Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Midowga Afirka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faarax ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire kuxigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ms. Fiona Lortan.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho iyo xayndaabkiisa, Waxaan ergayga Midowga Afrika ay sheegtay in si dhow ula shaqaynayaa Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS Duran Farah ayaa sheegay in dhankiisa uu soo dhawaynayo Wada shaqaynta Saraakisha sare ee ATMIS iyo Midowga Afrika, waxanaa intaas uu ku daray in talooyin wax ku ool u ah Amniga Garoonka iyo Nawaaxigiisa la is dhaafsaday.

Ciidamada Galmudug iyo dad shacab ah oo howlgallo ka sameeyay koonfurta Mudug

Ciidanka Daraawiishta Galmudug , NISA iyo kuwa degaanka ayaa maanta howlgallo ka dhan ah Malleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ka sameeyay degaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa howlgalkaan ka fuliyay degaannada Hareeri dheere, Cimaamad sameena Gowrac iyo meelo kale oo dhamaan ka tirsan Koonfurta Mudug.
Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaysay ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay inay Maleeshiyaadku banneeyeen goobo badan oo ay kaga dhuumaalaysan jireen Koonfurta Gobolka gobolka Mudug.

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay kusoo baxday xildhibaan Sareedo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga Hop#154.
Kursiga doorashadiisa ayaa waxaa ku guuleysatay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla , kadib markii ay tanaasushay Musharaxii kale ee la tartamaayey oo ah Nasteexo Maxamed Yuusuf.
Sareeda ayaa heshay dhamaan cododkii ergadii soo xaadirtay goobta, iyagoo kalsoonida kusiiyay qaab gacantaag ah.

Jubbaland oo shaacisay 11 kursi oo dhawaan lagu dooranayo Ceelwaaq

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shaaciyay Magacyada Guddiga soo Xulaya Ergooyinka qaar ka mid ah Kuraasta Deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland

Janaraal Odawaa oo kormeeray xerada tababarka ciidanka ee TurkSom

aliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen, Odawaa Yuusuf Raage ayaa xalayto Kormeer ku tagay Kulliyadda Tababarka Ciidanka XDS ee Turksom.

Taliye Odawaa ayaa la afuray Saraakiisha Dugsiga Turksom iyo Leyli Saraakiil, isagoo u kuur galay Tabarrada ay qaataan ciidanka kuna dhiirageliyay in ay meeshooda ka sii wadaan dedaalkooda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Washington kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

Washington- Wasiirka wasaaradda  Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga qeybgalaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF, ayaa shirar miradhal ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Mudane Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga sameeyay barnaamijka Deyn Cafinta, Doorashooyinka dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Waaxda arrimaha Dibaddda Mareykanka. Wasiirka Beyle  ayaa sidoo kale kulamo d gaar gaar ah la qaatay xubno ka tirsan Hey’adda IMF iyo Hey’addaha kale dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u joogo magaalada Washington shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka, Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Hey’adda kale ee caalamiga ah.

Guddiga FEIT iyo SEIT Jubbaland oo ka shiray dardar galinta doorashada kuraasta deeggaan doorashada labaad ee Jubbaland

KISMAAYO- Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, guddiga Xallinta Khilaafadka EDRC iyo Guddiga SEIT Jubbaland ayaa shir wadajir ah ku yeeshay magaalada Kismaayo ee Xarunta KM ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa doorashada deeggaanka  labaad ee Jubbaland (Ceelwaaq) oo lagu wado in dhawaan la qabto si loo dhammeystiro 16 kursi ee ku dhimman Jubbaland.

Shirkan ayaa muujiyey diyaar garow aad u wanaagsan oo ku aaddan qabashada doorashada kuraastaas.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo digniin u diray Xubnaha kamid ah Guddiga FEIT

Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT waxaa uu baaq u dirayaa xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee kor ku xusan ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.

Qoraal guddiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay si wada ogol ah u qaateen go’aanka ay horay u soo saareen ee ahaa in doorashada 16 kursi laga wareejiyo Garbahaareey loona wareejiyo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Haldalka Guddiga ka soo baxay ayaa imanayay xili shalay xubno Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay tegeen degmada Garbahaare ee Xarunta Gobolka Gedo.

Shariif Maxamed Cabdalla oo qaatay Shahaadada murrashaxnimo ee Guddoomiyaha BFS

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah murrashixiinta ugu cad cad ee utartamaya qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta qaatay shahaaddada musharaxnimada ee xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Musharaxiinta ugu rajada wanaagsan, isla markaana noqon karo ninka xilligan hoggaamin kara Baarlamaanka 11aad, soona celin kara heybadii iyo sharafkii uu Golaha Shacabku lahaa.