Guddiga Doorashooyinka heer federaal oo shaaciyay waqtiga la qabanayo dhaarinta Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa qoraal ay soo sareyn ku sheegay in maalinta khamiista oo ah 14-Apriil ay tahay maalinta la qabanayo  Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub,waxa ayna xildhibaanda ku wargaliyeen in saacadu markay tahay 10:00AM ay isugu yimadaan Hoolka Teendhada ee Afisiyooni oo ah halka ay ka dhici doonto dhaarinta

Guddiga ayaa xildhibanada ka codsaday in ay ilaaliyan waqtiga islamarakan ay u soo diyaar garowaan Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub oo sida Jadawalka ahaa lagu balamay in la dhaariyo 14- Apriil oo ku began Maalinta khamiista ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabada 12ka april oo ku beegan Sanad Guuradii 62-AAD Ee kasoo wareegatay Aas aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo dib-u- heshiisiinta Jeneraal Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda ee Ciidanka Xoogga Dalkeenna iyo xaasaskooda 62-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Waxaan marnaba la ilaawi karin geesiyaashii ku shahiiday ilaalinta sharafka Ummadeena iyagana Waxaan Allah uga baryaynaa inuu janadiisa ku galadeysto,inta dhaawaca ahna caafimaad ayaan Allah ugu baryayaa,Caruurtii ku agoomowdayna waxaan u rajeynayaa Daryeel Insha allah.

Ugu Dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed sida ay naftooda ugu huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Dalka, si muwaadiniinta soomaliyeed ay Nabad ugu naaloodaan Dalkooda, isagoona Wasiirka u rajeeyay guul iyo horumar.

Ciidanka Xoogga oo maanta u dabbaaldegay sanadguuradii 62-aad

12-ka April waa maalin weyn oo ka mid ah maalmaha qaran ee shacbiga Soomaaliyeed ay u dabbaaldegaan xuska maalinta ciidanka xoogga oo ah munaasabad lagu soo bandhigo  taariikhda iyo raadadkii  dhaxalka ahaa ee ay ka tageen dadkii iyo kooxihii u soo halgamay midnimada iyo difaaca dalka.

Inkastoo xuska sanadkaan uu u muuqda mid ku soo beegmay xilli kala guur ah, haddana,ujeedka guud ee munaasabaddaan ayaa ah in la muujiyo qiimaha iyo awoodda gaarka ah ee ay leeyihiin Ciidamada Xoogga oo marna ah difaacayaasha dalka,mrna ah badbaadiyaasha shacabka.

 Aasaaskii ciidanka

1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii ugu horeysay ee loo howlgalay aasaaska iyo dhismaha ciidamo habeysan oo u qalma,gaar ahaan  in lagu aamino dalka iyo guud ahaan ka qeybgalka howlgalada ciidan ee qaaradda,iyo kan  gobolka.

Xooga dalka waa cududda koowaad ee uu ku faano  qaranka ,waana ciidan u habeysan ilaalinta nidaamka dowladnimo, iyadoo su gaar ah loogu idmaday in ay sugaan madaxbanaanida,qaranimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 Dhismaha ciidanka

 Guud ahaa ciidanka xoogga oo mararka qaar loogu yeero ciidanka qalabka sida waa kuwo u tababaran  difaaca dalka ,waxaana loo qeybiyaa ciidamada cirka,dhulka iyo badda,asal ahaanna waxay ku dhismeen dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhismaha hoggaanno badan oo loo sameeyay ciidanka ,ayaa ka mid ahaa waxyaabaha suurtagaliyay in kor loo qaado xirfadaha shaqo iyo aqoonta kale ee lagu dhisayo mooralka ciidanka.

Hoggaanada ciidanka

Ciidanka xoogga ,waxa uu leeyahay hoggaanno fara badan oo qabta shaqooyin wax ku ool ah oo looogu talagalay fududeynta adeegyada aan looga maarmin howlaha ciidanka,waxa ayna kala yihiin hoggaanadaasi:-

1-Hoggaanka   Maaliyadda.     2-Hoggaanka   Saadka.

3-Hoggaanka   Tababarada.    4-Hoggaanka   Dab damiska.

5-Hoggaanka   Caafimaadka    6-Hoggaanka   Isgaarsiinta.

7-Hoggaanka   Dhismaha.       8-Hoggaanka   Gaadiidka.

9-Hoggaanka  Nabad-sugidda.   10- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

11- Hoggaanka barista dembiyada.    12-Hoggaanka  Ilaalinta waddooyinka iyo kuwoo kale.

Waxaa markhaati ma doonto ah in ciidamada xoogga ay ahaayeen kuwo awood badan oo xilliyadii berisamaadka ee u dhexeeyey 1964- 1977-dii soo hooyay guullo taariikhi ah, ka dib markii ay baadigoob u galeen xal u helidda dhulal ama deegaanno dhowr ah oo ka maqnaa dalka.

Illa hadda,qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadii hore ee Soomaaliya ayaa fikrad ahaan qaba in xoogga dalka oo xilli ahaa  awoodda sadexaad ee qaaradda Afrika ay dabooleen baahi weyn oo loo qabay dhinacyada,1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeyb-qaadashada horumarada kale ee ka socday dalka .

 Xilligii soo kabashada

Waxaa xaqiiqo ah in dagaaladii sokeeye ee dhacay 1991-dii ay saameyn ku yeesheen qeybaha ciidanka,waxaana la tilmaamaa in burburkii ka hor tirada askarta Soomaaliya ay gaarayeen illaa 300 boqol oo kun oo ka diiwaangashanaa nuucyada ciidanka boliiska,kuwa mileteriga,guulwadayasha iyo asluubta.

Nasiib wanaag, labaatankii sano ee u dambeeyay waxaa lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirrigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka shaqo ee ciidanka xoogga iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa marxaladdaan adage e lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan bulshada  oo xilligaan sugaya ama u hanqal taagaya in ay gaaraan mustaqbal wanaagsan oo ifiya danahooda.

Gabagabadii anagoo ka faa’ideysaneyna xuska 62-aad ee ka soo wareegay aasaaskii ciidanka xoogga,aawadeed,waxaan dhambaal hambalyo ah hawada u marineynaa dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda iyo dableyda iyo  xaasaskooda meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/Qoray Shiroos

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo wada Shahaada siinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya:

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay wali wada Shahaada siinta xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya,iyadoo wali xarunta guddiga ay soo gaarayaan xildhinnada aan wali qaadan Shahaadada sii ay u qaataan.

Xildhibannada ugu horeyay ee maanta qaatay Shahaadad waxa kamid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ahna musharrax Madaxweyne Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ku guuleysatay Kursiga Hop#262 & Xildhibaan Caasho Koos Maxamuud Cumar oo iyana loo doortay Kursiga Hop#211.

Guddiga aya wali wada diiwaangalinta iyo shahaada siinta  xildhibaannada,iyadoo la filayo in ilaa Galabta ay wadaan howsha bixinta Shahaadad.waxan goobta ay howsha ka socoto ku sii qul qulayo xildhibaanna doonayo in ay qataan Shahaadad xildhibanimo ee Xildhibaannada Baarlaamnka 11-aad Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya.

 

Ciidamada dowladda oo sameeyay howlgal lagu baadi goobayo Dad dilal ka geystay Shabeellah Hoose

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 64 aad guutada 7aad ee qeybta 12ka April ayaa howgal qorsheysan oo lagu baadi goobayo maleeshiyaad dil u geystay  laba qof oo shacab xoolaley ahaa  ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ciidamadu sigaar ah uga fuliyeen degaannada Baladul Amiin, Fulaay, Dudumaay iyo Awroobow halkaas oo lagu tuhmayo maleeshiyada dilka geysatay

Taliyaha ururka 64 aad guutada 7aad ee qeybta 12ka April dhame Cali Cabdulaahi Halac ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku jiraan howlgal iyo baaris lagu doonayo in sharciga lagu horkeeno dadkii falkan geystay.

Ciidanka daraawiishta Galmudug oo bur buriyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen argagixisada

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Godyaanyo ee Koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada ayaa howlgalkaan ku burburiyay gaari walxaha Qarxa ay ka soo buuxiyeen meeshiyaadka Al shabaab, sidoo kale, ciidamada ayaa howlgalkaas ku dilay xubno ka tirsan argagixisada.

Saraakiisha Daraawiishta iyo kuwa deegaanka Qararow ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u xaqiijiyay inay howlgalkaan xalay saqdii dheh dhacay.

Ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa laba jibaaray qorshaha lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Qaraxyo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka XDS iyo Kuwa Galmudug oo maanta la qarxiyay

Qaraxyo todobaadkii hore lagu qabtay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qarxiyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada qeybta 21-aad oo todobaadkii hore duleedka Guriceel ku qabtay gaari siday qaraxyadaan iyo ragii waday ayaa maanta goob fagaare ah ku qarxiyey, si dhibkooda looga badbaadiyo bulshada.
Ciidanka xoogga dalka ayaa 5-tii bishaan gacanta ku dhigay gaari Probox ah oo lagu soo raray miinooyinka maanta la qarxiyey iyo laba nin oo dooneysay inay gudaha u geliyaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Howlgal uu hoggaaminayey Taliyaha ururka 72-aad, guutada 15-aad ee qeybta 21-aad, Gashaanle Axmad Daahir Cabdulle ayaa lagu fashiliyey dhagartaas ay cadowgu la maaganaayeen bulshada reer Guriceel.
Labadii nin ee argagixisadu ay u soo dhiibtay qaraxyadaas ayaa ku xiran xabsi dhexe ee degmada Guriceel, waxaana lagu wadaa in maxkamad lasoo taago, markii lasoo gabagabeeyo baaritaanada iyo dabagalka ku socda cidii la waday dhagartaan iyo halka uu bartilmaameedkoodu ahaa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan foggaan arag ah la qaatay Midowga Musharixiinta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya, dhaarinta xildhibaannada iyo dhammeynta arrimaha turxaan bixinta u baahan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.
Waxa uu Ra’iisu Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaannada loo dhaqan geliyo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaannadu dhici doonto 14-ka April oo ah xilligii loo qorsheeyay.
Dhanka kale Midowga Musharrixiinta ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dhammeystirka doorashooyinka, waxa ayna hoosta ka xarriiqeen in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.
Midowga Musharaxinta ayaa sidoo kale ku celiyay taageeradooda go’aankii XFS ay dalka kaga ceyrisay ergaygii Midowga Afrika Francisco Madiera oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.

Ciidanka daraawiishta Galmudug oo bur buriyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen argagixisada

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Godyaanyo ee Koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada ayaa howlgalkaan ku burburiyay gaari walxaha Qarxa ay ka soo buuxiyeen meeshiyaadka Al shabaab, sidoo kale, ciidamada ayaa howlgalkaas ku dilay xubno ka tirsan argagixisada.

Saraakiisha Daraawiishta iyo kuwa deegaanka Qararow ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u xaqiijiyay inay howlgalkaan xalay saqdii dheh dhacay.

Ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa laba jibaaray qorshaha lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda

Maxamed Tawane Cabdi iyo Deeqow Ibraahin Cabdale oo ka wada tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan dgmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada Luuq ayaa soo dhoweeyay labadani ruux ee ka soo goosatay argagixisada, waxayna la soo baxsadeen hubkii ay ku howlgali jireen.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa dowladda federaalka Soomaaliya isu soo dhiibay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirka gurracan ee ururkaasi.