Xubin katirsan Argagixisad Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee  Maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigeen Xubin katirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo ay sheegeen in  uu isku soo dhiibay ciidamad xoogga dalka ee sugan deganadaasi

Maxamed Maxamuud Fanax  ayaa ka howlgeli jiray Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, isla markaana muddo 5  sano ah uu la Shaqeeynayay Maleeshiyada Al-Shabaab, una qaabil sanaa jabhada

Maxamed Maxamuud Fanax oo si kooban ula hadalay Warbaahinta ayaa sababaha uu uga soo baxay argagixisada waxaa uu ku sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed islamarkan uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo Ciidmada xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahan Taliska qeybta 60-aad si wangsan koonfur Galbeed,islamarakan si wanaagsan loola dhaqmay.

Sarajiisha Qeybta 60 –aad aya si wanagsan u soo dhaweyay ninkani katirsana kooxaha argagixisada iyagoona xubnaha kale ee wali ku jira argagixsada ugu baaqay in ay isku soo dhibaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya islmarakan si gacma fuarn lo soo dhaweyn doono.

Wafdi ka socda Guddiga FEIT oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT Muuse Geelle ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha ayaa ah xal u helista tabashada Maamulka Koonfur Galbeed uu ka qabao hakinta gudiga doorashooyinka uu ku sameeyay saddex kursi oo kamid ah kuraasta lagu soo doortay Magaalada Baydhabo,waxana inta halkaa ay jogaan kulamo ay la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed six al looga gaaro tabashada jirta.

Shir ku saabsan Xoojinta amniga Gaalkacyo oo halkaasi ka dhacay

Shir looga arinsanayay xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo gaba gabeeyay xarunta madaxtooyada puntland ee magaalada Galkacyo

Shirkaan oo isagu ah mid sadaxdii biloodba hal mar lagu qabto Gaalkacyo isla markaana looga hadlo waxyabihii uga qabsoomay labada maamul qorshayaashooda la xariira sugidda amniga sii xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta ka dhaqan gashay Gaalkacyo ayaa maanta la iskula soo qaaday in la tayeeyo ciidamada isku dhafka Gobalka Mudug si loo dar dar galiyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada

Shirka oo intii uu socday ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Cabdullaahi Cabdi Salaam mas’uuliyiinta maamulka Gobalka iyo kuwa Degmada ee labada maamul saraakiisha amniga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee Puntiland Xasan Cabdullaahi Wardheere iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar iyagoo sheegay in shirka lagu gaaray in lasii laba jibaaro la dagaallanka argagixisada meel walba oo ay kaga sugan yihiin Gobolka iyo in la tayeeyo ciidamada wadaaga ee labada dowlad gobaleed iyagoo dhanka kalana u mahad celiyay ciidamada Amniga Qaranka ee mar kasta kala shaqeeya Sugidda Amniga iyo Nabadgelyada Gobalka Mudug

Shirka ayaa imaanaya xilli sanadihii u danbeeyay ay muuqatay wada shaqeyn dhan walba ah oo u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland taasoo keentay in Gaalkacyo ay ka mid noqato magaalooyinka ugu amniga iyo Nabadgelyada badan Dalka.

Mareykanka oo Ruushka uga digay isticmaalka Hubka kiimikada ah

ka dib markii ay soo baxeen warbixin ku saabsan in Ciidamada Ruushka ay horay u isticmaaleen Hubka kiimikada ah inta uu socday dagaalka Ukraine, ayaa keentay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu markale Ruushka kaga digo adeegsiga Hubka Kiimikada ah ee halista badan.

Saraakiil Maraykan ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa u sheegay Wargeeyska Politico inay diyaariyeen warbixinno ku saabsan suurtogalnimada in Ruushka uu damacsanyahay in uu isticmaalo hubka kiimikada ah.

Hirshabelle: Guddiga xulista Ergada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lashaaciyay

Guddiga doorashada Maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga xulista Ergada labo kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Jowhar.

Labada Kursi ee la Shaaciyay Guddiga soo xulaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ayaa kala ah Hop#106 iyo HoP#024 oo dhawaan doorashadooda la qabanayo.

Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhaarinta Xildhibaannada cusub oo muqdisho ka socota

Waxaa Muqdisho socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhaarinta xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Berri oo ku began 14-ka bisha April ayaa lagu wada in xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad lagu dhaariyo xerada Afisiyooni ee Muqdisho.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heeer federal ee FIET, ayaa ku wargaliyay dhamman xildhibaannada labada gole ee qaatay shahaada xildhibaannimo inay yimadan Hoolka Teendhada ee Afisiyooni oo ah halka ay ka dhici doonto dhaarinta Xildhibaannada.

In ka badan 200 Mudane oo qaatay shahaadada rasmiga ee xubinnimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka. Xildhibaannada deggaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan Shahaadada marka laga reebo saddex xildhibaan halka maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ay ku harsan yihiin kuraas kamid golaha shacabka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda XFS oo qaabilay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Dalka soo gaaray.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee soomaaliya Axmed Macalin Xasan iyo saraakiil kale, waxaana looga hadlay iskaashi dhexmara labada Hay’adood ee Duulista Rayidka ah u qaabilsan Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda ah Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in muhiimad ay u leedahay iskaashiga duulimaadyadda Rayidka iyo Horumarintiisa, waxaana intaas uu ku daray in ka Soomaaliya ahaan Xariirada Hay’adda duulista rayidka ee Caalamka uu kor u kacay tan iyo markii maamulka hawadda ay Soomaaliya lasoo wareegtay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya Gatachow Mengiste ayaa dhankiisa uga mahad celiyay saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya sida ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in kulamada noocaan ah ay kor u qaadayaan iskaashiga labada Hay’adood iyo is-dhaafisga khibradaha Shaqo.

Maareeyaha guud ee hey’adda duulista rayidka oo garoonka Aadan Cadde ku soo dhawaeeyey wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Itoobiya

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Itoobiya. wafdigaan ayaa magaaladda Muqdisho u yimid howlo shaqo oo khuseeya adkeynta xiriirka labada Hay’addood.

Maareeyaha guud ayaana soo dhaweyn ka timid kulan la qaaday wafdiga, socdaalka wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Itoobiya ayaa ku qotoma wada shaqeyn dhex marta labada hey’adood iyo sidii loo adkeyn lahaa xariirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA SANNAD GUURADA 62-aad EE AAS-AASKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 62-Aad ee Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo bandhigeen dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey waxa uu ka warramay muuhiimadda ay leedahay xuska 12-ka Abriil, taariikhda iyo mabaadi’da uu u aasaasan yahay Ciidankeenna geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Munaasabadda 12-ka Abriil waa maalin weyn oo ku suntan gobannimo iyo dowladnimo. Waa maalintii la aasaasay Ciidankeenna Geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah astaan qarannimo iyo midnimo, oo u taagan difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka warbixiyey dadaalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib-u-dhiska Ciidanka, joogtaynta xuquuqdiisa iyo soo celinta haybaddii uu lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan laga wada qayb qaato dadaallada dib-u-dhiska ciidanka iyo xoraynta dalka.

“Markii aannu xafiiska nimi, ciidanku ma lahayn gal iyo diiwaan sugan toona, taasoo horseedday in la musuqmaasuqo xuquuqda ciidanka. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas, waxaannu guud ahaan Ciidanka ku samaynay tirakoob iyo diiwaangelin casri ah. Waxaannu kor u qaadnay tababarrada, qalabaynta, tayaynta iyo kordhinta tirada ciidanka. Kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa tababarro heerkoodu sarreeyo ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibadda. Sidoo kale, waxaa kor loo qaaday miisaaniyadda ciidanka, iyada oo la kordhiyey lana jooogteeyey mushaharka Ciidanka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka, difaaca Xuduudaha dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada caadeysatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiidday iyo kuwii u dhaawacmay difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaarihii Hore Mudane Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada, Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socotay saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Waxaan ugu hambalyeynayaa sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda sanad guurada 62aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay CXDS.

Ciidanka Xoogga Dalku waa astaanta qaranka ee geesnimada iyo nafhurnimada, waana kuwa habeen iyo maalin dhaxanta iyo kuleylaha u taagan, dhiiggoodana u daadiya in ay dalka iyo dadkaba ka difaacaan cadowga gudaha iyo dibadda.

Ciidanka Xoogga Dalka waxaan ku bogaadinayaa howsha adag ee uu qaranka u hayo waxaanna u rajeynayaa guulo joogto ah, anigoo ku boorrinaya in uu sii laba jibbaaro dadaalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.