DUKAANLE KA XANAAQAY DUKAANLE KALE

Bari baa waxaa dhacday sheeko cajiib ah oo u dhaxeysay laba nin oo saaxiixo ah islamarkaana ahaa ceeshoomilix waxaana ay islamwadaagi jireen midba midka kale baahiyihiisa ayaga oo waxa isku qaban jiray islamarkaana ay iscaawin jireen waxaana labada nin ee saaxiibada ahaa uu midba midka kale uu lahaa dukaan ganacsi ayaga oo lahaa ganacsiyo kala socda oona ku xirnaa macaamiil aad wax oga iibsada ayaa labadanin waxaa dhex martay sheeko cajiib ah oo mid kamid saaxiibadii ku dhacday taariikh lama filaan oo uu Ka shalaayey balse cashir u aheed.

Dhacdddoyinka sheekada badanaa waxa ay ku dhacaan sababo aan lafilan karin qaarkoodna waxa ay ku dhacaan sheeko lasoo wariyey qaarna dhacdo dhacday.

Hadaba haddii aan u soo noqono sheekada ku saabsaneed labadii wiil ee saaxiibada ahaa ee dukaan layaasha ahaa ee midba gooni u lahaa dukaan ayaa maalin maalmaha Ka mid waxaa dhacday sheeko taariikhi ah islamarkaana ku saabsaneed mid kamid ah saaxiibada in uu uu arkay saaxiibkiisa oo dukaankiisa ay Ka soo baxayaan macaamiishii oo faraxsan islamarkaana dhoola cadeenaayo saxiibkii ayaa isweydiiyey suaalo nafsi ah isaga oo is oranaayo maxay tahay sababta ay marwalba macaamiisha sxbkey ayaga oo faraxsan oga soo baxaan dukaanka.

Dukaan lihii maseersanaa ayaa bilaabay u kuur galida saaxiibkiisa kale ee dukaan laha ahaa isaga oo doonaya in uu ogaado sababta Ka danbeysa ama sirta Ka danbeysa in saxiibkii dukanlaha ahaa ee macaamiisha ayaga oo faraxsan ay oga soo baxaan dukaanka.

Maalin maalmaha Ka mid ayaa waxa uu tagay dukaanka saaxiibkii isaga oo doonaya in uu ogaado sababta Ka danbeysa in macaamiishiisa ayaga oo faraxsan ay dukaanka oga soo baxaan.

Saaxiibkii dukaan laha ayaa u sheegay saaxiibkiisa sababta Ka danbeysa in ay macaamiisha ay faraxsanaadaan isaga oo saxiibkii dukanlaha ahaa ku yiri inta fariiso waxaana si fiican aad ula socotaa qaabka aan macaamiisheeda wax oga iibiyo.

Waxaa dukaankii yimaaday macaamiishii mid kamid ah oo haweyney raadineyso malab ayaa dukaanlihii weydiisatay malabka waxaana uu dukaanlihii ugu jawaabay macaamiishii malabey adigaaba malab ah oo malab Ka sameesan miyaa malab laguu weyn karaa macaamiishii ayada oo qosleesa ayaa malabkii laga iibiyey waana ay baxday saxiibkii kale meesha ayuu fadhiyaa xaaladii ayuu lasocdaa.

 

Isla waqti yar kadib waxaa markale yimid macaamiil kale oo raadinaayo canab waxaana uu dukaanlihii ku bilaabay macaamiilkii ereyo kaftan oo jilicsan islamarkaana macaamiilkii soo jiideysa taasina waxa ay keentay in macaamiishii ayaga oo farahsan dukaanka Ka bxaan.

Hadaba maxaa dhacay oo uu sameeyey saxiibkii Ka xanaaqsanaa dukaan lihii.

Dukaanlihii xanaaqsanaa ayaa maalin waxaa u yimid macaamiil doonayey alaab in uu iibsado isaga oo weydiisatay dukaanlihii xanaaqsanaa in uu Ka iibiyo caano ayaa dukaanlihii macaamiil ugu jawaabay adigoo sac ah maa caana rabtaa .

Gabadhii macaamiisha aheed ayaa inta ay xanaaqday ayaa dharbaaxo wajiga oga dhufatay oo ku tiri waxaa tahay qof bilaa aqlaaq ah oo bilaadhaqan ah dukaanlihii xanaaqsanaa inta uu yaabay ayaa waxaa Ka soo haray yaab iyo amakaak oo u horseeday in macaamiishiisa ay isadagaalaan.

Gabagabada sheekada ayaa ah qofka ganacsadaha waxaa looga baahan yahay lama caamil wanaagsan, aqlaaq Suuban iyo kaftan Suuban iyo hadal murtiyeesan islamarkaana aan macaamilka waxba u dhibeen.

Ugu danbeyn Sheekooyinka badanaa bulshada Soomaaliyeed waxa ay u tahay kuwa ay aad u jecel yihiin waxaana ay intabadan sheekooyinka ay aqriyaan mararka ay firaaqada leeyihiin ama ay dareemayaan xaalado nafsi ah si ay u helaan wax ay naftooda ku dajiyaan islamarkaana ay ku maaweeliyaan sheekooyinka maaweelada ah ee qofka Ka dhigaayo mid faraxsan oo Ka biskooday waxyaabihii uu dareemayey.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan