Ciidamada Xoogga dalka oo howlgalo sifeyn ah ka wada deegaanada Caad iyo shabeeloow koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorshayn ka fuliyay dhulka miyiga aa ee u dhaxeeya Deegaanada Caad iyo shabeeloow koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada ayaa dhulka miyigaa ku baacsaday firxadka khawaarijta arxanka daran ee khawaarijta, Ciidamada ayaan wada howlgalo lagu sugayo amniga guud ee deegaanadaan.

Taliye ku xigeenka Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor xoogga Dalka Soomaaliyeed Suulnuuge ayaa hoggaaminayay howlgalka qorshayn ayaa sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen saldhigyo khawaarijta ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaala aagga shabeeloow

Kooxda naf la caariga ee Khawaarijta ayaa iskaga cararay saldhiyo ay ku lahaayeen dhulka miyiga ah aagga Caad iyo shabeeloow kadib markii ciidamadu ay sameeyeen howlgal nadiifin ah.

      

Taliska Booliiska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay qarixii saakay ka dhacay Ceelasha Biyaha

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ciidamadda ammaanku ay ka fashiliyeen dhagar xooggan oo kooxda naf la caariga ah ee khawaarijtu ay dooneysay inay ku dhibaaateyso shacabka magaalada Muqdisho.

“Ciidamadda Ammaanka oo ka feejigan dhagaraha qarsoon ee ay maleegayaan cadowga khawaarijta ayaa ku qabtay bar kontarool oo amniga lagu sugo gaari laga soo bixiyay walxaha qarxa oo la damacsanaa in gudaha loo soo galiyo caasimadda, shacabka lagu waxyeeleeyo” ayaa lagu war ka soo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxii saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku geeriyoodeen 6 ruux oo 4 kamid ah ay yihiin Ciidamada geesiyada ee fashiliyay qaraxaan iyo labo ruux oo shacab ah sidoo kalena qaraxa ayaa geystay khasaare hantiyeed.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in qaraxaani uu noqonayo kii 5-aad  ee ciidamada amnigu ay ka hor istaageen in gudaha loo galiyo Caasimadda.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay Guullaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdsiho ayaa faah faahin ka bixiyey guullaha Dowladdu ka gaartay dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada ay hore ugu dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed kooxaha khawaarijtu,Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022 waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaalka ciribtirka Khawaarijta kaas oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa xilligaas dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo,Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir,Ciidamada qalabka sida hay’addaha dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaas si isku mid ah u soo dhaweeyay waxa ayna muujiyeen kaalintooda dagaalka.

Shacabka Soomaaliyeed waxa aad xog ogaal u tihiin dhibaatada ay Khawaarijtu ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna sanad iyo saddax bil ka hor.

Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn.

Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha)

Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u ahayd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M – 150 Million, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu.

Si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaas oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta.

Haddaba dagaalka dhaqaalaha waxa uu ka mid ahaa saddaxda jiho ee Khawaarijta laga beegsaday, bilihii ugu horreeyay ee dagaalka, June ilaa September 2022, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka waxa ay ku guuleysatay burburinta fariisimihii Khawaarijta ee duleedka Muqdisho ee isugu jiray, maxkamad beenaadyo, xabsiyo dadka lagu cabsi galin jiray, goobo lacagta baadda ah ay ku uruurin jireen iyo fariisimo ay ku dhuumanayeen maleeshiyaadkooda.

Waxaa intaas dheereed in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaas oo isu ekeysiinayay, nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu ahayd in ay xogta ganacsi la wadaagaan khawaarihta.

Dekadda Muqdisho waxa ay ahayd meelaha ay Khawaarijta oo isticmaaleysa kooxaha aan soo sheegnay ay isku dayeen in ay soo marsiistaan waxyaabaha ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed laakiin Sirdoonka Soomaaliya ee habeen iyo maalin u taagan in uu ka hortago shirqoollada Khawaarijta ayaa helay xogta Alaabaha ku socday Khawaarijta ka hor inta aysan soo gaarin Soomaali, waxaana dowladdu ku guuleystay in la qabto alaabta iyo shabakaddii ka shaqeyneysay fududeynteeda.

Ilaa seddax shirkadood oo dabagalka lagu ogaaday ayaa shaqooyinkoodii ku waayay kiiskaas, kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ku doonayeen in ay kaga dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Bilo gudaheed Khawaarijtu waxa ay weysay lacagtii faraha badneed ee ay qasabka uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed kaddib markii dhammaan shacab iyo ganacsato ay u hoggaansameen amarka dowadda.

Xanuunka khawaarijta gaaray intaas kuma ekaanin ee waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaas oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah.

Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo  Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).

Dagaalka Tooska ah

Dagaalka tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad lahayn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka.

Dhul ka badan In ka badan Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaas dheer in ka badan 120 isugu jira deegaanno iyo degmooyin ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta.

Degmooyinka iyo deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah oo aan tusaale u soo qaadan karnaa hadii gobal gobal aan u dul istaagno:-

Gobolka Hiiraan waxaa la xoreeyay  25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Shabeellaha Dhexe waxaa la xoreeyay  21 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Galgaduud waa waxaa la xoreeyay  20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Mudug waa waxaa la xoreeyay  25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Shabellaha Hoose waa waxaa la xoreeyay  10 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Jubbaland waa waxaa la xoreeyay  20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira

Hawlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday waxaa sidoo kale lagu dilay kun iyo todobo boqol oo Maleeshiyaad ah (1,700) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa kuwaas oo ka mdi ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57). Waxaa lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaas.

Waxaa laga yaabaa dadkeenu inay is waydiiyaan maxaa loo arki waayay Geerida Khawaarijta soo gaarta. Laakiin taasi waxaa jawaab u ah hal hayska dadkeena ee ah Geeridu waxay ku roontahay Geel jire iyo qof aadan aqoon oo loola jeedo Geeridu ku xanuujisa inay tahay mida kuu dhow iyo qofka aad garanayso.

Khawaarijtu waxay soo dagaal galiyaan caruur iyo dad ay qaldeen oo ayaga iyo waalidiintooda ay kala jareen ama aanan wax xiriir ah la hayn, waxaana taas ka sii daran markii la laayo dadkaas ay soo qaldeen waxay geeridooda ka qariyaan dadkooda si xanuunkooda aanan loo arkin.

Dowladda Somalia waxay bogaadinaysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee hadda ubadkooda kala soo cararay meelaha yar ee ku harsanyihiin kuwaasi oo arkay sida arxan darada ah ee dabka loogu shubay dadkoodii hadana aanan dan laga lahayn geeridooda iyo noloshooda.

Dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed waxay ka warhaayaan deegaanada ay khawaarijtu Xabaad wadareedyada ay ka sameeyeen, waliba ayaga oo aanan asturin dadkii laga laayay inay xaabalaha qaar boqol boqol ugu shubeen sidii qashinkii.

Amniga Caasimadda.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxa ay si weyn ula socdaan sida uu amniga magaalada Muqdisho uu ahaa sanad ka hor iyo horumar laga sameeyay. Haddaba dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelineysa shacaba Caasimadda ku nool oo wada shaqeyn u muujiyay ciidanka amniga iskana diiday in uu ku dhex dhuunto garan-waa’ taas oo natiijadeedii ay ka muuqato caasimadda oo amnigeedu si weyn u hagaagay.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa badqabka muwaadinka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado meel kasta oo ay gabbaad ka raadiso.

Dagaalka Fikirka.

Qaybta fikirka, waxaa markii ugu horaysay culumada isku raaceen halka ah kooxdu uga jirto diinta waxaana culumadu fatwootay in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah taas oo wax wayn ka badashay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta

Warbaahintu waa tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles kuwaas oo Khawaarijtu isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka.

Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijtu.

Sidoo kale waxa ay Dowladdu xirtay 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta.

21 Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray.

Khawaarijta waxaa sidoo kale laga xiray 12 Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.

Sanadka ay dowladdu waddo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta waxa uu ahaa, Sanad khawaarijta la dilay, la dhaawacay, la qabtay, la cunaqabateeyay iyada oo inta soo hartayna lagu daba jiro firxadkooda.

Ugu danbayntii

Dowladda Somalia waxay ugu baaqaysaa maleeshiyaadka la qalday ee lagu xasuuqayo dadkooda inay isku soo dhiibaan dowladda, horjoogayaasha Khawaarijta waxaan leenahay waxaa la joogaa dhammaadkii, Ummadda soomaaliyeed ma sii gumaadi doontaan ee inta goori goortahay ka soo laabta ficiladaan qaldan.

Shacabka Muqdisho, sida Madaxweynuhu horay u sheegay iska ilaaliya Garanwaaga qof kasta oo kuu  dhow ama aad la macaamilayso iska hubi, qofkii aad garan waydo ceeb ma ahan la wadaag hay’adaha ammaanka.

Ammaanka iyo Nabad Galyada waa masuuliyad wadareed waxaa loo baahanyahay ciidamada ammaanka iyo qof kasta oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga wada qayb qaato.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo xaqiijiyey in Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay Barnaamujka Dayn Cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka hadlay hanaanka Dayn cafinta Soomaaliya in uu dhammaanayo bartamaha bisha December ee Sannadkan.

Wasiir Biixi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hanaanka daynta cafinta soo maray marxaladdo kala duwan oo dowladda Soomaliya ku bixisay daddaal xooggan kaas oo noqday miro dhal” wax aan kalsooni ku qabnaa in aan ku guulaysanayno in dayn cafinta si buuxda ugu guaysan doono bartamaha bisha December” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Sidoo kale Wasiirka maaliyaddu xukuummadda federaalka Soomaaliya wuxuu faahfaahin ka bixiyey kulammo uu la qaatay haya’adda caalamiga ee doorka ku leh daynta cafinta isagoo xusay in dhamaan kulamadaas ku dhamaadeen is faham iyo wada shaqayn buuxda,wasiirka ayaa si gaar ah u xusay inuu kulamo kala duwan la qaatay Haya’addaha Maaliyadda dalka Maraykanka,dalalka Carabta,iyo yurub isagoo ugu bishaareeyey Shacabka Soomaaliyeed in si dhamaystiran loo cafin doono daynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ay socdaan habraacyo lagu xadidayo laguna xakamaynayo dhaqaalaha Khawaarijta,daddaaladan oo wasiirku hormuud ka yahay kana mid ah qorshaha guud ee cirib tirka khawaarijta.

Roobkii Xilliga Deyrta oo bilowday, khatarteeda wadata (WARBIXIN)

Dhulka ay digto Soomaalidu inta badan waxay helaan Roobka xilliyada Gu’a iyo Deyrta, bilahaan oo kale ayay ka curate xilli Roobaadka deyrta, waana kan ka da’day inta badan Dalka Soomaaliya laga soo bilaabo Raas-jumbo ilaa Lowyacadde.

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Roobab mahiigaan ah oo Xalay iyo shalay ka da’ay Gudaha iyo Daafaha Magaalada ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan tiro Qoysas ah oo farabadan oo deganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako. Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan Laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa Xalay saqdii dhaxe mar qura ku soo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, waxaana dadkaasi gurmad biyaha looga samata bixiyay u sameeyay dhalinyarada Magaalada.

Xaalada ayaa waxay sii adkaatay markii daadadka soo rogmaday Roobka ay waayeen meel ay ka galaan Webiga madaama kanaalka biya xireenka killiga Dhagax jibis oo loogu tala galay biyaha daadka ka soo rogmada inay Webiga ku xareeyaan uu ahaa mid xirnaa, hase yeeshee waqti dambe oo ay daadku dadku barakaciyeen ayaa lagu guuleystay in la furo Irdaha kanaalka Dhagax jibis. Si kastaba ha ahaatee daadkan ka dhashay Roobabka Xalay waqtiga badan da’ay ayaa sii kordhinaya cabsida ay Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ka qabaan inuu fatahaad ka geysto Webiga Shabeelle gudaha magaalada Beledweyne, iyadoo Dhulka Buuraha Ethiopia biyo badan laga soo sheegaayo.

Musiibadii la saadaalinaayay miyaa ka bilabaatay Soomaaliya gaar ahaan Hiraan?, allaaha ha inaga badbaadshee”, Wiilkeyga aniga oo u jeedo ayuu daadka sii raacay isaga oo ku qeylinaayo Hooyo I bad baadi’, sidaasi waxaa ku calaacashay Hooyo Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii uu xalay Roob ma hiigaan ah oo wata daad fara badan uu ka da’ay Magaaladaasi iyo hareeraheedaba uu qaaday Cunigeeda, biyahaasi ayaa lahaa ama ku socday awood xad dhaaf ah, balse ay soo badbaadiyeen dhallinyaro iskood isku xil-qaamay oo aad uga howlgalay gooboaha ay deggan yihiin Dadka Danta yar, iyagoo si weyn ugu gurmaday maatidaasi ay la soo gudboonaatay dhibaatadaasi.

Roobabkaasi ayaa la sheegay inay ka da’yeen shalay ilaa Xalay Magaalada Beledweyne, waxaana lagu soo waramayaa in geysteen khasaare aan la soo koobi Karin, balse aan la soo sheegin wax dhimasho nafeed ah, waxaase jira mid hantiyadeed, iyadoo aan weli la soo tirikoobin khasaaraha uu magaaladaasi ka geystay, maadaama ay tahay goor hore, balse natiijada khasaaraha ayaa la filaa in maamulka magaaladu uu soo saaro goor dhow.

Shalayna waxaa laga soo warinayaa Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo inuu Roob halkaasi ka da’ay uu khasaare hantiyadeed uu gaarsiiyay, balse aysan ku dhiman qofna, sida uu ku waramayo Maamulka degmadaasi, wuxuuna intaasi ku daray inay Roobkaasi geystay khasaare oo waxa uu horey u sii qaatay Raashinkii iyo badeecadihii kale ee yaallay suuqa oo aheyd meesha ay biyuhu marayeen, waxaa kaloo uu sii qaatay Xoolo.

Magaalada Muqdishana xalay xilli dambe ayuu ka da’ay Roobkii Xilliga Deyrta, kaasi uu socday muddo 5-saacadood ah oo xariir ah, waxaana lagu soo waramayaa in ilaa iyo hadda aan la sheegin wax khasaare ah ee uu u geystay Magaalada, taasina ayaa la sheegayaa in ay sabab u tahay Dowladda hoose ee Xamar ayaa feejignaan iyo diyaargaroow dheer u gashay arrintaasi, iyadoo horey u diyaarisay goobo biyuhu maraan, islamarkaana dayactirtay Bulaacadihii Magaalada Muqdisho, si aysan biyuhu ugu hakan.

Sida horey loo sii saadilay, islamraakana wadatay digniino in Roobab mahiigaan ah ay ka da’aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Webiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaasi oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad aad u waaweyn, keenina kara khasaare isugu jira Maal iyo Nool. Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa Shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino.

Sidoo kale, si ay u yaraato khataraha ka dhalan kara, waxay hey’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino, waxayna bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hey’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado Roob mahiigaan ah oo todobaadyadaan la filayo inay da’aan, sida hadda muuqatana waxa uu ka bilowday Xilli Roobaadka Deyrta laga soo bilaabo min Lowyacadda ilaa Raas-jumbo intooda badan.

Goobaha sida gaar ah Roobabka la saadaaliyay waxay kala yihiin gobollada Bari, Sool, Sanaag, Waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyay in ay geysan karaan Khatar cabirkeedu sarreeyo, waxaana Bulshada ku dhaqan gobolladaasi ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan taxadar gaar ah oo ku aadan khatarta fatahaadda iyo daadadka Roobka ka imaanaya.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee XFS ayaa iyana soo saartay digniin ku aadan  khatarta ka jirta Magaalada Beledweyne oo laga yaabo in daadka Roobka uu ugu sii darsamo biyo baxdo ka timaada dhinaca Webiga ah oo halisteeda wadata, iyadoo ay tilmaantay in calaamadaha ay muujinayaan in ay halisi ka soo socoto Magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale Hey’adda caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM)ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay Soomaaliya  kaga taageereyso dhinaca  Fatahaadaha la soo gudboonaaday, waxaana Faahfaahino dheeraad ah laga helaayo ay sheegayaan in go’aan Hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ay soo saartay kuna sheegtay inay diyaar u tahay inay Dowlada Federaalka ka taageerto wax ka qabashada fatahaadaha ka hor intaysan dalka ka dhicin “super El Nino”.

“Hey’adda IOM, waxa ay hadda kooxo geynaysaa garoonka diyaaraha ee aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay isku diyaarinaysaa inay gargaar deg deg ah gaarsiiso dalka oo dhan, waxaana howlahaan la bilaabi doonaa todobaadyada soo socda, si loogu diyaar garoobo fatahaadaha iyo wax ka qabashada fatahaadaha” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Dhawaaqaan ayaa la sii daayay kadib markii Agaasimaha Guud ee Hey’adda IOM Amy Pope oo  booqasho ay ku timid Soomaaliya Talaadadii la soo dhaafay, kadib markii ay la wareegtay hogaanka Hey’adda 1-dii October ee sanadkan, Pope  ayaa sheegtay in booqashadeeda ay salka ku heyso ama ay tahay sidii IOM ay u sii wadi lahayd taageerada ay siiso dowladda Federaalka, si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay Abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee cimilada ka dhasha.

Maxkamadda Ciidamada qaybta Koonfur galbeed oo xukun dil ah ku fulisay xubno hore dilal u geystay

Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Booliiska KGS ka tirsan ayaa saaka Baydhabo dusheeda looga Oofiyay dambiyo dhiig daadin ah oo ay hore u galeen.

Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) iyo Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga ayaa beerta qurun Jiis oo deegaan Dug Baydhabo ku taal ku dhex dilay marxuum Muxudiin 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.

Halka Cabdullaahi uu Dilay Isgoowe 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Aadan Juun sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa farmashiiste isku diyaarinayay guri gal laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

Dagaal udhaxeeya horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo ka socda degaanno hoostag Galgaduud

-Dagaal udhaxeeya Laba Horjooge oo kawada tirsan Khawaarijta ayaa ka socda degaanka Biyo oo u dhexeeya tuulada Burujeed iyo Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka barujeed ayaa ku waramaya in ay maqlayaan dhawaqa hubka kooxdu isku adeegsaneyso waxaana dagaalka ka dhashay khasaare xooggan oo cadowga kala gaaray.

Dagaalka ayaa ka dhashay khilaaf salka ku haya dagaalkii maalmo ka hor Khawaarijtu ku qaadday Barujeed oo horjoogihii Maleyshiyaadka xukumayay oo guriceel ka soo jeeda uu diiday inuu weerarkaas qaado isla markaana xabsiga la dhigay.

Saddex horjooge iyo maleyshiyaad fara badan ayaa wararku xaqiijinayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen in kastoo aan wali magacyadooda la helin.

Wixii Faah faahin ah halkaan ayaad kala socon doontaan.

Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in dowladdu ay ilaalin doonto xorriyadda Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeybgalay kulan muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho,isla markaana looga hadlaayey badqabka saxafiga iyo sida xorta ah ee ay uga howlgali karaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in la ilaaliyo badqabja saxafiga iyo in si wanagsan saxaafaddu ay uga howlgasho gudaha dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac waxa uu xusay in dowladda ay diyaar u tahay sidii wax looga qaban lahaa caqadaha jira,isagoo intaa raaciyay in ay lagama maarmaan tahay in saxaafadda ay u shaqeyso si xor ah iyado ilalineysa anshaxa saxaafadda.

Mudane Daauud Aweys waxa uu qiray in saxaafaddu ay tahay qeyb muhiim ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in ay la yimaadaan gudashada waajibaadka ka saran tabinta adeegyada warbaahinta ee ay u hayaan bulshada.

Wasiirka Warfaafinya waxa uu Kula dardaarmay saxaafiyiinta in ay kobciyaan aqoontooda iyo xirfadaha ay u leeyihiin saxaafadda,wuxuuna ballan qaaday in Saxaafadda xorta ah ay si wanaagsan uga howlgali doonto gudaha dalka

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday sidoo ksle looga hadlay ilaalinta xoriyatul-qowlka iyo in la hubiyo badqabka suxuufiyiinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo sheegay in la joogo waqtigii khawaarijta laga xoreyn lahaa deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in bulshada reer Koonfur Galbeed ay diyaar u yihiin in ciidanka Qaranka ay garab ku siiyaan sidii  Khawaarijta looga xoreyn lahaa deegaanada maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadaladaasi ka jeediyay kulan ka dhacay Degmada Xudur,halkaasi oo la isku weydaarsaday xaaladda gobolka iyo sida shacabka halkaasi ay uga qeybqaadan karaan la dagaalanka kooxaha nabad-diidka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe,waxa uu xusay in gobolka Bakool ay heystaan dhibaatooyin gaar u ah,sidaa daraadedna loo baahan yahay in si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa koobfur galbeed ay si dgdeg ah ugu dhaqaaqaan xoreynta deegaanada Baay iyo Bakool iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta.

Guddooiyaha waxa uu si gaar ah u codsaday in dadka gobolka Bakool laga saacido horumarinta adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin maamulka Degmada Xudur iyo bulshada halkaasi.