Aqoon is-weydaarsi ku saabsan daraasaynta xogta aasaasiga ah ee dhaqaalaha buluugga ah oo lagu qabtay muqdisho

Wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah XFS Mudane Xildhibaan Maxamed Bashiir Cali Baxnaan ayaa daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan soo bandhigidda daraasadda xogta aasaasiga ah ee dhaqaalaha bulluuga ah.

Aqoon isweydaarsigan oo laga soo sameeyay dhamaan dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa si wada jir ah u soo diyaariyey Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Wasaaradda Dakadaha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyo wasaaradda Korontada iyo  Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Bashiir Cali Baxnaan ayaa u mahadceliyay quburada soo diyaarisay daraasaddan oo uu sheegay ineey muhiim u tahay Soomaaliya isla markaana uu rajeynayo in laga faa’ideysto.

Askari ka tirsanaa Ciidanka xoogga oo dil toogasho ah lagu xukumay

Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidamadda qalabka sida ayaa maanta Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ku ridday xukun dil ah sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda qalabka sida.

Gacan ku dhiigle Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxiibkiis marxuum Dable hore Xoogga Cabdullaahi Maxamed Cabdulqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22-aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir 20-7-2023.

Baaris dheer ka dib, garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa 26-kii September ee sanadkan ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey dil toogasha ah, taas oo ah qisaasta marxuum Dable hore Xoogga Cabdullaahi Maxamed Cabdulqaadir.

Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul uga hadlay duqeymaha Israa’iil ay ku hayso Qaza

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si ba’an u dhaliilay  duqeymaha joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Marinka Qaza, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Jarmalka.

Guterres ayaa sheegay, intii lagu guda jiray shirkii Golaha Ammaanka ee Talaadadii shalay ka dhacay magaalada New York, in ilaalinta dadka rayidka ah macnaheedu aanay aheyn in la soo saaro amarro dadka ay ugu baxayaan guryahooda iyo in laga jaro cunnada, biyaha, dawada, iyo shidaalka, ka dibna lagu garaaco duqeyma aan kala joogsi laheyn.

Guterres ayaa intaa ku daray in weerarkii ay Xamaas ku qaadeen magaalooyinka ku xeeran Marinka Gaza 7-dii bishan Oktoobar uusan ku dhicin meel bannaan, balse waxa hadda socda ay ka weynyahiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yiri: “Aad ayaan uga walaacsanahay ku xadgudubka sharcigyada caalamiga ah ee bini’aadannimada ee ka dhacaya Gaza, ma jiro dhinac hubeysan oo ka sarreeya sharciga caalamiga ah ee dhowrista bani’aadannimada.”

Guterres, ayaa ka digay fidno dagaal oo gobolka saameeyso, isagoo Carrabka ku adkeeyay in sii socoshada dagaalada ay horseedi karaan inuu dagaalka ku baaho jihooyin ay hadda nabad ka jirto.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Eli Cohen, ayaa cambaareeyay, dhaleeceynta Guterres ee duqeymaha Israa’iil ay ka waddo magaalada Gaza.

Sidokale, wakiilka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in Guterres uu iscasilo, madaama uusan u qalmin inuu  hoggaamiyo Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo magacaabay Wasiiro

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka  Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa soo saaray Wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, taasi oo ku saabsan magacaabis Wasiirro.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u qornaa sidan:

 

Markuu arkay: Qodobada 56aad iyo 57aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda.

Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan.

Markuu la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle.

WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN

Qodobka 1aad

1- Waxaa Mudane Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.

2- Waxaa Mudane Cabdixamiid Maxamed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.

3- Waxaa Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.

 

Horjooge ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Muqtaar Maxamed Isaaq oo ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda khawaarijta ayaa isu soo dhiibay qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Horjooge Muqtaar ayaa sheegay in uu khawaarijta ka tirsanaa laba sana iyo bar, isagoo kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.

Muqtaar Maxamed Isaaq ayaa sheegay in aysan jirin cid ku qalqaalisay ka mid noqoshada khawaarijta, haatanna uu si iskiis ah ugu soo baxay kooxda ka dib markuu arkay dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan, wuxuuna saaxiibadiisa weli ku jira khawaarijta ugu baaqay in ay isaga soo baxaan.

Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabbilsanaa qaybta ay kooxda u yaqaanaan Jabhadda ee gobolka Bokool.

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Biljimka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qayb geli doono shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya.

Madaxwaynaha JFS ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha shirka, sida qorshuhu yahay shirka ayaa socon doona inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu madaxda shirka ka qeybgaleysa  faah-faahin kasiin doonaa halka uu haatan marayo, dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, arrimaha deyn cafinta iyo aarimo kale oo muhiim ah.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo garoonka ciidanka Cirka kusoo dhaweeyay cutubyo ka tirsan CXD

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa garoonka ciidanka Cirka kusoo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo tababar kuso qaatay dalka Eleteria.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo khudbad u jeediyey cutubyadan tababarka kusoo qaatay dalka Eleteria ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in xilli loo baahnaa ciidankaan ay dalka dib ugu soo laabteen.

May be an image of 10 people, helicopter and text

May be an image of 6 people and text

May be an image of 5 people and aircraft

May be an image of 7 people and helicopter

Soomaaliya oo qeyb ka ah shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka

Luanda:- Xubnaha ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ka qayb galay shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter -parlaimentary Union” oo ka furmay magaalada luanda ee ee dalka Angola.

Shirka oo ay ka qeyb gelayaan Xildhibaannada boqol iyo labataan dal oo ka tirsan ururka Baarlamaanada adduunka oo soconaya ilaa iyo 27-ka bishan October, ayaa waxaa si rasmi ah u furay madaxwaynaha dalka Angola , João Manuel Lourenço.

Wafdiga uu hoggaaminaya Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Angola waxa ay kulan duceedyo la yeelan doonaan Xildhibaannada kala ee shirka ka soo qeyb galay.

May be an image of 5 people and dais

May be an image of 1 person and text

May be an image of 2 people, headscarf and dais

Duqa Muqdisho oo kulan loogu hadlayay amniga Caasimadda la yeeshay Saraakiisha amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta Amniga Gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Howlgallada Sugida Amniga Caasimadda, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.