hayaan illaa lahelo xabad-joojin ka dhaqangasha Gaza.

Xubin ka tirsan wafdiga Xamaas ee booqanaya Ruushka ayaa sheegay in kooxdu aysan sii deyn karin maxaabiistii lagu qabtay weerarkii 7-dii October ilaa ay xabad joojin ka dhacdo Gaza.

Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayso bartilmaameedyada Qasa, iyadoo garaaceysa dhismayaal la deggan yahay, waxayna dishay daraasiin Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan sagaal caruur ah.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa daabacday magacyada kumannaan falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa’iil,halka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu su’aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo tirada dhimashada.

Ugu yaraan 7,028 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii October, xilli Israa’iil ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto duullaanka ay ku hayso dhulka Falastiiniyiinta.

In ka badan 1,400 oo qof ayaa lagu dilay weerarka Xamaas ku qaadeen Israa’iil,waxaana dhinaca kale,Maraykanka ay sheegeen in ay duqeeyeen goobo ku yaalla dalka Suuriya oo ay maamulaan Iiraan.

Ergayga Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland oo sheegay in xoogga la saarayo waxbarashada amniga iyo midnimada dalka

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xussen Guleed ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay raadinta midnimada dalka iyo qancinta cid kasta oo qabta dareen tabasho.

Ergayga oo Ka hadlay xaflad qallinjabin ah ayaa qiray  in aysan jirin Wax isbadal ah oo ku yimid siyaasadda dowladda FS ee ku aadan Wadahadallada Soomaaliland.

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland waxa uu xusay in wadajir la’aanta umadda ay horseedi karto gaabis ku yimida dhanka horumarka bulshada iyo dhismaha heykalka dowladnimo.

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xussen Guleed,waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso arrimaha waxbarashada amniga iyo midnimada dalka

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykanka

Qaar kamid ah maamulka Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magalada  Washington ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa la wadaageen xaaladda guud ee dadka Soomaalida iyo kaalinta ay ka qaataan haddeey ahaan laheyd dhinacyada horumarka  ee ka socda Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka,isagoo ku booriyay in ay gacan ka geystaan dadaalka loogu jiro horumarinta dalka.

Xisaabiyaha guud ee dowladda oo Golaha Wasiirrada horgeeyey warbixinta sanad maaliyadeedka 2022

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka.

Akhrin iyo falanqeyn dheer ka dib golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022-ka ee uu soo gudbi Xisaabiyaha Guud ee dowladda Mudane Anas.

Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha Dowladda waxaa wadanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii iyada oo wixii intaas ka dambeeyey aan la sameen wax xisaab xir ah

Wasiir Biixi oo Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiillada dalalka deeq bixiyayaasha

Nairobi:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirrada iyo Wakiilada ayaa looga wadahadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dameystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu maanta la kulmay sidii Dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxiibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels kaga qeybgaley shir madaxeedka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo muhiim ah kula yeeshay Brussels madaxda sare ee Midowga Yurub, uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarinta.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday degaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, isla markaana ku dhawaaqey diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta oo ka bilaaban doona degaannada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Ciidammada Qalabka Sida iyo kuwa difaaca shacabka mar kale ku bogaadiyey horumarka ay ka sameynayaan dagaalka Khawaarijta, kuna dhiirigeliyay in ay sii xoojiyaan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.

5. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona Soomaaliya Mudane Joacim Waern.

6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern, waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

7. Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdiraxmaan Xasan Jimcaale u magacaabay Maareeyaha Sanduuqa Nabadda iyo Xasilinta Soomaaliya.

8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku yeelan doono magaalada Jowhar.

9. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeelaha Dhexe, kuna baaqdey in degdeg wadahadal loogu soo afjaro colaadda taagan.

10. Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeyntii ka dhacdey Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah.

11. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bogaadiyay shirka ururada bulshada rayidka ee Muqdisho ka

12. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka Qalabka Sida ay ku leeyihiin magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

13. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in Khawaarijta sannad gudihiis laga xoreeyay dhul ballaaran, lagana dilay kumanaan ka tirsan maliishiyaadkooda.

14. Wasiirka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa rajo weyn ka muujiyay habsami u socodka hanaanka dayn cafinta Soomaaliya oo la filayo inuu soo dhammaado bisha December ee Sannadkan.

15. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka go’an tahay dhowrista iyo ilaalinta saxaafadda xorta ah iyo bedqabka suxufiyiinta.

16. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Xoghayaha Ururka Iskaasdhiga Islaamka Dr Xuseen Ibraahim Taaha.

17. Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Ceel-Boon 48 km galbeed kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Ba

18 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Taliyaha Kuliyadda Turkisom ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya.

19 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degmada Galcad iyo deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellada D

20. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday abwaan Marxuum Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) oo ka tirsnaa hoballada Waaberi.

21. Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgalo sifeyn ah ka sameeyay deegaannada Caad iyo Shabeeloow koonfurta gobolka M

22. Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay fadhiliyeen dhagar Khawaarijta ay la maaganaayeen shacabka magaalada Muqdisho, kadib markii gaari qaraxyo wada oo argagixasada ay wateen lagu qarxiyay Ceelasha Biyaha.

Madaxweynaha JFS oo sheegay in Khawaarijta laga xorreeyey in ka badan 80 degmo

Brussels:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium uuna kaga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa Khudbad ka jeediyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

“Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab. Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib annaga oo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Carruurta Soomaaliyeed ay hadda heleen fursad cusub, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay Shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay Shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” Qeybtisa Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha guud Aqalka Sare iyo Xoghaye ku xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Midnimada, Maamul Wanaagga, Maalgelinta, Horumarinta, Isbedelka Cimilada, Dimoqraadiyadda Qodobo kale.

May be an image of 4 people, dais and text

Shirirkaan isdaba jooga ah oo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow kaga qeybgalayo dalka Angola waxa uu socon doonaa 27/10/2023, waxaana lafilayaa in uu qudbad ka hor jeediyo ka soo qeyb galayaasha gabgabada Shirka 147-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka.

May be an image of 3 people, dais and text

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna  kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya  dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Xubnaha  Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban:-

  1. Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
  2. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  3. Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
  4. Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
  5. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
  6. Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
  7. Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
  8. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  9. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  10. Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
  11. Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
  12. Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  13. Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada

Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:-

  1. Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
  2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
  3. Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
  4. Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
  5. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
  6. Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW.