Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk, halkaasi oo ay ku naf wayeen ugu yaraan 50 qof, halka ku dhaawacmeen  ku dhawaad 400 oo qof.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 45-aad, Iyadoo dalalka reer galbeedka ay sii wadaan inay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Moscow, in kastoo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky  uu dib u cusbooneysiiyay dalabkiisa ku aaddan inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa Beydka Alle.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegtay tirada Xujeyda sanadkan  la gaarsiin doona hal milyan oo Xujey ah oo ka imaanaya gudaha iyo dibadda Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo la raacayo qoondada loo kala qorsheeyay Waddamada Caalamka.

ciidamada xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanada xeebta ee gobolka Jubbada hoose

Ciidanka xooggga dalka ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo maleeshayada  Al-shabaab ka fuliyay deegaanada xeebaha dhaca ee gobolka Jubbada Hoose.

Deeganadan sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay ayaa kala ah, Bernaasi, Cusbo, Bernaa, Istanbuul ,Jaamac Caraale iyo Kooyaamo, waxaana howlgalku intuu Socday Ciidanku ay cagta mariyeen goobo ay gabaad Ka dhiganayeen kooxaha Nabad-diidka ah ee Al-shabaab

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah argagixisada inta laga ciribtiro lana soo afjarayo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somaliland oo madaxda Qaranka uga mahadceliyay gurmadka Suuqa Waaheen

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda sare ee dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka sheegay kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa 8-Milyan oo doollar ayaa wuxuu ugu mahadnaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu sheegay in ay khadka taleefanka uga tacsiyadeeyeen dhibaatadii qabsatay Shacabka Somaliland oo hantidoodii ku waayey dabkii dhowaan qabsaday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Federaalka dhaqaalo ay ku kaabtay dadaalka lagu doonayo in dib u dhis loogu sameeyo suuqa magaalada Hargeysa ee Waaheen,wuxuuna ku bogaadiyay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Ganacsatada gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland.

Washington oo gargaar milatari ugu deeqday Kiev

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken, ayaa ku dhawaaqay in Washington ay siin doonto Kiev 100 milyan oo doolar oo gargaar difaac ah, si ay uga hortagto duulaanka Ruushka.

” waxaan fuliyay, amarkii madaxweyne Joe Biden, ee ku saleeysnaa in la dadajiyo bixinta kaalmo amni oo dhan 100 milyan oo doolar si loo daboolo baahida Milatari ee Ukraine,” ayuu Blinken ku yiri qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay saqdii dhexe ee xalay.

Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal oo maalintii Shanaad ka socota Muqdisho

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa maalintii shanaad wada bixinta shahaadada xildhibaanadda labada gole ee lasoo doortay.

Xarunta ay ka socoto Shahaado siinta Xildhibaannada ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal, kuwaas oo Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo la siinayo.

Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran:

1. Samira Maxamud Haji AS#51
2. Saynab Ismail Mohamed AS#45
3. Mohamed Abdi Osman AS#49
4. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
5. Farhan Ali Hussein AS#47
6. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
7. Mohamed Farah Nur GSH#192

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Gaari siday waxyaabaha qarxa

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay gacanta ku dhigaan Gaari siday waxyaabaha qarxa, kaas oo ku wajahnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ururka 72-aad guutada 15-aad ee qeybta 21-aad, Gashaanle Axmad Daahir Cabdulle oo hoggaaminayay howlgal aya sheegay in ku soo qabteen gaari noociisa lagu sheegay Probox oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, garigaas iyo laba nin oo wadatay ayaa ciidamadu u dhaadhiciyeen xabsiga degmada Gurceel, waxaana socda baaritaano iyo dabagal lagu ogaanayo bartilmaameedkii kooxdaas.

Sidokale sarakiisha Amniga Galmudug oo qayb ka ahayd howlgalka ayaa sheegay in xog ay heleen ay suurta galisay in gacanta lagu dhigo gaariga iyo ragii la socda oo la doonayay in Shacabka lagu dhibateeyo

Kumaandooska Danab oo hawlgalo qorsheysan ka sameeyey Gobollada Shabeelaha Dhexe & Shabeelaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Hawlgalo Qorshaysan Maalmihii uu dambeeyey ka waday Degaano ka wada tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe & Shabeelaha Hoose.

Degaanadan Hawlgalku ka dhacay ayaa kala ah jameeco jiliyaale, Gamboole, Fiidow, Kiliga shiinaha, Dhiingaras, Shaan & Duduble halkaas oo ay argagixisada Alshabaab ku lahayeen Fariisimo ay ku dhibaatayn jireen Dadka Shacabka ah.

Kumaandooska xoogga dalka ee danab waa awooda sida tooska uga hortagta dhagaraha cadowga.

Hawlgalkan ayaa Waxa si wada Jira U fuliyey Ururada 4/7 aad Ee Guutada 16-aad kumaandooska Danab Xoogga Dalka Somaliyeed.

18 Xildhibaan oo kamid ah mudaneyaasha laga soo doortay Puntland oo goordhow la siiyay shahaadada Xildhibaannimo

18 xildhibaan oo kamid ah mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay dowlad Goboleedka Puntlad ayaa goordhow qaatay shahaadada Xildhibaannimo.

Gudiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyey in 18 mudane oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Puntland inay siiyeen shahaadadooda Xildhibaannimo.

  1. Maxamed Aadan Diini HOP#036
  2. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) AS#50
  3. Saciid Cali Muuse HOP#027
  4. Ismaaciil Shire Jaamac HOP#142
  5. Cabdiqani Maxamuud Maxamed HOP#075
  6. Cabdiqani Geelle Maxamed AS#44
  7. Cabdullaahi Faarax Mire HOP#228
  8. Cabdullaahi Maxamed Jaamac HOP#191
  9. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) AS#53
  10. Farxiya Yusuuf Cumar HOP#121
  11. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed Cali GSH#128
  12. Cali Xaaji Daahi Saleymaan GSH#220
  13. Khadra Axmed Maxamed GSH#174
  14. Sadaam Maxamuud Cabdi (Jabeer) GSH#158
  15. Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir) GSH#221
  16. Cali Mahdi Maxamed GSH#169
  17. Caynaanshe Yuusuf Xuseen GSH#222
  18. Maxamed Cabdulqaadir Maxamed GSH#190

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ugu baaqay in Xildhibaannada maqan inay si deg deg ah u yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaadada Xildhibaanimo.

Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal oo maalintii Afaraad ka socota Muqdisho

Gudiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maalintii Afaraad oo xiriir ah waxaa ay magaalada muqdisho ka wadaan Shahaado siinta Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ku dhawaad 160 xildhibaan ayaa qaatay shahaadada rasmiga ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Sido kale waxaa barbar socda qaadashada kaararka Aqoonsiga Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xarunta ay ka socoto Shahaado siinta Xildhibaannada ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal, kuwaas oo Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo la siinayo.

Xildhibaanada labada aqal ee maanta qaaday shahaadada xildhibaannimo waxaa kamid ah:

Cabirashiid Maxamed Xidig HOP#072

Saciid Maxamed Cali HOP#093

Iftiin Xasan Iimaan Baasto AS#04

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag AS#02

Saadaq Cumar Maxamed Saadaq Joon HOP#248

Cusmaan Cali Yuusuf HOP#198

Muusa Suudi Yalaxow AS#17

Cabdixakiin Macalin Axmed AS#13

Qaali Cali Shire HOP#060

Sadiiq Cabdullaahi Cabdi HOP#092

Maryan Faarax Kaahiye HOP#008

Axmed Maxamed Saciid AS#41

Mahdi Maxamed Guuleed HOP#239

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ugu baaqay in Xildhibaannada maqan inay si deg deg ah u yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaadada Xildhibaanimo.