Wasiir Khadija Almakhzoumi oo ku guuleysatay Abaalmarinta Africa Sustainability Outliers Award 2023

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Khadiija Mohamed Almakhzoumi ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Africa Sustainability Outliers Award ee sannadka 2023.

Abaalmarinta ayaa lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday xarunta shirarka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Abaalmarinta Wasiir Khadiija Almakhzoumi ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada ilaalinta deegaanka iyo sameynta horumarka waara ee gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladda Afrika.

Aqoonsigani waxa uu kor u qaadayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay qeyb ka noqoto ilaalinta deegaanka iyo ka qayb qaadashada yoolalka waara ee qaarada Afrika.

May be an image of 7 people

May be an image of 11 people and text

Shirka hirgalinta heshiiska qorshaha Amniga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Waxaa  Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirkii Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee Daadajinta Maamulka iyo Tayeeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa socday sadexdii cisho ee u danbeysay, waxaa shirkaan ka soo qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Taliyeyaasha Boliiska Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, Xafiisyada la talinta Amniga ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska Federaalka ah iyo Saaxiibada taageera Boliiska Dalka.

Ujeedada Shirkaan ayaa ahaa, Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee  u qeybinta 40,000 (Afartan Kun) ee Ciidanka Boliika Dalka, taas oo loo qaatay 20,000 (Labaadan Kun) Boliiska Federaalka ah iyo 20,000 (Labaatan Kun) Boliiska Dowlad Goboleedyada.

Gababadii heshiiska ayaa waxaa saxiixay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga ee Federaal iyo Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiir Abshir oo dalka Sacuudi uga qeyb galaya shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga qeyb galaya shirar kala duwan oo maalmaha soo socda ka socon doonda dalkaas.

Wasiir Abshir ayaa shirka ugu horreeya magaalada Riyadh uga qeyb gali doona shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda Carabta, oo lagaga arrinsanayo xaaladda magaalada Gaza ee dalka Falastiin, waxa uuna xigi doona shirka madaxda Carabta

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka qeyb gali doona Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ururka Islaamka ee (OIC) oo uu ku xigi doono shirka madaxda waddamada Islaamka, kaas oo la filayo in laga soo saaro go’aano.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa hordhac waxa uu u yahay safar uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh u uku tagaya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha JFS oo u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, isaga oo ku sii jeeda caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyadh uga qeyb gali doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dalkaas ku galay qaliin looga sameeyey dhanka garabka, kaas oo lagu guuleystay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dalka dib ugu soo laabto marka uu u soo dhammaado shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay roobka iyadoo 90,000 oo qoys ay ku barakaceen waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.

Dad gaaraya 14 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey 6 qof ayaa ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof sida uu xaqiijiyey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Buundada Baardheere oo go’day ka dib fatahaad uu sameeyey Wabiga Jubba

Waxaa maanta go’day Buundadii Baardheere oo halbowla u ahayd isku socodka degmooyinka gobolka Gedo, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabka ka da’ay guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado.

Buundada ayaa iska celin weysay xajmiga biyaha wabiga oo fatahaad sameeyay, taas oo sawir guud ka bixinaysa qatarta ka dhalatay fatahaadda ku dhuftay gobolka Gado, xilli 4 qof ay ku dhinteen daadadka

Shacabka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa walwal xooggan ka muujiyay go’doonka ay ku jiraan waxaana maanta la gaarsiisay laba dooni oo ka qeyb qaadan doonta gurmadka dadka ku go’doonsan xaafadaha magaalada.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland oo ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubaland ay yihiin 90,000 oo qoys waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo magaalada Paris uga qeyb galay Shirweynaha 42aad ee UNESCO

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha 42aad, ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee loo soo gaabiyo (UNESCO), oo ka socda magaalada Paris, ee dalka Faransiiska.

Khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu ka jeediyay wasiirka Shirweynaha Guud ee UNESCO ayaa waxaa uu kaga hadlay xaaladda Waxbarashada  ee Soomaaliya iyo sida ay Dawladda Soomaaliya uga go’antahay baahinta waxbarasho tayo leh si wax loogu qabto ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho la’aanta haysato. Waxaa uu wasiirka si gaar ah u xusay kumannaankii macallimiin ee dhowaan la qaatay iyo kumannaanka kale ee dhowaan la qaadan doono, si baahida waxbarashada ee dalka wax looga qabto.

Wasiirka waxa uu ammaanay mabaadii’da ay ku dhisantahay Hay’adda UNESCO oo ah in dalalka xubnaha ka ah ay iska kaashadaan horumarinta iyo sare-u-qaadista tacliinta iyo dhaqanka si loo helo duni ku dhisan is-qaddarin, wax-wadaqabsi iyo iskaashi.

Golaha wasiiradda oo ansixiyey hindise sharciyeedka Saybarka iyo Xeer nidaamiyaha Heya’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha ayaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka, waxa ayna goluhu fareen hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samotabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ku baaqay in la xoojiyo dadaada gurmadka fatahaadaha

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka JFS ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-degga ah (NEOC) ee hay’adda maareynta musiibooyinka.

Ra’iisul waaare Saalax ayaa kormeeray sida ay hawsha gurmadka u socto, isaga oo booqday qaybaha kala duwan ee xarunta NEOC , waxaana xaruntaan soo dhaweeyn ugu sameeyey guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxqmuud Macalim Cabbdulle.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa soo kormeeray qaybaha kal duwan ee ka koobantay xarunta Qaran ee hawlgalada gurmadka degdega ee NEOC oo ay ka shaqeeynayaan howlwadeenada kal duwan ee hay’adda SoDMA.

Ra’iisul wsaaraha ayaa warbixinnada ugu danbeeyay ka dhageeystay agaasinka xarunta NEOC, saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka oo marba markii ka danbeeysa sii siyaadeeyso saameeynta uu yeelanayo xaaladda roobab da’ay.

Hay’adda SoDMA ayaa diyaarisay Shan Doomood oo qayb ka noqon doona gurmadka Dadka ku xaniman Fatahaada, duuman kan ayaa la gaarsiin doonaa deegaanada ugu nugul ay Fatahaada saameeysay.

Mudane Saalax ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobollada Gedo, Bakool, Baay iyo qabyo kamid ah gobolada kale ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ayaa sheegay in baahi weyn maanta loo qabo ganacsatada diyaradaha, loona baahanyahay in gurmadkaan ka qayb qataan.

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo habsami u socodka hawlaha qaranka ku tegay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu ugu kuurgalo habsami u socodka howlaha ay qaranka u hayaan.

3- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño ee dalka oo ilaa iyo haatan ay ilaa 10 qof ku dhinteen.

4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan looga hadlayo sida wax looga qabanayo daadadka ka jira dalka la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Qaranka, gaar ahaan ahaan qeybta Booliska.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga xukuumadda ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28, oo ka dhici doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

7- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gedo sida Doolow, Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo.

8- Roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Baydhabo ayaa sababay barakac ballaaran.

9- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo oo roobabka iyo fatahaadaha ay saameyn xoog leh ku yeesheen.

10- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

11- Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka oo hawlgal amni ka fuliyay degaano ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 km u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.

13- Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Qaranka ee NISA oo gacanta ku soo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Khawaarijta Al Shabab.

14- Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, ayaa ka daahfurtay magaalada Muqdisho aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee hoggaanka sare ee hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

15- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dalka Rwanda kaga qeyb galay Shirka Madaxeedka Golaha Dalxiiska Adduunka WTTC

16- Wasiiru Dowlaha Amniga ee Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa furay kulan wadatashi oo ku saabsan xeer nidaamiyayaasha hey’adda socdaalka oo Muqdisho ka dhacay.

17- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku daah furtay Kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaran.

18- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada War-wiin War-dhato Ceelahaley iyo Moorigaabey ee Gobolka Bakool.

19- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 105 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

20- Guddiga tartanka adeegga xajka ayaa soo saarey Shuruudaha tartanka Adeega Xajka ee sannadka soo socda.

21- Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey naftii halige isku soo xiray qarax kaas oo doonayay inuu isku qarxiyo goob makhaayad ah oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

22- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku riday Sheegow Ahmed Cali iyo maleeshiyaad uu watey.

=====DHAMMAAD====