Qaar ka mid ah murrashaxiinta guddoonka BFS iyo ku xigenadiisa oo shahaadadoodi murrashaxnimo qaatay

Guddiyada doorashooyinka guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad wada diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharrixiinta u tartameysa lixda kursi ee guddoonka BFS.

Musharixiinta Maanta la diiwaangeliyay waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed, Xildhibaan Saadaq C/laahi Cabdi, Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo u tartanay Guddoomiyaha ee Golaha Shacabka BJFS iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Murrashaxiinta u tartamaysa kursiga Hop154 oo Maanta la diiwaangeliyay

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed SEIT ayaa Shahaadad Musharaxnimada Gudoonsiiyey Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf oo ku Tartamaya kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop154.

Kursigaan ayaa ka mid ahaa kuraas hore loo qabtay balse doorashadiisa kadib waxaa soo baxday in aan loo marin habraacii saxda ahaa ayada oo guddiga doorashooyinka heer federaal ay amreen in lagu celiyo qabashada doorashada Kursigaan, waxana Doorashada kursiga la qaban donaa maalmaha soosocda.

Israa’iil oo maalintii Afaraad wado xanibaadda Masjidka Al-Aqsa

Maamulka Israa’iiliyiinta ayaa maalintii Afaraad sii wado xanibaadda ay ku hayaan dadka ku cibadeeysanayo Masjidka Al-Aqsa. xaaladda Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ayaa qarka u saaran in ay ka dhacaan isku hor imaadyo u dhaxeeya dadka reer Fastiin iyo Ciidamada Yahuudda.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa qaaday tallaabooyin ay ku dejinayaan xaaladda halkaas ka jiro, balse waxba kama suura galin oo dadka deegaanka ayaa xoog ku galay Masjidka Al-Aqsa oo ay ilaalinayaan ciidamadii qabsaday.

Guddiga Maamulka Doorashada Koonfur Galbeed oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada kursiga HoP#154

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey Jadwalka Doorashada kursiga HoP#154. oo dib loo dooranayo si loo waafajiyo habraaca guud ee doorashada dalak,degaan doorashadiisuna tahay Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal Guddiga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in 20-bishan la qaban doono Diinwaangelinta Qabashada arajida iyo lacag shubista Musharaxiinta,21-Apriil la qaban doono Doorashada kursiga.

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab

Howlgallo qorsheysan oo ay sameeyeen Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan ururka 84-aad, guutada 14-ka October ayaa waxaa lagu soo qabtay dhaqarqabe ka tirsanaa kooxda nabad diidka ee Alshabaab.

Hawlgalkan oo laga fuliyey degaano u dhow deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa waxaa ciidamada u suurta gashay inay Gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah argagixisada nabad diidka Al-Shabaab.

Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October labo xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo howlgalka hogaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhagarqabaha ay gacanta ku soo dhigeen uu argagixisada u qaabilsanaa qeybta Sahanka, sidoo kalena ay kuwadaan baaritaano dheeraad ah.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo soo gaaray muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana gegida diyuuradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaano katirsan labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin kala duwan kuwaas oo uu madaxwayne Kaariye gacan qaaday.

Madaxweynaha qoor-qoor waxaa ku wehliyay safar guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, xubno ka tirsan goleyaasha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay Muqdisho Mas’uuliyiinta DFS inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS  iyo qaar ka mid ah goleyaasha Puntland, Aqoonyahan iyo waxgarad.

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay guddoomiyaha Gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Galmudug u magacaabay Cilmi Cali Cabdi.

Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu markii ii arkay khibrada shaqo ee Cilmi Cali Cabdi uu u magacaabay guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furtay waaxda Qalliimada ee Isbitaal Banaadir oo ay maalgalisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abuukar Nuur, ayaa maanta xariga ka jartay waaxda Qalliimadda ee Isbitaal Banaadir oo ay maalgalisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Saallooyinkan oo lagu fulin doono qaliimada ay u baahan yihiin bukaanada soo booqda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir islamarkaana shaqeyn doonta Afar iyo Labaatanka Saac ayaa waxaa dib u habeyn iyo qalabeynba ku sameysay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waxaana munaasabad kooban oo lagu daahfurayey ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Maamulka Isbitaal Banaadir, dhaqaatiirta Isbitaal Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa sheegtay in dayactirka saaladan ay qeyb weyn ka qaadan doonto howlaha baaxada leh ee ay bukaanada u hayaan.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fei Shengchao, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerida Isbitaal Banaadir oo la xusuusto inay dhiseyn sanadkii 1977.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abuukar Nuur, ayaa safaarada Shiinaha ee Soomaaliya uga mahadcelisay dib u habeynta Saalada Qalliinka ee Isbitaal Banaadir, waxeyna dhinaca kala ku baaqday maamulka Isbitaalka inay il-gaar ah ku hayaan waaxyaah sucub iyo guud ahaan hayo Isbitaalka oo shaqo hufan u haya dadka bulshada ugu nugul.

Isbitaal Banaadir oo ay Dowladda dib u howlgalisay 6 February 2019 ayaa si maalinle ah u qaabila in ka badan Laba Boqol oo bukaan oo isugu jira Hooyo iyo dhallan kuwaas oo si bilaasha loo dabiibo.

Ciidanka xoogga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Dhagarqabe ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay howlgallo qorsheysan oo ururka 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen degaano u dhow deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada hoose.

Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October labo xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo howlgalka hogaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhagarqabaha ay gacanta ku soo dhigeen uu argagixisada u qaabilsanaa qeybta sahanka, sidoo kalena ay kuwadaan baaritaanno dheeraad ah.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale burburiyay maxkamad beenaadyo ay argagixisadu si dhuumaaleysi ah ugu baadi jireen shacabka ku nool tuulooyinka ay tageen ee gobolka Shabeellada Hoose.