Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Ceel-waaq

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa maanta gaaray magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wafdiga oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmadaasi ayaa lagu wadaa in manta ay goobjoog ka noqdaan doorashada tartanka qaar ka mid ah 16-ka kursi ee gobolka Gedo.