Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo kaalmo siiyay qoysas danyar ah

Qoysaska ka faa’ideystay deeqdaan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin caawimaadda uu Safiirka soo gaarsiiyay ee loo sameeyay, iyagoo u mahadceliyay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay fududeynta iyo bixinta deeqdaan.

Sidoo kale Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Imaamka Al Azhar Al Sheikh Dr:Ahmad al Tayyib, Bankiga Cuntadda Masar iyo dowaldda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar ku nool.

Deeqdaan oo isugu jirtay Raashin iyo mid lacageed ayaa loogu talagalay in lagu afuriyo Qoysaska danyarta ah ee ku nool Qaahira, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddiga FEIT oo shahaadada guddoonsiiyay ilaa iyo afar mudane

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday in Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay maanta qaateen ilaa iyo afar mudane, kuwaasi oo kala ah.

  1. Cabdullahi Abuukar Xaaji (Carab) GSH#119
  2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar AS#35
  3. Xasan Budul Cali GSH#079
  4. Jaamac Taqal Cabbas GSH#230

Guddiga FEIT ayaa go’aamiyay in la siiyo Shahaadada Xildhibaan kasta oo maray habraaca doorashada lana soo doortay, iyada oo aan muddo loo qaban si ay uga qayb galaan doorashada guddoonka Baarlamaanka, bulshada Soomaaliyeedna ay hesho metalaad dhab ah oo gole joog ka noqota go’aamada masiiriga ah ee waddanka iyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray degmadda Ceelwaaq

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay ka socoto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada maamulkaas iyo maamulka magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynahu wuxuu goobjoog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay degmada Ceelwaaq, isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”

Boqorka Netherland oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya

Boqorka waddanka Netherland William Alexander ayaa qasrigiisa Magaalada The Heeg ku qaabilay Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi  oo loo magacaabay Midowga Yurub & waddamada la isku yiraa Benelux .

Danjire Yoonis oo la hadlay munaasabaddii soo dhoweynta kadib ayaa sheegay in ,isaga iyo boqor Wilyam ay muddo 25 daqiiqo ah ay wada qaateen wadahadal muhiim ah oo ku saabsanaa xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida xilligaan ay lama huraanka u tahay gacansdiinta dadka Soomaaliyeed.

Danjiruhu,wuxuuna intaasi ku daray inuu boqorka gaarsiiyay salaan uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], isna uu ka soo qaaday salaan taas la mid ah oo ku socotay Madaxweyne Farmaajo.

“Wixii maanta ka dhacay fagaaraha boqortooyada De Heeg waxay marqaati ka tahay jihada toosan ee ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya oo haatan soo kabaneysa” Ayuu yiri Danjire Yoonis.

Munaasabadan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxaa cutubyo ka tirsan ciidamada halkaasi , ay ku soo ban dhigeen ama ku garaaceen  muusikada astaanta u ah Qaranka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Kenya oo geeriyooday

    

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Emilio Mwai Kibaki ayaa maanta ku geeriyooday dalkaasi,isagoo gaaray da’da 90-ka,sida uu xaqiijiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Mwai Kibaki ayaa ahaa Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Kenya,weaxaana Mr,uhuuru uu sheegay in  hoggaamiyahaasi uu ahaa nin  wax badan u soo qabtay dalka iyo dadka.

Uhuuru ayaa yiri “waxaan madaxweynahaasi ku xasuusan doonaa in uu ahaa waddani u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa.

Tartanka Doorashada xildhibaanada oo ka socda Ceel-waaq

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in ay socdaan tartanka doorashada ee xildhibaanada ka mid noqonaya golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Tartankaan oo weli ka socda degmadaasi waxaa illaa hadda ku soo baxay xildhibaanada kala ah:-

1- C/dullaahi Abuukar xaaji (C/dullaahi Carab) ayaa ku guulwystay kursiga #HOP119.

2-Xildhibaan Aamino Xuseen Cali,ku guuleysatay kuriga hop HOP087.

3-Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji ku guuleystay kursiga #HOP065.

4- Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga #HOP102.

5- mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa ku guuleystay kursiha #HOP090.

 

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Ceel-waaq

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa maanta gaaray magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wafdiga oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmadaasi ayaa lagu wadaa in manta ay goobjoog ka noqdaan doorashada tartanka qaar ka mid ah 16-ka kursi ee gobolka Gedo.

 

Barakacayaal ku sugan Xudur oo helay deeq raashin ah

Boqol qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada xuddur ayaa helay deeq raashin ah oo ay soo uruuriyeen siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Deeqdaan Raashiinka oo ka kooban Bur Bariis Sonkor Saliid iyo Timir ,waxa isku soo dubariday kooox dhalinyaro ah oo isxilqaamay,iyadoo la lagaarsiiyey boqol qoys oo isugu jira barakacaal iyo luwo kale oo murugmaal  ah.

Ciise Aadan Nuur guddoomiyaha gudiga isxilqaan iyo Cali Aadan Axmed oo guddiga ka mid ah ayaa sheegay in deeqdaan aysan dabooli Karin baahida ay qabaan dadka barakacayaasha ah,sidaa aawadeed,waxa uu dalbadan in iyadoo la eegayo bisha ramadaan la kordhiyo samofalka loo sameynayo qoysaska ku barakacay abaaraha.

Senator Dubbe oo shaaciyay in uu u taagan yahay xilka guddoomiyaha Aqalka Sare

Senator Cisman Abokar Dubbe,ahma wasiirka warfaafinta XFS ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka  guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Senatorka oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka  ,waxa uu ka hadlay qorshahiisa hogaamineed ,isagoo xaqiijiyay in aqoonta iyo waaya aragnimada uu u leeyahay siyaasadda ay keeni karto in wax badan  oo horumar ah uu ku biiriyo maamulka Aqalka Sare.

Cisman Abokar Dubbe  ayaa intaa ku daray in Aqalka Sare ay horyaalaam waajibaad culus,sidaa daraadeedna ay lagama naarmaan tahay in la helo tababaer iyo aqoon guud oo lagu kordhiyo howlaha maamulkaasi.

Dubbe,waxa uu tilmaamay in uu ku shaqeyn doono daacadnimo iyo raadinta danta dadka iyo dalka,isagoo dhinaca kalena caddeeyay in aysan jirin cid kala goyn karta umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Puntlad oo sheegtay in ay guddi u saareyso shaqaaqo ka dhacday Gaalkacyo

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in la magacaabayo guddi u howlgala barista  cid kasta oo ka dambeysa ama lug ku yeelata fal waxashnimo ah oo ja dhacay magaalada Gaalkacyo.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa xaqiijiyay in cid kasta oo ku lug yeelata dhacdada Gaalkacyo laga Qaadi Doonaa Tallaabo Sharciga Waa faqsan”.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaaqada ka dhacday Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo.

Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug,ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay shaqaaqadaasi  oo uu dhaawac ka soo gaaray Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ,