Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka ayaa shir wada tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 6dii – 7dii Bisha November ee 2023, kaas oo ahaa mid lagu dhisayo Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray Dhismaha Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga sida uu qabo sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya 2023, xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka iyo la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah kuwaas oo hoga tusaaleynta hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo islamarkaana lagu horumarin karo howlaha la xiriira Kalluumeysiga ee Dhammaan dalka.

1. Goluhu waxa uu isla qaatay ahmiyadda iyo muhiimadda uu leeyahay dhismaha iyo howlgelinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

2. Goluhu wuxuu isla qaatay in dowlad goboleed walba uu soo magacaabo xubin kamid noqon doonta kooxda xoghaynta golaha muddo 15 cisho ah, waxaana lagu ballamay in kulanka xiga ee golaha uu dhici doono bisha January ee sannadka 2024, iyadoo shirkaas lagu bandhigi doono xeerarka iyo habraacyada golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

3. Goluhu wuuu isla qaatay in la xoojiyo dhaqangainta, Isku xirka, ka wadatashiga waajibaadka lagu sheegay sharciga Kalluumeysiga gaar ahaan arimaha la xiriira wadashaqeyn, Maamul, Macluumaad, Cilmi-baaris iyo ilaalinta deegaanka Kalluumeysiga iyo noola biyoodka iyo deegaankooda.

4. Goluhu wuxuu isla qaatay sida ku cad sharciga Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed ee law 008, in la soo saaro hab-raacyo tilmaamaya wadashaqeynta isla markaana xoojinaya xiriirka, si ay u sahlanaato socodsiinta howlaha golaha iyo Go’aan qaadashadiisa.

5. Goluhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo daraasado iyo cilmi baarisyo ku saabsan kheyraadka la ugaarsado ee muhiimka ah sida Aargosatada iyo Qubada dhammaan dalka si loo dajiyo qorshe maareyn oo lagu daryeelaayo kheyraadkaas halista ugu jira dabargo’a, waxaana la soo jeediyey in mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Develoment (SSFD) uu fuliyo howshaan.

6. Goluhu wuxuu isla qaatay in wadatashi lagala sameeyo wasaaradaha xubnaha dowladda Federaalka xeerhoosaadyada quseeya sharciga Horumarinta Kalluumeysiga ka hor inta uusan soosaarin Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal.

7.Golohu wuxuu islaqaatay in safar cilmi kororsi ah oo la xiriira maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga loo aado Indonesia iyo Tanzania wadamada heysta nidaamka federaalka ee horumarka ka sameeyey Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo Maareyntiisa.

8. Goluhu wuxuu farayaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Kallumeysiga ee heer federaal iyo heer dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (technical working group) in ay si farsama ah uga soo shaqeeyaan howlaha la xiriira mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Development (SSFD) iyaga oo si dhow ula shaqeynaya xafiiska maamulka mashruuca ee ka tirsan Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer Federaal.

9. Golahu wuxuu go’aan ku gaaray in la sameeyo qorshe qaran oo looga hortagaayo Kalluumeysiga Sharci darrada, hadduu yahay mid gudaha ah iyo mid dibbada ahba.

10. Golaha wuxuu u mahadcelinayaa Khubarrada ka soo qeyb gashay shirka isla markaana tallooyinka wax ku oolka ah bixiyey.
11. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Bankiga Adduunka oo mashruuca Badmaal – Somali sustainable Fisheries Development (SSFD) iyo sidoo kale kooxda gacanta ku heysa maamulka mashruuca.