Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka 11-aad

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar, ayaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga hirgalin doorashooyinka heer Federaal ayaa maalintii Afaraad  wada shahaado siin Xildhibaanada cusub Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ku dhawaad 160 xildhibaan ayaa qaatay shahaadada rasmiga ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wax ka yar sagaal maalin ayaa ka harsan waqtiga shahaado siinta xildhibaanada, 14-ka bishaan ayaa la dhaarinaya xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya sida ku cad jadwalka dhammeystirka dooorashada ee uu soo saaaray Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT.

Maamulka gobolka Banaadir oo awaamiir kusoo rogay gaadiidka waaweyn

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar adag kasoo saaray Baabuurta xamuulka ah ee ku xad gudubta bilicda wadooyinka Caasimadda gaar ahaan Baabuurta Sidda Qashinka iyo agabyada dhismaha.
Agaasimaha guud ee Bilic soo celinta iyo Nadaafada gobolka Banaadir Sharmaarke Cadow Tuuryare oo Shir jaraa’id qabtay ayaa Warbaahinta la wadaagay amarka soo baxay.

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Baladweyne.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Baladweyne u tagay horraantii sanadkan xallinta tabasho ay qabeen qaar ka mid ah bulshooyinka gobolka Hiiraan iyo qabashada doorashada kuraasta maamulka Hirshabeelle ee degaan doorashoodu tahay Baladweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa inuu gudo galo qabashada lix kursi oo ka tirsan BFS, kuwaas oo ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa JFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa Abuukaate Mohamed Hussein Haamud oo safar shaqo ku jooga Mareykanka ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee Washington DC.
Guddoomiyaha ayaa xarunta safaaradda kula kulmay danjiraha safaaradda Mudane Cali Shariif Axmed iyo howl wadeenada safaaradda.
Guddoomiyaha ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan isla markaana kula dardaarmay in lagu dadaalo hufnaanta shaqada.

Maamulka iyo waxgaradka degmada Marka oo ka wada hadlay adkaynta amniga

Guddoomiyaha degmada Marka, Cabdillaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay inay muqaddas tahay sugidda ammaanka magaalada Marka cid kastana uu xil ka saaran yahay, isagoo bulshada qeybaheeda kala duwanna ka codsaday inay kala shaqeeyaan adkaynta nabad gelyada iyo is-dhexgalka.

Mudane, Waafoow oo ka hadlay kulan ku aaddanaa sugidda amniga iyo xaaladda dadka barakacayaasha oo lagu qabtay magaalada Marka ayaa Odayaasha iyo wax garadka degmada ugu mahad celiyay garab istaagga iyo wada shaqaynta ay u muujiyeen.

Guddoomiyaha degmada Marka, Cabdillaahi Cali Axmed Waafoow ayaa si weyn ugu adkeeyay in laga wada shaqeeyo is-dhexgalka bulshada iyo sidii amniga loo adkayn lahaa maaddaama lagu gudo jiro bil Ramadaan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Marka iyo daafaheeda, kuwaas oo ay saamaysay abaarta ku dhufatay qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

RW Rooble oo xubinnimadii ka xayuubiyey xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayeyaasha guud ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee illaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray
1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir
2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf
Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay xubnaha kala ah:
1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4. Axmed Aadan Dagaal
5. Sacdiyo Xasan Xuseen

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in baaris deg deg ah lagu sameeyo isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddiga FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddigu wado, waana in taliyuhu mas’uuliyad gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal.

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo mareysa heer gebogebo ah.

Dowladda Jarmalka oo Ruushka ku eedaysay inuu dambiyo dagaal ka geystay dalka Ukraine

Dowladda Jarmalka ayaa ku eedaysay Ruushka inuu dambiyo dagaal ka geystay dalka Ukraine,Chancellor Scholz ayaa sheegay in dalalka reer galbeedka ay ka wadahadli doonaan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin dheeri ah ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in gabood fallo ka dhaceen magaalooyinka Bucha iyo Ayhan Şimşek.

Jarmalka ayaa sheegay in tobanaan qof oo rayid ah, kuwaas oo isugu ku jira haween, caruur, iyo dad waayeel ah lagu dilay magaalooyinkan,iyadoo ku baaqday in si weyn loo baaro dambiyadda dagaal ee ay galeen ciidamada qalabka sida ee Ruushku.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa ugu baaqay ururada caalamiga ah Axadii in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo diraan dalka khubaradooda si ay u soo ururiyaan cadaymaha dambiyada dagaal ee ay gaysteen ciidamada Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda iska fogaysay eeddahan loo jeedinayo Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayey ku beenisay in ciidamadooda ay dileen dad rayid ah, xilli ay ka baxayeen magaalooyinka ku dhow Kyiv.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa dhintay halka afar kalana ay dhaawacmeen ka dib shir gaari oo saakay ka dhacay degaan lagu magacaabo Yaka-yeeka oo katirsan Karkaar -puntland

Shilka gaari ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca sida ay uxaqiijiyeen Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Puntland .

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka Telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi ayaa la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa isagoo u muujiyay sida uu u garab taaganyahay dadkii Shacabka ahaa ee ku hanti beelay suqaasi

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale kulan la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed isagoo kala hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii uu baabi’iyay dabkii weynaa ee ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, waxana kulankasi looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo Beledweyne lagu qabanayo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta lagu wada in Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku qabanaya doorashada kursiga Hop#39, kaas oo jadwalkiisa ay xalay shaaciyeen.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa  soo saaray liiska guddiga soo xulaya Ergada iyo jadwalka kursiga HOP#039.

Kursigaan ayaa doorashadiisa la filayaa in maanta ka dhacdo Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.