Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay Muqdisho Mas’uuliyiinta DFS inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada muqdisho iyo Gobolka Banaadir.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS iyo qaar ka mid ah goleyaasha Puntland, Aqoonyahan iyo waxgarad.