Madaxweynaha oo u diray fariin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca shacabka

Madaxweynaha JFS oo fariin u diray ciidamada qalbka sida ee Soomaaliya gaar ahaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaca Shacabka ee loo yaqaan Macawiislay kuna sugaan  Jiidah hore Ee dagaalka looga xoreynayo dalka Khawaarijta waxa Uuna yiri

” Geesiyaal waxaan idin balan qaadaya in aan idin garab tagnaado sidii aad mar horebaa igu aragteen in aan idin kula noolaado safka hore ee Jahaadka ka dhanka ah Khawaarijta oo aan idinkula qaybsado xanuunka iyo farxada guusha Jihaadka naftooda hurayaal,qaranka Soomaaliyeed waxaa u ku dhisnaan doona kuna dhisan yahay kuna bulaali doona dhididkiina iyo dhiiranaantiina,

Waxad xambaarsan tihiin Amaano halgamayaal hore ay u hureen naftooda,waxaad indho iyo mustaqbal u tihiin 20 million oo Soomaali ah oo maanta nool iyo jilaal badan oo soo socda, jilaal ay ayaha noloshooda ku xiran tahay waxa aad maanta u tacbaysaan, waxaan idin balan qaaday in aan dhamaan walaalihiin Soomaaliyeed idin soo daba fariisiyo oo ay idin noqdaan garab iyo buuxa oo aad dugstaan,ciidankeenow waxaa tihiin geesiyaal lagu seexdo, dardaarankeynu waa islaa kii ahaa nin lagu seexdow ha seexan xil baad sidaaye ha seexan.”

Madaxweynaha JFS ayaa dadaallo waxa u ku bixiyay sidii  dalka iyo dadkaba looga xoreyn laha Khawaarijta dhibaatada ku haysa,isagoo dhiiri galiyay in dadka Soomaaliyeed ay yeeshaan go’aan qaaadasho dhab ah oo dalka looga sifaynayo haraadiga Khawaarijta.

Halkaan hoose ka daawo Fariinta madaxweynaha u udiray ciidanka xoogga dalka ioy kuwa difaca shacabka ee Macawiislayada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur-galbeed

Baydhabo:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa caawa kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagaxisada Al-shabab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey argagixisada ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada argagixisada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay’adaha dowladeed ee Konfur-galbeed.

Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.

Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan argagixisada.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed isagoo xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Wasiirka Difaaca Kenya kala hadlay Xoojinta Amniga labada dal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa  Kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada argagixisadu in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddelayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka.

Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, wuxuuna ballan qaaday in Dowladdiisu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii loo soo afjari lahaa kooxaha Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Sweden

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Mudane Joacim Waern.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay sidii dowladiisa ay door weyn kaga qaadan lahayd in dalalka caalamka Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiran sidii dalkeenna looga ciribtiri lahaa khawaarijta Al shabab.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay xarunta Qaran ee Tubsan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in la wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan ee kooxaha Khawaarijta ay uga been sheegayaan diinteenna suubban, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay argagixisadu marin habaabisay in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan dadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Khawaarijta ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda.

Munaasabadda Xarunta  Qaran ee Tubsan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale.

Soomaaliya oo cambaaraysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaal ku yaalla Gaza

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto Sharciga Caalamiga iyo xabbad joojin deg deg ah oo shuruud la,aan ah “
Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeynta Xalay ay isra’il la beegsatay cisbitaalka Al-Ahly .

Inta badan dowladaha caalamka iyo ururrada samafalka ayaa sidoo kale cambaarayn xooggan u jeediyay gebi ahaan duqymaha lagu beegsanayo shacabka ee ay Israa’iil ka waddo marinka Gaza, iyagoo ku baaqay in la joojiyo duqeymaha si shacabka loo gaarsiiyo kaalmo bini’aadan-nimo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Muqdisho kusoo dhaweeyay dhiggiisa Kenya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane, Aadan Barre Ducaale.

Labada dhinac ayaa gali doona wada tashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgallada lagu cirib tirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada xooggan ku haya Shucuubta gobolka.

Haniya: Iska caabintu way sii socon doontaa ilaa Gumeesiga uu ka baxo dhulkeena xurmada leh

Madaxa Xafiiska Siyaasadda dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Islaamiga ah ee Xamaas, Ismaaciil Haniya, ayaa sheegay in xasuuqii ay Ciidamada Isra’iil ka geysteen Isbitaalka magaalada Qaza uu caddeeyn u yahay naxariis darrada Isra’iil iyo baaxadda jabka gaaray.

Ismaaciil Haniya, oo la hadlayay Warbaahinta ayaa Carrabka ku adkeeyay in xasuuqa Yahuudda aanay wiiqi doonin go’aanka dadka reer Falastiin, ee jecel xoriyadda dhulkooda iyo dalkooda,” isagoo intaa ku daray in iska caabbintu ay sii socon doonto ilaa gumaystaha uu ka baxo dhulkooda.

Madaxa siyaasadda Xamaas, ayaa ugu baaqay dhammaan shucuubta Islaamka inay garab istagaan Shacabka Falastiin, isagoo sidokale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan ururada caalamiga ah inay cambaareeyaan daadinta dhiigga Shacabka reer Falastiin.

Wasiirka Cadaaladda oo ka qeyb galay Shirka Gollaha Cadaaladda Carabta

Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uga qeyb galay fadhiga 39-aad ee Gollaha Cadaaladda Carabta oo markii ugu horeysay lagu qabtay magalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

In shirkaan lagu qabto dalka Ciraaq, dowladda Soomaaliya-na uga qeybgasho heer Wasiir ayaa mudan in si gooni ah loo dul istaago, marka la fiiriyo duruufaha amni iyo siyaasadeed ee ay soo martay Dowladda Ciraaq oo sanado ka hor ayna suuragal ahayn in shir noocaan oo kale ah lagu qabto sababo la xiriira kooxaha argagaxisada Daacish iyo Al-qaacida oo dhibaato wayn ku hayay dowladda iyo shacabka Ciraaq, kana hor taagnaa horumar kasta oo ay hiigsanayeen.

Ka qeyb galka shirkaan ee Wasiirka Cadaaladda iyo xubnaha ka socda Garsoorka dalka ayaa wax wayn uga dhigan Soomaaliya maadama ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay wadaagaan duruufo ay ugu horeyso argagaxisada dhibaatada wayn gaarsiisay shacabka labada dal.

Soomaaliya ayaa hada doonaysa inay waaya aragnimo ka qaadato dagaallada iyo dadaallada dalka Ciraaq looga xoreeyay ururada argagxisada iyo soocelinta amniga iyo kala danbeynta iyo dhisida hay’ado garsoor ee awoodda leh, si aan uga faa’iideysanno dal ahaan oo annaguna aan isaga xoreyno Khawaarijta.

Inta shirku socday, waxaa la’is dhaafsaday doodo la xiriira sharciyada muhiimka u ah wadamada jaamacadda Carabta oo ay ugu horreeyaan sharciga dagaalka argagaxisada ee wadamada carabta, sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharciga ka hor tagga lacag dhaqista iyo danbiyaynta in madax furasho la siiyo kooxaha argagaxisada.

Wasiir Xasan Macalim oo khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay ujeedooyinka iyo tiirarka barnaamijka xukuumada Dan qaran iyo dadaallada uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ay Soomaaliya ku bixineyso la dagaallanka kooxaha argagaxisada iyo ka ciribtirkooda Soomaaliya iyo abuurista iyo tayeynta sharciyada la dagaalanka aragagaxisada, musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista.