Guddiyada doorashooyinka oo billaabay shahaado siinta murashixiinta guddoonka labada Aqal ee BFS

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo ku xigeennadiisa ayaa manta shahaadada murashaxnimo guddoonsiiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana Nuug) oo u sharaxan xilka Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha shacabka ayaa isna qaatay Shahaadada Musharaxnimo.

Sidoo kale, Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa shahaadada Murashaxnimo guddoonsiiyay Senator, Ilyaas Baddel Gabboose oo u taagan xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka sare.

Guddiyada labada Aqal ee BFS ayaa weli wada diiwaan gelinta iyo Shahaado siinta xubnaha u tartamaya hoggaanka labada Aqal.

Xaflad lagu soo bandhigay Buugga Mangalool ee uu qoray Wasiir Dubbe oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Waxaa xalay magaaladan Muqdisho lagu soo bandhigay Buugga Mangalool oo uu qoray Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dr; Cismaan Abubakar Dubbe.

Munaasabadda oo ay ka qayb galeen madax ka tirsan golayaasha dowladda, bahda qalinleyda iyo marti sharaf ayaa waxaa ugu horreyn ka hadashay Ugbaad Cabdi oo ka mid ahayd qaban-qaabiyayaasha xafladda daah-furka, waxanay sheegtay in Buugga uu diiradda saarayo tacaddiyada ay Hooyadu kala kulanto mararka qaarkood Ubadkeeda iyo miisaanka ay hooyo leedahay.

Ugbaad ayaa intaa ku dartay in Buugga uu qoray Wasiir Dubbe uu si wacan u dul istaagayo dhallinyarada maanka laga xado ee iyagoon wax baran loo adeegsado siyaabo qabdan iyo dareenka ay ka muujineyso Hooyada ay dhibaatadaasi soo wajahdo, isagoo ku cabbiraya hab Suugaaneed.

Siyaasi, Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa Wasiir Cusmaan Abuubakar Dubbe ku tilmaamay Shaqsi lagu illaawi kara Suugaan yahannada waaweyn ee Soomaaliya, wuxuuna ku sifeeyay dhaxal u yaal da’da haatan nool iyo jiilalka dambe.

Qoraaga Buugga Mangalool, Prof; Cusmaan Abuubakar Dubbe ayaa ugu dambayn sheegay in ujeeddada Buuggan ay tahay adkaynta milgaha Af-Soomaaliga iyo in uu dhaxal u reebo jiilasha dambe.

Sheekh Aadan Madoobe oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee qaata shahaadada musharaxnimada.

Sheekh Aadan Madoobe oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee qaaata shahaadada musharaxnimada.
Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta bilaabay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labada kuxigeen. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa noqday musharixii ugu horreeyay ee is diiwaan galiya oo qaata Shahaadada Musharaxnimada.
Bartamaha toddobaadka dambe ayaa lagu wadaa in la doorto Guddonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare oo maanta billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta

Guddiga doorashada guddoonka golaha aqalka sare ayaa manta oo Talaada ah billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka golaha Aqalka sare.

Qoraal kasoo baxay xalay guddiga ayaa lagu yiri ” Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare”.

Guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare oo maanta billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta

Guddiga doorashada guddoonka golaha aqalka sare ayaa manta oo Talaada ah billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka golaha Aqalka sare.

Qoraal kasoo baxay xalay guddiga ayaa lagu yiri ” Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare”.

Madaxweyne Qoorqoor oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Baddal Jaamac

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee kutimid Allaha u raxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo ay xalayto kooxo hubeysan ku dileen degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Galmudug ayaa si guud ugu tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyska, qaraabada iyo xigtada marxuumka, waxuuna Eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowza.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo ka qeyb galay Shirka Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha

Wafdi uu hogaaminayo Mudane Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, ayaa ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya, waxaana ka qeyb galay Shirka Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee Carabta Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dowladaha Carabta.

Waxaa nasiib wanaag aheyd in Wadanka Soomaaliya loo doortay inay qabato Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid, waxuuna kala wareegay xilka Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dalka Mooritaaniya oo horay hogaanka u haayay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ooshir la qaatay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta shir la qaatay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud iyo kan Doorashooyinka oo maraya heer gabagabo ah.

Si gaar ah waxaa shirka diiradda loogu saaray sugidda amniga guud ee Caasimadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyo adkaynta amniga Murashixiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Soomaliya ee dalka Masar oo la kulmay dhigiisa dalka Burundi

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay Safiirka dalka Burundi Ambassador Malachie Rachid Niragira.

Kulanka ayaa ahaa is xog wareysi, waxa ay kawada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Burundi iyo sidii loo adkeyn lahaa iyagoo isku afgartay arrimo badan oo muhiim u ah labadda dal.

Madaxweynaha Iraan oo u hanjabay Israel

Madaxweynaha dalka iraan ayaa ku hanjabay inuu talaabo qaadi doono hadii Israel isku daydo ficilo ka dhan ah tehraan Isagoo ka hadlayay dhoolatus milateri oo lagu xusayay maalinta ciidamada qaranka Iraan ayuu sheegay in haddii ammaanka Iraan uu halis galo cadowga soo jireenka ah ee Israa’iil, ay ciidamadeeda qalabka sida si adag uga aargoosan doonaan.

Intii ay socotay xaflada ayaa ciidamada Iraan waxa ay dhoolatuska ku soo bandhigeen dhoolatuska ka dhacay duleedka magaalada Tehran ee caasimada dalka Iraan hub noocyadiisa kala duwan,diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa difaaca.

Todobaadki hore Raisi ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq Fu’aad Xuseen oo booqasho ku jooga Iraan in Iraan ay “si dhow ula socoto” ficillada Israel, isla markaana aysan u ogolaan doonin inay “khatar geliyaan amniga gobolka iyaga oo sii maraya waddan kasta”.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay weeraro isdaba joog ah oo lagu qaaday xarumaha muhiimka ah ee Nukliyeerka Iraan iyo dilkii tiro badan oo ka mid ah saynis yahano u dhashay Iraan.