Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN) By Ruush Abdullahi November 8, 2023 7 Min Read

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da’ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ka barakaceen, waxaa ka mida:- Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxayna biyaha la tageen dalagyadii soo go’ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere laga barakacay, waxaana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay Roobabka xooggan iyo fatahaadda webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo, waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in “Dadku meel ay wax ku karsadaan ay la’ yihiin”.

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Webiga Jubba maro ayaa sheegaya in uu ku fatahay deegaano hor leh waxaana ka mid ah Degmooyinka Luuq iyo Doolow, fatahaada ayaa bilaabatay dhawaan, balse waxaa la soo sheegayaa inay marba marka ka sii dambeysa ay ka sii darayaan, waxayna wararku sheegaya in Biyaha Webiga oo dacalada jabsaday ay galeen Xaafadaha labada degmo, halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan, Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid Webiga ayaa cagta mariyay Beero badan oo ku yaallay labadaasi Degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.

Wararka ayaa tibaaxaya inuu jiro Barakac ballaaran oo boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha Webiga ay dhinac walba ka yimaadeen, Degmada Baardheere oo ka tirsan isla gobolka Gedo ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu fatahay Webiga Jubba, halkaasoo uu ka geystay barakac ballaaran iyo khasaarooyin kale.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa gurmad u sameeyay bulshada rayidka ah ee ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay magaalada Baydhabo. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga daka Soomaaliyed Jeneral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa hogaaminayay saraakiisha howshan badbaadada ah fulisay, waxaana garab istaag loogu sameyay Qoysas ay saameyn ku yeesheen Roobabkii dhawaan da da’ay magaalada Baydhabo, iyadoo xaafadaha magaalada Baydhabo dadka qaar looga soo saaray gawaarida waaweyn ee Militariga.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, sidaasi awgeed ayay War-saxaafadeed ka soo saaratay Hey’adda maaraynta musiibooyinka, taasi oo ku sheegtay in bilowgii bishii Oktoobar 2023-ka, guud ahaan dalka ay ka curteen Roobka xilliga Deyrta, inta badan Roobka ayaa si xooggan uga da’ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka go’doomaan, halka kuwa kalena Waddooyinka ka xermaan, taasi oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, Barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof, halka Dhimashada guud ay tahay 29 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 305,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.

Mar ay ka hadleysay dhinaca GURMADKA HEY’ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA ayay sheegtay in Hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay maanta si deg deg ah u diyaarisay agabyo kala duwan, kuwaasoo isugu jira Rashiin la gaarsiiyay in ka badan sedex boqol oo qoys.

Sida oo kale waxa ey hay’adda SoDMA gaarsiisay hal Doon iyo laba Matoor magalada Luuq, iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobe, kuwaasoo lagu badbaadinayo dadka ay ku go’doonsan musiibada daadadka . Hay’addu waxaa kaloo ay diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada ka dhasha biyaha.

Wara-saxaafadeedka ka soo baxay Hey’adda Maareynta Misiibooyinka Qaranka ayay waxay ku soo jeedisay BAAQ, kaasi oo u qornaa sidan:- “Waxaan baaq u diraynaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arrimaha bini-aadanimada in ay dar-dar galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso. Sida aan la socono xiligan Deyrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladdu ka sii dari-doonto sida ay hadda tahay, Haddaba waxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galin kara naftooda iyo Maalkooda”.

Waxay Hey’addu ugu dambeyntii soo jeedineysaa “Waxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinaynaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hay’addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhaca”.