Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xirta Dabakaaya Madow & Macalin Nuur

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Dabakaaya Madow iyo Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley, taas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qeybta galbeed.

Duqa Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Meeshaan culeys ayaa ka jiray haddase waa laga baxay, waxaana u sabab ah maamulka degmada Dharkiinley, waan dadaalaynaa dalkeenana hal dollar ayaan ku dhisanaynaa.”

Dhismaha waddadan ayaa ah mid iskutashi ah oo ay iska kaashan doonan dadka reer Dharkeenley, rugta ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyada oo ay xusid mudan tahay in waddadan ay tahay markii ugu horeysay oo Laami la saari doono taas oo hirglinteeda ay baahi u qabeen bulshada reer Madiina.

Muddooyinkii dambe waxaa isbadal ku yimid qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda, iyada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu waddooyin dhowr ah dhagax dhigay, halka qaar kood xarriga laga jray.

Golaha wasiirrada XFS oo mushaarkooda ku taageeray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Kulanka shirka golaha wasiirrada ee XJFS ayaa mushaarkooda waxay ku taageeray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al shabaab ee ka socda qabyo ka mid ah goboladda dalka,shirka golaha wasiirrada ee toddobaadlaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa ka soo baxay go’aamo muhiim ah waxaana bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale.

Halkaan hoose ka daawo Muqaalka oo dhameystiran oo ay golaha wasiirrada ku gaareen go’aamo muhiim ah.

Xasan Gerdhuub oo Khawaajirta ka tirsana ayaa isku soo dhiibay dowladda

Xasan Xuseen Ibraahim oo Magac afgarashada looga dhex yaqaanay Khawariijta u ahaa (Gerdhuub) kana tisana mudo 5-Sano ah ayaa u qaabilsanaa qaybta Jabhada ee gobolada Baay iyo Jubbada hoose oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Xasan oo ka tisanaa maleeshiyadda Khawaarijta ah ee Al shabaab mudo 5-sano ah ayaa ka warramay sababta ku kaliftey in khawariijt isaga soo baxo,”waxaan ku qabay dhibaato mudadiid aan ka tirsana Maleeshiyada,waxaan dhibsaday dhibaatada ay u geysanayaan shacabka ee aan waxba galabsan,waan go’aansaday in aan isaga soo baxo oo aan isku soo dhibo ciidanka dowladda,waxaan raba in aan baaq u diro saaxiibadayda kale ee wali ku harsan kasii mid ahaanshiyahooda,waxaan lee yahay isaga soo baxa oo isku soo dhiiba ciidanka dowladda.” waaa sidaa yiri horjoogaha oo hadda ku jira gacanta dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaallo xoogan ku bixinaysa muddooyinkii danbe dagaalka xoreynta dalka iyo sidii dalka xasilooni loogu soo dabaali laha.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan la yeeshay sii hayaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Kulan la qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon,S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxay a wadda hadleen Sara u qaadista tababarada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar haan Kumaandooska Danab iyo Qalabeyntooda.

kulankan ay yeesheen taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo siihayaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa imaanay xilli ay dowladda Soomaaliya ay wado dagaal ka dhan ah maleeshiyada Khawaarijta ee Al shabaab oo looga saarayo deegaanada ay ku harsan yihiin.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, hanaanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi.

Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarineed iyo shaqooyinka horutabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan, waxayna tilmaameen in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameeyn doono bog cusub oo iskaashi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Golaha Wakiilada iyo guud ahaan dowlada Mareykanka taageerada joogtada ah ay siiyaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu Guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xirirka wadashaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Aduunka.

       

Yabooh oo kormeeray xaaladda amni ee Degmada Yaaqshiid

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid.

Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha Amniga Degmada, ayaa waxa uu Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo Ganacsatada, isagoona la shaah-cabay Odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo Amniga Caasimadda, isagoona Bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida Amniga, iyagoo la shaqeynaya Maamulka Degmada iyo laamaha Amaanka si loogu hortago dhagaraha kooxaha Nabad-diidka.

Dhaqdhaaq ciidan oo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Koofur Galbeed

Xuddur: Dowlad goboleedka Koofur Galbeedka ayaa maanta deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool ku soo bandhigay ciidanka dadka deegaanka ah oo ka qeybgalaya dagaalka Khaawaijta.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool mudane Xasan Maxamed Xasan Indho iyo Odiyaasha dhaqanka deegaanka ayaa abaabul ka bilaabay deegaanada Washaaqo, Dhuurey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.

Shacabka deegaanadaas ayaa isu diyaarinaya ka qeybgalka wajiga 2-aad ee ciribtirka kooxda aragagaxisada Khawaarijta oo ka socda deegaanada Koofur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub

Brussels: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.
Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.
Madaxweynaha Brussels uga qaybgalaya shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya ayaa sidoo kale soo bandhigaya sida ay xilligan Soomaaliya muhiim ugu tahay wadamada Midowga Yurub, maadaama ay ku jirto marxalad dib u kabasho ah oo ay doonayso inay caalamka la falgasho.

Wafdi ka socda Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo shir uga qayb galaya dalka Angola

Luanda: Xoghayaha guud ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka JFS mudane Cabdinasir Ibraahim Guuleed oo uu wehliyo xoghaye ku xigeenka golaha shacabka mudane Maxaamed Cabdullahi Cabdi (Ciyow), ayaa ka qayb galay shirka xoghayaasha Baarlamaanka adduunka oo ka dhacay Magaalada Luanda ee dalka Angola.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta arrimaha la xisaabtanka Baarlamaannada adduunka iyo muhiimiyadda ay leedahay in laga guuro isticmaalka waraaqaha oo hadda ay inta badan isticmaalaan Baarlamaannadu loona guuro habka casriga ah (Digital-ka).

Xoghaye Cabdinaasir oo bogaadiyay shirka ayaa ballan qaaday in Baraalmaanka Soomaaliya ay dardar gelin doonaan ku shaqaynta habka casriga ah ee Digital-ka, arrimaha matalaadda, Shuruucda iyo islaxisaabtanka.

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan dowladda Malaysiya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan Malaysiya mudane Ruzaimi Maxamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la wadaagay Danjiraha Malaysiya fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo dhinacyada ay iska kaashan karaan labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.
Dhankiisa, Danjire Maxamad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul wasaaraha soo dhaweynta diirran, waxuuna hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu Soomaaliya la yeelanayo xiriir walaatinimo oo ku salaysan iskaashi iyo wax wada qabsi xooggan oo dhex mara labada waddan.