Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo isku xirta Isgoosyada Fagax iyo Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabada dhagax dhigga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka degmada, Saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in ay sii socon doonaan talaabooyinka lagu horumarinayo bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay jeebkooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh.

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Baay

Hawlgal gulaystay oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen tuulada SAYDHELOW ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began Magaalada Baydhabo ayaa lagu qaarijiyey dhagar qabeyaal ka tirsan kooxaha Khawaarijta.

Ciidamada ayaa howlgalkaan ku dilay laba dhagarqabe oo katirsan Khawaarij waxaana looga furtay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ku beegsanayaan firxadka Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga dadkeena.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katitsan gobolada dalka kawada howlgallo lagu sifeynayo haraadiga kooxda khawaarijta ah ee ku dhuumaleysanaya deganada iyo degmooyinka dalka.

MAXA LAGU GARTA QOFKA XAASIDKA AH?.

Xaasidnimada waxaan oran karnaa waa laba qaybood mid uu qofka ku dhasho iyo mid qofka uu gadaal ka noqdo iyada oo ay ku kaliftay inuu xaasid noqdo wadciga adag uu kusoo koray ama marxalada kala duwan ee nolosha kasoo martay,

Xaasidnimada waa wax qofka qalbigiisa ku jirta oo ku kalifaysa qofka ama ku khasbaysa in uu dadka xasdo si walbaba ay ahaato isaga oon ka faa’iideyn waxba,

Hadaba waxan kala qaadaynaa tan lagu dhasho iyo tan gadaal laga noqdo, Xaasidnimada lagu dhasho waa mid qofka iskaga abuuran taas oo aan oran karno waaba qofka hobby-giisa oo uu ka helo ,waxayna kasoo bilaabata xiliga caruurnimada,

Tusaale ahaan ilmaha qaar waxaad arkaysa ilma ilma kale inta uu dadka waaweyn iska eego qaniinaya ama wax ku dhufanaaya, alaabtiisa ka tuuraya, qalinkiisa ama kabihiisa mid ka mid ah waa ilmaha mar walba inta ay iska fiiriyaan qofka ay wax ku samaynayn oo ah ilma kale oo lodkoda ah wax dibin daabyo ah oo uu kaga xanaajinaayo ku sameeya, ilmahaas waxa ka daremaysa waxaas uu ku samaynaayo ilmaha kale oo uu kaga xanaajinayo inu ku raaxaysanayo oo uu farxad ku dareemayo,

hada ku qabato oo waydiiso waxa ku kalifay magaranaayo wax sabab ah, saas ayuu kuweynaada xaasid nimadiisina wuu la weynaada,waxa ayna gaarsiisa heer xun oo uu la naco wax kasta oo wanaagsan umada walaalihis ah, waxa kale oo ay gaarsiisaa heer uu ka naxo qof walba oo wax wanaagsan haysta oo ku ku fekero sidii uu uga kala tuuri laha ama uu uga bur burin lahaa.

Hadaba tan lagu dhasho iyo tan gadaal uu qofku ka noqdaba waxa ay ka siman yihiin dhaqan ka iyo wax walba oo ay samaynayaan marka uu qofku weynaado,

Haddaba maxa lagu garta qofka xaasidka ah?

1: Qofka xaasid ka waxa lagu gartaa waa dibindaabyo miiran wana mid ka shaqeeya gadaashada si uu ufuro xarig kasta oo aad xirtid oo maslaxadaadu ku jirto weliba si dadban oo aadan iska garan ayuu sidaas u sameeya.

2: qofka xaasidka ah waxa lagu gartaa waa munaafaq kuu isticmaalaya laba weji, weji fiican oo aad ku taqanid oo uu dadka ku siro si loo moodo qof fiican iyo weji u qarsoon oo cadowtinimo ah oo uu noloshaada rabo inuu ku gubo.

3: Qofka xaasidka ah waxa lagu garta in uu aad iskugu dardaro dadka isaga oo iska dhigaaya qof caawimaad badan, asxaan badan, run sheeg badan, si aad isugu fur furto oo uu xogtaada iyo meelaha aad weakness ka ama aad ka debecsantahay uu u ogaado si uu u helo wadada ugu fudud oo uu kugu baabin karo noloshaadana u kala tuuri karo.

4: Qofka xaasid ka aha waxa lagu gartaa xiriir joogta ah oo kabadan sidii caadiga ahayd isaga oo aay ujeedadiisu tahay si uu marwalba xogtaada iyo waxa ka cusub noloshaada uu u ogaado si uu isna hawshiisa u wato,adigana aad ugu moodid saaxib fiican oo kaa warhaya marwalba balse arinku sidaas wuu ka duwan yahay.

5: Qofka xaasidka ah waa mid xan badan mar walbana ka sheekeya dadka sharafta leh isaga oo dhaliil xun u raadinayaa dadkas wanaagooda iyo guusha ay gaareen.

6: Qofka xaasidka ah waa qof neceb oo mar walba jecel inuu dab ka dhex shido lamaanaha isqaba ama isguursan raba oo isku faraxsan,saaxibada isku wanagsan oo is jecel,deriska isku wanagsan,walalaha isku faraxsan oo isjecel,waalidka iyo ilmihiisa iyo laba qof oo kasta oo wanaag ka dhexeyo ( Somaliduna waxay ku maahmaahda hebel waa sadex neceb)

7: Qofka xaasidka ahi waa mid xanuunsanaya oo ka xuunsanaya nimcada Ilaahay dadkiisa u qaybinayo ee maalin laha ah waxa uu jecelyahay in Khaaliqa isaga uun wax siiyo oo dadka oo dhami aysan wax kasoo gaarin nimcadaas,dhibatada haysata xaasidkana waxay tahay dagaal aan guul laga gaarayn ayuu ku jiraa dharaar iyo habeen,

8: Qofka xaasid ka ah waa mid ay ka maqan tahay xasiloonida iyo farxada oo aaminsan in waxkasta oo wanagsan Allah isaga ka qadiyey oo ku fekeraaya dadka kale ayaa adiga kaa nasiib wanagsan ,

9: Qofka xaasidka ah waa saaxibka dhabta ah ee shaydaanka ama kaba sii xagjira oo shaydanka aya la qaatay waa qof xitaa markuu Salaada ku jiro ku mashquulsan oo ka fekeraya sidii uu qof walalkiis ah u damiri laha ama dabin ugu dhigilahaa,waa qof waqtigiisa inta ugu badan ku lumiya baabi’inta iyo wax yeelaynta bini’aadamka .balse waa mid marwalba ku fashilma dabinta iyo xumaanta uu sameeyo,guulna aan ka gaarin.

10: qofka xaasidka ah waxa ku yar iimanka iyo ka cabsashada Rabbi (SW) waxaana u fudud wax walba oo uu cagta ku marin karo wanaaga dadka, xitaa in uu ruuxda ka jaro qof way uga fududahay koob biyaha ah oo la cabo sababtoo ah cuqdada iyo xumanta qalbigiisa ka buuxda ayaa ilowsiisey Alle ka cabsigii iyo wixii uu la kulmi lahaa maalinta qiyaame.

11: Qofka xaasidka ah waa maseyrloow maseyrku maha keliya kan ay kala maseyran labada is qaba ama xiriirka leh balse kan xaasidku waa maseyr uu ka maseyro qof wax wanagsan haysta,qof awlaad wanagsan haysta,qof lacag haysta,qof wax bartay,qof sharaf leh,qof qurux badan,iwm.

–Hadaba kuma soo koobi karno qofka xaasid

Hadaba kumasoo koobi karno qofka xaasidka ah sifooyinkiisa oo dhan halkan;qof kasta oo calaamadahan iyo ka badanba leh waxa muhiim ah in laga feejignaado loona duceeyo in rabi soo hanuuniyo…waxa kaloo muhiim ah qofkii iska dareema xaasidnimo yar ama calaamadahan oo kale leh in uu isdaba qabto ilaahayna utoobad keeno.kana ducaysto in Allah ka dilo xididka xaasidnimo oo jirkiisa kujira,waayo xaasidnimadu waxay cibaadada qofka ucunta sida dabku dhuxusha ubaabi’iyo oo danbas uga dhigo

–Nebigeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate wuxuu yiri xaasidnimada iyo iimaanku meel kuma wada kulmaan,marka qof aan iiman lahayn xaalka uu kusuganyahay waad garan kartaan,ilaahay qalbigena xiqdiga iyo xasadka haka fogeeyo

 

MADAXWEYNIHII U ISTAAGAY CIRIBTIRKA KHAWAARIJTA IYO BADBAADINTA SHACABKA SOOMAALIYEED

Abaal ninkii galaa waa in loo gudaa gar weeye, waa in la xusaa had iyo jeer kuwa sameeya taariikhaha dalka gaar ahaan xilliyadaan oo kale oo lala jihaadayo khawaariijta manaxayaasha ah ee ku soo duulay dalkeena,

 Madaxweyinaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya mudane Dr. xasan sheekh maxamuud ayaa noqday madaxweynihii u istaagay la dagaallanka iyo ciribtirka khawaarijta iyo weliba badbaadinta dalka iyo dadka.

Dhanka kale, Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in ka badan boqol habeen ka maqan hoygiisa ku yaalay caasimadda dalka isagoo ku hoyana furimaha dagaalka meel aan ka fogeen furimaha dagaalka isagoo wacad ku maray in uusan ku so noqon doonin hoygiisa Ilaa inta laga sifeenayo cadowga umadda soomaaliyeed.

Madaxweynaha Qarankan ayaa dhiiro galin u muujinaya ciidamada qaranka kuwaasoo godadka ku eryanaya khawaarijta ciidanka qaran soomaaliyeed ayaa iyagana dhiiro galinta ay ka helayaan madaxweynahooda awgeed maalin walba magaalo kala wareegaya cadowga khawaarijta.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya mudane Dr xasan sheekh maxamuud ayaa qaatay go’aan masiiri u ah ummadda soomaaliyeed kaaso go’aankiisa yahay in uu ka dulqaado ummadda soomaaliyeed culeeska saaran kaaso ay sanadihii la soo dhaafayay oo dhan ay ku haayeen cadowga khawaarijta. Madaxweyne Xasan ayaa soo noqoshadiisa labaad ee doorashada ay ku farxeen badi shacab weynaha soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu xilka madaxweynenimada uu ku so laabtay waxaa cabsi ku nool noqday cadowga ummadda soomaaliyeed isagoo culees aad u tiro badan saaray cadowga.

Khawaarijta ayaa horaantii dhibaato ba’an ku hayay shacabka ku sugan caasimadda iyo gobollada dalka ka dib markii la doortay cadowga khawaarijta wuxuu dareemay in ay dhamaaday calafkii ay ku lahaayeen soomaaliya.

haatan waxaa rumowday riyaadii dadka soomaaliyeed ee muslimiinta ah, waxaana gododkoodii loogu dhacay khawaariijta waxaana lagu baacsanayaa howdka iyo jiqaha oo lagu eryanaya iyagoona ficil ka sameyn karin caasimadda foojignaanta amniga dartiis ka dib markii bulshada iyo ciidammada oo isku duuban ay hubka u qaateen lagana xoreeyay magaalooyin tiro badan lagana dilay khawaariij tiro la’aan ah, dhaawacana tiro beel yahay, qaarkoodna isa soo dhiibeen iyagoo dulleysan oo ay ka muuqato rafaadka ku dhacay waxayna noqotay mid ay ka sheekeyn doonaan ummadda soomaaliyeed  hooggii iyo ba’ii qabsaday kuwii dalka ku soo duulay ee diinta ka been sheegay.

WQ: Zaki Lucky

 

HADDAAD DADAASHO WAAD GUULEYSAN KARTAA

Marna ha ka labalabeyn in aad guuleysan karto waa qofna uma dhalan in uu guuleysto oo keliya.

Rabitaaanka ama doonista ayaa ah waxa muhiimka ah taas oo uu qofku ku raadinayo gaarista yoolka uu rabo kaas oo labo ah : mid dhow iyo mid fog.

Xawaaraha nolosha iyo isbedbedelkeeda waxaa ku jira fashil ka duwan laakiin qof kasta oo fashilkma ayaa guleysan kara laakin qofka aan weligiis guuleysan waa qofka aan iraadada ama doonista laheyn.

Waxaa la yiraahdaa nolosha waa geeddi ama safar maalinba meel ku fuanaya , mar wuxuu ku furanayaa meel abaar, marna meel barwaaqo , mar meel habaas badan marna meel doog leh waa sidaas kala duwananshaha geeddiga nolosha oo ma jiro qof weligiis taagan meel guul ah oo fashil laheyn.

Waxaa la yiraahdaa qaldaa wuu saxaa oo qof aan soo marin dhibaato marna ma fisho guul oo xitaa haddii aad tobaneeyo sano aheyd qof noloshiisa aan farxad arkin ha iska dhigin qof fashilmay kaas maaha fashilka .

Meel kasta oo aad nolosha ka gasho waa uun guul iyo guul darro laakiin waxa nolosha dhisa waa guuldarada iyo fashilka oo laga dhigto aalad guul keenta oo guusha lagu raadiyo .

Taas waxaan ka wadaa waxaa jira kumanaan dad ah ama malaaayiinba aan dhahnee oo noloshodu markii hore ciriiri aheyd oo qaarkood ku hoos jireen cadaadis iyo gumeysi oo doonistoodii aheyd in ay mar uun ka bixi doonaan ay gaarsiisay in ay dhibkaa ka baxaan.

Taas ma waxay ku timid iyagoo ku gaabsaday in ay dhahaan waa ka baxeynaa oo kaleiya oo gacmaha laabtay..Maya , waxay raaciyeen ficil ay la yimaadeen oo u suurtagalinaya in ay guuleystaan.

Dhammaan umadihii la gumeysan jiray ayaa sidaa ku xoroobay waxaana jirta oraah carbeed oo tiraahda HADDII SHACAB LA YIMAADO DOONISTA WAXA UU XAQA U LEEYAHAY MA JIRTO CID IS HORTAAGI KARTA.

Waxaa tusale fiican u ah arrinta Falastiin oo maanta ah hadal heynta ugu badan maadaama ay ahaayeen dad muddo dheer ciil iyo caro ku nool oo dilkuna ka mid ahaa nolol maalmeedkooda.

Waxa aan la fileyn ayaa dhacay hal mar ayey saacaduna 360 digrii kala wareegtay oo ay la soo baxeen awood aan laba fileyn oo caalamka oo dhan kaga yaabsatay .

Sirdoonkiii caalamka ugu weynaa ee Israa’iil laheyd ayey mar keliya daba maryeeyeen oo ogaan waayey iyagoo ku dagaal galay hub macmil ah oo aan la is laheyn waa ku guuleysan karaan .

Hubkoodaas gacan ku sameyska ah ayey ku jiireen saldhigyadii adkaa ee ciidamada Israa’iil taas oo ku dhalisay ciidamada Israa’iil argagax iyadoo ay dhacday in markii ugu horreysay Israa’il dagaal looga dilo dadkii ugu badnaa.

Taariikhda Bariga Dhexe haatan waa kala wareegtay oo sidii lagu ogaa wax badan ayaa iska bedeshay haatana looma fekerayo sidii hore loogu fekeri jiray eek u koobnaa in Falastiiniyiinta dhagax oo keliya ku dagaalamaan.

Si la mid qofka shaqsiga ah haddii uu leeyahay shaqsiyada adag iyo doonis wax walba waa ka gudbi karaa wuuna guuleysan karaa laakiin mahaa mar walba in uu guul fisho .

Guusha waxay ku timaadaa tijaabo iyo fashil badan laakiin tani waxay keeneysaa in aad guuleysato.

Qofka uuldarada ku niyad jaba guul ma niyeysan karo wuxuuna noqdaa fadhiid aan rajo laheyd waayo guul darada waa in aad u qaadataa mid ku dhiirigalisa oo doonistaada kor u sii qaadda.

WQ:  MOHAMED SHIIL 

 

WARGEYSKU WAA WEHELKA QOF WALBA OO WAX AKHRINTA JECEL (QEYBTII 2-AAD)

Xilligii burburka dalka waxay Saxaafadda Soomaaliyeed Ku begantay waqti aan dowlad dhexe oo xooggan aysan dalka Ka jirin, waxay ku soo beegantay qaran bur-buray iyo bulsho bahalowday oo aan kala garqaadaneynin,

Dhinaca Kale, dhallintii joogtay xilligaan adag ka shaqeynayay saxaafadda waxay la soo baxeen  farsamooyin u gaar ahaa iyagoo adeegsanayay caqli iyo maskax si ay u nabad galaan iyagana looga nabad galo, taasoo u suurta geliysay inay si fudud uga faa’iideystaan farsamooyinka casriga ah ee howlaha saxaafadda, runtii waxay ahayd arrimo u baahanaa xeelad iyo xirfad Aqoon saxaafadeed, si la isaga ilaaliyo wax kasta oo waxyeeleyn karay habsami u socdkii saxaafadda xilligaas adag .

Dhaliishu ma reebaneyn balse, dhib abuurista ayaa ka daraneyd Dhaliil yar oo laga indho qabsan karay oo si kam’a ah ama aqoon darro ku dhacdaysay.

Si kastaba ha ahaatee, waa laga  soo gudbay hadda waxaa Muhiim ah in Saxaaddu Ka Shaqeyso horumarinta danaha guud ee dalka iyo isku xirka bulshada, oo dan Shaqsi gaar ahna uusan ka leexin danihii guud ee dalkaaga iyo dadkaaga u heysay.

Haddaba, sida laga warqabo Warbaahinta waxaa ugu fac weyn Wargeysyada iyaga oo ahaa Isha kaliya oo laga xigan jiray xogaha iyo waxa caalamka ku shaacsan.

Soomaaliya waxaa ay qeyb ka aheyd wadamada uu saameynta xooggan ku lahaa wargeysku waxaana aqrisan jiray dad badan oo Soomaali ah.

Inta aysan Soomaaliya xorriyadda qaadan waxaa soo bixi jiray dhowr Wargeys oo ku qoran afaf qalaad oo kala duwan sida carabiga ingriisiga iyo talyaaniga.

Taariikhda ay soo mareen wargeysyada soomaaliyeed waa mid xasuus iyo dib u gocosho leh, wargeysyada ayaa qiimo ku dhex lahaa bulshada wax aqriso.

Haddaan dib wax yar isu xasuusino 1960-1970 dalka waxaa ka soo bixi jiray afar Wargeys oo shisheeye lahaayeen, waxaa ayna ku soo bixi jireen afafka Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa mid ka mid ah la dhihi jiray Somali News”. Corriara dela Somalia iyo kuwo kale.

Teknoloojiyada uu caalamku ku tallaabsaday Soomaaliya waxaay uga dhiganeyd mid yareysay aqriska wargeysyada, balse waxaa jira dad aan faro badneyn oo weli ku faro adeygaya aqriska Wargeysyada.

Wargeysyada ugu muhiimsan adduunka maanta joogno?

Haddaan soo qaadanno matalan wargeysyada ugu muhiimsan adduunka aynu ku bilowno sheegistiisa The New York Times, waa wargeys maalinle ah oo lagu daabaco magaalada new york, ku qoran luqadda ingriiska, waxaa xusid mudan in joornaalkan la aas’aasay sanadkii 1851 waxaa loo arkaa inuu yahay wargeys aan qiimo badan lahayn oo ka jira dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, The Guardian-ka waa wargeys Ingiriis ah oo la daabaco Isniinta ilaa Sabtida iyadoo loo eegayo qaabka Berlin.

Wargeysku waxaa la aasaasay 1821 wuxuuna saldhigiisu yahay magaalada London. Tifaftirayaasha wargeyskan ayaa inta badan u janjeera dhanka siyaasadda bidix. Sida xaqiiqda xiisaha leh, waxaan kuu sheegeynaa inuu yahay wargeys ku qoran Ingiriis oo heer qaran u daabaca midab ahaan.

Sidoo kale, el daily mail waa wargeys Ingiriis ah, oo loo arko inuu yahay tabloid. Waxaad xiiseyn doontaa inaad ogaato inuu yahay wargeyska labaad ee loogu akhriska badan yahay Ingiriiska, marka laga soo tago The Sun.

Wargeyska waxaa la aasaasay 1896.

Haddaan fiirinno wargeyska The Wall Street Journal waa wargeys maalinle ah oo ka soo baxa dalka Mareykanka lana aasaasay sanadkii 1889 xaruntiisuna waa magaalada New York wargeyska dhanka siyaasadda wuxuu u janjeera dhanka muxaafidka.

Washington Post ayaa isagana ah wargeys ka soo baxa dalka Mareykan, oo loo arko inuu yahay wargeyska ay dadku jecel yihiin uguna da’da weyn Washington DC.

Wargeyskaan wuxuu caan ku yahay warbixintiisa Aqalka Cad, Koongareeska, iyo dhinacyada kale ee dowladda Mareykanka.

Maalintii Dadka, waa wargeys ka tirsan xisbiga shuuciga xukuma ee Shiinaha, oo lagu daabaco adduunka oo dhan, marka lagu daro luqaddiisa ugu weyn ee Shiinaha, waxay leedahay daabacado kala duwan sida Ingiriis, Jabaan, Faransiis, Isbaanish, Ruush, Carabi, iyo Kuuriya.

Wargeysku wuxuu bixiyaa macluumaad toos ah oo ku saabsan siyaasadaha iyo aragtida Xisbiga.

Haddaba ugu dambeyn Wargeyska dalka waa Wargeysk ka soo baxa dalka Soomaaliya ka dib burburkii waana kii dhaxlay wargeyskii la oran jiray Xiddigta Oktoobar.

Soomaalida waxay tiraahdaa Wax badan Akhri si aad waxbadan u fahanto ka dhigo wehelkaaga Wargeyska dalka si aad ula jaanqaaddo waxyaabaha ka dhacaya dalkaada korna aad ugu qaaddo aqoontaada, fikradda iyo maskax garaadkaada

WQ: Cabdisalaan M. Yaasiin

 

MUQDISHO OO AY KU SOO BADANAYAAN DHISMAYAASHA CASRIGA AH EE DUNIDA.

Magaalada muqisho ee caasimada dalka waa magaalo madaxda dalka waa magaalo ay ku nool yihiin shacab aad u badan waana magaalo Ka soo kabsatay dhibaatooyin xooggan oo dalka soomaray waana magaalo ay ku soo badaneyso hormaro kala duwan oo ay Ka sameenayaan shacabka magaalada muqisho iyo shacabka ka kala yimid gobolada dalka iyo dibada waana magaalo la tartameyso caasimadaha kale ee adduunka.

Magaalada muqisho waxaa qeyb Ka ah hormararada kala duwan ay sameeneyso in magaalada ay si xowli ah ay ku soo badanayaan dhismayaasha cusub ee saraha ah ama dabaqyada oo ay dhisnayaan hay’addo kala duwan, ganacstato Soomaaliyeed, dowladda iyo ajaanib dabayadan ayaa ah dadbaqyo dhaafheer oo loo dhisay qaab casriyeesan oo aan dalka horay looga aqoon taasi oo qeyb weyn Ka qaadaneyso bilicda, hormar iyo isbadal ayey qeyb weyn Ka qaadaneysaa.

 

Hormarka dhaqaalaha dalka oo marba marka Ka sii danbeysa soo koraayo qeyb weyn ayey Ka qaadaneysaa dhismayaasha kala duwan ee dalka Ka socda oo caasimada dalka u soo jiideysa bilic wanaagsan iyo hormar dhaqaale taasina waa waxa ay ugu sii dhiiranayaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii badiyaan dhismayaasha dabaqyada ah ayaga oo Ka faa’idaya hormar dhaqaale iyo mid ganacsi.

 

Hadaba faa’iido noocee ah ayaa ku jirta dhismayaasha cusub ee ku soo badanaayo magaalada muqisho ee caasimada dalka.

Faa’iido badan ayaa ku jirta dhismayaasha cusub ee ku soo badanaayo magaalada muqisho ayaga oo qeyb weyn Ka qaadanaayo nolasha aadanaha oo ku tiirsan helitanka goobo dadka ay ku hoydaan.

 

Haddii aan u kala qaadno faa’iidada ku jirta dhismayaasha cusub ee dabaqyada mida ugu horeysa.

 

  1. Dhaqaalaha dalka oo isbadal xooggan ku yimaada marka loo eego dhismayaasha cusub ee dabaqyada ku soo badanaayo magaalada muqisho waxaana kobac ku yimid dhaqaalaha, kala socodka ganacsiga, u soo shaqatigida abaartimayaasha oo ay badanaa dagaan ganacsiyo badan oo ay u soo ganacsiya doontaan boqolaal shacab oo doonaya alaabo kala duwan taasi oo qeyb weyn Ka qaadaneyso kobaca dhaqaalaha.

 

  1. Faa’idada lababaad ayaa in bulshadii ay guryo Ka kireeysataan ayaga oo deegaan ahaan u dagaya dabaqyada cusub ee ku soo badanaayo magaalada taasina waxa ay keentay in shacabkii ay guryo Ka kireeysataan dabaqyada qolol isku xiran oo ay dagi karaan qoys iswata sidoo kale waxaa kireysata hay’addaha kala duwan ee dalka Ka jira ayaga oo Ka dhiganaayo xafiisyo kala duwan oo ay ugu adeegaan bulshadooda sidoo kale dowladda ayaa iyana u adeegsata xafiisyo ay ugu adeegeyso shacabkeeda Soomaaliyeed waana faa’iido weyn oo dhaqaale ayuu Ka soo xaroonayaa dabaqa.

 

  1. dowladdeena Soomaaliyeed oo iyana faa’iido weyn Ka heleysa dhismayaasha cusub ee ku soo badanaayo magaalada muqisho ayada oo Ka qaadeeysa canshuurta dalka oo ay dowladdu u adeegsaneyso canshuurtaas dhismayaasha kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo mushaar bixinta sidoo kale dowladdu qeyb weyn ayey Ka qaadaneysaa hormarada kala duwan ee dalka Ka socda ayada oo ganacstada Soomaaliyeed u fududeeneysa baahiyohooda kala duwan ay qabaan sidoo kale canshuurta ayey u qafiifisaa ganacsatada Soomaaliyeed .

 

Ugu danbeyn dhismayaasha cusub ee ku soo badanaayo magaalada muqisho waxa ay qeyb Ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha, bilicda caasimada iyo hormarka shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba waxaan ku dhiira galinayaa sii laba jibaarida hormarada kala duwan ay Ka wadaan caasimada iyo guud ahaan dalka si dhaqaaleheena iyo dalkeena uu u hormaro.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in khawaarijta sanad gudihiis laga xoreyay dhul gaarayo in ka badan kun KM

Dagaalka tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad lahayn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka.

Dhul ka badan In ka badan Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaas dheer in ka badan 120 isugu jira deegaanno iyo degmooyin ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta.

Degmooyinka iyo deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah oo aan tusaale u soo qaadan karnaa hadii gobal gobal aan u dul istaagno:-

Gobolka Hiiraan waxaa la xoreeyay  25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Shabeellaha Dhexe waxaa la xoreeyay  21 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Galgaduud waa waxaa la xoreeyay  20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Mudug waa waxaa la xoreeyay  25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Shabellaha Hoose waa waxaa la xoreeyay  10 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Jubbaland waa waxaa la xoreeyay  20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Hawlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday waxaa sidoo kale lagu dilay saddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa kuwaas oo ka mdi ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57). Waxaa lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaas.

Waxaa laga yaabaa dadkeenu inay is waydiiyaan maxaa loo arki waayay Geerida Khawaarijta soo gaarta. Laakiin taasi waxaa jawaab u ah hal hayska dadkeena ee ah Geeridu waxay ku roontahay Geel jire iyo qof aadan aqoon oo loola jeedo Geeridu ku xanuujisa inay tahay mida kuu dhow iyo qofka aad garanayso.

Khawaarijtu waxay soo dagaal galiyaan caruur iyo dad ay qaldeen oo ayaga iyo waalidiintooda ay kala jareen ama aanan wax xiriir ah la hayn, waxaana taas ka sii daran markii la laayo dadkaas ay soo qaldeen waxay geeridooda ka qariyaan dadkooda si xanuunkooda aanan loo arkin.

Dowladda Somalia waxay bogaadinaysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee hadda ubadkooda kala soo cararay meelaha yar ee ku harsanyihiin kuwaasi oo arkay sida arxan darada ah ee dabka loogu shubay dadkoodii hadana aanan dan laga lahayn geeridooda iyo noloshooda.

Dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed waxay ka warhaayaan deegaanada ay khawaarijtu Xabaad wadareedyada ay ka sameeyeen, waliba ayaga oo aanan asturin dadkii laga laayay inay xaabalaha qaar boqol boqol ugu shubeen sidii qashinkii,hadalkaa  waxaa shir jaraa’id uu shalay warbaahinta u qabtay u sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys jaamac

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gelinkii dambe u ambabaxay magalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka. waxayna ka wada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

  

Maareeyaha Hey’adda Aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka oo kulan la yeeshay Guddiga Rugta Ganacsiga

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Timacadde ayaa Xarunta hay’adda waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Gudiga Rugta ganacsiga Soomaaliya.

Maareeyaha ayaa kulankaan kula wadaagay Gudiga rugta ganacsiga Nidaamka Bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha kaasi oo dhawaan si rasmi loo bilaabi doono diwaan galinta Muwaadiniinta soomaaliyeed iyo dadka sida sharciga ah ku jooga dalkeena.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli  Timacadde ayaa tilmaamay in Hay’adda NIRA ay hirgalinayso nidaam loo dhan yahay si fududna lagu wada heli karo. Isaga oo xusay  in Kaarka Aqoonsigu uu wax wayn ka tari doono horumarinta dhaqalaha dalkeena.

Guddoomiyaha Rugta Gancsiga Somaaliya  Mudane Mohamoud Cabdikariim Gabayre ayaa tilmaamay inay aad ugu taamayeen nidaamka Aqoonsiga ee Hay’adda Diiwaangalinta dadweynaha. Wuxuuna sheegay in  Ganacsatada Soomaaliyeed baahi wayn ay u qabaan helitaanka Kaarka Aqoonsiga dadweynaha si nidaam sharci ah dunida ugula macaamilaan Ganacsigooda.

Kulanka markii uu soo dhammaaday kadib dhammaan xubnaha Rugta Ganacsiga ayaa ayaa si rasmi ah loo diiwaangaliyay si ay u helaan Kaarka aqoonsiga Qaranka.