Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo sheegay in ay ka go’an tahay dardar gelinta arrimaha wax-soo-saarka dalka

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka cimillada ee heer Wasiir.

Shirkan oo ah midkii labaad ee ay yeeshaan Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka Cimilada ayaa looga hadlay sidii dalku u gaari lahaa isku filnaansho dhanka cunnada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka oo saamayn ballaaran ku leh shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay sida ay Xukuumadda Dan-Qaran uga go’an tahay dardar gelinta arrimaha la xiriira wax-soo-saarka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ula soo bixi lahaayeen dalagga dalka isla markaana uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka noocyada badan ee dalkeenna ceegaaga.

Shirweynaha 5-aad ee Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb- Shirweynaha 5-aad ee wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb, waxaana furay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye.

Wasiirro iyo Agaasimayaal ka kala socda wasaaradaha caafimaadka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa Dhuusamareeb u yimid ka qeyb galka shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi oo lagu dhisay isku tashiga Bulshada iyo Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabadda Xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Maamulka Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay ka qeyb qaataan Amniga iyo horumarka Caasimadda.

JIDKAAN MEEL KALE OO LOOGA LEEXDO MA LEH (WARBIXIN)

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama gacanta Argagixisada laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, waxaana gacanta Dowladda dib loogu soo celiyay in ka badan 120 goobood oo isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ay sanad gudihiis looga ciribtiray Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo intaas ka mug weyn, maadaama Argagixisadu ay yihiin Aafo calami ah oo lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo isaga iyo Taliyaha Ciidanka iyo kan Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aadan in ay iska dulqaadaan Argagixisada ciriiriga ku haysa nolasha dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto  Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab, waxayna hadaladaasi yimaadeen kadib markii kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saldhig cusub ka furay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, kaasi oo ujeedadu tahay sidii halkaasi looga furo Wejiga labaad ee ku wajahan la dagaalanka Kooxda Khawaaijta ah ee Alshabaab,  kadib markii uu kulan la qaatay Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.

Sidoo kale Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kula qaatay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxgaradka, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka, kuwaasi oo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan Soomaaliya xor ka ah Argagixisada, dadkeeduna mideysan yihiin, wuxuuna ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan Argagixisada dhiig-miiratada ah ee caqabadda ku noqotay horumarka deegaannadooda.

Reer Bakool durba waxa ay bilaabeen la dagaalkan Al-shabaab, waxaaa lagu soo waramayaa in Ururka 260-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ay Khawaarijta kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Eel-Boon oo qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Bokool, iyadoo howlgalka xoreynta Eel – Boon Khawaarijta looga furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta Shacabka oo ay uga carareen deegaankaasi.

Dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260-aad ee Guutada 9aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in deegaankaaasi laga ceyriyay Khawaarijta.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxayna kala hadleen Ciidamada Qalabka Sida, islamarkaana ay ku dhiiragaliyaan shaqada adag ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in loo baahan inay sii laba-laaban maadama xilligan lagu jiro dagaal ka dhan ah cadowga khawaarijta oo la doonayo in dalka looga sifeeyo.

Ciidamada qalabka sida ee ku sugan fadhiyada kala duwan ee magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa shaqo xooggan ka qabtay dhanka sugida amniga, iyaga oo haatanna u diyar garoobaya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda gabalkeedu dhacay ee khawaarijta iyo wajiga labaad dagaalka. “In horumar la gaarsiiyo magaaladdan iyo deeggaannada ku teedsan, bulshadda ku noolna ay hesho adeeg dowladeed oo dhameystiran cidda hortaagan waa kooxda gabalkeedu dhacay, in dadka danta yar ay helaan adeeg caafimaad iyo nolol dhameystiranba cida u diidan waa khawaarijta, waxa kaliya ee noo furanna waa inaan ka xorreyno shacabkeenna dhiig-miiratada la haray” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dib u bilaabay howlgallada lagu baacsano khawaarijta, iyadoo ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Ciid ciidka iyo deeganka shabelow oo lala wareegay isna iyo howlgal kale oo ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Galcad iyo Ceel Baca doo ka kala tirsan Galguuud iyo Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorshayn ka fuliyay dhulka miyigaa ee u dhaxeeya Deegaanada Caad iyo Shabeeloow ee koonfurta Gobolka Mudug, waxayna Ciidamada ay dhulka miyigaa ah ku baacsanayaan firxadka khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab, iyadoo uu Taliye ku xigeenka Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor xoogga Dalka Soomaaliyeed Suul-nuuge uu hogaaminayay howlgalka qorshayn.

Ciidamadu waxay gudaha u galeen Saldhigyo khawaarijta ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaala Aagga Shabeeloow, iyadoo ay   kooxda Khawaarijta ah ay iskaga firxadeen Saldhiyo ay ku lahaayeen dhulka Miyiga ah ee Aagga Caad iyo shabeeloow, waxaana lagu soo waramayaa in ay Afka saareen Deegaanka Jowle, maadaama dhulka u dhaxeeya Deegaannada Caad iyo Shabeeloow ay yihiin Dhul banaan ah oo aan laheyn meel lagu gambado ayay nafta ula carareen deegaanka Jowle.

Xoola dhaqatada deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Sh/dhexe oo 15 sano ka dib Xoolahooda u daaqsin geeyey Ciid ciidka Jimbilow, islamarkaana Waddo ayaa laga falay, taasi oo isku xiri doonta Deegaanka Cali Fooldheere iyo Degmada Mahadaay ee Gobolkaasi, kadib markii lagu laayay Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee in muddo ah ku go’doonsanaa.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska (ilaalo Qaran) ayaa iyaguna howlgal qorshaysan oo ka dhan ahaa khawaarijta ka sameeyay dhulka howdka ah oo u dhaxeeya degmada Galcad ee Gobolka Galguduud iyo deegaanka Ceel bacad ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo uu howlgakaasi uu hoggaaminaayay taliyaha ururka 4-aad ee kumaandooska ilaalo qaran Dhamme Maxamad Xuseen Aadan, waxayna ciidanku halkaasi ku burburiyeen fariisimo ay Argagidisada ku lahaayeen dhulka howdka ah, islamarkaana doonayay inay isku aruursadaan, si ay dhibaateeyaan Shacabka.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka ay ka war heleen khawaarijta oo isku aruursanayay dhulka howdka ah ayna ku qaadeen weerar qorshaysan , isla markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday deegaanno ku yaal xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halka oo ay ciidanka ka wadaan howlgallo lagu sifeynayo khawaarijta ku dhuumaleysaneyso dhulka howdka ah.

“Jidaan meel kale oo looga leexdo ma leh”, ayuu yiri Madaxweye Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab ayaa sheegay in uu furan yahay oo kaliya Jidka gulufka dagaalka, isagoo tilmaamay inaysan jirin Waddo kale oo looga leexan karo Jidkaasi furan.

Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaaddiniin ku xannibnaa dalka Liibiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 99 muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo ku jiray xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Muwaaddiniintan oo hab tahriib ah ku galay Liibiya ayaa waxaa soo celintooda iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo Hay’adda socdaalka Adduunka IOM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Madaxweynaha JFS u qaabbilsan soo galootiga iyo xaquuqda carruurta, Maryan Yaasiin Jaamac iyo Raage Cusmaan oo ah Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS , Raage Cusmaan ayaa Waraabhnta Qaranka u sheegay in muwaaddiniintan oo ka koobnaa 88 rag ah iyo 11 haween ah ay 47 ka mid ah ka dejiyeen magaalada Hargeysa, halka 52 kalena la keenay Muqdisho.

Agaasime Raage ayaa howshan ugu mahad celiyay madaxweynaha JFS, Hay’adda socdaalka Adduunka IOM iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, wuxuna dhallin yarada Soomaaliyeed faray in ay dalkooda iimaansadaan kuwa doonaya tahriibkana ay ku tusaale qaataan muwaaddiniintan maanta lasoo celiyay.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan muwaaddiniin kale oo ku xanniban dalka Liibiya, kuwaas oo dhowaan ay rajeynayaan in dalka dib loogu soo celiyo.

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo dil toogasho ah ku oofisay gacan ku dhiiglayaal

Baydhabo- Maxkamadda Ciidanka Xoogga qaybta 60-aad ayaa maanta dil ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo horay dilal kala duwan ugu geystay magaalada Baydhabo.

Dable hore xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa laga oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo horay u dilay kadibna Ceel ku riday si aan loo arkin meedkiisa.

Dhinaca kale, Dable hore Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Axmed oo ahaa wayeel 65 jir ah.

Gacan ku dhiigle Bolol ayaa dilay marxuum Sheekh Cali ka dib markii marxuumka  uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taalla Baydhaba.

Maxkamadda Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka ridday gollada dalka dilalka gacan ku dhiiglayaal horay loo xukumay.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan u jeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dalka gaar ahaan gargaarka bini’aadannimo la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Fei Shengchao.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda wax-ku-oolka ah ee ay ka gaysanayaan wax ka qabashada mushkiladda abaaraha, fatahaadaha iyo guud ahaan musiibooyinka bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.

Hay’adda SoDMA ayaa hormuud u ah dadaalllada loogu diyaar garoobayo cimillada El-nino oo laga yaabo in ay saameeyo ilaa hal milyan oo qof oo ku nool dalka.

Dowladda Soomaaliya oo ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeelaha dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Boolis ah kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay deegaannada hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), oo xarunta taliska ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ciidanka Booliska Federaalka oo kaashanaya kuwa dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ku guuleysteen in la kala dhex galo beelo ku dagaalaya degmada Cadalle.

“Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe” sida uu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday in dagaalka la joojiyo, iyada oo warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku baaqday in dagaalka la joojiyo, lana qaato nabad.

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka shantii maalin ee u dameysay.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa warbaahinta ugu horreyn la wadaagay dhacdooyinka amniga liddiga ku ah, kuwaas oo ka dhacay qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in October 18, 2023-ka Ciidamada Booliska oo hawlgal ka sameeyey deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ay ku qabteen gaari nuuca looyaqaan Nooha, kaas oo Khawaariijta u waday agab raashin ah oo ay isticmali rabeen.

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gaashaanle Saadiiq ayaa sheegay in October 21, 2023-ka waaxda Kordamac ee degmada Dayniile ay xubno ka tirsan Khawaariijta oo watay mooto Bajaaj ay Bam gacmeed ku tureen dad shacab ah, iyada oo Ciidamada Booliska ay dabagal ku sameeyeen, ka dib markii xogo ay ka heleen dadka deegaanka.

October 20, 2023-ka Saldhiga degmada Wadajir ayaa lagu soo xiray eedeysane lagu magacaabo Haadi Xuseen Cabdulle, kaas oo dhaawac toorey ah u geystay qof dhibane ah oo lagu magacaabo Cadnaan Ibraahim Samow, xilli uu Taleefanka uu ka qaadan rabay.

October 21, 2023-ka degmada Diinsoor ee dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Mayow oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyada oo Afhayeenka uu sheegay in la yaqaano shaqsiga dilka geystay.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska ayaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka soo xiray 14 eedeysane kuwaas oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen Wiil yar oo da’diisa ahayd 11, iyada oo Ciidamada Booliska Puntland ay baaris ku sameeyeen eedeysanayaashaan, xilli laga qaaday barista hidde sidaha ee DNA.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciiidamada Booliska Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in October 21, 2023-ka gaari ay Khawaariijta ka soo buuxsheen waxlaha Qarxa ay damceen in ay soo galiyaan Caasimadda ku qarxay bar kontarool oo ku taal deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho.

Khasaaraha uu geystay Qaraxa ayaa gaaraya dhimashada lix qof; oo afar ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Xasilinta oo goobta ku sugnaa, halka labada kale ay ahaayeen kuwa shacab ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay sagaal qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada iyada oo afarta kale ay ahaayeen dad shacab ah, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Wasiir Khadiija oo la guddoonsiyey abaalmarinta ugu sareysa Jabuuti

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ugu sarreysa dalka Jabuuti.

Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti ayna goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah haweenka dalkaas ayaa Wasiirka waxaa abaalmarinta guddoonsiiyey ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadashay ayaa ugu mahadcelisay dowladda Jabuuti gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay maamuuskaan in ay ku hashay muddadii dhawrka iyo 20-ka sano ee u adeegaysay Qaranka, iyada oo ka mid ahayd mas’uuliyiinta goobjoog ka ahaa shirkii Carte ee ka dhacay dalka Jabuuti 2000.

May be an image of 6 people and dais