Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika

Riyaad:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.

“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sucuudigu ayaa kula dardaarmay Madaxda ka soo qeyb-gashay madashan in ay la fil noqdaan caqabadaha iyo duruufaha ku xeeran qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Gaar ah la qaatay Ra”iisul wasaaraha Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa maanta oo Jimco ah kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dowladood.

Madaxweynaha Sacuudiga kaga qayb gali doona Saddex shir oo kala ah 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkaas ayaa intooda badan looga hadli doonaa xaaladda shacabka Falaatiin.

Gobolka Banaadir oo howlo biyo dhaamin ah ka sameeyay waddooyin kamid ah Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo soo  celinta Bilicda Muqdisho Mudane Maxamed Suudi ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay dadaal xoogan ugu jirto maareynta iyo xal u helidda saameeynta biyaha roobabka ee xiray waddooyin kamid ah Muqdisho.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in lagu guuleystay biyo dhaamin iyo nadaafad laga sameeyay warta Nambar afar,afisiyooni wadada 21-ka 0ka oktoobar iyo Iskool Boliisiya ,wuxuuna intaa raaciyay in ay socdaan habeynta iyo nadaafadda wadada u dhaxeysa dabka iyo bakaaraha.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo soo  celinta Bilicda waxa uu u mahadcelin shirkadaha leh gaadiidka booyadaha oo ka qeybqaatay nadaafadda iyo biyo saarista waddooyinka Muqdisho.

Maamulka Gobolka ayaa dadka ka codsaday in gacan laga geysto nadaafadda muqdisho,waxaana lagula taliyay dadka in ka fogaadaan ama ka guuraan goobaha biyo fariisiga leh

Maamulka Gobolka Banaadir,gaar ahaan waaxda dowladda hoose ayaa muddo 15-cisho ah ku howlan nadaafadda iyo biyo dhaaminta waddooyin ay xatireen biyaha roobabka,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la furo waddooyinka Buulo xuubeey,Daallo iyo kuwo kale.

Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay weerareen isbitaallo ku yaalla Gaza

Israa’iil ayaa weerartay saddex isbitaal oo ku yaalla Gaza, oo ay ku jiraan xarunta caafimaadka ee ugu weyn, taasoo keentay wax u muuqday dhaawacyo badan,sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka gobolka ee ay maamusho Xamaas.

Human Rights Watch waxay sheegtay in kumanaan bukaan ah iyo Falastiiniyiin barakacayaal ah oo ku sugan cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ay la kulmeen xaalad khatar ah oo aad u daran.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo ku sugan Qaza ayaa sheegay in duqeynta Israa’iil ay ka dhacday barxadda dhismaha ee cisbitaalka  al-Shifa.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Israa’iil ay ogolaatay in maalin kasta afar saacadood la joojiyo dagaalka si loogu ogolaado Falastiiniyiinta inay ka baxaan waqooyiga Gaza oo ay u ambabaxaan deegaanada dhaca koonfurta

Cabsi xooggan ayaa soo wajahay bukaanada Falastiin ee jooga cisbitaalada Gaza,iyadoo duqeymaha Israa’iil ee Marinka Qaza ay sii socdaan,isla markaana ciidamada ay beegsanayaan kaabayaasha rayidka oo ay ku jiraan dhowr isbitaal oo ku yaalla Magaalada Gaza.

Ugu yaraan 10812 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar,halka dhimashada Israa’iil, ay gaartay in ka badan 1,400.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Riyaad kaga qeybgalaya sadex shir oo muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ee Riyaad,halkaasi oo loogu sameeya soo dhoweyn diiran.

Madaweynaha ayaa lagu wadaa in uu ka qayb galo Saddex shir oo kala ah Shirka Jaamacada Carabta, shirka Ururka iskaashiga Islaamka iyo kan Sacuudiga iyo Afrika.

Shirarkaasi ayaa intooda badan looga hadli doonaa Arrimaha siyaasadda,dhaqaalaha iyo kuwa bulshada iyo gaar ahaan xaaladaha cusub ee la soo dersay shacabka Falaatiin iyo sida xal loogu heli karo dagaalada ka socda Gaza.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku joogay booqasho dhowr cisho ah.

Wasiirada Arrimaha Dibadda XFS iyo Sacuudi Carabiya oo saxiixay heshiis dhanka iskaashiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Riyaad heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga Mudane Faisal bin Farhan Al Saud.

Heshiiskaan oo ka dhacay caasimadda dalka Sucuudiga ayaa la filayaa in uu waddada u xaaro dardargalinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale salka ku haya in la xoojiyo  waxqabaka hay’adaha labada dal si loo helo is fahanno iyo wada shaqayn ku aadan arriaha samofalka iyo kuwa tiirka u ah dowladnimada.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya gacan laga siiyo barnaamijyada lagama maarmaanka u ah bulshada iyo kuwa la xiriira soo kabashada dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay saameynta Roobabka & daadadka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed kula wadaagay Twitter Space oo hadda loo yaqaan X Space warbixin ku saabsan saameynta roobabka iyo daadadka El Nino, doorka muwaaddinka iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dheeraaday ka hadalka xaaladda guud ee dalka gaar ahaan saameenta ay fatahaaduhu ka geysteen gobollada dalka, waxa uu xusay in dowladda ay dadaashay iyada oo digniino u dirtay shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aysan bilaaban fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka; Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go’doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yiilay in ay dhammaantood wada xirmeen.

Dhanka dowlad gobaleedka Jubbaland Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog kuwaas oo xusay in ay geysteen khasaare kala duwa.

Dhanka kale deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sheegay in laga soo warinaya xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinaya xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, isaga oo sheegay in wabiga biya badan uu soo wado, taas oo keentay in dadka qaar ay hadda bilaabeyn in ay sii diyaar garoowaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Xukuumadda ay iska saartay qaar ka mid golaha Wasiirrada, kuwaas oo ka kala socday Wasaaradaha; Arrimaha gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Ciidanka iyo Duulimaadka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo magaalada Riyadh kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda dalka Sacuudiga mudane Maxamed Al-Jaddan.

Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, qorshaha barnaamijka deyn cafinta kadib iyo horumarinta xiriirka dhaqaalaha ee laba dal.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaaalada Riyaad uga qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee dhaqaalaha dalalka Carabta iyo Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Biixi Imaan Cige ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doono masuuliyiin ka qeybgalaya shirka.

Magaalada Riyadh waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas uga qeyb galaya saddex shir oo kala ah, Shirka Jaamacada Carabta, Shirka Ururka iskaashiga Islaamka iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika, kuwaas oo dhawaan ka furmi donna magaalada Riyadh.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Amb. Ibrahim M. Yagli

Gudoomiyaha iyo safiirka Safaradda Dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii Dowladda Turkiga ay kaga caawin lahayd Dajinta iyo logistikada qaybinta Markab raasin ah oo 25 kun tan ah oo dowladda Ruushka ay ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadlay sidii Dowladda Turkiga uga qeyb qaadan lahayd gurmadka, gaar ahaan gaarsiinta dadka ku go’doosan goobaha uu saameeyey fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeell.

Gobollada dalka ayaa waxaa ka da’ay Roobab wata fatahaado, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira; dhimasho, dhaawac iyo barakac. Waxaana isasoo taraya baaqyada ku saabsan sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Riyadh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Riyadh ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga, halkaasi oo uu kaga qayb galayo saddex shir oo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa lagu wada in uu ka qeyb galo saddex shir oo kala ah, Shirka Jaamacada Carabta, Shirka Ururka iskaashiga Islaamka iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika, kuwaas oo dhawaan ka furmi donna magaalada Riyadh.

Shirarkan ayaa intooda badan looga hadlayaa xaaladda shacabka Falaatiin, iyada oo dowladda federaalka ee Soomaaliya ay halkaas ku soo bandhigi doonta mowqifkeeda ku aadan dagaalka ka socda Qaza.

Muuqaalka laga soo duubay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalk Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu gaaray dalka Sacuudiga, ayaa la arkayey Madaxweynaha oo ay u duuban tahay gacanta bidix, waxa uu dhawaan qaliin lagu guuleystay ku galay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa laga qalay garabka, dhaqaatiirta gacanta ku haysay Caafimaadka Madaxweynaha ayaa ku guuleystay qaliinka, waxa uuna markii dambe u duulay dalka Sacuudiga oo saacado ka hor uu gaaray.

Shirka marka uu soo idlaado ayaa la filaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, in uu dalka dib ugu soo laabta, waxa uuna mar kale uu hoggaamin doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda guud ahaan gobollada dalka.