Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Xoghayaha Joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Xoghayaha Ururka Iskaasdhiga Islaamka Dr Xuseen Ibraahim Taah.

Wasiirka iyo Xoghayaha ururka OIC,waxa ay kulankaasi kaga hadleen doorka ururkaasi uu ku leeyahay wadamada islaamka iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarinta barnaamijyada samofal iyo kuwa horumarineed,gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ku xigeenka ergayga joogtada Soomaaliya ee  ururkaasi C/raxiin Cismaan Cilmi,isagoo ka warbixiyay dadaalka dowladda iyo howlgallada looga horjeedo kooxaha nabad-diidka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa booqasho ku tagay xarunta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jiddah.

R/Wasaaraha Ingiriiska oo maanta booqanaya Masar

Ra’iisul wasaaraha Dalka Ingiriiska Britain Rishi Sunak ayaa maanta u safraya Dalka Masar si uu wadahadallo ku saabsan xaaladda Israa’iil iyo Gaza ula yeesho madaxcda dalkaasi.

Sunak ayaa la filayaa in madaxda Masar uu la soo qaado muhiimada ah in laga fogaado xiisadda gobolka iyo ka hortagga khasaaraha aan loo baahnayn ee mar kasta gaara nolosha  dadka rayidka ah.

Khamiistii R/Wasaaha Ingiriiska wuxuu la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan, wuxuuna ku booriyay Sacuudi Carabiya inay gacan ka geysatay taageerada xasilloonida Bariga Dhexe.

Dhinaca kale gawaarida sida sahayda gaargaarka ayaa weli ku sugan marinka Rafac ee xadka Masar iyo Koonfurta Gaza ,iyadoo laga cabsi qabo duqeymanka Israa;iil oo weli socda.

Mohsen Sarhan, oo ah madaxa fulinta ee bangiga cunnada Masar, ayaa BBC u sheegay in gaarsiinta gargaarka ay caqabad noqon karto haddii ay sii socdaan duqeymaha xooggan ee ka dhacaya agagaarka Rafah.

“Waxa naga hor istaagaya inaan galno waa duqeymaha ciidamada Israel. Waxaan hadda joognaa xuduudka siddeed maalmood, bambooyinkana waa ay soo dhacayaan daqiiqad kasta,” ayuu yiri

Madaxda Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay sanadguuradii 10-aad ee dib u howlgalinta cisbitaalka Erdogan (Ex Digfeer)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubno kale oo ka socday maamulka cisbitaalka Erdogan,safiirka Turkiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey sanadguuradii 10-aad ee ka soo wareegatay dib u howlgalinta cisbitaalka Erdogan Ex Digfeer.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dowladda Turkiye oo dadaal u gashay dib u dhiska cisbitaalkaasi oo uu tilmaamay in uu yimid xilli bulshada Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen adeegyada caafimaad.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  waxa uu sidoo kale maamulka iyo howl wadeenada isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ku ammaanay sida hufan ee ay bulshada ugu adeegaan iyo bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay madaxda cisbitaalka Erdogan iyo safiirka Turkiye ee fadhigiisu yahay Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid mulaxan Xasan Gareyt

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka & dalxiiska mudane C/Laahi Xayir Ducaale ayaa umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaah ha u naxariistee Hassan Sabriye Afrax oo ka mid ahaa Mulaxamiintii Qaranka Somaaliyeed.

Agaasimaha Guud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay doorkii uu ku lahaa horumarinta fanka Soomaaliya,gaar ahaan isku dubaridka iyo sameynta laxanka heesaha.

Mudane C/Laahi Xayir Ducaale  waxa uu sidoo kale tacsi ugu diray qoyska marxuumka iyo shaqaalaha warfaafinta,gaar ahaan hobolada Waaberi oo uu kamid ahaa.

Agaasimaha Guud waxa uu marxuum Hassan Sabriye Afrax Ilaah uha baryay in uu ka waraaabiyo janatul fardowsa,eheladii uu ka tagayna waxa uu faray samir iyo iimaan

MW JFS oo shirguddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada iyo Masuuliyiin heer Federaal ee Koonfur-galbeed ayaa xoogga lagu saaray qorshaha howlgalka wajiga Labaad ee dagaalka xoreynta dalka, iyadoo lagu soo bandhigay caqabadaha nololeed, bulsho iyo maamul ee argagixisada Al-shabaab ay dhaxalsiiyeen deegaannada Koonfur-galbeed.

Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo kula qaatay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxgaradka, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka, kuwaas oo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan Soomaaliya xor ka ah argagixisada, dadkeeduna mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan argagixisada dhiig-miiratada ah ee caqabadda ku noqotay horumarka deegaannadooda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xariga ka jaray laanta cusub ee Bangiga dhexe ee laga hirgaliyey Magaalada Jowhar

Jowhar;- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray Laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku yeelan doona Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Cali Yaasiin Cali, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadan.

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay munaasabada ka dhacday Laanta Bankiga Dhexe ayaa sheegay in bulshada Hirshabeelle ay soo dhoweeynayaan ayna ku faraxsan yihiin in adeega bankiga dhexe ee Soomaaliya uu soo gaaro Gobolada Dalka, ka Hirshabeelle ahaana uu faaiido wayn ugu fadhiyo.

Bangiga dhexe ayaa laamo cusub la hirgaliyey qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada dalka, iyada oo horay xarriga looga jaray xarumo cusub oo laga hirgaliyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Mullaxan Xasan Gareed

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) oo ka mid ahaa laxamiisteyaasha loogu jecel yahay hobollada Waaberi kaas oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ku irsaaqo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariiste Murxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareyt) ayaa sannadkii 1941-kii ku dhashay degmada Dhuusamareeb ee hadda ah xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Marxuumka ayaa door weyn kulahaa geeddi-socodkii fanka Soomaalida laga soo bilaabo sannadkii 1957-kii oo ahayd markii u horreysay ee uu yimi Magaalada Muqdisho, waxa uu la xameeyey Heesta “Hooyooy la’aantaa” ee uu sameeyey Abwaan Hadraawi.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Xuddur

Xuddur :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go’doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgarad, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka.        

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya,Joacim Waern,waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal,dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya,waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.
Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya,wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal,isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Dowladda Soomaaliya oo uga qayb gashay Baqdaad shir looga soo horjeedo tacadiyada Israa’iil

Wafdi uu hoggaamiyana guddoomiyahaguddiga baarlamaanka Soomaaliya aduunka Saciid Maxamed Maxamuud oo sidoo kale ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta midowga baarlamaannada Carabta ayaa ka qeybgalay shirweyne deg-deg ah ee ay yeesheen  Midowga Baarlamaannada Carabta ee 35-aad oo lagu qabtay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad,kaas oo looga hadlayay qadiyadda dhulka falastiiniyiinta ee ay duqaymaha iyo wareerrada ay ka waddeen ciidanka Israa’iil ee marinka Gaza.

Saciid Maxamed Maxamuud oo ka hadlay  fadhiga ayaa  yiri”Arrinta Falastiin waxay muhiim u tahay dalalka Carabta iyo Islaamka,Laguna canbaareyo gardarrada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah ee aan is-difaaci karin,burburinta guryahooda,ilaha biyaha,korontada iyo marka lagu daro barakicinta qasabka ah ee ay Israa’iil ka Sameyneyso marinka Gaza ee go’doonsan,”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay ”In golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu uga mahadcelinaya guddoomiyaasha baarlamaannada Carabta sida ay u ajiibeen baaqa ah in ay u istaagaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen walaalaheen reer Falastiin ee lagu gumaadayo gardarada.”