Maxkamadda ciidamada qaybta Jubbaland oo dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdullaahi Siciid

Maxkamadda ciidamada qaybteeda Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kaas oo horay u dilay AUN Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd lixdii Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday.

G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dariiran) Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xukunka.

 

Muqdisho oo maanta ka furmay shirka Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hey’adaha Dowladda

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hey’adaha Dowladda ee 2023, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo Muqdisho ka soconaya muddo laba maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha dowladda iyo Ururada kala duwan ee Bulshada rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu mahadceliyey Ururada Bulshada rayidka, kaalinta ay ku lahaayeen dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogashahay in la’iskaashado, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Haddii horey dowladdu u ahayd mid wax u meerisa dadka, maanta waxaa ay ogoshahay in la shirkoobo oo la is kaashado, bulshada rayidka ah waa u muhiim dowladnimada.”

Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Cismaan Muxidiin Shaatax ayaa sheegay in dhankooda ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhexmarta dowladda iyo Bulshada rayidka, taas oo qeyb ka qaadan karta dhismaha dowladnimada.

Muqdisho oo maanta ka furmay shirka Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hey’adaha Dowladda

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hey’adaha Dowladda ee 2023, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo Muqdisho ka soconaya muddo laba maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha dowladda iyo Ururada kala duwan ee Bulshada rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu mahadceliyey Ururada Bulshada rayidka, kaalinta ay ku lahaayeen dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogashahay in la’iskaashado, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Haddii horey dowladdu u ahayd mid wax u meerisa dadka, maanta waxaa ay ogoshahay in la shirkoobo oo la is kaashado, bulshada rayidka ah waa u muhiim dowladnimada.”

Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Cismaan Muxidiin Shaatax ayaa sheegay in dhankooda ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhexmarta dowladda iyo Bulshada rayidka, taas oo qeyb ka qaadan karta dhismaha dowladnimada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo daah-furay Barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka.

Guddoomiya “Madaale”ayaa sheegay in guuda ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan looga baahanyahay garab istaaga geesiyaasha dhiigooda u huray xoreynta dalka,waxa u sheegay in la sameeyay Akoonno  ay shacbka kusoo diri karaan lacagaha Taakuleynta ah ee geesiyaasha xoogga dalka lagu garab istaagayo,islamarkaana mar-walaba Bulshada lala socodsiin doono lacagaha ay soo diraan,sidii loogu talagalayna loo mareeyn doono sida uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu yiri

“Ciidanka Soomaaliyeed ee xabbada isku dhigayo ee naftiisa bixinayo in aan u kaalmeyn waayno oo garab istaag u muujin waayno anaga ayay nasiib darro nagu noqoneysaa,balsa waxaan aaminsanahay in Shacabka Soomaaliyeed ay maanta yihiin kuwaa ku dhiiran oo u soo jeeda garab istaaga geesiyaasha Qaranka”sidaa waxa yiri Guddoomiye Madaale

Sidoo kale kulan waxaa goobjoog ahaa Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo uu qeyb ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga iyo sarakiil kale,kuwaa oo dhammaan tilmaamay sida ay muhiimka u tahay garb istaaga ciidanka Qaranka ee dagaalka adag kula jira khawaarijta.

Taliyaha ciidanka XDS Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa ugu baaqay muwaadniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan geesiyaasha ciidamada Qaranka ee had iyo jeer naftooda iyo dhiigooda u huraya nabadda iyo Qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Askar horay dilal uga geeysatay koonfur Galbeed oo saakay lagu fuliyay Dil-toogasho ah

Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa lagu fuliyay Dil-toogasho taasoo ah Qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buur-hakaba, Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow huwiyay gaari Caasi ah oo ka yimid Muqdisho kuna siijeeday Baydhaba.

Sidoo kale Ismaaciil Cadullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Xoogga Dalka oo isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen kana tirsanaa Saldhigga Boliiska Rabdhuure ayaa isna lagu fuliyey dilkii qisaasta marxuum xuseen.dilka xuseen ayaa ka dhashay muran la xiriira kaararka lagu qaato raashinka oo dhex maray labadooda.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta Maamulka koonfur Galbeed ayaa horay ragaan ugu ridday dilka toogashada ah ee manta ay maxkamdu ku fulisay,waxaana horay sarakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida goobo fagaara ah askarta ugu shegeen in askarigii dil geystaa sharciga la waafajin doonno oo cid laga yeelayo in Bulshada dhibateeyso aysan jiri doonin.

Ciidanka Xogga oo la wareegay deegaanka Eel-Boon 48 KM Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool

Ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta deegaanka Eel-Boon Oo Qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool.

Howlgalka xoreynta Eel – Boon ayaa Khawaarijta looga Furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaankaas.

Dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260aad Ee Guutada 9aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in deegaankaan laga ceyriyey Khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray fariisimaha ciidamada qalabka sida ee magaalada Xuddur

Xuddur-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Wasiirka Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiintii wehlisay oo la hadlay Qalabka Sida ayaa ku dhiiragaliyay shaqada adag ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in loo baahan inay sii laba-laaban maadama xilligan lagu jiro dagaal ka dhan ah cadowga khawaarijta oo la doonayo in dalka looga sifeeyo.

Ciidamada qalabka sida ee kuu sugan fadhiyada kala duwan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa shaqo xooggan ka qabtay dhanka sugida amniga, iyaga oo haatanna u diyar garoobaya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda gabalkeedu dhacay ee khawaarijta iyo wajiga labaad dagaalka.

“In horumar la gaarsiiyo magaaladdan iyo deeggaannada ku teegsan, bulshadda ku noolna ay hesho adeeg dowladeed oo dhameystiran cida hortaagan waa kooxda gabalkeedu dhacay, in dadka danta yar ay helaan adeeg caafimaad iyo nolol dhameystiranba cida u diidan waa khawaarijta, waxa kaliya ee noo furanna waa inaan ka xorreyno shacabkeenna dhiig-miiratada la haray” ayuu yiri wasiirka Cabduqaadir Maxamed Nuur.   

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray xerada tababarka ee Turkisom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeer ku tagay xerada tababarka ee Turkisom ee duleedka magaalada Mudisho, halkaas oo ku soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda Turkisom ee Dowlada Turkiga  u jooga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan la qaatay Taliyaha Kuliyadda Turkisom ee Dowlada Turkiga  u jooga Soomaaliya.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Taliyaha Kulliyadda kala hadlay sara u qaadista tababarada iyo Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si weyn kaga go’an tahay in la horumariyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo haatan ah kuwa leh cudud iyo tababaro sare.

             

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo Guddoomiyey Shir Golaha Wasiirada maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shir Golaha Wasiirada maamulkaas uu yeeshay maanta oo looga hadlay  qorshaha Qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta deeganada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo dowladda federaalka ka tirsan, waxaana socda qorshe ballaaran oo Khawaarijta looga sifeynayo dhulka ay ka joogaan Koonfur galbeed.

 

   

Ciidanka xoogga oo howlgal ka fuliyay inta u dhaxeyso degmada Galcad iyo deegaanka Ceel bacad ee gobolka Shabeellada dhexe

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska ilaalo qaran ayaa howlgal qorshaysan oo ka dhan ahaa khawaarijta ka sameeyay dhulka howdka ah oo u dhaxeeya degmada Galcad iyo deegaanka Ceel bacad ee gobolka shabeellada dhexe.

Howlgakaan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha ururka 4-aad ee kumaandooska ilaalo qaran Dhamme Maxamad xuseen Aadan waxayna ciidanku halkaasi ku bur buriyeen fariisimo ay Argagidisada ku lahaayeen dhulka howdka ah oo ay iskuna aruursanayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka ay ka war heleen khawaarijta oo isku aruursanaysay dhulka howdka ah ayna ku qaadeen weerar qorshaysan , isla markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday degaano kuyaalla xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halka oo ay ciidanka kawadaan howlgallo lagu sifeynayo khawaaraijta ku dhuumaleysaneyso dhulka howdka ah.